10 hoggaamiye oo Afrikaan ah oo la dilay iyaga oo xilka haya

Xigashada Sawirka, Getty Images/BBC
Liiska Hogaamiyaasha Afrika ee iyagoo xilka haya rasaas lagu dilay waa mid aad u dheer, waxaana ka mid ah Patrice Lumumba, Thomas Sankara, Anwar Sadat, Melchior Ndadaye iyo kuwo kale.
Qaar ka mid ah dilalkani ma ahayn oo keliya loolan siyaasadeed oo gudaha ah oo xukunka loogu tartamayay, balse waxay ahaayeen shirqoolo ay soo abaabuleen dad gudaha ah iyo kuwo dibadda ka yimid.
Warbixintaan ay diyaarisay BBC News Africa waxay si gaar ah diiradda u saaraysaa 10 dil siyaasadeed oo taariikhda Afrika si weyn u gilgilay.
1. Patrice Lumumba - DRC

Xigashada Sawirka, Getty Images Bettmann
Haddii uu jiro dil siyaasadeed oo taariikhda Afrika raadka ugu weyn ku reebay, waa kii Patrice Lumumba sanadkii 1961 ee Congo.
Waxaa Ra'iisul Wasaare loo doortay ka dib markii xisbigiisa Congolese National Movement (MNC) uu ku guuleystay doorashadii May 1960. Toddobaadyo un kadib, Lumumba wuxuu ka soo muuqday munaasabaddii lagu maamuusayay xorriyadda Congo ee dhacday June 30, 1960.
Maalintaas, wuxuu si kulul ugu jawaabay Boqor Baudouin oo ka tirsan Belgium, kaasoo amaanay gumeysiga uu awoowgiis Boqor Leopold II ka waday Congo.
Lumumba wuxuu si cad u canaantay dulmigii iyo cunsuriyaddii uu la kulmay isaga iyo Afrikada kale xilligii gumeysiga.
Khudbaddaas oo loo arkay weerar toos ah oo ka dhan ah gumeysiga Belgium-ka ayaa sii hurisay khilaafkii u dhexeeyay isaga iyo dowladdii horey u gumeysan jirtay Congo.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Isagoo ahaa hogaamiyaha dowlad cusub oo madax-bannaan, mucaaradkiisa waxay Lumumba ku eedeeyeen inuu doonayo inuu Congo ku biiro xerada Midowgii Soofiyeeti xilligii Dagaalkii Qaboobaa, arrintaas oo walaac xoog leh ku abuurtay dalalka Reer Galbeedka, gaar ahaan Mareykanka.
Gudaha dalka, Congo waxaa ka taagnaa fowdo siyaasadeed oo baahsan, oo ay ku jirto isku daygii gobolka Katanga uu kula go'ayay dalka intiisa kale. Hogaamiyayaashii waday gooni-goosadkaas waxay si adag uga soo horjeedeen Lumumba.
Bishii September 5, 1960, Madaxweyne Joseph Kasa-Vubu wuxuu go'aansaday inuu xilkii Ra'iisul Wasaaraha ka qaado Lumumba.
Lumumba waxaa lagu xidhay xabsi guri, balse wuxuu ku guuleystay inuu baxsado, isagoo isku dayayay inuu gaadho saldhiggiisii siyaasadeed ee Stanleyville. Hase yeeshee, waxaa soo qabtay ciidamo uu hoggaaminayay Mobutu, waxaana loo gacan-geliyay maamulkii Katanga.
January 17, 1961, waa la jidh-dilay ka dibna rasaas lagu dilay. Meydkiisa waxa lagu baabi'iyay aashito si raadka dilka loo qariyo.
Tobanaan sano kadib, waxa kaliya ee ka haray wuxuu ahaa hal ilig oo uu kaydiyay askari Belgian ah oo ka qayb qaatay burburinta meydkiisa. Iliggaas ayaa dhowr sano kadib lagu wareejiyay qoyskiisa iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).
Muddo dheer, Belgium iyo Mareykanka, gaar ahaan hay'adda sirdoonka ee CIA, ayaa lagu lammaaniyay dilkaas.
2. Sylvanus Olympio - Togo

