Isbahaysiga fallaagada ma noqon karaa caqabad cusub oo dhinaca amniga ah oo Itoobiya ka dhalata?

Itoobiya

Xigashada Sawirka, ETV

Qoraalka sawirka, Warbaahinta dowladda ayaa si weyn u soo bandhigaysa awoodda milateri ee dalka iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha
    • Author, Saba Gebreslassie iyo Mulugheta Berhe
    • Role, BBC Monitoring
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 8 daqiiqo

Bayaanadii ugu dambeeyay ee mas'uuliyiinta Itoobiya iyo warbixinnada warbaahinta ayaa sare u qaaday dareenka ku aaddan wada-hadallo ay kooxo hubeysan oo dhowr ah ka yeelanayaan sameynta isbahaysi mideysan oo ka dhan ah dowladda Itoobiya.

Iskaashiga noocan ah wuxuu isku keeni karaa kooxo taariikh ahaan iska soo horjeeday, gaar ahaan Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo Dhaqdhaqaaqa Qaranka Amxaarada Fano (AFNM), kuwaas oo ciidamadoodu ay dhinacyo iska soo horjeeda ka kala taageereen dagaalkii Tigray ee 2020-2022, isla markaana ay weli u dhexeeyaan khilaafaad la xiriira qowmiyad, dhul iyo siyaasad.

Warbaahinta ayaa sheegtay in kooxo hubeysan oo dhowr ah ay ka wada hadleen sameynta gole mideysan oo ujeeddadiisu tahay in isbeddel xukun laga sameeyo dalka ku yaalla Geeska Afrika. Arrintan ayaa sidoo kale dhalisay walaac laga qabo in dagaal cusub oo hubeysan uu ka qarxo waqooyiga dalka iyo in guud ahaan xasilloonida Itoobiya ay sii xumaato.

Sidoo kale, mas'uuliyiinta Itoobiya ayaa Masar iyo Eritrea ku eedeeyay inay dhiirrigelinayaan iskaashiga kooxaha hubeysan, eedeymahaas oo labada dalba ay beeniyeen.

Haddaba su'aashu waxay tahay: isbahaysi ay sameystaan kooxaha fallaagadu ma awoodi karaa inuu caqabad dhab ah ku noqdo dowladda Itoobiya, oo muddo dheer dagaallo kula jirtay dhaqdhaqaaqyada hubeysan ee waqooyiga dalka?

Kooxahee ku lug leh maxayna u rabaan isbahaysi?

Sida laga soo xigtay AFNM, ugu yaraan toddobo kooxood ayaa doonaya inay ku biiraan isbahaysigan, kaas oo ujeeddadiisu tahay in xilka looga tuuro xukuumadda Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, balse qaar ka mid ah kooxahaas weli lama magacaabin ama ma aysan xaqiijin inay ka qaybgalayaan.

Wargeyska gaarka loo leeyahay ee Addis Standard ayaa 18-kii Agoosto sheegay in guddoomiyaha AFNM, Zemene Kasse, uu wareysi uu siiyay wargeyska laga leeyahay Switzerland ee Le Temps ku xaqiijiyay in wada-hadallo ay yeesheen toddobada kooxood.

Zemene ayaa sheegay in "arrintan lagala hadlay oo lagula heshiiyay ciidamada Tigrayga", isaga oo ula jeeday TPLF, wuxuuna intaas ku daray in wada-hadallada oo socday muddo toddobo bilood ah ay marayeen heer gabagabo ah.

Afhayeenka AFNM, Asres Mare Damte, ayaa 20-kii Juun sheegay in iskaashi dhex mara TPLF iyo Ciidanka Xoreynta Oromo (OLA) uu Itoobiyaanka iyo beesha caalamka siinayo hannaan kale oo lagu maamulo dalka. Waxa uu xaqiijiyay in wada-hadalladu socdaan, isaga oo sheegay in natiijada la shaacin doono "dhowaan."

OLA, si kastaba ha ahaatee, weli ma xaqiijin inay ka qaybgalayso isbahaysiga.

Waxaa sidoo kale la sheegay in wada-hadallada ay qayb ka yihiin Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF), Jabhadda Kacaanka Midnimada Qaranka Cafar (ANURF) iyo Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiga Shacabka Gumuz (GPDM).

