Maxaa keenay in Mareykanka iyo Israa'iil ay dib u dhigaan weerarka Iiraan?

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidii sheegay in Mareykanka iyo Israa'iil ay ku heshiiyeen inay dib u dhigaan weerarradii la qorsheeyay ee ka dhanka ahaa Iiraan, kadib codsi uga yimid Tehran iyo dalal kale oo gobolka ah, iyadoo shuruuddu tahay in heshiis lagu gaaro si degdeg ah.
Trump ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Truth Social ku sheegay in Mareykanku uu si buuxda ugu diyaar garoobay inuu wajaho Iiraan, isaga oo xusay in awoodda ciidan ee Mareykanku ay gaartay heer aan hore loo arag tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Ka hor hadalladii Madaxweyne Donald Trump, gobolka Bariga Dhexe waxaa ka jiray xiisad aad u sarreysay, kadib markii safaaradaha Mareykanka ee ku yaalla dhowr caasimadood oo Bariga Dhexe ah ay Sabtidii uga digeen muwaadiniintooda "koror lama filaan ah oo ku yimaada dagaalka gobolka", isla markaana ku boorriyeen inay isu diyaariyaan inay ka baxaan gobolka haddii xaaladdu kasii darto.
Wakaaladda wararka Nour News, oo xiriir la leh Golaha Amniga Qaranka ee Iiraan, ayaa Sabtidii sheegtay in weerar kasta oo Mareykanku ku qaado kaabayaasha tamarta ee Iiraan uu Tehran ku riixi doono inay weerarto goobaha shidaalka ee Sacuudi Carabiya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta, iyo sidoo kale goobaha gaaska ee Qatar iyo Israa'iil. Wakaaladdu waxay intaas ku dartay in "wax walba la gubi doono ilaa ay dambas noqdaan."
Qoraal lagu baahiyay akoonka Telegram ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqchi, ayaa lagu sheegay inuu khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Sacuudiga, isaga oo sheegay in "gardarro" kasta oo ay geystaan Mareykanka iyo Israa'iil, ama ay ku lug yeeshaan dalal kale oo gobolka ka tirsan, ay Iiraan kaga jawaabi doonto "jawaab adag oo u dhiganta."
Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay warbaahinta Axios in Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Maxamed bin Salmaan, uu Sabtidii la hadlay Madaxweyne Trump, isagoo muujiyay walaac isla markaana codsaday faahfaahin ku saabsan qorshayaasha Mareykanka ee la xiriira Iiraan.
Digniinta Mareykanka ayaa waxaa soo saaray safaaradihiisa ku yaalla Baxrayn, Masar, Ciraaq, Israa'iil, Urdun, Kuwait, Lubnaan, Cumaan, Qatar, Sacuudi Carabiya, iyo Isutagga Imaaraadka Carabta, maalin kadib markii Madaxweyne Trump uu ku hanjabay inuu Iiraan ku qaadi doono "weerar aad u xooggan."
Muddo bilo ah, dagaalka ka socda gobolka ayaa si weyn u saameeyay nolosha dadka ku nool Bariga Dhexe, wuxuuna sidoo kale qalqal geliyay suuqyada tamarta ee caalamka, iyadoo aysan muuqan wax calaamad ah oo muujinaya in colaaddaasi dhowaan soo afjarmi doonto.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Digniinta amniga ayaa lagu yiri: "Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan gobolka waa inay ka fiirsadaan inay baxaan, ama ugu yaraan isu diyaariyaan inay baxaan haddii xiisaddu sii kororto."
Safaaradaha Mareykanka ayaa sidoo kale ugu baaqay muwaadiniintooda inay hubiyaan jadwalka duullimaadyada, raacaanna tilmaamaha badbaadada ee ay bixiyaan dowladda dalka ay joogaan.
Waxaa kale oo digniinta lagu sheegay in muwaadiniinta Mareykanka ee Bariga Dhexe ku sugan ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, isla markaana u diyaar garoobaan suurtagalnimada in duullimaadyada la baajiyo, hawada la xiro mararka qaarkood, iyo in safarradu carqalad galaan.
Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Urdun ayaa lagu amray inaysan u dhowaan saldhigyada milateri, halka kuwa jooga Israa'iil lagu wargeliyay inay ogaadaan halka uu ku yaallo hoyga ama gabbaadka ugu dhow ee ay ka geli karaan haddii gantaallo la soo weeraro.