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Sylvanus Olympio waxaa loo aqoonsan yahay aabihii xorriyadda Togo.
Inta uusan noqon madaxa ugu sarreeya dalka, wuxuu soo qabtay xilal wasiirro kala duwan, wuxuuna Ra'iisul Wasaare ahaa laga soo bilaabo 1958.
Kadib markii Togo ay xornimada qaadatay April 27, 1960, wuxuu noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Togo.
Markii uu dalka hoggaaminayay, mucaaradkiisa ayaa dhaliilay, iyagoo ku eedeeyay inuu dalka u maamulo si kalitalisnimo ah. Sidoo kale, indha-indheeyeyaal qaar ayaa sheegay inuu doonayay inuu Togo ka gooyo Faransiiska.
Warar kala duwan ayaa sheegaya inuu qorsheynayay inuu sameysto lacag u gaar ah dalka oo uu ka baxo lacagta CFA franc.
Habeenkii u dhexeeyay January 12-kii iyo 13-kii, 1963, koox askar ah ayaa weerartay xarumaha dowladda.
Olympio wuxuu isku dayay inuu magan-galo safaaradda Mareykanka oo ku dhoweyd Madaxtooyada. Hase yeeshee, fallaagadii ayaa aqoonsatay oo qabtay, kadibna waxay dileen January 13, 1963.
Kadib dilkiisa, Nicolas Grunitzky oo ahaa mucaaradkiisii siyaasadeed isla markaana soddog u ahaa, ayaa masaafuris ka soo laabtay oo qabtay xilka madaxtinimada.
Si kastaba ha ahaatee, xukunkiisu ma uusan dheeraan.
Sanadkii 1967, waxaa xilka ka tuuray afgambi uu hoggaaminayay Gnassingbé Eyadéma, kaas oo muddo dheer loo maleynayay inuu yahay ninkii rasaasta ku dilay Sylvanus Olympio, inkastoo arrintaas markii dambe la beeniyay.
Eyadéma wuxuu Togo xukumay ku dhawaad 38 sano ilaa uu ka geeriyooday February 2005.
Tan iyo xilligaas, waxaa Togo hoggaaminaya wiilkiisa Faure Gnassingbé.
3. Murtala Mohammed - Nigeria

Xigashada Sawirka, Universal History Archive/Universal Images Group via Getty Images
Sheekada Murtala Mohammed dadweynaha guud ahaan si weyn ugama warqabaan. General Murtala Mohammed wuxuu ahaa hogaamiyihii milatariga ee Nigeria iyo madaxdii afraad ee ugu sarreysay dalkaas.
Isagoo ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka Nigeria, wuxuu hoggaamiyay afgambigii milatari ee 1966-kii ee xilka looga tuuray Johnson Aguiyi-Ironsi. Sidoo kale wuxuu door weyn ka qaatay Dagaalkii Sokeeye ee Nigeria ka hor inta uusan madaxtinimada la wareegin July 29, 1975.
February 13, 1976, isagoo ku sii jeeda xafiiskiisa oo ku sugan xerada milatariga ee magaalada Lagos, Murtala Mohammed waxaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo uu hoggaaminayay Colonel Buka Suka Dimka.
Dimka wuxuu isku dayayay inuu sameeyo afgambi milatari oo ugu dambeyntii fashilmay.
Maanta, Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Lagos ayaa loogu magac daray. Waxaa kale oo taallo xusuus ah loo dhigay goobtii lagu dilay.
Si kastaba ha ahaatee, dad badan oo ku nool Lagos oo taalladaas ag mara si weyn uma yaqaanaan taariikhda dhimashadiisa.
4. Anwar El-Sadat - Masar