Itoobiya

Khatar noocee ah ayay dowladda federaalku wajaheysaa?

TPLF iyo AFNM ayaa si weyn loogu tiriyaa inay yihiin caqabadda ugu weyn ee haysata xukuumadda Abiy, sababo la xiriira awoodda abaabul ee ay leeyihiin iyo joogitaankooda dhulalka kala duwan.

Sidoo kale, olole militari oo ay wada qaadaan TPLF iyo AFNM, oo ay suurtagal tahay inay ku biiraan OLA iyo kooxo kale, ayaa cadaadis dheeraad ah saari kara ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ayaa uu dagaalkii Tigray culays badan saaray, waxaana sidoo kale ay la tacaalayaan kacdoonno hubeysan oo muddo sanado ah ka socday qaybo kala duwan oo dalka ah, gaar ahaan gobollada Oromia iyo Amxaarada.

Isbahaysigan ayaa sidoo kale yareyn kara iska caabbinta maxalliga ah ee howlgallada TPLF ee qaybo ka mid ah Amxaarada, marka loo eego sidii ay kooxdu u horumartay intii uu socday dagaalkii 2020. Deegaannada Amxaarada ayaa ka mid ahaa goobihii dagaalka ee sida aadka ah loogu loollamay xilligaas.

Waa sidee awoodda militari ee TPLF iyi AFNM?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

AFNM waxay sheeganaysaa inay gacanta ku hayso inta u dhaxaysa 80% iyo 90% gobolka Amxaarada, waxayna joogitaankeeda ku fidisay qaybo kale oo Itoobiya ka mid ah, halkaas oo la sheegay inay iskaashi xeeladeed la sameysatay OLA iyo GPDM, oo ka kala hawlgala gobollada Oromia iyo Benishangul-Gumuz.

Si kastaba ha ahaatee, way adag tahay in si dhab ah loo qiimeeyo baaxadda dhulka ay gacanta ku hayso.

Inkasta oo kooxdu sheeganayso inay awood ku leedahay inta badan Amxaarada, haddana 8 ka mid ah 138-ka degmo-doorasho ee gobolka ayaa laga reebay doorashadii 1-dii Juun sababo la xiriira amni-darro. Arrintan ayaa muujinaysa in dowladda ay weli awood u leedahay inay maamul iyo adeegyo dowladeed ka fuliso inta badan gobolka.

Tirada saxda ah ee dagaalyahannada AFNM weli lama oga, balse wasiir Itoobiyaan ah ayaa bishii Abriil 2023 sheegay in in ka badan 50% xubnihii Ciidanka Gaarka ah ee Amxaarada (ASF), oo lagu qiyaasay tobannaan kun, ay ku biireen Fano, oo ahayd magaca ay kooxdu hore u lahayd.

Ciidamada Itoobiya ayaa tan iyo markaas sheegay inay kumannaan dagaalyahanno AFNM ah dagaalka ka saareen, halka dowladda ay sheegtay in in ka badan 22,000 dagaalyahan ay aqbaleen cafiskii dowladda ayna dib ugu laabteen nolosha rayidka.

Marka laga hadlayo awoodda militari, AFNM ayaa dhowaan sheegtay inay adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan drones-ka si ay u weerarto saldhigyo ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin gobolka.

Dhinaca kale, howlgallada TPLF ayaa inta badan ku kooban Tigray, balse kooxdu waxay saameyn weyn ku leedahay hay'adaha muhiimka ah ee gobolka, oo ay ku jiraan hay'adaha maaliyadeed. Maaddaama ay hore u ahayd xisbigii talada Itoobiya hayay, waxay weli leedahay saameyn siyaasadeed, militari iyo diblomaasiyadeed oo weyn.

Inkasta oo heshiiskii nabadda ee 2022 uu dhigayay in dagaalyahannada TPLF hubka laga dhigo oo la kala diro, haddana warbixinno ayaa sheegay in kooxdu ay illaa Febraayo 2024 weli haysatay in ka badan 270,000 dagaalyahan, halka kaliya 63,000 la kala diray oo dib loogu dhex daray bulshada.

Caqabado noocee ah ayay kooxuhu wajahayaan?

In kasta oo ay leeyihiin cadow ay ka siman yihiin, labada kooxood waxaa u dhexeeya tabashooyin siyaasadeed iyo kuwo taariikhi ah oo soo jireen ah oo aan weli xal loo helin, kuwaas oo mar kasta dib uga soo cusboonaan kara.

