TOOS, Seeriga bixiya digniinta weerarada oo markii ugu horeysay laga maqlay Caasimadda Sacuudiga ee Riyaad
Hay’adda Difaaca Madaniga ah ee Sacuudiga ayaa sheegtay in magaalada Riyadh laga hawlgeliyay nidaamka digniinta hore iyo seeriga xaaladaha degdegga ah.
Tebin toos ah
Afar calaamadood haddii aad indhahaaga ku aragto booqo dhakhtar
Intee in le'eg ayaa laga joogaa markii kuugu dambeysay ee aad booqatay dhakhtarka indhaha?
Dr. Mark T. Dunbar, oo loo aqoonsaday mid ka mid ah dhaqaatiirta indhaha ee ugu fiican Ameerika ahna agaasimaha adeegyada indhaha ee Basquim Palmer Eye Institute ee Jaamacadda Miami, ayaa ku talinaya in qofka ay tahay in qiimayn iyo baaritaan uu indhahiisa ku sameeyo sannad kasta.
Trump: Dagaalka Iran dhawaan wuu soo dhammaan doonaa
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Trump
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale sheegay in dagaalka Iran uu dhawaan soo dhammaan doono, isaga oo saadaaliyay in qiimaha shidaalkuna hoos u dhici doono marka dagaalku dhammaado.
“Dadku ma doonayaan in Iran ay hesho hub nukliyeer ah, waadna garanaysaan waxa ay doonayaan... Dagaalkani dhawaan ayuu dhammaan doonaa, marka uu dhammaadana qiimaha shidaalku wuxuu ku noqon doonaa halkii uu markii hore joogay, ama xitaa ka hooseeya,” ayuu yiri Trump xilli uu ka hadlayay munaasabad caafimaad oo ka dhacday Aqalka Cad.
Isaga oo ka hadlayay adeegsiga diyaaradaha wax duqeeya ee B-2 oo lagu weeraray xarumaha nukliyeerka Iran, Donald Trump ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in tallaabo militari ay lagama maarmaan ahayd si looga hortago in Tehran ay hesho hub nukliyeer ah.
“Doorasho kale ma aanan haysan,” ayuu yiri. “Waxaan kooxdayda u sheegay inaan tallaabo ka qaado Iran, sababtoo ah haddii aynaan diyaaradaha B-2 ku weerarin, waxay heli lahaayeen hub nukliyeer ah.”
Trump ayaa maalmihii u dambeeyay dhowr jeer sheegay saadaal la mid ah oo ku saabsan dhammaadka dagaalka iyo qiimaha tamarta. Arbacadii ayuu sidoo kale sheegay in marka uu dagaalku dhammaado, qiimaha shidaalku si degdeg ah hoos ugu dhici doono.
Maraykanka iyo Denmark oo heshiis ka gaaray amniga Greenland
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Denmark
Maraykanka iyo Denmark ayaa ku dhawaaqay heshiis ku saabsan amniga Greenland, taas oo soo afjartay khilaaf diblomaasiyadeed oo ka dhashay hanjabaado uu madaxweyne Donald Trump ku sheegay in Maraykanku xoog kula wareegi karo dhulkaas.
Trump ayaa sheegay in heshiisku siinayo Maraykanka “gacan-ku-hayn joogto ah oo ku saabsan arrimaha amniga iyo dhammaan baahiyaha kale” ee Greenland.
Ra’iisul Wasaaraha Denmark ayaa sidoo kale sheegay in heshiisku “xoojinayo amniga gobolka Arctic iyo Waqooyiga Badweynta Atlantic”, balse ma uusan faahfaahin qodobada gaarka ah ee uu Trump ku sheegay qoraalkiisa baraha bulshada.
Heshiiskan ayaa yimid kaddib sannado uu Trump ku hanjabayay inuu “la wareegayo” Greenland, isaga oo arrinta ku sababeeyay amniga qaranka. Hanjabaadihiisa ayaa xoogga saaray muhiimadda istiraatiijiyadeed ee gobolka, gaar ahaan dhinaca difaaca, iyo sidoo kale khayraadka macdanta ee ku jira.
Trump ayaa qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ee Truth Social ku sheegay in heshiisku “wax kharash ah aanu Maraykanka ugu kacayn”, isla markaana uu Maraykanka u oggolaanayo inuu qaado “tallaabo kasta oo loo baahdo” si “loo xaqiijiyo loona ilaaliyo amniga Greenland.”
Washington Post: Tirada askarta Mareykanka ee ku dhimatay dagaalka Iran ayaa ka badan tan Pentagon-ku shaaciyay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah askarta la dilay
Wargeyska Washington Post ayaa Jimcihii sheegay, isaga oo soo xiganaya lix sarkaal oo Mareykan ah, in tirada askarta Mareykanka ee ku dhimatay dagaalka Iran ay ka badan tahay tirada uu si rasmi ah u shaaciyay Pentagon-ka.
Wargeysku, oo soo xiganaya shan sarkaal oo xog-ogaal u ah tirada gudaha ee Wasaaradda Difaaca Mareykanka, ayaa sheegay in ugu yaraan 22 askari oo Mareykan ah ay ku dhinteen dagaalka.
Tiradaasi waxay afar askari ka badan tahay tirada ku jirta diiwaanka rasmiga ah ee Pentagon-ka.
Seeriga digniinta weerarada oo markii ugu horeysay laga maqlay Riyaad
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Riyad
Hay’adda Difaaca Madaniga ah ee Sacuudiga ayaa sheegtay in magaalada Riyadh laga hawlgeliyay nidaamka digniinta hore iyo seeriga xaaladaha degdegga ah.
Tani waxay noqotay digniintii ugu horreysay ee noocan ah ee laga bixiyo caasimadda Sacuudiga tan iyo markii uu sii xoogaystay dagaalka u dhexeeya Sacuudiga iyo Xuutiyiinta Yemen.
Digniinta ayaa timid saacado kadib markii afhayeenka milatariga Xuutiyiinta uu sheegay in ay fashiliyeen waxa uu ku tilmaamay “falal dambiyeed” oo ka dhacay magaalada Sanca. Waxa uu falalkaas ku eedeeyay Sacuudiga, isaga oo sheegay in laga jawaabi doono.
Hay’adda Difaaca Madaniga ah ee Sacuudiga ayaa markii dambe, subaxnimadii Sabtida, sheegtay in xaaladdu caadi tahay.
Xuutiyiinta oo gacanta ku haya deegaannada ugu dadka badan Yemen iyo inta badan waqooyiga dalka, ayaa tan iyo markii Riyadh bishii July ku dhawaaqday go’doomin dhinaca badda ah, weerarro ku qaaday Sacuudiga iyo maraakiibta Sacuudiga ee ku sugan Badda Cas.
Xuutiyiinta ayaa tan iyo toddobaadkii hore si degdeg ah ugu sii fidayay dhulka Yemen, iyaga oo la wareegay dhammaan xeebaha Yemen ee ku teedsan Badda Cas.
Waxay sidoo kale sheegeen in diyaaradaha dagaalka Sacuudigu maalmihii u dambeeyay boqollaal duqeyn ah ka fuliyeen deegaannada ay Xuutiyiintu gacanta ku hayaan.