Xaggee ayay ku dambeeyeen saaxiibbadii halganka ee madaxweynaha Eritrea uu 25 sano xabsiga ku hayay? Muxuuse ahaa dalabkoodu?

Xigashada Sawirka, Petros Tesfagiorgis
Tan iyo markii Eritrea ay noqotay dal madax-bannaan, madaxweynaha dalka, Isaias Afwerki, ayaa xukunka hayay. Saraakiil sare oo si rasmi ah uga dalbaday inuu sameeyo isbeddello siyaasadeed ayuu xabsiga dhigay, waxaana hadda laga joogaa 25 sano tan iyo markii la waayay meel ay ku sugan yihiin.
Saraakiisha loo yaqaan Kooxda 15-ka (G15) waxay xilal sare ka soo qabteen halgankii xornimada Eritrea iyo wixii ka dambeeyay. Kadib markii ay si cad u dalbadeen in isbeddel siyaasadeed lagu sameeyo dalka, waxaa la xiray 8-dii Sebtembar 2001, tan iyo markaasna lama oga halka ay ku sugan yihiin.
Saraakiishan oo xilal sare ka hayay halgankii xornimada iyo dowladdii Eritrea ayaa warqad furan oo si rasmi ah loo faafiyay ku dalbaday in Madaxweyne Isaias Afwerki uu qabto doorashooyin, isla markaana dalka lagu maamulo dastuur.
15-ka sarkaal ee warqadda ku dalbaday in madaxweynuhu isbeddel sameeyo, 11 ka mid ah ayaa ciidamada ammaanka Eritrea isla markiiba xireen. Afarta kale, oo kala ah Mesfin Hagos, Haile Menkerios iyo Mohammed Berhan, lama qaban, waxayna ku nool yihiin qurbaha.
Saraakiishii la xiray ayaa maanta laga joogaa 25 sano iyaga oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin, maxkamad la horgeyn, ama aan la ogeysiin halka ay ku sugan yihiin.
Marka laga hadlayo xaaladda saraakiisha xabsiga ku jirta, ma jiraan warar la isku hallayn karo oo rasmi ah, marka laga reebo xog mararka qaarkood ka soo baxda ilo kala duwan.
Dowladda Eritrea, si kastaba ha ahaatee, waxay si aan rasmi ahayn ugu eedaysaa maxaabiista inay galeen falal khatar gelinayay madax-bannaanida iyo qarannimada Eritrea xilli uu dalku dagaal xudduudeed kula jiray Itoobiya, isla markaana ay xiriir la sameeyeen hoggaamiyeyaasha TPLF. Eedahaas waxaa ka mid ah waxa loo yaqaan "khiyaano qaran."
Maalintii ka dambaysay markii saraakiisha la xiray, dowladda Eritrea waxay bayaan ku sheegtay inay billowday "qaadista tallaabooyin lagu joojinayo dambiyada culus ee ka dhanka ah madax-bannaanida, amniga iyo nabadgelyada dalka."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hase yeeshee, shakhsiyaadkan ilaa maanta maxkamad lama horgeyn, si rasmi ah looma shaacin eedaha faahfaahsan ee loo haysto, mana helin fursad ay uga jawaabaan eedahaas. Waxaa hadda laga joogaa rubuc qarni tan iyo markii la waayay raadkooda.
Hay'adaha caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha, oo ay ka mid tahay Amnesty International, ayaa marar badan cambaareeyay xarigga muddada tobannaan sano socday ee aan lahayn dacwad rasmi ah iyo hannaan maxkamadeed, iyaga oo maxaabiista ku tilmaamay "maxaabiis damiir."
25 sano kadib, su'aasha ugu weyn ee weli jawaabtu ka maqan tahay ayaa ah: "Xaggee ayay dadkani joogaan? Maxaa ku dhacay? Maxaase loo horgeyn waayay maxkamad?"
BBC waxay dowladda Eritrea ka codsatay xog ku saabsan xaaladda iyo halka ay ku sugan yihiin saraakiishan, waxayna weli sugaysaa jawaab.
Maxay dalbanayeen?
Warqaddii furnayd ee ay xubnaha Kooxda 15-ku faafiyeen Sebtembar 2001 waxay muujinaysay in dalabkooda ugu weyn uu ahaa in Eritrea si nabad ah, sharci ah oo dimuqraaddi ah looga saaro qalalaasaha siyaasadeed ee dalka ka jiray.
Warqaddu waxay ku baaqaysay in la qabto wada-hadal nabadeed oo dimuqraaddi ah, in dalka uu ka hanaqaado sarreynta sharciga iyo caddaaladda, isla markaana la saxo jihadii khaldanayd si xal loogu helo dhibaatooyinka dalka.
