Qaylo-dhaan laga muujiyay dagaalka mar kale ka qarxay waqooyiga Itoobiya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ururka xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa muujiyay walaac uu ka qabo dib u soo cusboonaanshaha dagaallada u dhexeeya Ciidanka Difaaca Itoobiya iyo ciidammada Tigrayga ee ka socda gobolka Tigray, isagoo sheegay in arrintani ay dadka rayidka ah mar kale u muujinayso xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Agaasimaha Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, Tigeree Chagutaa, ayaa sheegtay in dagaallada dib u billowday ay khatar gelinayaan dad aan weli ka soo kaban dhibaatadii dagaalkii hore, isla markaana aan helin caddaalad.
War-saxaafadeed ay Amnesty soo saartay saddexdii August ayaa lagu sheegay in ururku sidoo kale uu daba-gal iyo diiwaangelin ku hayo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhacaya gobollada Amxaarada iyo Oromiya, kuwaas oo lala xidhiidhinayo iska horimaadyo u dhexeeya kooxo hubeysan iyo ciidammada dawladda.
Amnesty International ayaa ku baaqday in hay'adaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah loo oggolaado in ay si madax-bannaan u baadhaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhacaya Itoobiya.
Ururku wuxuu xusay in intii uu socday dagaalkii waqooyiga Itoobiya ee u dhexeeyay Nofeembar 2020 ilaa Nofeembar 2022, kaas oo ku dhammaaday heshiis nabadeed, uu ka tagay xadgudubyo aad u daran oo xuquuqda aadanaha ah, kuwaas oo badankood noqon kara dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.
Amnesty ayaa sidoo kale sheegtay in dawladda Itoobiya aanay ku filnayn baadhitaannada ku saabsan xadgudubyada dhacay, isla markaana aanay caadi ka dhigan in dadka lagu eedeeyo dambiyadaas sharciga la hor geeyo.
Ururku wuxuu ugu baaqay dawladda federaalka Itoobiya iyo maamulka Tigray in ay ilaaliyaan oo ixtiraamaan xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo xuquuqda dadka rayidka ah.
Kowdii bishan ayaa la soo sheegay in dagaal uu ka dhacay deegaanka Sharari ee galbeedka Tigray, kaas oo u dhexeeyay Ciidanka Difaaca Itoobiya iyo ciidammada Tigrayga. TPLF ayaa ku eedeysay dawladda Itoobiya in ay weerar ku qaadday ciidammadeeda, iyadoo sheegtay in dagaalku socday laga bilaabo subaxnimadii ilaa galabtii, inkastoo dawladda Itoobiya aanay arrintaas ka jawaabin.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida ay AFP sheegtay, boqollaal qof oo ka tirsan dadka reer Tigray ayaa dagaalkaas kaddib u qaxay dalka Suudaan.
Dawladda Itoobiya ayaa marar kala duwan ku eedeysay TPLF in ay la shaqeynayso Eritrea iyo kooxo kale oo aan dooneyn horumarka Itoobiya si ay dalka u qalalaaseeyaan. Dawladda ayaa sidoo kale sheegtay in Eritrea iyo kooxaha hubaysan ee Fano ay isu diyaarinayeen dagaal cusub.
Amnesty International waxay ku baaqday in hay'adaha caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo warbaahinta loo oggolaado inay si xor ah u galaan goobaha dagaalku saameeyay ee Tigray si ay baadhitaanno u sameeyaan, waxayna ugu baaqday beesha caalamka in ay arrintan kala hadasho dawladda Itoobiya iyo mas'uuliyiinta TPLF.
Ururku wuxuu sheegay in hay'adihii bilaabay baadhitaannada xadgudubyadii dhacay intii lagu jiray dagaalkii waqooyiga Itoobiya la hakiyay markii laga qaaday oggolaanshahoodii. Waxa kale oo uu xusay in guddigii khubarada Qaramada Midoobay iyo guddigii Midowga Afrika ee baadhayay arrimaha xuquuqda aadanaha ee Itoobiya ay joojiyeen shaqadoodii.
Amnesty International ayaa sheegtay in hakadka ku yimid geeddi-socodkii caddaaladda ku-meel-gaadhka ahaa ee ay dawladda Itoobiya bilowday uu sababay in dhibbanayaashu aanay helin caddaalad.
Dagaalkii labada sano socday ee waqooyiga Itoobiya ayaa sababay dhimashada ku dhowaad 600,000 oo qof, sida uu sheegay ergaygii gaarka ahaa ee Midowga Afrika, Olusegun Obasanjo.
Labadii bilood ee u dambeeyay, Amnesty International ayaa sidoo kale sheegtay in mas'uuliyiinta TPLF lagu eedeeyay inay xidheen warbaahinta madaxa-bannaan, iyo in ay si khasab ah u qoreen dad badan oo ay ku jiraan dhallinyaro si loogu tababaro ciidan ahaan, isla markaana waxay xaddideen dhaqdhaqaaqa shacabka iyo shaqooyinka hay'adaha xuquuqda aadanuhu ka hayaan aaggaasi.














