Masar oo madax CIA-da Maraykanka kala hadashay arrin ku saabsan Soomaaliya

Masar

Xigashada Sawirka, presidency.eg

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Madaxweynaha Masar oo kulan la qaatay madaxa Hay'adda Sirdoonka Dibadda Maraykanka ee CIA ayaa si cad ugu sheegay in dowladda Masar ay qaas ah u diidan tahay in lagu xadgubo madaxbanaani dhuleed iyo xuduudeed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, sida algu daabacay bogga rasmiga ah ee madaxtooyada dowladda Masar.

Kulanka oo labada dhinac isku soo hadal qaadeen arrimo dhowr ah ayaa sidoo kale dowladda Masar cadeysay "inay si buuxda u garab taagan tahay, una taagereyso dadaal kasta oo lagu doonayo in lagu xoojiyo amniga iyo xasiloonida Soomaaliya".

Madaxa CIA-da, John Ratcliffe oo sida lagu daabacay bogga madaxtooyada Masar hadlay inta kulankaan socday ayaa isna sheegay "in dalkiisu uga mahadnaqayo Masar kaalinta amni iyo xasilooni ee ay ku leedahay qaaradda Afrika".

Wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay isku-dubbaridka iyo wadatashiga joogtada ah ee u dhexeeya hay'adaha wadamada ay khuseyso ee Masar iyo Mareykanka, gaar ahaan marka la eego xiisadda Suudaan, xaaladda Soomaaliya iyo Geeska Afrikaba, iyo amniga badda ee caalamiga ah, sida lagu daabacay bagga madaxtooyada.

Masar

Xigashada Sawirka, presidency.eg

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen madaxda ugu sareysa dowladda Masar, sida madaxweyne Cabdifataax Elsisi, agaasimaha hay'adda sirdoonka Masar Hassan Rashad, iyo agaasimaha CIA-da Maraykanka John Ratcliffe, ayaa Axadii ka dhacay magaalada Qaahira.

Waxa ay dowladdu Masar sheegtay in uu ahaa mid lagu xoojinayo xiriirka labada dal, halka madaxweyne Elsisi-na uu sheegay in dowladdiisu ay aad u qiimeyneyso xiriirka mudada dheer soo jiray ee dalkiisa kala dhaxeeya dowladda Maraykanka.

Sida ay tabiyeen warbahainta Masar qaarkeed kulanka ayaa daarranaa arimo ay ka mid ahaayeen dagaalka Iran iyo colaadaha ka soo cusboonaaday Bariga Dhexe.

"Intii uu kulanka socday, Madaxweynaha ayaa dib u eegay horumarradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Bariga Dhexe, isagoo xaqiijiyay taageerada buuxda ee Masar u fidisay dadaallada lagu gaarayo heshiis dhammaystiran oo xallinaya xiisadda Iiraan, taasoo gacan ka geysanaysa soo celinta amniga gobolka iyo xasilloonida iyo hubinta xorriyadda marinada caalamiga ah", ayaa lagu yiri war ka soo baxay madaxtooyada Masar.

Masar iyo Soomaaliya

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dowladaha Masar iyo Soomaaliya oo muddaba lahaa xiriir soo jireen ah ayaa u muuqday in ay aad isugu soo dhawaanayeen tan iyo markii heshiis is afgarad ah oo muran badan dhaliyay ay dowladda Itoobiya la gashay Somaliland bishii Janaayo ee sanadkii 2024-kii.

Masar ayaa ka mid ahayd wadamadii sida ba'an uga soo horeestay in lagu xadgudbo madaxbanaanida Soomaaliya.

Mar kale markii dhawaan ay dowladda Israa'iil ku dhawaaqday aqoonsi ay siisay Somaliland ayaa Masar mar kale garab istaagtay Soomaaliya.

Madaxweynaha Masar, C/fataax Al-Sisi iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si wadajir ah u kala saxiixday Qasriga Al-Itixaadiya ee magaalada Qaahira, heshiis dhigayay xoojinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, militariga, dhaqaalaha, dhaqanka iyo waxbarshada.

Shir jaraa'id oo ay si wadajir ah u qabteen ayuu madaxwaynaha Masar waxaa uu bogaadiyay xirirka sii xoogeysanaya ee labada dal.

Dhanka kale waxa ay dowladda Soomaaliya hore u sheegtay in ciidamada Masar ay qayb ka noqonayaan howlgallada nabad ilaalinta ee ciidamada Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa soo bangdhigtay nilowgii sanadkaam nooca gaadiidka dagaal ee ay adeegsanayaan ciidmamada Masar ee ka tirsan Hawlgalka Nabad Ilaalinta Soomaaliya.

Arrintan ayaa daba socotay safar madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay dalka Masar, halkaas oo uu kaga qaybgalay munaasibad lagu soo bandhigayay ciidammadaaas iyo noocyada gaadiidka ee ay isticmaalayaan.

Munaasibaddaas waxa madaxweynaha ku wehelinayay taliyaha ciidammada Masar, Sarreeye Guud, Cabdimasjiid Saqar.

Warbixinta ayaa lagu sheeegay in ka qaybgalka Masaarid ee hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya uu marayo heer gabagabo ah.