Xigashada Sawirka, William Karel/Sygma via Getty Images
Dilkii Anwar Sadat wuxuu keenay in dadka qaar ay ku dabaal-degaan caasimadaha dalalka Carabta.
Sadat wuxuu ahaa hogaamiyihii ugu horreeyay ee dal Carbeed ah oo booqda Israel oo khudbad ka jeediya Knesset-ka oo ah baarlamaanka Israel.
Wuxuu kaloo ahaa hogaamiyihii Masar xilligii Dagaalkii Yom Kippur ee 1973, markii ciidamada Masar ay weerareen ciidamadii Israel ee qabsaday Sinai tan iyo Dagaalkii Lixda Maalmood ee 1967.
Sadat sidoo kale waa ninkii saxiixay Heshiiskii Camp David sanadkii 1978, kaas oo saldhig u noqday nabadda u dhaxeysa Masar iyo Israel.
October 6, 1981, Sadat waxaa lagu dilay xilli uu socday dhoolatus milatari.
Maalintaas, koox askar ah ayaa ka degtay gaari xamuul ah bartamihii dhoolatuska, waxay tuureen bambooyin gacmeedyo si ay jahawareer u abuuraan, kadibna waxay rasaas ku fureen madaxdii fadhiday goobta rasmiga ah.
Sadat si xun ayaa loo dhaawacay, waxaana loo qaaday isbitaal, halkaas oo uu ku dhintay laba saacadood kadib.
Kooxda Muslim Brotherhood oo uu ka mid ahaa xubin caan ah oo lagu magacaabo Omar Abdel Rahman oo soo saaray fatwo lagu dilayo madaxweynaha, kaas oo dhaliilayaashiisu ku sheegeen inuu khiyaamay qadiyadda Carabta iyo Falastiin markii uu saxiixay heshiis nabadeed oo hal dhinac ah, ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahayd weerarkaas.
Laakiin Sadat wuxuu kaloo lahaa cadow badan.
September 1981, toddobaadyo un ka hor inta aan la dilin, wuxuu bilaabay olole ballaaran oo lagu xirayay laguna xannibayay mucaaradka siyaasadda, shuuciga, Muslimiinta xagjirka ah, xubnaha Muslim Brotherhood iyo aqoonyahanno dhowr ah.
5- Thomas Sankara - Burkina Faso

Xigashada Sawirka, Patrick Durand/Sygma via Getty Images
Sida Lumumba oo kale, Thomas Sankara wuxuu ahaa hogaamiye waddaninimo leh, taageersanaa Pan-Africanism-ka, isla markaana ka soo horjeeday gumeysiga Reer Galbeedka ee Burkina Faso iyo wadamada ku hadla Faransiiska ee Afrika.
Wuxuu xukunka qabtay 1983, waxaana la dilay October 15, 1987.
Marka loo eego sida dhacdooyinku u kala dhaceen oo ay diiwaangeliyeen xeer-ilaaliyeyaasha Burkina Faso xilligii maxkamadeynta dadkii ku lug lahaa afgambigii dhiigga ku daatay, kaas oo dhacay intii u dhexeysay October 2021 iyo April 2022, Sankara wuxuu u jeestay Golaha Entente oo ah xarunta Golaha Kacaanka Qaranka, abbaaro 10:20 fiidnimo October 15, 1987.
Markii uu galay qolka shirka, dadkii loo soo diray inay dilaan ayaa horay u joogay.
Kooxdii loo diray inay dilaan waxay rasaas ku fureen ilaaladiisa, kadibna waxay u kala qaybiyeen dadkii halkaas ku sugnaa laba kooxood.
Sankara iyo xulafadiisa waxaa lagu amray inay ka baxaan qolkaas, waxaana mid mid loo toogtay.
Dunidu waxay maqashay wararka afgambiga maalintaas, waxayna markii dambe ogaatay in qofkii ka dambeeyay dhacdada uu ahaa Blaise Compaoré oo ahaa saaxiibkiisii dhow iyo xulafadiisii ugu dhow.
Dhimashada Sankara waxay beddeshay jihadii siyaasadeed iyo dhaqaale ee Burkina Faso. Si kastaba ha ahaatee, magaciisu wuxuu weli yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah taariikhda dalkaas.
Ilaa maanta, Sankara waxaa si weyn u ixtiraama qayb weyn oo ka mid ah dhalinyarada Afrika ee isku aqoonsata halgankiisii ka dhanka ahaa gumeysiga Reer Galbeedka.
6- Mohamed Boudiaf - Algeria

