Iiraan oo xog cusub ka bixisay wadahadallada iyo shuruudo ay u gudbisay dhexdhexaadiyaasha

Iiran

Xigashada Sawirka, More

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Mohsen Rezaei, oo ah xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, ayaa sheegay in Tehran ay shuruudaheeda wada-xaajoodyada u gudbisay Maraykanka iyadoo adeegsanaysa dhexdhexaadiyayaal ka socda Qatar iyo Pakistan, isla markaana ay hadda "sugayso jawaabta Madaxweyne Trump."

Wareysi uu siiyay Al Jazeera, wuxuu sidoo kale sheegay in shuruudaha Iran ay ka mid yihiin "in la soo afjaro dagaalka dhammaan jihooyinka, in la sii daayo hantida Iran ee la xayiray, iyo in la soo afjaro go'doominta badda," wuxuuna sheegay in wadatashiyada lala leeyahay dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Pakistan ay weli socdaan.

Rezaei, wuxuu sidoo kale ka digay in haddii Iran la weeraro, ciidamadeedu ay si xooggan u bartilmaameedsan doonaan saldhigyada Maraykanka iyo "danaha Washington" ee gobolka.

Marka laga hadlayo barnaamijka nukliyeerka, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran wuxuu sidoo kale sheegay in Tehran aysan weli go'aan ka gaarin inay ka baxdo Heshiiska Caalamiga ah ee Ka-hortagga Faafitaanka Hubka Nukliyeerka (NPT), isla markaana go'aanka arrintan uu ku xirnaan doono hab-dhaqanka Maraykanka.

Wuxuu sheegay in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay weli ku dheggan tahay fatwadii hoggaamiyihii hore ee Iran ee ku saabsan hubka nukliyeerka, ayna wax ka beddelin caqiidadeeda nukliyeerka, balse wuxuu intaas ku daray: "Ma garanayno waxa dhici doona mustaqbalka."

Mar sii horreysay madaxweynaha Iran Masoud Pezzekian wuxuu sidoo kale sheegay in haddii Maraykanku dib ugu soo laabto Is-afgaradkii Islamabad, Tehran ay iyaduna diyaar u noqon doonto inay dib u bilowdo waajibaadkeeda.

Tan iyo markii Is-afgaradkii Islamabad uu si wax-ku-ool ah u burburay bishii Luulyo, kaddib weerarro ay Iran iyo Maraykanku is-weydaarsadeen, labada dhinac waxay mararka qaarkood midba midka kale ku qaadeen weerarro milatari.

Si kastaba ha ahaatee, Qatar iyo Pakistan waxay sii wadeen dadaallada lagu doonayo in dib loo bilaabo wada-hadallada tan iyo burburkii Is-afgaradkii Islamabad. Dalalka gobolka ayaa sidoo kale sheegay inay doonayaan in la soo afjaro dagaalka, kaas oo billowday weerarro ay Maraykanka iyo Israa'iil ku qaadeen Iran bishii Maarso ee la soo dhaafay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wareysi uu siiyay Al Jazeera, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran ayaa sidoo kale ku baaqay in la soo afjaro dagaalka u dhexeeya Sacuudiga iyo Yemen, isagoo sheegay inuu aaminsan yahay in Xuutiyiinta Yemen ay iyaguna doonayaan in heshiis lala gaaro Sacuudiga.

Colaadda u dhexeysa Xuutiyiinta iyo Sacuudiga waxay noqotay goob cusub oo ka mid ah dagaal billowday weerarradii Maraykanka iyo Israa'iil ay ku qaadeen Iran bishii Maarso ee la soo dhaafay.

Horumaradii ugu dambeeyay, wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan ayaa habeenkii Sabtida sheegay in Sacuudigu laga yaabo inuu u baahdo kaalmo milatari sababo la xiriira weerarrada joogtada ah ee fallaagada Xuutiyiinta Yemen, isla markaana Turkigu arrimahan ku qiimeyn doono qaabka Heshiiska Difaaca ee Maka.

Waxaa la sheegay in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu diiday codsiyada Sacuudiga ee ahaa faragelin milatari oo toos ah oo Maraykanku ku sameeyo Xuutiyiinta.

Wuxuu sidoo kale sheegay in aan la aqbali karin in Sacuudiga lagu dhex jiido dagaal u dhexeeya Maraykanka iyo Iran, maadaama waddanku uusan doonayn inuu dagaalkaas ka qayb galo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa sidoo kale intaas ku daray, isaga oo aan faahfaahin dheeraad ah bixin, in dhammaan dhinacyada loo gudbiyay soo-jeedinno lagu soo afjarayo colaadda.