Maxaa ka socda Bariga magaalada Gaalkacyo?

Xigashada Sawirka, PSF
Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan bariga magaalada ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Puntland iyo ciidamada PSF.
Labada ciidan ayaa isu adeegsanaya hub culus iyadoo inta badan ay ciidamada dowladda ay hub ku garaacayaan xarunta ciidanka ay dagaalamayaan ee PSF.
Weriye madax banaan oo halkaas ku sugan oo xogta na siiyay ayaa noo xaqiijiyay in ilaa hadda hal qof oo shacab ah uu ku dhintay dagaalka aan tooska ahayn ee u dhaxeeya labada dhinac halka labo qof oo kale oo shacab ay ay dhaawacyo soo gaareen.
Dhanka ciidamadana, ilaa shan askari ayaa dhaawacoodu la geeyay isbitaalka.
Ilaa iyo hadda ma jiro dagaal toos ah oo dhex maray labada ciidan balse hubka ayay isu adeegsanayaan.
Dhawaan ayay ahayd markii iska hor imaad dhaxmaray ciidamada Puntland iyo ciidanka PSF iyagoo eedo isku jeediyay.
Magaalada Galkacyo waxaa maalmahaan ka taagnaa xiisad kadib markii halkaasi laga dareemay dhaqdhaqaaqyo iska horjeeda oo ku saabsan ciidamo sheegay in ay ka tirsan yihii nkuwa federaalka iyo kuwa Puntland.
Dhaqaqaayadii ugu dambeyay ayaa abuuray in cabsi laga muujiyo in dagaal uu dhici karo, iyadoo Puntland ay halkaasi ciidamo badan oo dheeraad ah ku daabushay halka dowladda fedraalkana ay ku eedysay in hub iyo ciidamo ay halkaasi gaysay.
Aqoonahanka iyo siyaasiinta ka soo jeeda Puntland ayaa walaac ka muujinaya xaaladda waxayna war-saxaafadeed ay soo saareen ku direen baaq ku aaddan in xaaladdu aaney gaarin gacan ka hadal iyo rabshad.
Wixii ka soo kordha halkan ayaan idinkula socodsiin doonaa.
Sidoo kale akhri:





