ONLF iyo kooxo kale oo waaweyn oo ku heshiiyay inay xukunka ka tuuraan Abiy Axmed

Itoobiya

Xigashada Sawirka, Reuters

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Toddobo kooxood oo waaweyn oo hubaysan oo ka dagaallama Itoobiya ayaa ku dhawaaqay sameynta isbahaysi cusub oo lagu magacaabo Alliance for Survival (Isbahaysiga Badbaadada), kaas oo ujeeddadiisu tahay in xukunka laga tuuro dowladda Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, lana dhiso maamul ku-meel-gaar ah oo loo dhan yahay.

Isbahaysiga waxaa ku mideysan Amhara Fano National Movement (AFNM), Oromo Liberation Army (OLA), Tigray People's Liberation Front (TPLF), Ogaden National Liberation Front (ONLF), Afar National Revolutionary Democratic Front, Benishangul People's Liberation Movement, iyo Gumuz People's Democratic Movement.

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ayay kooxuhu dowladda ku eedeeyeen inay mas'uul ka tahay "dagaal, xasuuq, burbur ballaaran iyo saboolnimo ba'an", iyagoo sheegay in Itoobiya ay noqotay dowlad fashilantay oo wajahaysa khatarta kala-daadashada.

Waxay sheegeen in ku dhaqanka sharciga iyo kala dambayntu ay burbureen, malaayiin qofna ay barakaceen, halka rajadii muwaadiniintuna ay meesha ka baxday waxa ay ku tilmaameen "kaligii-talisnimo".

Isbahaysigu wuxuu sheegay in howshiisu tahay in xukunka laga tuuro dowladda Abiy Axmed, la ilaaliyo badbaadada iyo amniga shacabka Itoobiya, la dhiso dowlad ku-meel-gaar ah oo uu hagayo Axdiga Ku-meel-gaarka ah, isla markaana khilaafaadka gudaha lagu xalliyo si nabadeed.

Kooxaha hubaysan ayaa sidoo kale sheegay in nidaamka hadda jira uu "ka maqan yahay rabitaanka iyo awoodda" uu ku soo afjaro dagaallada dalka ka socda, ku soo celiyo nabadda ama uu dammaanad qaado xuquuqda muwaadiniinta.

Sida lagu sheegay bayaanka, marxaladda ku-meel-gaarka ah ee ka dambaysa xukun-ka-qaadista dowladda ayaa diiradda lagu saari doonaa badbaadinta jiritaanka iyo amniga qaranka, soo celinta maqaamka Itoobiya ee heer gobol iyo heer caalami, iyo qabashada wada-hadal dastuuri ah oo loo dhan yahay, kaas oo shacabka si toos ah uga qaybqaadanayaan.

Isbahaysigu wuxuu sidoo kale ugu baaqay shacabka Itoobiya, ururrada rayidka iyo kuwa siyaasadeed, ciidamada qalabka sida, dalalka deriska ah, dalalka Afrika iyo beesha caalamka inay taageeraan halgankooda.

ONLF: "Ujeedkeenna waa in shucuubtu ay dimuqraaddiyad hesho"

ONLF

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

Qoraalka sawirka, Cabdiqaadir Caddaani Hirmooge, afhayeenka ONLF
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Kooxaha ku jira isbahaysigan waxaa ka mid ah Ururka Xoreynta Qaranka Ogadenia (ONLF) oo horey heshiis ula gaaray xukuumada Raysal wasaare Abiy. Cabdiqaadir Caddaani Hirmooge oo ah afhayeenka ururkaas oo BBC la hadlay ayaa sheegay in isbeddelkii laga rajeynayay Itoobiya lagu hungoobay, sida ay qabaan.

"Qolo la yiraahdo BB ayaa shucuubtii ku istaagay oo dagaallo dhiig badan iyo dad badan ku hoobteen dalka ka riday, isku dir qowmiyadeed iyo nabadgelyo la'aan iyo is boobid iyo is riixid ayaa laga dhammaan waayay, sidaa darteed baahi qowmiyad walba taabatay ayaa keentay,".

Wuxuu sheegay inay u arkaan in shucuubta dalkaasi ay u baahan yihiin inay is maamulaan.

"Dhaqaalihii baa dib u dhacay, nabad-gelyadii baa dib u dhacday, qolaba qoley col la noqotay, qolo qolo u gudbtaa la waayay, xuquuqo badan baa Soomaalida iyo qowmiyadaha kale ka lumay, xasuuqo badan baa ka dhacay gobolka Amxaarada, Tigreega iyo Oromada laftigeeda. Dhul miyi ah oo badan baa dadkii la xasuuqay, marka gacan kuleyl iyo digtaatoorinnimo iyo nabadgelyo la'aan iyo xuquuq waayid fara badan yaa ku dhacday qowmiyado badan oo maamulkan hoos yimaada," ayuu intaas ku daray.

Caddaani ayaa sheegay in kooxaha hadda midoobay ay markoodii horeba ka shaqeynayeen isu soo dhoweynta shucuubta la isku diray, sida uu sheegay .

"Ujeedkeenna waxa weeye in shucuubta ay dimuqraaddiyad hesho, inay xaqa aaya- ka- talintooda helaan, si dhab ah isku maamulaan oo go'aankooda siyaasiga ah, dhaqaalahooda iyo dhulkooda iyo mustaqbalookda horumarintiisa gacanta ugu jiro, oo koox BB la yiraahdo ama magac kale wadata oo Addis Ababa fadhisa oo shucuubtu u afduuban tahay uusan gacan ku heynin".

Wuxuu intaas ku daray in isbahaysigu uu yahay mid diyaar u ah wada-hadal, ayna ka wada shaqeynayaan sidii ay u gaari lahaayeen hadafkooda.

Itoobiya ay bishii October, sanadkii 2018 heshiis nabadeed la gashay ONLF, kuwaas oo ay horey ugu calaamadisay "koox argagixiso ah."

Heshiiskaas ayaa dhigayay in labada dhinac ay joojiyaan colaadda, isla markaana ay ONLF "ku gudato waajibaadkeeda siyaasadeed hab nabadeed".

Caddaani ayaase hadda qaba in wixii ay doonayeen aysan ka helin heshiiskaas.

"Keligeen lamaan gelin heshiiskaas, ilaa shan koox baa la gashay, laakiin heshiis ma yaqaannaan qoladan." Ayuu yiri.

Ururka ONLF ayaa sannadkii 1984-tii bilaabay dadaalkiisa ku aaddan inuu gobolka Soomaalida ka gooyo Itoobiya.

Horraantii sanadkii 2018, baarlamaanka Itoobiya ayaa ONLF ka saaray liiska ururrada la mamnuucay, taas oo qayb ka ahayd dadaallo dib-u-habeyn ah oo uu hoggaaminayay Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed, kaas oo gacanta nabadda u fidiyay dhinacyada mucaaradka ah. ONLF ayaa bishii Agoosto ee isla sanadkaas ku dhawaaqday xabbad-joojin.