Dhanka kale, qoraal lagu daabacay bogga Safaaradda Mareykanka ee Israa'iil ayaa lagu sheegay in "aan la saadaalin karin tallaabooyinka dowladda Iiraan," iyadoo lagu sababeeyay weerarradii ay dhowaan ka fulisay meelo ka tirsan Bariga Dhexe digniin la'aan, isla markaana ay ballaarisay bartilmaameedyadeeda oo ay ku dartay dalal aan hore loogu baran, sida Masar.
Safaaradda Mareykanka ee Bayruut ayaa iyaduna sheegtay inay weli ku shaqeyneyso nidaamka "ka bixitaanka khasabka ah", taas oo macnaheedu yahay in shaqaalaha dowladda Mareykanka ee aan qaban hawlo degdeg ah ay weli ka maqan yihiin Lubnaan.
Digniin la xiriirta gaashaanka difaaca ee Mareykanka
Dhanka kale, ciidamada Iiraan ayaa Sabtidii ku eedeeyay Mareykanka inuu sii hurinayo xiisadda ka taagan Bariga Dhexe, iyagoo uga digay dalalka gobolka inay la shaqeeyaan Washington dagaalka ay kula jirto Iiraan.
Taliyaha xarunta Khatam al-Anbiya, oo ah taliska dhexe ee hawlgallada ciidamada Iiraan, Cali Cabdullaahi, ayaa bayaan laga sii daayay telefishinka dowladda ku sheegay in "Mareykanku si degdeg ah ugu socdo inuu sii kordhiyo xiisadda gobolka."
Wuxuu intaas ku daray in "dal kasta oo u noqda gaashaan difaac Mareykanka dambiilaha ah ee gardarrada wada, uu gaari doono dabka dagaalka."
Dhankiisa, la-taliyaha Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Maxamed Mukhbir, ayaa ka digay weerar kasta oo lagu qaado kaabayaasha dhaqaalaha iyo tamarta ee dalkiisa. Qoraal uu ku baahiyay barta X, ayuu ku yiri: "Idinku waxaad wax ku xisaabineysaan xeerarka milateriga, annaguna waxaan uga jawaabeynaa caqliga taariikhda."
Wuxuu sii raaciyay: "Weerar toos ah oo lagu qaado kaabayaasha Iiraan wuxuu kicin doonaa dildilaacyadii lagu dhisay nidaamka awooddiinna ee jiray 250-kii sano ee la soo dhaafay."
Bishii hore, Iiraan iyo Mareykanka ayaa dib u bilaabay isweydaarsiga weerarro habeenkii ah, kaddib maalmo ay xabbad-joojin u ekayd. Hase yeeshee, habeenkii Jimcaha u gudbay Sabtida lama diiwaangelin wax weerarro ah.
Arbacadii, diyaarad aan duuliye lahayn ayaa weerartay markab sida gaaska oo ay leedahay shirkad Mareykan ah, kaas oo ku xirnaa dekedda Damietta ee waqooyiga Masar, taasoo sababtay dab ka kacay markabka. Mas'uuliyiinta Masar, oo weli baaraya dhacdada, ayaan cidna si rasmi ah ugu eedeyn weerarka.
Dhanka kale, hay'adda badaha ee Boqortooyada Midowday (UK) ayaa Sabtidii sheegtay in "gantaal ama walax aan la aqoonsan" ay ku dhacday markab shidaal oo marayay meel ka baxsan xeebaha Cumaan, xilli uu weli taagan yahay loollanka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ee ku saabsan gacan ku haynta Marinka Hormuz.
Shirkadda Kpler, oo ku takhasustay la socodka ganacsiga maraakiibta, ayaa Jimcihii sheegtay in isu socodka maraakiibta ee Marinka Hormuz uu "si weyn hoos ugu dhacay."
Waxay shirkaddu ku qortay barta X in iyadoo ay weli jiraan kala aragti duwanaanshaha u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, shirkadaha maraakiibtu ay si dhow ula socdaan heerka isu socodka maraakiibta, isbeddelka waddooyinka ay maraan, iyo horumar kasta oo diblomaasiyadeed oo beddeli kara heerka khatarta ka jirta marinnada maraakiibta ee gobolka maalmaha soo socda.















