War deg deg ah, Maxaa ka jira in Trump uu ka qeyb qaatay soo afjaridda 8 dagaal oo dunida ka socday?

Xigashada Sawirka, RE
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ka sheegay in tan iyo markii uu markii labaad xilka madaxweynaha qabtay, uu soo afjaray illaa 8 dagaal, isaga oo yiri “sharaf weyn ii ahayd inaan soo afjaro siddeed dagaal”.
Waxa uu xusay lix ka mid ah:
- Cambodia iyo Thailand
- Kosovo iyo Serbia
- Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo Rwanda
- Pakistan iyo India
- Armenia iyo Azerbaijan
- Dagaalka Gaza
BBC Verify ayaa horey u baartay sheegashadan, waxayna ogaatay in qaar ka mid ah colaadahaas ay socdeen oo keliya dhowr maalmood, inkastoo ay ka dhasheen xiisado muddo dheer soo jiray.
In kasta oo xabbad-joojinno la gaaray, haddana colaadaha qaar ayaa weli socda sida Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Gaza.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in Trump uusan soo hadal qaadin dagaalkii 12-ka maalmood socday ee dhexmaray Israel iyo Iraan bishii Juun 2025, iyo “dagaalkii” u dhexeeyay Masar iyo Itoobiya. Labadan dhacdo ayaa horey Aqalka Cad ugu daray siddeedda dagaal ee uu sheegay in Trump soo afjaray.
Marka laga hadlayo Masar iyo Itoobiya, dhab ahaantii ma jirin dagaal ay tahay in la soo afjaro, bale Waxaa jiray xiisado u dhexeeyay labada dal oo la xiriiray dhismaha biyo-xireen ku yaalla webiga Niil.

