Dagaal 'ka qarxay' gobolka Tigray ee itoobiya iyo TPLF oo ku eedeysay Addis Ababa 'duulaan cusub'

Maamulka Tigrayga ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Itoobiya inay billowday weerar cusub oo ka dhacaya Galbeedka Tigrayga.
Mas'uuliyiinta gobolka Tigrayga ayaa maanta shaaciyay in dagaal uu ka qarxay Galbeedka Tigrayga, iyagoo ku eedeeyay Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) inay qaadeen weerar militari oo cusub.
Warsaxaafadeed ka soo baxay maamulka gobolka Tigrayga, ayaa lagu sheegay in ciidamada federaalku ay qaadeen "dagaal furan oo billowday waaberigii hore ee saaka, kaas oo ku wajahnaa dhanka Shererina ee aagga Galbeedka Tigrayga."
Qoraalka ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid sii xoojinaya waxa ay ugu yeereen "go'doomin, xayiraad, iyo weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) ah" oo lagu hayo gobolka, iyagoo ku eedeeyay Xisbiga Barwaaqada (Prosperity Party) ee talada haya Itoobiya inay wadaan siyaasado "xasuuq" ah.
Waxaa intaas dheer, TPLF waxay ku eedaysay dawladda federaalka inay geysatay "nooc kasta oo dambiyo caalami ah" oo ka dhan ah dadka reer Tigray tan iyo markii ay xukunka qabatay. Waxay maamulka ku eedaysay inay ku xad-gudbeen Heshiiskii Nabadda ee Pretoria—kaas oo soo afjaray dagaalkii Tigray ee u dhexeeyay 2020 iyo 2022—iyagoo xaddiday adeegyadii bulshada, joojiyay sahaydii shidaalka iyo lacagta caddaanka ah, isla markaana hakiyay adeegyadii bangiyada iyo qoondayntii miisaaniyadda.
Isku-daygii lagu doonayay in lagu helo jawaabo iyo faallooyin ka yimaada xafiiska xiriirka dadweynaha ee Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya iyo adeegga isgaarsiinta dawladda Itoobiya ayaa guuldarraystay.
Xiisaddan cusub ayaa timid ka dib bilo ay jirtay xiisad sii kordhaysay oo u dhaxaysay dawladda federaalka iyo TPLF, oo maamusha gobolka Tigray.
TPLF ayaa marar badan ku eedaysay Addis Ababa inay ciidamo ku ururinayso xuduudaha Tigray isla markaana ay u diyaar garoobayso dagaal dib u bilaabma.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhankiisa, Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa khudbad uu dhawaan u jeediyay baarlamaanka ku eedeeyay TPLF inay la kaashanayso Eritrea iyo Sudan sidii loo wiiqi lahaa xasilloonida Itoobiya.
Hogaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael, oo ka hadlayay kulan dadweyne oo ka dhacay magaalada Mekelle 19-kii July, ayaa qirtay in gobolku leeyahay xulafo diyaar u ah inay caqabad ku noqdaan dawladda federaalka.
"Inkastoo aan nafteena ku tiirsannahay, haddana kaligeen ma nihin. Waxaan leenahay xulafo doonaya inay meesha ka saaraan nidaamkan," ayuu u sheegay dadweynihii, isagoon caddayn in xulafadaasi ay yihiin kuwo gudaha ah iyo kuwo dibadda ah toona.
Wuxuu intaas ku daray inaan nabadda lagu gaari karin wada-hadal oo kaliya, isagoo hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la xoojiyo awoodda ciidan ee Tigray.
Bayaankii maanta, TPLF waxay ugu baaqday dadka reer Tigray ee gudaha iyo dibadda jooga—oo ay ku jiraan ciidamada amniga, bulshada rayidka ah, iyo hay'adaha diinta—inay u diyaar garoobaan dagaalka. Waxay ku boorrisay dadka rayidka ah inay qaadaan tallaabooyin taxaddar ah, waxayna ugu baaqday beesha caalamka inay garowsato cawaaqib-xumada ka dhalan karta dagaal dib uga qarxa gobolka.













