Qoys walaalkood dilay kadibna godka suuliga ku tuuray oo la qabtay 11 sano kaddib

Xigashada Sawirka, Getty Images
Gobolka Hadiyya ee bartamaha Itoobiya, ayaa lagu xiray dad lagu tuhunsan yahay inay walaalkood dileen, kadibna maydkiisa ku tuureen godka musqusha ama suuliga.
Dhacdadan ayaa la sheegay inay dhacday 11 sano ka hor, waxaana uu booliisku BBC u sheegay inay qabteen xubno qoyska ka tirsan oo lagu tuhunsan yahay dilka, kadib markii ay heleen xog ku saabsan kiiska.
Dettaamoo Ergodoo Cali ayaa la dilay sannadkii 2007-dii, waxaana meydkiisa lagu tuuray godka suuliga.
Booliiska ayaa sheegay in 11 sano kadib ay qabteen lix qof oo looga shakisan yahay dilka, kuwaas oo ay ku jiraan hooyada dhibbanaha iyo saddex ka mid ah walaalihiis, iyo sidoo kale dad kale.
Taliyaha Saldhigga Booliiska magaalada Homachoo ee gobolka Hadiyya, Kormeere Addisuu Zakkiyoos, ayaa BBC uga warramay sida dhacdadani 11 sano u qarsoonayd iyo waxa baaritaanka booliisku ku ogaaday.
"Qofka looga shakisan yahay ayaa maxkamadda hor yimid, wuxuuna qirtay inuu dembiga geystay isaga oo aan cidina ku qasbin, isla markaana uu maxkamadda ka sheegay runta.
Mid ka mid ah walaalihiis ayaa sidoo kale qirtay in dembigu dhacay sannadkii 2007-dii.
Waxay sheegeen cidda ka qayb qaadatay dembiga iyo waxa qof kasta uu sameeyay. Inkastoo aan la hayn xog cad oo ku saabsan waxa ay xilligaas isku khilaafeen, "waxaan u malaynaynaa inay arrintu la xiriirtay dano gaar ah," ayuu yiri.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wuxuu intaa ku daray in dhibbanaha iyo dadka looga shakisan yahay dilka ay yihiin dad ay isku qoys ah.
Meydka ayaa lasoo saaray si ay khubarro dhanka baaritaanka meydadka ah u baaraan. Natiijada baaritaanka ayaa marka ay soo baxdo lagu ogaan doonaa faahfaahin dheeraad ah, balse wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in dilku dhacay xilli habeen ah.
"Waxaa jira waxyaabo muujinaya in lagu dilay goobtii uu jiifay. Aniga oo ah sarkaal baarista dambiyada ah, waxa aan fahmay waa in markii meydka la soo saaray, surwaalkiisii uu weli ku dhegganaa lafihiisa iyo meesha uu yaallay.
Dilka waxaa looga shakisan yahay xubnaha qoyska. Qaar ka mid ah dadkaas ayaa qirtay cidda dembiga geysatay iyo sida loo fuliyay.
Waxaan sidoo kale isku daynay inaan soo uruurinno caddeymo deegaanka ah. Waxaa jiray cabsi gelin loo sameeyay dadka si aan xogtu u faafin. Tusaale ahaan, mid ka mid ah walaalaha dhibbanaha ayaa sheegtay in loo digay si aysan uga hadlin arrinta," ayuu yiri sarkaalka booliisku.
Sidaas darteed, mid ka mid ah caddeymaha deegaanka ee aan u adeegsanay dhacdadii xilligaas ayaa ahaa hadalka ay bixisay walaashii dhibbanaha.
Sarkaalka ayaa sheegay in sidoo kale ay jirto caddeyn uu bixiyay mid ka mid ah eedeysanayaasha oo ku saabsan sida dembiga loogu geystay dhibbanaha. Sida uu sheegay, dhibbanaha ayaa dhowr jeer madaxa iyo lugaha laga garaacay ilaa uu ka dhintay.
Markii aan weydiinnay sida uu dembiga 11 sano qarsoonaa ugu dambayn ku soo gaaray booliiska, Kormeere Addisuu wuxuu sheegay in sirta dilka ay soo baxday kadib markii xubno ka tirsan qoyska looga shakisan yahay dilka ay murmeen, xilligii ay is aflagaadeynayeenna ay sirtii bannaanka timid.
Haweeneyda uu qabo mid ka mid ah dadka looga shakisan yahay ayaa wax ka ogayd sirta ku saabsan dilka dhacay. Maalin maalmaha ka mid ah ayay arrin ku saabsan isku khilaafeen oo ay murmeen.
"Markii dadka looga shakisan yahay ay haweeneydaas kula murmayeen, waxay ku yiraahdeen: 'Walaalkaa waad dishay oo waad qarisay, waxaan kugu qasbi doonaa inaad qoddo oo aad soo saarto.' Dad kale oo goobta joogay ayaa hadalkaas maqlay, xogta ayayna noo soo gudbiyeen," ayuu yiri kormeeruhu.
Booliisku waxay sheegeen in xogtaas kadib ay baaritaanka bilaabeen, iyadoo hooyada dhibbanahana ay ka mid noqotay dadka looga shakisan yahay.
"Markii la dilayay, waxay dooratay inay aamusto oo ay oggolaato in la aaso. Markii la dilay ee meydka lagu tuurayay godka musqusha, waxaa looga shakiyay inay iyaduna qayb ku lahayd," ayuu yiri.
"Waxaa la tuhunsan yahay in toddoba qof, oo ay ku jiraan hooyada iyo carruurteeda, iyo sidoo kale ilmo-adeerro, ay dembiga ku lug lahaayeen.
Mid ka mid ah dadka looga shakisan yahay dalka kuma sugna. Caddeymaha aan hayno waxay muujinayaan inuu Koonfur Afrika aaday kadib markii dembiga la geystay. Waxaan gacanta ku dhignay hooyadii, labo ka mid ah carruurta walaalkeed iyo saddex ka mid ah walaalihiis, kuwaas oo wadar ahaan lix qof ah."
Meydka ayaa si waafaqsan sharciga loo soo saaray, iyadoo ay qodeen oo soo saareen khubarro baarista meydadka. Kadib markii la soo saaray, waxaa marka hore la xaqiijiyay in lafuhu yihiin kuwo bani'aadam ah, ka dibna baaritaan ayaa lagu sameeyay.
Qofka la dilay iyo sida uu dilku 11 sano u qarsoonaa
Ninkan la dilay wuxuu ahaa nin dhallinyaro ah. Booliisku waxay sheegeen in dadka looga shakisan yahay dilka ay horeyba u dhibaateyn jireen wiilka.
"Intii aanan magaalada imaan oo aan ka shaqeynayay booliiska degmada, waxaan ogaa in sannadkii 2006 walaalihiis ay wiilkan xirxireen.
Waxay u muuqataa in dhammaan qoysku ay wiilka dhibaateyn jireen, taasina ay sababtay inay qariyaan xogta ku saabsan dembiga.
Markii dembigu dhacay, xog ayaa la gaarsiiyay mas'uulkii deegaanka ee xilligaas. Qofkii xogta helay ayaa shakiyay oo tagay, wuxuuna weydiiyay: 'Xaggee ayuu joogaa?' Waxay markaas ku guuleysteen inay xogta qariyaan iyagoo sheegay inuu ku biiray ciidamada milatariga oo uu baxay."
Sidaas darteed, Kormeere Addisuu wuxuu sheegay in sirta dilka ay soo baxday kadib markii laba ka mid ah walaalaha dhibbanaha ay haweenkooda isku khilaafeen.















