Sawirro muujinaya khasaaro baahsan oo soo gaaray goobo ay Maraykanku ku leeyihiin dalalka Carabta kaddib weerarro ay Iiraan qaadday

Xigashada Sawirka, CBS News
- Author, Kayla Epstein iyo Bernd Debusmann
- Published
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
Shabakadda "CBS", oo ah bahwadaagta Maraykanka ee BBC, ayaa heshay sawirro muujinaya burbur ballaaran oo soo gaaray dhowr goobood oo Maraykanku ku leeyahay gobolka Carabta, kuwaas oo ay sababeen weerarro ay Iiraan qaadday.
Sawirrada, oo ay soo gudbiyeen askar ka tirsan ciidamada oo weli shaqaynaya, ayaa muujinaya diyaarad raadaar ah oo qaab-dhismeedkeedu kala go'ay, taargooyin iyo gaadiid si buuxda u burburay, iyo dhismayaal uu soo gaaray burbur aad u weyn.
Sawirrada oo aan taariikh lagu qorin ayaa laga qaaday saldhigyo iyo goobo ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin Sacuudiga iyo Kuwait.
Mid ka mid ah askarta, oo CBS aysan magaciisa shaacin, ayaa yiri: "Kuwani waa khasaare baaxad leh oo soo gaaray saldhigyadeenna, balse shacabka Maraykanka looma sheegin."
Wuxuu intaas ku daray: "Waxaan taaganahay annaga oo aan waxba qaban karin, sidii inaan indhaha isku qabsannay oo aan wejiyada kaga qaadanayno feerarka."
Aqalka Cad ayaa BBC u gudbiyay Taliska Dhexe ee Maraykanka, "CENTCOM", kaas oo aan isla markiiba ka jawaabin codsi faallo ah.
Sawirrada, oo BBC aysan si madax-bannaan u xaqiijin karin, ayaa la daabacay maalin kaddib markii uu soo baxay warbixin uu diyaariyey hay'adda kormeerka ee Wasaaradda Difaaca Maraykanka, Pentagon-ka. Warbixintu waxay xaqiijisay in boqollaal dhisme iyo xarumo ah oo ku yaalla saldhigyada Maraykanka ee gobolka Carabta ay waxyeello soo gaartay ama la burburiyey, kaddib weerarradii Iran.
Mid ka mid ah sawirrada ayaa muujinaya diyaarad Boeing E-3 Sentry ah oo burbursan, taas oo ku taalla Saldhigga Cirka ee Amiir Suldaan ee Sacuudiga. Diyaaradda ayaa kala go'day oo laba qaybood noqotay, halka qaybteeda dambe ay isu beddeshay bir qalloocan oo isku dhex yaacsan.

Xigashada Sawirka, CBS News
Inkasta oo sawirku aanu lahayn taariikh, haddana kooxda xaqiijinta xogta ee BBC ayaa horay bishii Maarso u xaqiijisay sawir la mid ah, kaas oo u muuqda inuu yahay isla diyaaraddii raadaar-ka.
Diyaaradaha "Boeing E-3 AWACS" waxaa loo adeegsadaa in meelaha fog laga ogaado laguna daba galo bartilmaameedyada suurtagalka ah, iyo in digniin hore laga bixiyo khataraha iman kara.
Xilligaas, sarkaal Maraykan ah ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in 12 askari oo Maraykan ah ay ku dhaawacmeen weerar ay Iiraan ku qaadday saldhigga cirka, laba ka mid ahna ay qabeen dhaawacyo halis ah.
Labo sawir oo aan taariikh lahayn, kuwaas oo la sheegay in lagu qaaday xerada Buehring ee Kuwait, ayaa muujinaya taargooyin burbursan iyo dhisme weyn oo u ek teendho oo gebi ahaanba kala daadsan, iyadoo qiiq uu ka kacayo goobta.