Warqaddu waxay sidoo kale tilmaamaysay in tan iyo xornimada awooddu si tartiib tartiib ah ugu ururaysay gacanta dad kooban, halka geeddi-socodkii go'aan-qaadashada wadajirka ahaa uu sii yaraanayay, isla markaana isla-xisaabtanka iyo hay'adihii dawladnimo ay daciifayeen.
Waxay dalbanayeen in dalka lagu maamulo dastuur, sharci, hay'ado iyo ka-qeybgalka shacabka.
Waxay sidoo kale ku baaqayeen in dastuurkii Eritrea ee la diyaariyay la dhaqan geliyo, isla markaana awoodda dowladda lagu xaddido laguna kormeero hay'adaha kala duwan ee sharciga.
Gaar ahaan, waxay dalbanayeen in arrimaha muhiimka ah ee qaranka aan lagu go'aamin hal qof ama koox yar, balse lagu go'aamiyo wadatashi iyo hay'adaha sharciga; in la sameeyo guddiga doorashooyinka oo madax-bannaan; in la meel mariyo sharciga xisbiyada siyaasadda; iyo in la qabto doorashooyin.
Waxay sidoo kale dalbanayeen in la kala diro maxkamaddii gaarka ahayd iyo guddigii gaarka ahaa ee baaritaanka ee uu madaxweynuhu sameeyay; in hay'adaha garsoorku ka madax-bannaanaadaan laanta fulinta; iyo in la dammaanad qaado xorriyadda saxaafadda, hadalka iyo cabbirka fikradda.
Qodobka udub-dhexaadka u ahaa dalabyada Kooxda 15-ka wuxuu ahaa dastuurka Eritrea, kaas oo la diyaariyay balse aan weli dhaqan gelin.
Ilaa hadda, marka laga soo tago in Eritrea aysan lahayn xisbiyo mucaarad ah iyo warbaahin madax-bannaan, Eritrea waligeed doorasho ma aysan qaban tan iyo markii ay noqotay dal madax-bannaan.
"Kooxda 15-ka" waa ayo?
1. Maxamuud Axmed Shariifo: Intii uu socday halgankii xornimada, wuxuu xubin ka ahaa Xafiiska Siyaasadda iyo Guddiga Dhexe ee Jabhaddii Xoreynta Shacabka Eritrea (EPLF). Xornimada kadib, wuxuu noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha [oo loo aqoonsan jiray xil u dhigma madaxweyne ku-xigeen], iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda. Sidoo kale, markii EPLF oo hoggaaminaysay halgankii hubaysnaa loo beddelay xisbi siyaasadeed oo la yiraahdo Jabhadda Shacabka ee Dimuqraadiyadda iyo Caddaaladda (PFDJ), wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii iyo xubnihii Guddiga Dhexe.
2. Haile Woldetensae: Wuxuu ahaa madaxa arrimaha siyaasadda ee Jabhaddii Xoreynta Shacabka Eritrea (EPLF), sidoo kalena wuxuu xubin ka ahaa Xafiiska Siyaasadda ee jabhadda. Xornimada kadib, wuxuu noqday Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Maaliyadda.
3. Petros Solomon: Intii uu socday halgankii hubaysnaa, wuxuu ahaa madaxa sirdoonka/amniga. Wuxuu sidoo kale xubin ka ahaa Guddiga Dhexe iyo Xafiiska Siyaasadda ee Jabhaddii Xoreynta Shacabka Eritrea (EPLF). Xornimada kadib, wuxuu noqday Wasiirka Kheyraadka Badda, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Gaashaandhigga.
4. Jeneraal Okbe Abraha: Wuxuu soo noqday Taliyaha Ciidanka Difaaca Eritrea, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
5. Barakhi Gebreselassie: Wuxuu xubin ka ahaa Guddiyada Dhexe ee Jabhaddii Xoreynta Shacabka Eritrea (EPLF) iyo Jabhadda Shacabka ee Dimuqraadiyadda iyo Caddaaladda (PFDJ). Xornimada kadib, wuxuu noqday Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka, sidoo kalena wuxuu ahaa safiirka Eritrea u fadhiya Jarmalka.
6. Sareeye Gaas Berhane Gebre-Egzabher: Intii uu socday halgankii xornimada, wuxuu xubin ka ahaa Xafiiska Siyaasadda ee Jabhaddii Xoreynta Shacabka Eritrea (EPLF). Xornimada kadib wuxuu ciidamada Eritrea ka gaaray darajada Sareeye Gaas, wuxuuna ahaa Taliyaha Guud ee Ciidanka Kaydka Eritrea.

