Diyaaradaha Iiraan oo weli u duulaya Shiinaha iyo meelo kale dunida ah, kadib cunaqabateyntii Maraykanka

Xigashada Sawirka, NurPhoto via Getty Images
Iyada oo ay jirtay cunaqabateyn lagu soo rogay shirkadaha diyaaradaha Iraan, isla markaana Maraykanku u qabtay waqti kama dambeys ah oo ay ku joojinayaan duullimaadyada caalamiga ah, haddana xogta la socodka duullimaadyadu waxay muujinaysaa in diyaaradaha Iraan ay weli u duulayaan qaybo ka mid ah dunida, inkasta oo duullimaadyo badan la baajiyay.
Bloomberg oo soo xiganaysa bogga la socda duullimaadyada ee FlightRadar24, ayaa sheegtay in saacado gudahood markii cunaqabateynta cusub ee Maraykanku dhaqan gashay, dhowr duullimaad oo ka baxay Iraan ay ku wajahnaayeen meelo ay ka mid yihiin Bangkok iyo Phuket oo Thailand ah, Shanghai oo Shiinaha ah iyo Kabul oo Afghanistan ah.
Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha Iraan ayaa lagu qasbay inay baajiyaan duullimaadyadooda caalamiga ah.
Mid kamid ah masuuliyiinta socdaalka oo ku sugan Tehran ayaa AFP u sheegay in duullimaadyadii Iraan uga bixi jiray Baagdaad, Muscat, Qatar, Georgia iyo Azerbaijan la baajiyay, balse duullimaadyada qaarkood, oo ay ku jiraan kuwa ku wajahan Shiinaha, ay weli shaqeynayeen.
Wakiilka oo aan doonayn in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in duullimaadyada Istanbul sidoo kale loo qorsheeyay inay socdaan, balse qaar la baajiyay. Wuxuu yiri: "Xaaladdu ma deggana, waxaana hadda joojinay iibinta tigidhada, sababtoo ah waxaan ka cabsi qabnaa in duullimaadyada la baajiyo".
Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka Scott Bessent ayaa Isniintii ku dhawaaqay cunaqabateyn cusub oo loogu talagalay in cadaadis dhaqaale oo dheeraad ah lagu saaro Iran, iyadoo ujeeddadu tahay in la joojiyo duullimaadyada diyaaradaha Iran ee caalamiga ah. Wuxuu sheegay in laga bilaabo Arbacadii, 23-ka Sebtembar, hawada caalamka laga xidhayo dhammaan shirkadaha diyaaradaha Iran, isla markaana cid kasta oo la shaqeysa ay wajihi doonto cunaqabateyn.

Xigashada Sawirka, Reuters
Si kastaba, shirkadaha duulimaadyada Iraan ayaa muddo sannado ah ku jiray cunaqabateynta Maraykanka, waxaana weli aan caddayn saamaynta ugu dambeysa ee cunaqabateyntan cusub iyo dalalka u hoggaansami doona.
Shiinaha ayaa Talaadadii sheegay inuu kasoo horjeedo cunaqabateynta Maraykanka, isagoo ku tilmaamay sharci-darro. Hase yeeshee, qaar ka mid ah dalalka ayaa joojiyay inay aqbalaan diyaaradaha Iran.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hay'adda Duulista Rayidka Iran ayaa ku dhawaaqday in duullimaadyada shirkadaha diyaaradaha Iran ee ku wajahan Muscat iyo Baagdaad la joojin doono laga bilaabo saqda dhexe ee Arbacada.
Majid Akhavan, oo ah afhayeenka hay'addaasi, ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha Baagdaad uu joojin doono qaabilaadda diyaaradaha Iran laga bilaabo Arbacada, halka rakaabka Iran aan lagu soo dhaweyn doonin caasimadda Cumaan. Sida uu sheegay Akhavan, mas'uuliyiinta Iran ayaa wada wadahadallo lagu doonayo in diyaaradaha Iran loo oggolaado inay tagaan Najaf halkii ay ka tegi lahaayeen Baagdaad.
Mas'uuliyiinta Azerbaijan ayaa sidoo kale shalay ku dhawaaqay in si ku-meel-gaar ah loo hakiyay duullimaadyada Iran ee dalkaas, sababo la xiriira cunaqabateynta Maraykanka.
Sabtidii la soo dhaafay, shirkadda Mahan Air ayaa sheegtay in diyaaradaheeda laga mamnuucay inay isticmaalaan hawada Turkiga.
Diyaarad Mahan Air ah oo ka timid Kabul ayaa la filayay inay maanta ka degto Tehran. AFP oo soo xiganaysa xogta ku jirta bogga Garoonka Caalamiga ah ee Imam Khomeini ee Tehran ayaa sheegtay in duullimaadyada ku wajahan Turkiga iyo Armenia ay weli socdeen, iyadoo ay shaqeynayeen shirkado diyaaradeed oo yaryar, sida Varsh. Duullimaadyada ku wajahan Najaf iyo Dubai ayaa sidoo kale ku jiray jadwalka duullimaadyada.
Maraykanka ayaa 27 shirkadood oo diyaaradaha Iran ah ku daray liiska cunaqabateynta, taas oo dhaqan gashay 23-kii Sebtembar.
Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka Scott Bessent ayaa uga digay shirkadaha aan u hoggaansamin cunaqabateynta in laga jari doono nidaamka lacagta dollarka.
Bessent ayaa sheegay in haddii diyaaradaha Iran ay ku degaan garoon diyaaradeed, "aan shidaal la siin karin, adeegyada garoonka aan loo qaban karin, tigidhadana aan laga iibin karin; haddii taas la sameeyana, shirkaddaasi waxay waayi doontaa marin u helidda nidaamka dollarka."



