Labada dhinacba waxay ku adkaysanayaan inaysan tanaasul ka sameyn doonin danaha dadkooda, kuwaas oo ay ka mid yihiin arrinta dhulalka lagu muransan yahay ee Wolkayit-Tsegede iyo Raya. Diidmada dowladda federaalka ee ah inay Tigray dib ugu soo celiso dhulalkii ay lahayd ka hor dagaalka ayaa weli ah mid ka mid ah ilaha ugu waaweyn ee xiisadda u dhexeeya TPLF iyo dowladda federaalka.

Dhanka kale, AFNM waxay sheegtay inaysan "xitaa hal garaam" ka tanaasuli doonin danaha Amxaarada.

Isbahaysiga ayaa sidoo kale wajihi kara isu-dheellitirnaan la'aan xagga awoodda ah, maadaama TPLF ay si weyn uga muuqato dhinacyada siyaasadda iyo diblomaasiyadda marka loo eego AFNM.

Intaa waxaa dheer, xiriirka TPLF ay weli la leedahay kooxaha gooni-u-goosadka Amxaarada, sida kooxaha hubeysan ee Agew iyo Qimant, kuwaas oo taageeray TPLF intii uu socday dagaalkii 2020-2022, ayaa wiiqi kara isbahaysiga ay la leedahay AFNM, maaddaama AFNM ay taageerto midnimada dhuleed ee gobolka Amxaarada.

Kala duwanaanshahan ayaa noqon kara kuwo adag in la maareeyo haddii isbahaysigu uu ka gudbo iskaashi xeeladeed oo uu isu beddelo iskaashi siyaasadeed iyo militari oo waara.

Maxaa Eritrea iyo Masar lagu eedeeyaa?

Dowladdu waxay TPLF iyo AFNM ku eedeysay inay iska kaashanayaan xasillooni-darrada dalka, iyaga oo amarro ka qaadanaya Eritrea iyo Masar, oo ay dowladda Itoobiya ku tilmaantay labada dal ee "cadowga taariikhiga ah" ee Itoobiya.

Dowladdu waxay isbahaysiga la sheegay ku sifaynaysaa inuu yahay shirqool ay Masar iyo Eritrea hoggaaminayaan, kaas oo looga golleeyahay in Itoobiya loo diido inay hesho marin ay ugu gudubto Badda Cas.

Mas'uuliyiintu waxay sidoo kale isbahaysigan ku xiriiriyeen Tsimdo, oo ah hindise ay sannadkii 2025 bilaabeen dhaqdhaqaaqayaal siyaasadeed oo Eriteriyan iyo Tigrayaan ah, kaas oo la sheegay inuu ujeeddadiisu ahayd xoojinta iskaashiga bulshada ku nool labada dhinac ee xadka. Sida ay qabaan qaar ka mid ah mas'uuliyiinta iyo falanqeeyeyaasha Itoobiya, hindisahan ayaa laga yaabaa inuu isu beddelay isbahaysi militari, kaddib markii saraakiil militari oo Eritrean ah iyo kuwa TPLF ah lagu arkay iyaga oo ku kulmaya Tigray.

Bishii Luulyo, saraakiil sare oo TPLF ah ayaa tilmaamay in iskaashi lala yeesho kooxaha hubeysan ee ay isku aragti yihiin iyo Eritrea uu suuragal yahay.

Intii ay socdeen isu imaatinno dadweyne oo lagu qabtay deegaanno kala duwan oo gobolka ah, madaxweynaha Tigray ahna guddoomiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha gobolka ay wada-hadallo la leeyihiin xulafo aan magacyadooda la shaacin, si ay uga wada hadlaan waxa uu ku tilmaamay xaaladda Itoobiya kaddib isbeddel xukun.

"Keligay ma nihin. Waxaan leennahay xulafo naga caawinaya inaan xukunka ka tuurno nidaamkan," ayuu yiri 19-kii Luulyo.

Marka laga soo tago kordhinta awoodda militari, xiriir wanaagsan oo ay la yeelato Eritrea ayaa TPLF u sahli kara inay si wanaagsan u hesho saadka ka gudba xudduudaha, waddooyinka ganacsiga iyo xiriirrada siyaasadeed.

