Wararkii ugu dembeyey ee marinka Hormuz ka dib warbixinta Maraykanka

Xigashada Sawirka, Reuters
Sida ay sheegayaan ilo la socda isu-socodka maraakiibta ee marinka Hormuz, tirada maraakiibta ganacsiga ee maraya marin-biyoodkan ayaa weli ah mid aad u hooseysa, halka CENTCOM iyo dowladda Mareykanka ay sheegeen in isu-socodka maraakiibta ee marinka uu kordhay maalmihii la soo dhaafay.
Axaddii, website-ka Straits ayaa sheegay in 8 maraakiib oo ganacsi oo keliya ay mareen marinka Hormuz.
Al Jazeera ayaa soo xigatay Ururka Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Midowday (UKMTO) oo sheegay in tirada maraakiibta maraysa marinka Hormuz ay tahay “mid aad uga yar” tirada uu Mareykanku shaaciyay.
Si kastaba ha ahaatee, maadaama saddexdii maalmood ee la soo dhaafay aan wax dhacdo ah laga soo sheegin marinka, taasi waxay xoogaa rajo ah ka abuurtay suuqyada shidaalka. Saliidda ceyriinka ah ee North Sea Brent, oo toddobaadkii hore gaartay 108 dollar halkii foosto, ayaa subaxnimadii Isniinta ku dhowayd 104 dollar halkii foosto.
Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:




