Colbat, lithium iyo uranium: Maxay yihiin macdanta muhiimka ah ee uu madaxweynaha Soomaaliya sheegay in laga helo dalka, maxaase loo adeegsadaa?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in kheyraad badan laga helo gudaha dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin macdan muhiim ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in keydka uranium, lithium iyo kobalt la xaqiijiyay in laga helo Soomaaliya, ma uu ka hadlayay furitaanka Madasha Maaliyadda Horumarinta Soomaaliya ee Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay kheyraad dabiici ah oo kala duwan oo ay ku jiraan macdanta dhulka hoostiisa ku jirta, kalluumeysiga, xoolaha iyo beeraha, laakiin ay u baahan tahay khibrad, maalgashi iyo iskaashi caalami ah si looga faa'iidaysto.
"Aasaaska dhaqaaleheenna waa wax soo saarka kheyraadkeenna. Dalka khyeraad badan ayuu leeyahay, kuwo dhulka hoostiisa ku jira iyo kuwo dhulka korkiisa saaranba.
Annaga keligeen kuma filnin inaan ka faa'iideysanno khyeraadkaas, hab aqoon iyo hab dhaqaale, ama maalgelin ahaanba, sidaas dardaaddeed adduunyada inay timaaddo oo ay maalgashato masaalixdeenna ayaa ku jirta," ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Madaxweynaha ayaa intaas raaciyay in loo baahan yahay in maalgashi lagu sameeyo kheyraadkaas.
"Maanta dunidu aad ayay u danaynaysaa macdanta, gaar ahaan kuwa loo yaqaanno macdanta dhifka ah ee dhulka laga helo. Haddii ay tahay uranium-ka, lithium-ka, cobalt-ka iyo kuwo kale oo badan oo ay dunidu hadda raadinayso, waxaa la xaqiijiyay inay Soomaaliya ku jiraan," ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Hadalka madaxweynaha kuma jirin faahfaahin ku saabsan tirada kaydka, goobaha saxda ah, ama jadwalka waqtiga ee la bilaabayo ka faa'iidaysigooda.
Dalalka adduunka ayaa waxay ku tartamayaan sidii ay u heli lahaayeen macdanta muhiimka ah iyo walxaha dhifka ah ee loo baahan yahay soo-saarka wax walba, laga bilaabo taleefannada casriga ah ilaa baabuurta korontada ku shaqeeya.
Waa maay macdanta muhiimka ah ee uu madaxweynuhu ka hadlay?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Macdanta muhiimka ah waa macdanno uu dal u arko inay muhiim u yihiin dhaqaalihiisa ama amniga qaranka, balse laga yaabo inay adkaato in la helo ama la soo dhoofsado.
Qaar ka mid ah macdanaha muhiimka ah ee la filayo in baahidoodu si weyn u korodho sannadaha soo socda waxaa ka mid ah:
- - Nuxaas (copper) – waxaa loo isticmaalaa kaabeyaasha tamarta iyo dhismaha
- - Liyuum (lithium) – waxaa loo isticmaalaa kaydinta tamarta
- - Kobalti (cobalt) – waxaa loo isticmaalaa baytariyada la qaadan karo iyo biraha isku-dhafan ee aadka u adkaysiga badan, kuwaas oo inta badan loo adeegsado marawaxadaha dabaysha
Dhanka kale, yuraaniyam waa curiye shucaac leh oo si dabiici ah uga samaysma deegaanka. Tirada atomkiisu waa 92, waxaana miiska curiyeyaasha kiimikada loogu calaamadeeyaa astaanta U. Waxa uu ka tirsan yahay koox gaar ah oo curiyeyaal ah oo loo yaqaan "actinides" (aktiniidho) — kuwaas oo ah curiyeyaal la ogaaday xilli taariikheed oo aan aad u fogayn.
Xaqiiqooyin ku saabsan yuraaniyamta

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Waa curiye kiimiko oo shucaac leh, cufan, adag, midabkiisuna yahay caddaan qalin u ek
- Astaanta kiimikada ee yuraaniyamka waa U
- Waxa uu ka kooban yahay qiyaastii labo qaybood halkii milyan ee qolofka Dhulka
- Markii ugu horreysay waxaa la helay sannadkii 1789, waxaana helay kiimika-yaqaankii Jarmalka ahaa Martin Heinrich Klaproth, kaas oo ka helay macdan loo yaqaan Pitchblende. Wuxuuna ugu magac daray meeraha Uranus
Liisaska macdanaha muhiimka ah way ku kala duwan yihiin dalalka, iyadoo ay ku xiran tahay kheyraadka ay haystaan iyo warshadaha ay ku shaqeeyaan.
Tusaale ahaan, naxaasta (copper) waxay ku jirtaa liiska ugu dambeeyay ee macdanaha muhiimka ah ee Maraykanka, halka aysan ku jirin liiska Boqortooyada Midowday (UK).
Xaggee laga helaa macdanaha muhiimka ah?

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Macdanaha muhiimka ah ee sida weyn loo isticmaalo waxay ku baahsan yihiin dunida oo dhan, inkastoo dalal gaar ah ay leeyihiin kayd aad u badan.
Waxaa lagu qiyaasaa in Shiinuhu haysto 44 milyan oo tan oo kaydka macdanaha dhulka naadirka ah, halka Brazil ay leedahay 21 milyan oo tan, Australia-na ay leedahay ku dhawaad lix milyan oo tan.
Australia, Indonesia iyo Chile ayaa ka mid ah dalalka leh hawlo macdan-qodis oo baaxad leh.
Australia waa dalka ugu horreeya soo-saarka macdanta birta, dahabka, zinc-ka, nikkelka, kobalti iyo liyuumka, halka Indonesia ay soo saarto kala bar wax-soo-saarka nikkelka adduunka.
Sida ay sheegeen falanqeeyayaasha shirkadda S&P Global, Chile waa dalka ugu horreeya dhoofinta naxaasta.
Hay'adda Caalamiga ah ee Atoomikada Adduunka (IEA) ayaa sheegtay in mashaariicda macdan-qodista ee hadda socda ay inta badan dabooli doonaan baahida la filayo. Hase yeeshee, laga bilaabo 2030-meeyada, waxaa dhici karta in naxaasta iyo liyuumka ay wajahaan wax-soo-saar ka yar baahida loo qabo.















