Tuulo ay labo goor qorraxdu u dhici doonto maalin gudaheed todobaadka dambe

Xigashada Sawirka, Rishika Sharma
- Author, Rishika Sharma
- Published
- Waqtiga akhriska: 8 daqiiqo
Iyadoo aan lahayn dad degaan ah, wax maqaayado ah, ayna dhif iyo naadir ku tahay in dalxiisayaal la arko, tuulada Avellanosa de Muñó ee dalka Isbayn waxay isu diyaarinaysaa habeen aan caadi ahayn.
Waxaa jira tuulooyin aamusan oo badan, laakiin waxaa ka duwan tuulada yar ee Avellanosa de Muñó oo ku taalla gobolka waqooyiga Isbaanish ee Burgos. Ma laha wax maqaayado ah mana laha wax dukaamo ah. Waxay leedahay baar aan waligii la furin iyo dukaanka khamriga oo mar dambe albaabkiisa la furi doonin.
Laakiin marka aad si fiican u dhegaysato, waxaad maqli doontaa hees fudud iyo dhawaaq hoose oo jilicsan oo ka imanaya shinnida oo si xasiloon ugu dul wareegaysa geedaha lavender-ka ee kulaylka qorraxda xagaagu gubtay. Lavender-ka waa geed udgoon oo ubax yar oo guduud-buluug ah leh. Udgoonkiisa aad buu u qaboojiyaa maskaxda.
Waxa intaasi dheer heesta shimbiraha midabka madoowga iyo bunniga ah ee saqafyada dhagaxa ah dhexdooda si tartiib ah ugu duulaya.
Jawiga meesha oo dhan wuu degan yahay. Guryaha gadaashooda waxa kaliya ee laga maqlaya oo sheegaya in dad ay jiraan waa sanqadha gaadhiga beeraha ee meel fog ka imanaya.
Tuuladu waxay huruddaa ilaa uu hal mar toddobaadkii soo dhex maro gaadhi cad oo nolosha dadka soo kicinaya. Wuxuu dadka tirada yar ee wali halkaas ku nool uu keenaa rooti wuxuuna muddo kooban tuulada ka toosiyaa hurdada iyo aamusnaanta.
Dadka yar ee tuulada ku nool waxay ku nool yihiin nolol deggan oo isku mid ah maalin walba, sababtoo ah inta badan waxba ma dhacaan. Laakiin xagaagan, tuulada caanka ku ahayd aamusnaanta iyo madmadawga waxay noqon doontaa meel aad u xiiso badan oo adduunka oo dhan laga hadlo.
12-ka Agoosto 2026 qorrax madoobaad dhameystiran ayaa ka gudbi doona badwaynta Atlaantika. Wuxuu noqon doonaa kii ugu horreeyay ee laga arko Yurub tan iyo 1999, iyo kii ugu horreeyay ee laga arko Isbaaniya tan iyo 1912 sida ay sheegtay Dr María Teresa López Sánchez oo ka shaqaysa cilmiga fiisigiska. Teresa waxay kasoo jeeddaa magaalada Madrid ee caasimadda dalka Isbaaniya.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qorrax madoobaadka oo buuxa meel walba lagama arki doono. Waxaa laga arki doonaa kaliya jid ciriiri ah oo dhex mara qaaradda. Tuulada Avellanosa de Muñó waxay ku taallaa bartamaha jidkaas, sidaas darteed dadka halkaas jooga waxay heli doonaan muuqaalka ugu fiican.
Waxa tuuladan ka dhigaya meel fiican oo lagu daawado waa muuqaalkeeda quruxsan ee beer qamadi dahabi ah, buuro yaryar, dhismooyin qadiim ah, iftiin macmal ah oo yar, iyo dad aan badneyn marka loo barbar dhigo meelaha kale ee caanka ah.
Waqtiga uu qorrax madoobaadku dhacayo ayaa ka dhigaya mid gaar ah. Qorrax madoobaadku ma dhici doono bartamaha maalinta, ee wuxuu dhici doonaa wax yar ka hor qorrax dhaca.