Xigashada Sawirka, CBS News

Xigashada Sawirka, CBS News
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sawir kale ayaa muujinaya dhisme afar dabaq ah oo ay waxyeello ka soo gaartay weerar ay Iiraan ku qaadday xerada Arifjan ee Kuwait.
Warbixinno la soo saaray bishii Maarso ayaa sheegay in goobta uu soo gaaray burbur, oo ay ku jiraan qalab isgaarsiineed oo dayax-gacmeed, balse ma cadda in sawirku uu yahay kii laga qaaday isla weerarkaas.
Brian Katulis, oo hore xilal kala duwan uga soo qabtay dhinaca amniga qaranka xilliyadii ay talada hayeen maamullo Dimuqraaddi ah iyo Jamhuuri ah, ayaa sheegay in burburka ka muuqda sawirradu muujinayo in "Maraykanku aanu si ku filan u diyaarin difaacyadiisa."
Katulis, oo hadda ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Machadka Bariga Dhexe, ayaa intaas ku daray: "Waxaa jira caddeymo xooggan oo muujinaya in dalal ay Maraykanku iska soo horjeedaan, sida Shiinaha iyo Ruushka, laga yaabo inay Iran ka caawiyeen aqoonsiga bartilmaameedyada," isaga oo intaas ku daray in "maamulka Trump uusan waxba ka qaban meelahan nugul."

Xigashada Sawirka, CBS News
Sawirrada ayaa la daabacay kaddib markii uu soo baxay warbixin ay soo saartay hay'adda kormeerka ee Wasaaradda Difaaca Maraykanka, Pentagon-ka, taas oo lagu sheegay in weerarradii Iran ay "waxyeello u geysteen boqolaal dhisme iyo xarumo ah, halka boqolaal kalena ay burburiyeen saldhigyada Maraykanka ee Kuwait, Baxrayn, Qadar, Imaaraadka Carabta, Sacuudiga, Ciraaq, Cumaan iyo Urdun intii uu socday dagaalku".
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in khasaaraha qalabka uu gaaray 3.7 bilyan oo doollar, halka wadarta kharashka Maraykanka ee dagaalka ilaa 29-kii Juun ay gaartay 33.4 bilyan oo doollar.
Waxay intaas ku dartay in "tobnaan diyaaradood oo Maraykan ah la burburiyey ama waxyeello loo geystay" bilihii xigay markii uu dagaalku billowday.
Warbixintu waxay soo bandhigtay liiska qaar ka mid ah diyaaradaha waxyeelloobay, waxaana ka mid ahaa shan diyaaradood oo shidaal siiya diyaaradaha kale hawada, kuwaas oo "waxyeello loo geystay ama lagu burburiyey dhulka gudaha Sacuudiga, sababo la xiriira hubka ay Iran adeegsatay".
Warbixin gaar ah oo uu soo saaray Xafiiska Miisaaniyadda Kongareeska Maraykanka ayaa tilmaantay in wax-soo-saarka diyaaradaha E-3 la joojiyey, sidaas darteedna beddelkooda ay u baahan tahay in la iibsado diyaarado casri ah oo isla hawshaas qaban kara, kuwaas oo ah nooca E-7.
Xafiisku wuxuu sheegay in qiimaha hal diyaarad oo E-3 ah uu gaarayo 500 milyan oo doollar, halka wadarta qiimaha qalabka lagu qiyaasay inuu ku lumay dagaalka, oo ay ku jiraan diyaarado, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo nidaamka difaaca gantaallada ee THAAD, uu gaarayo 1.9 bilyan oo doollar.
Xafiisku wuxuu sheegay in dib-u-eegistiisa ay ku jirto "hubanti la'aan", maaddaama Wasaaradda Difaaca aysan ka jawaabin codsiyadii ahaa in la siiyo xog, taas oo ku qasabtay xafiiska inuu ku tiirsanaado xogaha kaydka dowladda iyo warbixinno hore loo daabacay.
Sida lagu sheegay warbixinta, weli ma cadda baaxadda hawlaha dayactirka iyo dib-u-dhiska ee ciidamada Maraykanku qorsheynayaan inay fuliyaan.














