Itoobiya: Dad ka qaxay Tigray oo gaaray Suudaan iyo xiisadda oo weli taagan

Dr Dabratsiyoon G/Mikaa'el

Xigashada Sawirka, Anadolu Agency

Qoraalka sawirka, Waxaa jira cabsi laga qabo in waqooyiga Itoobiya uu mar kasta ka qarxi karo dagaal aad u ba'an
Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

BoqolLaal Itoobiyaan ah oo ka soo jeeda gobolka Tigray ayaa u gudbay Suudaan oo deriska la ah ka dib isku dhacyo dhexmaray ciidamada gobolka iyo ciidamada Itoobiya dhammaadkii usbuuca.

Mid ka mid ah iska horimaadyadii ugu cuslaa tan iyo Heshiiskii Nabadda ee Pretoria 2022, dagaal xooggan ayaa subaxnimadii Sabtida ka dhex qarxay ciidamada ka socda gobolka Tigray ee waqooyiga iyo ciidamada federaalka ee Itoobiya oo ku sugan Shererina, meel u dhow xadka Suudaan.

Xubin ka tirsan Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF) ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in iska horimaadyada ka dhacay galbeedka Tigray ay ku lug lahaayeen madaafiic culus iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo ciidamada Tigray, dagaalkuna wuxuu socday ilaa subaxnimadii Axadda.

Mas'uuliyiinta gobolka Tigray, oo ku eedeeyay dowladda Addis Ababa inay la shaqeyneyso kooxaha milatariga ee Suudaan, Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF), ayaa sheegay in ciidamada federaalku ay weerarka qaadeen waaberigii. Dhanka kale, mas'uuliyiinta federaalka Itoobiya ayaa ku eedeeyay ciidamada Tigray inay bilaabeen isku dhacyada.

Boqollaal qof oo ka soo jeeda gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa la sheegay inay u carareen dagaal sokeeye oo ka qarxay Suudaan, iyagoo ka cararaya dagaal u dhow xuduudda, sida laga soo xigtay AFP. Ilo wareedyo caafimaad iyo kuwa maxalli ah oo Suudaan ka tirsan ayaa u sheegay wakaaladda wararka in dad rayid ah iyo dagaalyahanno dhaawac ah ay ka carareen xadka, halka goobjoogayaashu ay sheegeen inay maqleen qaraxyo, rasaas culus, iyo diyaarado Sabtidii oo dhan.

Shererina, oo ah deegaan yar oo ku yaal galbeedka Tigray, waa mid istiraatiiji ah oo xasaasi ah sababtoo ah galbeedka Tigray waxaa ka taagnaa muran u dhexeeya maamulka Tigray iyo Amxaarada tan iyo dagaalkii 2020-2022.

Isku dhacan ayaa dhaliyay cabsi laga qabo in dib loogu laabto dagaalkii waqooyiga Itoobiya ka dib bilo ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Tigray.

Dowladda federaalka iyo Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya weli si rasmi ah ugama aysan jawaabin eedeymahaas.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

BBC waxay isku dayday inay la xiriirto Dowladda Federaalka iyo afhayeenka Ciidanka Difaaca Qaranka, balse kuma aysan guuleysan.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Waraabka ee Itoobiya, Dr. Abrahaam Balaay, ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in cidda dagaalka bilowday aysan ahayn dowladda, balse ay tahay TPLF oo gacanta ku haysa gobolka.

Dowladda federaalka iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaan aqoonsanayn TPLF, waxaana labada dhinac muddo dheer isugu eedeynayeen inay midba midka kale dagaal ku soo qaaday.

Maamulka Tigray ayaa bayaankiisa ku sheegay in tan iyo markii Xisbiga Barwaaqada talada qabtay uu shacabka Tigray ka galay "dambiyo caalami ah."

Dr. Abrahaam Balaay ayaa isaguna ku qoray Facebook in TPLF ay dhallinyarada iyo carruurta Tigray u dirayso dagaal aan ujeeddo lahayn oo ay ku le'anayaan.

Wuxuu uga digay in haddii dagaalka aan si degdeg ah loo joojin oo dhallinyarada Tigrayna aysan tallaabo qaadin, ay musiibo weyn dhici karto.

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa dhowaan baarlamaanka ka sheegay in TPLF ay Eritrea iyo kooxo kale oo dowladda Itoobiya kasoo horjeeda kala shaqeynayso sidii Itoobiya loo xasillooni-darro gelin lahaa.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada Tigray ay maalin kasta fuliyaan daandaansi keeni kara dagaal ballaaran.

Itoobiya

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Qoraalka sawirka, TPLF waxay ku doodday in heshiiskii Pretoria uu burburay, kaddib markii ay khilaafeen madaxweynihii hore ee Maamulka Ku-meelgaarka ah ee Tigray, Lt. Gen. Tadesse Werede

Laba toddobaad ka hor, guddoomiyaha TPLF Dr. Debretsion Gebremichael ayaa magaalada Mekelle ka sheegay in ay la tartami doonaan dowladda federaalka.

Wuxuu yiri: "Ma nihin sidii hore oo keliya; hadda waxaan leenahay saaxiibbo badan."

Wuxuu intaas ku daray in dowladda Barwaaqada aysan la dagaallami doonin Tigray oo keliya, isla markaana ay jiraan xoogag kale oo u arka maamulka federaalka dhibaato.

Wuxuu sheegay in ay kalsooni ku qabaan saaxiibbo doonaya in nidaamka hadda jira la rido, balse ma uusan caddeyn cidda ay yihiin, gudaha iyo dibaddaba.

Debretsion wuxuu sheegay in xal nabadeed oo wadahadal keliya lagu gaaro uusan suurtagal ahayn, isagoo ku baaqay in la xoojiyo awoodda ciidamada gobolka.

Bayaan ay soo saareen Sabtidii ayay mas'uuliyiinta Tigray shacabka ugu baaqeen inay "u diyaar garoobaan inay taariikh sameeyaan."

Dagaalkii ka dhacay waqooyiga Itoobiya lix sano ka hor ayaa la sheegay inuu sababay dhimashada boqolaal kun oo qof.

Dagaalkaas waxaa lagu soo afjaray heshiiskii Pretoria ee Koonfur Afrika, oo lagu gaaray dhexdhexaadinta Midowga Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, sannadihii dambe labada dhinac ayaa marar badan isku eedeeyay inay jebiyeen heshiiskaas.

Midowga Afrika iyo dhinacyo kale ayaa si isdaba joog ah uga digayay in dagaalku dib u qarxo.

TPLF waxay ku doodday in heshiiskii Pretoria uu burburay, kaddib markii ay khilaafeen madaxweynihii hore ee Maamulka Ku-meelgaarka ah ee Tigray, Lt. Gen. Tadesse Werede.

Intaas kaddib, garabka TPLF ee uu hoggaamiyo Debretsion ayaa ku dhawaaqay inuu la wareegay maamulka gobolka.

Maalmihii u dambeeyay, TPLF waxaa marar badan lagu eedeeyay inay si khasab ah dhallinyarada Tigray ugu qoranayso tababar ciidan, inkastoo ururku arrintaas beeniyay.

Waxaa sidoo kale la soo wariyay in dhallinyaro badan ay ka carareen gobolka si ay uga baxsadaan in si qasab ah loogu qoro ciidamada.

Iska horimaadka toddobaadkan ayaa sii xoojiyay cabsida laga qabo in dagaal kale uu mar kale ka qarxo waqooyiga Itoobiya.