Taasi waxay keeni doontaa waxa loo yaqaan "qorrax dhac labanlaab ah". Sababtoo ah marka hore mugdi baa iman doona sababtoo ah qorrax madoobaadka. Markaas dhawr daqiiqo ka dib mugdi kale ayaa iman doona sababtoo ah qorraxda oo dhab ahaan u dhacaysa.
Fiisigiste Dr López ayaa sidaas u sharaxday: waxay noqon doontaa sida in aad daqiiqado yar gudahood la kulanto laba qorrax dhac.
Markaa dhacdadan waxay dadka siin doontaa laba jeer oo mugdi ah oo is xiga. Mid ka yimid qorrax madoobaadka, iyo midda kale ee ka timid qorrax dhaca dhabta ah.
Isla habeenka uu qorrax madoobaadku dhacayo, samada waxaa sidoo kale laga arki doonaa roobka shahaabada ee loo yaqaan Perseids. Roobka shahaabada waa meteors badan oo isku mar samada uga soo dhacaya.

Xigashada Sawirka, Rishika Sharma
Roobka shahaabada ma aha biyo. Waa dhagaxyo yaryar oo samada ku gubanaya oo iftiin ka tagaya. Dadku waxay u bixiyaan "roob shahaabo" sababtoo ah waxay u muuqdaan sida roob ka soo da'aya samada.
Tani waxay ka dhigaysaa habeenkaas mid gaar ah. Sababtoo ah waa dhif in laba dhacdo oo waaweyn oo samada ah ay isku maalin dhacaan.
Markaa 12 Agoosto 2026 waa habeen 3 dhacdo samada ah isku mar ka dhici doonaan. Waxaad arki doontaa qorrax madoobaad, ka dib qorrax dhac, ka dibna habeenkii roob shahaabo. Saddexda dhacdo ee samada ah waxay dhici doonaan 24 saacadood gudahood.
Sara Álvarez Rodríguez waxay dadka ku talinaysaa inay kor u fuulaan godka sababtoo ah marka halkaas la gaaro, goobta oo dhan iyo qorrax madoobaadka si fiican ayaa looga arki karaa. Waxay tiri: "Kor u fuula xagga godka. Halkaas wax walba waad arki doontaan."
Álvarez wuxuu ku dhashay Avellanosa de Muñó sanadkii 1937, noloshiisa oo dhan halkaas ayuu ku qaatay. Meel kale waligiis ma uusan degin.
Intii uu noolaa ee ku dhowaad 90 sano, wuxuu indhihiisa ku arkay sida tuuladu gabi ahaanba isu beddeshay.
Markii la gaadhay sanadkii 1950 meeyadii, sida uu ii sheegay, dadka tuulada ku noolaa waxay ahaayeen ku dhawaad 200 qof waxaana jiray dukaamo yar oo dhowr ah.
Nimankii kalluunka ka ganacsan jiray waxay fuuli jireen baaskiilo, waxayna aadi jireen tuulooyinka ku hareeraysan si ay halkaas kalluunka ay qabteen ugu iibiyaan.
Raúl Grande Revilla wuxuu ku dhashay halkan 73 sano ka hor laakiin markii uu yaraa ayuu qoyskiisu u guuray magaalada Madrid. Wuxuu weli xasuustaa boostaleey dameer saarnaa oo imaan jiray tuulada si uu dadka ugu keeno waraaqaha iyo wargeysyada.
Mararka qaar boostaleeyga wuu seexan jiray isagoo saaran dameerka laakiin dameerkii wuu garanayay jidka iyo meelaha uu istaagi lahaa. Wuxuu istaagi jiray guri kasta, iyo sidoo kale boostada yar ee hore ugu taallay cirifka dambe ee tuulada.

Xigashada Sawirka, Alamy
Qarniyo badan tuuladu waxay ku noolaan jirtay beer roob ku tiirsan, beero khudaar, beero canab iyo xoolaha. Kadib markii mashiino la keenay, shaqooyin kale ma jirin.
