Pakistan oo sheegtay inay "wax kasta u sameyn doonto" difaaca Sacuudi Carabiya

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Afhayeenka militariga Pakistan ayaa sheegay in dalkiisu uu "tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah qaadi doono" si uu u difaaco Sucuudiga, xilli boqortooyada ay wajahaysay weerarro sii kordhaya oo uga imanaya kooxda Xuutiyiinta ee Ansaarullaah ee Yemen.
Xuutiyiintu waxay toddobaadkan sheegeen in deegaanada ay ka taliyaan Yemen ay mar kale duqeeyeen diyaaradaha Sucuudiga, halka Riyaad ay ku eedaysay Xuutiyiinta inay isku dayeen inay diyaarad aan duuliye lahayn ku bartilmaameedsadaan magaalada barakeysan ee Makkah.
Afhayeenka militariga Pakistan, Ahmed Sharif Chaudhry, ayaa wareysi uu Khamiistii siiyay Arab News ku sheegay:
"Waxaan gaari doonnaa heer kasta oo loo baahan yahay si loo ilaaliyo labada Masjid ee barakeysan iyo Boqortooyada Sucuudiga."
Chaudhry wuxuu intaas ku daray: "Pakistan waxay si adag ula garab taagan tahay Sucuudiga, dhinacyada diblomaasiyadda iyo militarigaba."
Bishii hore, Pakistan, Sucuudiga iyo Turkiga ayaa saxiixay heshiis loo yaqaan "Heshiiska Makkah ee Difaaca Wadajirka ah", kaas oo saddexda dal ku waajibinaya mabda'a is-difaaca haddii midkood la weeraro.
Hase yeeshee, heshiisku weli macnaheedu ma aha in mid ka mid ah saddexda dal uu si toos ah uga qayb geli doono dagaal uu mid ka mid ah dalalka kale la galo.
Sucuudigu wuxuu Arbacadii Xuutiyiinta ku eedeeyay inay isku dayeen inay diyaarad aan duuliye lahayn ku bartilmaameedsadaan magaalada Makkah.
Xuutiyiintu way beeniyeen eeddaas, waxayna dhankooda sheegeen inay soo rideen diyaarad dagaal oo nooca F-15 ah oo ay leedahay Sucuudigu, taas oo ku duulaysay hawada gobolka Ma'rib ee Yemen.
Iska-horimaadyo dhiig ku daatay iyo tobanaan qof oo la dilay
Dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda Yemen iyo Xuutiyiinta ayaa 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay lagu dilay ugu yaraan 63 qof, halka Sucuudigu uu sheegay in qof uu u dhintay firir ka dhashay diyaarad aan duuliye lahayn, taasoo ahayd markii ugu horreysay tan iyo markii uu dagaalku dib u billowday.
Dhanka kale, Hay'adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa sheegtay in dagaalladii ugu dambeeyay ay gudaha Yemen ku barakiciyeen ugu yaraan 112,000 oo qof, halka ku dhowaad 3,000 oo qof ay badda uga qaxeen Yemen una gudbeen Jabuuti.
Sarkaal militari oo ka tirsan dowladda Yemen ee uu taageero Sucuudigu ayaa sheegay in "23 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda lagu dilay weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo Xuutiyiintu qaadeen, iyo sidoo kale dagaalladii ka dhacay gobollada Taiz iyo Lahj 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay."

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhanka kale, ilo ka tirsan kooxda Xuutiyiinta ee Ansaarullaah ayaa sheegay in "40 dagaalyahan lagu dilay duqeymo cirka ah oo Sucuudigu ka fuliyay Taiz iyo dagaallo ay kooxda la gashay ciidamada dowladda ee gobolkaas."
Sucuudiga, nin Yemeni ah ayaa ku dhintay, halka laba muwaadin oo Pakistani ah ay ku dhaawacmeen, kaddib markii firir ka dhashay diyaarad aan duuliye lahayn oo Khamiistii lagu qabtay magaalada Taif uu ku dhacay dhulka.
Sida ay sheegtay Hay'adda Difaaca Madaniga ah ee Sucuudiga, dhismayaal iyo gaadiid dhowr ah ayaa sidoo kale waxyeello soo gaartay.
Telefishinka Al-Masiirah ee ay maamulaan Xuutiyiintu ee Yemen ayaa sheegay in duqeymo Sucuudigu Khamiistii ka fuliyay magaalada Abs uu k dhintay hal qof, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen. Waxa kale oo uu sheegay in weerar kale lagu bartilmaameedsaday saddex taawar oo isgaarsiineed oo ku yaalla gobolka Taiz.
Sidoo kale Khamiistii, saddex carruur ah ayaa lagu dilay duqeyn, halka dad kalena ay ku dhaawacmeen. Xuutiyiintu waxay duqeynta ku eedeeyeen ciidamada dowladda Yemen, iyagoo sheegay in bartilmaameedku ahaa tuulada Al-Tarirah ee degmada Al-Waziyah.
Wararkan waxaa baahiyay telefishinka Al-Masiirah oo xiriir la leh Xuutiyiinta.
Dhanka caalamka, Midowga Yurub ayaa Khamiistii sheegay inuu "si buuxda ula garab taagan yahay" Sucuudiga, taageero iyadoo ay sii socdaan weerarrada Xuutiyiinta, wuxuuna kooxda Yemen ugu baaqay inay "joojiso dhammaan howlgallada militari."
Afhayeenka Midowga Yurub, Anwar Al-Announi, ayaa yiri: "Midowga Yurub wuxuu si buuxda u garab taagan yahay Boqortooyada Sucuudiga."
Wuxuu intaas ku daray: "In la bartilmaameedsado dadka rayidka ah iyo kaabayaasha rayidka ah waa wax aan la aqbali karin. Waxaan Xuutiyiinta ugu baaqaynaa inay joojiyaan dhammaan howlgallada militari."
Dhanka kale, magaalada xeebta ah ee Jeddah ayaa Khamiistii martigelisay shirkii afaraad ee qorsheynta isbahaysiga caalamiga ah ee difaaca badda, iyadoo ay ka qeybgaleen wakiillo ka kala socday 41 dal, oo ay ku jiraan dalal xubno ka ah Midowga Yurub, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Sucuudiga.
Wasaaradda ayaa sheegtay in shirka uu qayb ka yahay "u gudbidda isbahaysiga marxaladdii dhismaha una gudbidda shaqo dhab ah", kaddib markii uu gaaray heerka bilowga ah ee awoodda hawlgalka.
Waxay intaas ku dartay in isbahaysigu hadda ku jiro marxaladda isku-dubaridka awoodaha iyo diyaarinta fulinta hawlgallada, iyo in si dhab ah looga howlgalo goobta hawlgallada badda.