Xigashada Sawirka, Daniel SIMON/Gamma-Rapho via Getty Images
Mohamed Boudiaf wuxuu ahaa madaxweynaha Golaha Sare ee Dowladnimo ee Algeria, oo ahaa maamul ku-meel-gaar ah oo hayay shaqadii madaxa dalka.
Wuxuu xukunka qabtay January 1992, kadib markii milatarigu hakiyay hannaankii doorashada dalka.
Wareeggii koowaad ee doorashadii baarlamaanka ee xisbiyada badan oo la qabtay December 1991, xisbiga Islamic Salvation Front (FIS) ayaa codad badan ku hoggaaminayay xisbiyadii kale.
Sababtoo ah suurtagalnimada weyn ee xisbigaas uu ku guuleysan karo wareegga labaad ee loo qorsheeyay January 16, 1992, milatariga ayaa hakiyay hannaankii doorashada, wuxuuna dhisay dowlad ku-meel-gaar ah oo laba sano ah si ay dalka u hoggaamiso, ugana hortagto waxa ay ku sheegtay inay tahay khatarta ah in dalka ay xukumaan maleeshiyaad Islaami ah.
Mohamed Boudiaf wuxuu aqbalay inuu hoggaamiyo dowladdaas, waxaana awood ku-meel-gaar ah la siiyay January 16, 1992.
Bilo yar kadib, wuxuu booqday Annaba halkaas oo uu ku qorsheeyay inuu ka jeediyo khudbad muhiim ah.
Isagoo si toos ah uga hor muuqda kamaradaha telefishinka, waxaa khudbadiisii hakiyay qarax bam ah, waxaana isla markiiba ku xigay rasaas la maqlay.
Mid ka mid ah ilaaladiisa, oo lagu sheegay inuu yahay Muslim xagjir ah, ayaa madaxweynaha ku dhuftay qori nooca loo yaqaan submachine gun.
Weeraryahankaas isla markiiba waa la qabtay, laakiin wax macluumaad ah kama bixin sababihii weerarka ama ciddii amartay.
Mohamed Boudiaf nasiib uma yeelan inuu badbaado. Wuxuu halkaas ku naf-waayay.
7- Melchior Ndadaye - Burundi

Xigashada Sawirka, DABROWSKI/AFP via Getty Images
Melchior Ndadaye wuxuu madaxweyne ka ahaa Burundi muddo 102 maalmood oo kaliya.
July 1993, waxaa loo doortay madaxweynihii ugu horreeyay ee Burundi ee si dimuqraadi ah lagu doorto, kadib markii uu helay in ka badan 64% codadka.
Ninkii la tartamayay, madaxweynihii xilka hayay Pierre Buyoya, wuxuu helay 32.47%.
Saacado yar ka hor inta aan la dilin October 21, 1993, warar xan ah oo ku saabsan afgambi milatari ayaa ku faafay magaalada Bujumbura ilaa ay gaareen saraakiisha madaxweynaha, kuwaas oo isku dayay iyagoo aan guuleysan inay xaqiijiyaan runnimada wararkaas.
October 20, 1993, madaxa sirdoonka ciidanka gendarmerie wuxuu u sheegay madaxdiisa in xaalad kacsanaan ah ay ka jirto magaalada Bujumbura. Wararka xanta ah ee afgambiga ayaa sii faafayay.
Habeenkii u dhexeeyay October 20 iyo 21, ciidamada militariga ayaa bilaabay afgambi waxayna hareeyeen Madaxtooyada madaxweynaha ee magaalada Bujumbura.
Melchior Ndadaye, qoyskiisa iyo qaar ka mid ah taageerayaashiisa waxaa qaaday ilaaladiisa waxaana loo qaaday xero ciidan.
Laakiin hogaamiyayaashii afgambiga ayaa daba galay, ugu dambeyntiina way heleen.
Ndadaye, oo markii dambe loo bixiyay "geesigii dimuqraadiyadda", oo ay la socdaan qaar ka mid ah xulafadiisa dhow, si arxan darro ah ayaa loo dilay October 21 sanadkaas.
8- Ibrahim Baré Maïnassara - Niger

Xigashada Sawirka, ISSOUF SANOGO / AFP via Getty Images
April 9, 1999, Madaxweynaha Niger Ibrahim Baré Maïnassara waxaa la toogtay waana la dilay.
In ka badan labaatan sano ka dib, xaaladihii dhabta ahaa ee dilkiisa weli si buuxda looma fahmin.
Waxa si hubaal ah loo yaqaan ayaa ah in rasaasta dishay ay ka timid qayb ka mid ah ilaaladiisa.
Xilligaas ilaaladaas waxaa hogaaminayay Daouda Mallam Wanké, oo xukunka la wareegay afgambiga ka dib.
Sida ay sheegayaan wararka qaar, Maïnassara waxaa weeraray oo dilay askar fallaago ah isagoo isku dayayay inuu dalka ka baxo.
Maamulka militariga wuxuu sheegay in dhimashadiisu ay ahayd "shil nasiib darro ah".
Isagoo ka jawaabaya warbixintii Amnesty International oo su'aal gelisay xaaladihii dilkaas, Daouda Mallam Wanké oo xilligaas ahaa madaxa xukunka militariga, wuxuu sheegay in ujeedkii militariga uu ahaa "in aan la dilin, balse la qabto Madaxweyne Baré."
Wanké wuxuu dhintay 2004, isagoo xilka haya oo cafis u fidiyay dadkii ku lug lahaa afgambigaas.
9- Laurent Désiré Kabila - DRC