Sidaas awgeed dadkii waxay ka guureen tuulada, waxayna aadeen magaalooyinka waaweyn sida Madrid, Bilbao, Barcelona iyo meelo kale.
Maanta tuulada waxaa ku nool dad ka yar ariga buuraha daaqaya. Dhulkii hore boqolaal qof ay ka shaqayn jireen, hadda waxaa ka buuxa beeraha gabbaldayaha ee waaweyn.
Laakiin xagaagan, dhacdada qorrax-madoobaadka ayaa soo jiidanaysa qaar ka mid ah qoysaskii hore u guuray.
Dhacdada awgeed, Grande wuxuu la imaan doonaa lammaanihiisa, wiilkiisa, awoowayaashiisa iyo saaxiibadooda badan.
Walaalkiis sidoo kale wuu imaan doonaa isagoo watta 3 carruurtiisa ah, awoowgiis iyo walaashii. Dhammaan waxay noqon doonaan ku dhawaad 20 qof, taasoo tirada dadka tuulada hal habeen labalaab ka dhigaysa.
Intaas kuma ekaan doonto. Álvarez ayaa ii sheegtay in deriska kale sidoo kale ay martigelin doonaan saaxiibadooda iyo qaraabadooda. Dadku waxay ka imaan doonaan dhammaan meelaha dalka Spain ah, xitaa waxaa laga imaan doonaa UK, France iyo Venezuela.
Sida ay Dr López sheegtay, qorrax-madoobaadku wuxuu dadka ku celinayaa tuulooyinkoodii hore. Dr Lucrezia López waa borofisar ka tirsan Waaxda Juqraafiga ee Jaamacadda Santiago de Compostela.
Waxay sheegtay in dhacdooyin hal mar ah sida qorrax-madoobaadku ay dadka ku dhiirigelin karaan "inay dib u ogaadaan goobihii ay hore xiriirka ula lahaayeen."
Avellanosa dadka u imaanaya qorrax madoobaadka awgii hadda ma aha oo kaliya dadkii hore halkaas ka soo guuray iyo qoysaskooda. Waxaa dheer dad kale oo cusub oo aan hore xiriir toos ah hore ula lahayn tuulada.
Tusaale: Saaxiibo, dalxiisayaal, dad ka yimid UK, France iyo Venezuela sida kor lagu sheegay.
Taas micnaheedu waa: hadda ma aha oo kaliya dadkii hore halkaas ka soo guuray ee imaanaya, ee dad kale oo xiriir la lahayn sidoo kale ayaa imaanaya.
Hoteelka Parador de Lerma oo ku yaalla qasrigii hore ee Duke of Lerma, dhacdada awgeed waxaa boosaska la buuxiyay afar sano ka hor ee sanadkii 2022. Alberto Bosque Coello oo ka tirsan Guddiga Dalxiiska ee Castilla y León wuxuu sheegay in isla qaabkaas oo kale uu ka dhacayo dhammaan gobolka.

Xigashada Sawirka, Rishika Sharma
Wuxuu yiri meelaha ay martida ku dejiyaan intooda badan waa buuxaan. Xitaa hore ayaa loo wada qabsaday oo way buuxeen. Wuxuu intaas ku daray in khubarada qorrax madoobaadka ay raadinayaan meesha ugu fiican, ee aanay ahayn meesha ugu caansan sababtoo ah waxay rabaan meel qorrax madoobaadka si fiican looga arki karo.
Grande wuxuu ii sheegay in uu jiro qoys Mareykan ah oo ka yimid California oo Spain u imaanaya si ay u arkaan qorrax-madoobaadka. Wuxuu ka walaacsanaa in haddii ay Madrid sii joogaan ay seegi doonaan daqiiqadda ugu muhiimsan ee qorrax-madoobaadka.
Sidaas darteed wuxuu bilaabay inuu tuulada Avellanosa guri kasta tago oo uu weydiiyo cid diyaar u ah inay qoyskaas marti geliso. Wuxuu rabay inay ka daawadaan qorrax-madoobaadka meesha uu aaminsan yahay inay tahay meesha ugu wanaagsan Spain oo dhan.