Saraakiisha TPLF ayaa marar badan sheegay in, si ka duwan dagaalkii hore, Tigray aan si buuxda loo hareerayn doonin haddii dagaal kale uu dhex maro dowladda federaalka iyo TPLF, taas oo muujinaysa in ciidamada Eritrea ee dhinaca ciidamada Itoobiya uga dagaallamay dagaalkii hore aysan mar kale taageeri doonin ciidamada Itoobiya.

Itoobiya

Xigashada Sawirka, WOYEN MEDIA

Qoraalka sawirka, Inkastoo uu jiray heshiiskii nabadda ee 2022, TPLF ayaa sii heysatay inta badan dagaal-yahannadeeda gaaraya 270,000

Muxuu yiri maamulka Abiy?

Horraantii Agoosto, Taliyaha Ciidamada Itoobiya, Field Marshal Birhanu Jula, ayaa OLA iyo AFNM ku eedeeyay inay u adeegayaan danaha quwadaha shisheeye, halka uu Eritrea ku eedeeyay inay taageerayso isbahaysi ay kooxaha hubeysan samaynayaan si loo wiiqo dadaalka Itoobiya ugu jirto helitaanka deked.

Si kastaba ha ahaatee, Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa hoos u dhigay saamaynta uu yeelan karo iskaashiga noocaas ah, isaga oo sheegay in Sudan ay sidoo kale qayb ka tahay. Sudan ayaa hore u beenisay eedeymaha Itoobiya ee ahaa inay taageerto kooxaha hubeysan sida TPLF.

"Haddaanay ahayn Sha'biyah [Eritrea], Weyane [TPLF] iyo Sudan, xitaa haddii kuwo kale lagu daro arrintan, wax walaac ah kama qabo madax-bannaanida Itoobiya," ayuu Abiy sheegay bishii Luulyo.

Dhanka gudaha, Ciidamada Nabadda Tigray (TPF), oo ay sameeyeen saraakiil hore oo TPLF ah oo ka baxay kooxda kaddib khilaaf gudaha ah, ayaa bishii Juun ku dhawaaqay inay dowladda federaalka kala shaqaynayaan sidii loola dagaallami lahaa TPLF.

TPF, oo soo bixitaankoodu sii xoojiyay kala qaybsanaanta dhinaca siyaasadda iyo militariga ee Tigray, ayaa ka hawlgala gobolka Afar, oo xudduud la leh Tigray.

Dowladda Abiy weli ma aysan xaqiijin inay si rasmi ah ula shaqaynayso kooxda, balse hoggaamiyeyaasha TPF ayaa ka qayb gala shirar ka dhaca Addis Ababa.

Sidee ayuu maan-gal u yahay isbahaysiga?

Uma badna in kooxahan hubeysan ay ku midoobaan talis mideysan ama qaab-dhismeed siyaasadeed oo joogto ah.

In kasta oo ay weli xilli hore tahay in la saadaaliyo saameynta ugu dambeysa ee isbahaysigan, haddii uu guuleysto wuxuu isku dari karaa laba colaadood oo kala duwan oo dowladda federaalku ilaa hadda u wajahaysay inay yihiin caqabado kala gaar ah.

Isbahaysigu wuu fashilmi karaa haddii kooxaha qaarkood ay ka-qaybgalkooda u adeegsadaan miisaan ay ku cadaadiyaan dowladda federaalka si ay wada-hadallo ula galaan.

Isbahaysiyadii hore ee dowladda Itoobiya ka soo horjeeday ayaa ku adkaatay inay hadalladii iyo heshiisyadii siyaasadeed u beddelaan howlgallo militari oo isku-duwan, maadaama kooxihii xubnaha ka ahaa ay lahaayeen ujeeddooyin kala duwan, ay ka hawlgaleen gobollo kala fog, ayna ka maqnaayeen qaabab talis oo mideysan.

Sidaas darteed, kooxahan hubeysan waxay wajihi karaan khilaafaad dhinaca howlgalka ah, sida kii ka dhashay isbahaysigii TPLF ay bishii Nofeembar 2021 la sameysay OLA iyo siddeed kooxood oo kale oo hubeysan, kaas oo ugu dambeyn ku guuldarreystay inuu gaaro hadafkii loo aas-aasay.