Waa kuma Xaafid Ameir? Ninka daaha gadaashiis ka maamulayay Tanzania?

Madaxweynaha Tanzania iyo seygeeda

Xigashada Sawirka, Social

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Tanzania iyo seygeeda
Published
Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Xaafid Ameir Hassan, oo ah seyga Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan, ayaa shalay ku geeriyooday Isbitaalka Kumbukumbu ya Emilio Mzena ee dalka Zanzibar, halkaas oo lagu dabiibayay, September 7, 2026.

War-saxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne Ku-xigeenka Tanzania, Deogratius Ndejembi, ayaa lagu sheegay in Xaafid uu la tacaalayay xanuunka wadnaha, isla markaana uu geeriyooday abaare 2-dii aroornimo.

Madaxweyne Ku-xigeenku, isagoo tacsida u diraya, wuxuu yiri:

"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha sharafta leh, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan shacabka Tanzania geeridan murugada leh darted, iyadoo diyaar-garowga aaska uu ka socdo Kizimkazi."

Hase yeeshee, inkastoo uu ahaa seyga Madaxweynaha Tanzania, Xafaid Ameir Hassan ma uusan ahayn shaqsi si weyn loogu arki jiray ama uga soo muuqan jiray goobaha bulshada.

Muddo sanado ah, wuxuu ku noolaa nolol gaar ah oo ka fog muuqaalka siyaasadda iyo indhaha warbaahinta. Xitaa mararka uu ka soo muuqan jiray qaar ka mid ah munaasabadaha ay xaaskiisu ka qeyb galeyso, ma ahayn qof is muujiya.

Rehema Mema, oo ah falanqeeye u dhalatay Zanzibar, ayaa Xaafid ku sifeysay inuu ahaa nin xasilloon, gacan furan, islamarkaana aan jeclayn in indhaha bulshada soo qabato.

"Waa aabe aan jeclayn in la arko, hanti badan leh, deggan, deeqsi ah, oo aan hammin jirin wax weyn," ayay tiri.

Sida ay qabto Mema, aamusnaantiisaasi waxay keentay in Xaafid uu noqdo shaqsi aanay dadka reer Tanzania intooda badan si qoto dheer u aqoon, inkastoo uu yahay seyga mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan dalka.

"Toban qof haddii aad weydiiso, waxaa dhici karta in hal qof oo kaliya uu garanayo. Sawirradiisa xitaa kama heleysid baraha bulshada. Wuxuu inta badan ku noolaa nolol ka fog iftiinka dadweynaha," ayay tiri.

Hafidh wuxuu ahaa khabiir ku takhasusay cilmiga beeraha, hadda wuxuu ahaa qof ka fariistay shaqadiisii. Wuxuu guursaday Samia Suluhu Hassan sanadkii 1978-kii, waxaana Alle ku siiyay afar carruur ah.

Ku dhowaad 50 sano ayay is qabeen.

.

Xigashada Sawirka, The Citizen via Tuco

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xilligii Xaafid uu ku guda jiray noloshiisa gaarka ah ee xasilloonayd, Samia waxay si tartiib tartiib ah u dhisaysay mustaqbalkeeda siyaasadeed, laga soo bilaabo markii ay ahayd xubin ka tirsan Golaha Wakiillada Zanzibar, kadibna ay noqotay Wasiir, Madaxweyne Ku-xigeen, ugu dambayna ay u gudubtay xilka ugu sarreeya ee Madaxweynaha Tanzania.

Safarkaas siyaasadeed ee dheer ayaa Samia ka dhigay qof si weyn ugu dhex muuqata indhaha iyo dareenka shacabka, halka seygeedu uu sii ahaa qof ka maamula daaha gadaashiis, oo ka fog buuqa iyo muuqaalka siyaasadda.

Sanadkii 2021-kii, markii Samia ay noqotay Madaxweynaha Tanzania, Xaafid wuxuu noqday 'mudanaha koowaad' o ah kii ugu horreeyay ee dalkaas taariikhdiisa soo mara. Inkasta oo uu xilkaas la wareegay, haddana uma uusan adeegsan si uu si joogto ah uga soo muuqdo munaasabadaha Madaxweynaha.

Inta badan kama soo ag-muuqan jirin Samia, iyadoo macluumaadka laga hayo noloshiisa gaarka ahna uu ahaa mid aad u kooban.

Waxaa carruurtooda ka mid ah Wanu Xaafid Ameir, oo ah siyaasi ah, Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Makunduchi, isla markaana ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Sayniska iyo Teknolojiyadda.

Xaafid Ameir ayaa shalay lagu aasay Kizimkazi, Zanzibar.