Sababtu waxay tahay inuu rabay inay qorrax-madoobaadka ka arkaan meesha uu rumaysan yahay inay tahay meesha ugu fiican Spain ee lagu daawado.
Waxaan weydiiyay Grande sida ay dareemayaan tuulo qiyaastii 10 qof ay leedahay oo si kedis ah u noqotay mid caalamka laga hadlayo.
Grande wuu qoslay oo madaxa ruxay. Wuxuu Isbaanish ku yiri "Tal cual" oo micnaheedu yahay taasina waa runta. Wuxuu la yaaban yahay in tuuladiisa yar, inkastoo ay tahay muddo gaaban, ay dunida oo dhan soo jiidanayso.
Dhammaan nawaaxiga Burgos, bulshooyinku waxay diyaarinayaan goobo lagu daawado qorrax-madoobaadka iyo shirar laakiin Avellanosa de Muñó, dadka deegaanka iyo booqdayaashu waxay aadi doonaan godadka ka sarreeya tuulada.
Marka qorrax-madoobaadku dhaco, Qorraxdu waxay aad hoos ugu jiri doontaa dhinaca galbeed. Kaliya 8 darajo ayay ka sarreyn doontaa dhulka. Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in galbeedku u furan yahay oo waxba uusan ka hor istaagin.
Godadka buurta dusha kaga yaalla ayaa ah meesha ugu fiican. Waxay la mid yihiin kuraas hore oo aad uga fadhido bandhigga samada ee dhaca hal mar jiilkii.
Bulshada oo hadda aad u yaraatay, iyagoo wada jir ah ayaa halkan ka daawan jireen qorrax dhaca. Xitaa hal nin oo hore halkan degganaa ayaa rabay in dambaskiisa halkan lagu daadiyo marka uu dhinto. Taasi waxay muujineysaa in godadkani ay tuulada u yihiin meel quluubta dadka taabatay oo xusuus weyn leh.
Álvarez waligiis Avellanosa kama bixin. Waa meeshii uu ku dhashay oo uu inta uu nool yahay ku noolaan doono. Grandena, laga soo bilaabo markii uu yaraa ilaa maanta, sanad kasta xilliga xagaaga ayuu tuulada Avellanosa soo booqan jiray.
Gabdhaha Álvarez-na xagaa kasta oo ay dugsiyada fasaxa yihiin gurigoodii ayay ku soo laabtaan. Gabdhahaasi xitaa marka hooyadood ay dhimato, waxay sii wadi doonaan inay tuulada soo booqdaan micnaheedu waa Joojin maayaan.
Hore Grande wuxuu ahaa kii keligiis soo noqon jiray laakiin hadda xaaladdu way isbaddashay. Wuxuu tuulada la yimaadaa qoyskiisa oo dhan. Wuxuu keenaa wiilashiisa. Wuxuuna sidoo kale la yimaadaa carruurtooda oo uu awoowe u yahay. Xataa saaxiibada carruurtaas ayuu keenaa, dadkaasna sanad walba way sii badanayaan.
Wuxuu rabaa inuu carruurtiisa iyo awowayaashiisa ku dhex beero jacaylka uu isagu yaraantiisii tuulada u qabay.
Wuxuu rajeynayaa in maalin uun ay iyaguna dareemaan inay qasab tahay inay ku soo noqdaan tuulada.
Wuxuu yiri: "Waxa ugu muhiimsan ee aniga iigu jira waa in carruurtayda iyo awowayaashaydu ay tuulada u haystaan jacaylka aan anigu u hayo".
Maalinta qorraxdu madoobaato, tuulada yar ee Avellanosa de Muñó waxay noqon doontaa meel buuq iyo dad badan leh. Dadku hilib ayay shiilayaan meel walba, carruurtuna way qosli doonaan meeshii dugsiga hore ugu ahaan jirtay. Muddo yar ayay qorraxdu labo jeer mugdi geli doontaa. Taas awgeed tuulada aan cidna hore u garanayn waxay noqon doontaa meesha ugu caansan aduunka dhan.












