Suuriya ma ku dhoweyd inay dhisto Xarun nukliyeer ah xilligii Assad?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ku dhowaad labaatan sano kadib markii Israa'iil ay burburisay "xarun nukliyeer oo dhismaysay" oo ku taallay gobolka Deir Ezzor ee Suuriya, barnaamijkii qarsoodiga ahaa ee nukliyeerka dalkaasi ayaa mar kale noqday arrin muran dhalisay.
Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka (IAEA) ayaa sheegtay in Suuriya, xilligii madaxweynihii hore Bashar al-Assad, ay ku dhowaatay inay yeelato awood ay ku soo saarto walxo nukliyeer ah oo loo adeegsan karo si toos ah samaynta hub nukliyeer ah.
Agaasimaha guud ee IAEA, Rafael Grossi, ayaa shir jaraa'id ku sheegay in reactor-ka laga helay Deir Ezzor uu ku dhowaaday inuu dhammaystirmo, isla markaana uu ahaa mid si heer sare ah u shaqayn kara oo awood u lahaa soo saarista walxaha nukliyeerka ee loo isticmaalo hubka nukliyeerka.
Grossi si cad uma uusan sheegin in ujeeddada reactor-ka ama matoor nukliyeer Suuriya ay ahayd soo saarista hub nukliyeer ah. Hase yeeshee, wuxuu shirkiisa jaraa'id ee Vienna ku adkeeyay in mas'uuliyiintii Suuriya ee xilligaasi ay si cad "u doonayeen in dunidu aysan ogaan waxa ay samaynayeen."
Wuxuu intaas ku daray:"Waxaan ognahay in, marka la eego naqshadda iyo astaamaha farsamo ee noocan reactor-ka ah, uu yahay xarun si heer sare ah ugu habboon soo saarista walxaha nukliyeerka ee loo isticmaali karo si toos ah samaynta hub nukliyeer ah."
Hay'addu waxay sannadkii 2011 sheegtay in goobtaasi ay "u badan tahay" inay ahayd reactor nukliyeer ah oo la dhisayay, iyadoo la sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay ka caawinaysay dhismaha.
Grossi ayaa sidoo kale sheegay in baaritaanno la sameeyay ay xaqiijiyeen jiritaanka qiyaastii 73 tan oo uranium dabiici ah, kuwaas oo intooda badan ku jiray qaab "shidaal reactor" ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Grossi ayaa 18-kii August ee sannadkan ku qoray barta X: "Waxaan xaqiijinay jiritaanka dhowr tan oo uranium dabiici ah oo, kaas oo ku jiray goob aan la shaacin oo ku taalla bannaanka Dimishiq."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wuxuu intaas ku daray in heshiis lala gaaray dowladda Suuriya, kaas oo dhigaya in walxaha aan hore loo shaacin dib loo baaro, lana geliyo nidaamka kormeerka iyo ilaalinta caadiga ah ee hay'adda.
Grossi ayaa xilligaas sheegay in hay'addu sidoo kale booqatay goob lagu kaydinayay tiro badan oo garaafiit ah, oo ah walax lala xiriiriyay hawlihii hore ee nukliyeerka ee Deir Ezzor. Wuxuu dowladda Suuriya uga mahadceliyay "iskaashigeeda wax-ku-oolka ah."
Hadallada Grossi ayaa yimid maalmo kadib markii Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka ay daabacday warbixin sheegtay in xarumihii laga helay Deir Ezzor ay waafaqayeen astaamaha iyo naqshadda reactor nukliyeer ah.
Dowladda Suuriya ee hadda jirta ayaa sheegtay inay doonayso inay bilowdo bog cusub oo iskaashi hufan oo ay la yeelato Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka, si wax looga qabto arrimaha nukliyeerka ee aan weli la xallin ee laga dhaxlay dowladdii hore.
Wafdi ka socda IAEA oo uu hoggaaminayay Grossi ayaa sidoo kale bishii August booqday Suuriya, kadib markii dowladda ay casuuntay. Sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Suuriya, wafdigu wuxuu booqday goobta Deir Ezzor iyo goob kale oo la xiriirta walxo nukliyeer ah oo dhowaan laga helay Suuriya.
War-saxaafadeedka ayaa sheegay in Suuriya ay arrimahan "si iskeed ah" ugu soo gudbisay hay'adda, maadaama ay aaminsan tahay in hufnaanta buuxda ee arrimaha nukliyeerka ay qayb muhiim ah ka tahay doorka Suuriya ee xasilloonida iyo amniga gobolka.
Marka laga soo tago matoorka nukliyeerka ee dhismihiisu socday, hay'addu waxay ku dhawaaqday inay sidoo kale aqoonsatay goob lagu diyaariyo shidaalka nukliyeerka iyo 73 tan oo ah uranium dabiici ah; kuwaas oo 55 tan oo ka mid ah ay u kaydsanaayeen qaab ulo shidaal ah, inta kalena ay ahaayeen qashin.
Ku dhowaad labaatan sano ka hor, habeenimadii 6-dii September 2007, dunidu waxay ku toostay war ku saabsan duqeyn cirka ah oo uu fuliyay weeraryahan aan la aqoon, taas oo burburisay xarun aan la garanayn nooca ay ahayd.
Xaruntaasi waxay ku taallay deegaanka Kebr, oo ku yaalla hareeraha webiga Furaat, duleedka gobolka Deir Ezzor ee Suuriya.
Warbaahinta Israa'iil ayaa xilligaas werisay in Israa'iil ay ka dambaysay weerarka, isla markaana diyaaradaha ay bartilmaameedsadeen xarumo qarsoodi ah oo Suuriya leedahay, kuwaas oo la sheegay in loo diyaarinayay kobcinta uranium-ka iyadoo ay ka caawinayeen khubaro ka socotay Kuuriyada Waqooyi.
Hase yeeshee, Israa'iil si rasmi ah uma aysan sheegan mas'uuliyadda weerarka.
Suuriya waxay sidoo kale beenisay in goobta la weeraray ay ahayd xarun nukliyeer ama in reactor halkaas laga dhisayay. Waxay sheegtay in dhismaha uu ahaa xarun milatari oo laga tagay ama saldhig milatari oo dhismihiisu socday.