Xigashada Sawirka, ODD ANDERSEN/AFP via Getty Images
Ninkii afgambiyay Mobutu Sese Seko, ee ahaa Laurent-Désiré Kabila, waxaa la dilay January 16, 2001.
Ilaa maanta, su'aalo badan ayaa weli aan laga jawaabin dhimashadiisa.
Si kastaba ha ahaatee, waxa la og yahay ayaa ah in Kabila lagu toogtay laguna dilay xafiiskiisa madaxtooyada mid ka mid ah ilaaladiisa dhow.
Weeraryahankaas oo ahaa Rachidi Mizele, wuxuu ahaa askari dhalinyaro ah oo ku biiray Alliance of Democratic Forces for the Liberation of Congo-Zaire (AFDL), oo ahayd koox fallaago ah oo Kabila xukunka ku soo gelisay kadib markii ay qabsatay magaalada Kinshasa oo ay soo afjartay xukunkii Mobutu Sese Seko ee tobanaan sano jiray.
Rachidi Mizele markii dambe waxaa dilay Eddy Kapend, oo ahaa colonel ku dhow madaxweynaha.
Iyadoo wararka xanta ah ee ku saabsan dhimashada Kabila ay faafayeen, maamulku wuxuu isku dayay inuu abuuro jahawareer ka hor inta uusan si rasmi ah u shaacin January 18 in "Odayga", sidii loogu yeeri jiray, uu dhintay.
Guddi baaritaan caalami ah ayaa soo gabagabeeyay inuu jiray shirqool ay ku lug lahaayeen dalalka deriska la ah DRC iyo dad ku dhow hogaamiyihii hore ee fallaagada.
Tobanaan qof ayaa lagu helay inay dambi ka galeen ka qayb-qaadashada shirqoolkaas maxkamadeyn kadib, taas oo, si kastaba ha ahaatee, aan gebi ahaanba meesha ka saarin su'aalaha ku saabsan dilkaas siyaasadeed.
10- Joao Bernardo ''Nino'' Vieira - Guinea Bissau

Xigashada Sawirka, Photo by SEYLLOU DIALLO/AFP via Getty Images
João Bernardo "Nino" Vieira wuxuu ahaa madaxweynaha Guinea-Bissau wuxuuna xilligaas jiray 69 sano.
Isagoo ahaa askari hore oo dagaalkii duur-joogta ka soo qayb galay, wuxuu door weyn ka qaatay halgankii xorriyadda ee dalkiisa wuxuuna madaxtinimada hayay muddooyin kala duwan ku dhawaad 23 sano.
Waxaa xilka laga tuuray afgambigii dhacay 1998 wuxuuna u baxay dalka Portugal oo uu masaafuris ku ahaa ilaa 2005.
Markii dambe wuxuu ku soo laabtay xukunka kadib markii la riday bedelkiisii, Kumba Yala, oo si dimuqraadi ah loo doortay laakiin markii dambe afgambi lagu riday.
Xilligaas, xaaladda siyaasadeed ee dalka waxay ahayd mid tartan xooggan uu ka dhexeeyo Madaxweyne Vieira iyo Taliyaha Ciidanka, General Batista Tagme Na Waie.
Xiisaddaas waxay sidoo kale la xiriirtay dagaalka ka dhanka ah kooxaha daroogada ee u isticmaalayay Guinea-Bissau waddo lagu tahriibiyo daroogada.
March 1, 2009, General Batista Tagme Na Waie waxaa lagu dilay qarax bam ah oo ka dhacay xarunta ciidanka.
Saacado yar kadib, askar daacad u ah Taliyaha Ciidanka ayaa weeraray guriga madaxweynaha subaxnimadii hore ee March 2.
Nino Vieira, oo ku haray gurigiisa iyadoo xaaskiisa iyo carruurtiisa ay u qaxeen safaaradda Angola, waxaa lagu weeraray mindiyo ka hor inta aan rasaas lagu dilin.
Markii dambe militariga ayaa sheegay in dilkiisa ay geysteen koox askar ah oo u dhaqmay si iskood ah.