7. Brigadier Jeneraal Estifanos Seyoum: Wuxuu xubin ka ahaa Guddiga Dhexe ee Jabhaddii Xoreynta Shacabka Eritrea (EPLF). Xornimada kadib wuxuu ciidamada ka gaaray darajada Brigadier Jeneraal, ilaa markii la xirayna wuxuu ahaa madaxa Hay'adda Dakhliga Gudaha ee Eritrea.
8. Germano Naty: Wuxuu xubin ka ahaa Guddiga Dhexe iyo Guddiga Fulinta ee Jabhaddii Xoreynta Shacabka Eritrea (EPLF), sidoo kalena wuxuu ahaa maamulihii aagga Gash-Barka.
9. Saalax Idris Kekiya: Wuxuu xubin ka ahaa Guddiga Dhexe ee Jabhaddii Xoreynta Shacabka Eritrea (EPLF). Wuxuu soo noqday Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta, Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, iyo madaxa Xafiiska Madaxweynaha.
10. Hamid Himid: Wuxuu xubin ka ahaa Guddiga Dhexe iyo Xafiiska Siyaasadda ee Jabhaddii Xoreynta Shacabka Eritrea (EPLF) iyo Jabhadda Shacabka ee Dimuqraadiyadda iyo Caddaaladda (PFDJ). Xornimada kadib, wuxuu madax ka ahaa waaxda Bariga Dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eritrea, sidoo kalena wuxuu ahaa safiirka Eritrea u fadhiya Suudaan.
11. Aster Fessehatsion: Waxay xubin ka ahayd Guddiga Dhexe ee Jabhaddii Xoreynta Shacabka Eritrea (EPLF), waxayna ahayd sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Saraakiishan hore ee Jabhaddii Xoreynta Shacabka Eritrea (EPLF) iyo mas'uuliyiintii sare ee dowladda Eritrea ayaa 25-kii sano ee la soo dhaafay ku jiray xabsi.
Marka laga soo tago saraakiishan sare, waxaa xilligaas sidoo kale la xiray dad kale, saxafiyiin iyo xubno badan oo ka tirsanaa Jabhaddii Xoreynta Shacabka Eritrea (EPLF) oo taageerayay dalabkooda. Ilaa hadda lama oga halka ay ku sugan yihiin qaar badan oo ka mid ah dadkaas.
Xubnaha dhaqdhaqaaqii halgankii xornimada Eritrea iyo saraakiishii sare ee dowladda ee xabsiga lagu hayay tan iyo Sebtembar 2001, ayaa markii hore lagu xiray xabsiga loo yaqaan Embatekala. Dhowr bilood kadib, waxaa la sheegay in loo wareejiyay xabsiga aadka u xun ee loo yaqaan Eiraeiro.
11 ka mid ah xubnihii Kooxda 15-ka ee warqadda furan ku dalbaday isbeddel ayaa la qabtay, waxaana rubuc qarni aan la ogeyn halka ay ku sugan yihiin. Afarta kale — Mesfin Hagos, Adhanom Gebremariam, Mohammed Berhan iyo Haile Menkerios — waxay 25-kii sano ee la soo dhaafay ku noolaayeen qurbaha, iyaga oo ku kala sugan dalal kala duwan.
Maxay dowladda Eritrea ka leedahay arrintan?
In ka badan hal sano kadib markii xubnihii Kooxda 15-ka ee dalbaday isbeddelka ay shaaciyeen warqaddoodii furnayd oo la xiray, Golaha Qaranka Eritrea ayaa shir uu qabtay bishii Janaayo 2002 ku tilmaamay maxaabiista "khaa'imiin iyo kala-qaybiyeayaal."
Goluhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay maxaabiista inay "isku dayeen inay madaxweynaha awood kaga tuuraan xilka." Wixii xilligaas ka dambeeyayna, Golaha Qaranka Eritrea mar dambe ma qaban shirarkiisii caadiga ahaa.
Madaxweyne Isaias Afwerki, oo ahaa bartilmaameedkii ugu weynaa ee dalabka isbeddelka, isla markaana dalka si kali-talisnimo ah u maamulayay 35 sano, waligiis si furan ugama hadlin dalabyada loo jeediyay ama saaxiibbadii ay wada dagaallamayeen ee rubuc qarni xabsiga ku jiray.
Qiyaastii 17 sano ka hor, markii wariye Carabi ah oo reer Qadar ah uu madaxweynaha wax ka weydiiyay maxaabiistan, wuxuu ku jawaabay: "Wax aan arrintan ka ogahay ma jiraan; waxaa wanaagsan in arrintan la iska illoobo."
Sidoo kale, markii isla su'aashan uu madaxweynaha weydiiyay wariye ka tirsan Al Jazeera English, wuxuu si adag ugu jawaabay: "Ma jirin dad la xiray, mana jiraan dad la xiray; waa xog khaldan."















