Cayaaryahan Soomaaliyeed oo ku biiray koox ka dhisan Ingiriiska

.

Xigashada Sawirka, Lauren Queree

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Kooxda Jersey Bulls ayaa la soo wareegtay khadka dhexe ee xulka qaranka Soomaaliya, Jaamac Maxamed.

Ciyaaryahankan oo 19-jir ah ayaa u guuray jasiiradda si uu u shaqeysto, wuxuuna qayb ka noqon doonaa kooxda Bulls ee ka qaybgalaysa horyaalka Isthmian League South Central. Marka loo eego horyaalka Premier league, Isthmian league wuxuu noqonayaa heerka 8aad.

Maxamed ayaa soo maray dugsiyada tababarka ee kooxaha Manchester City, Liverpool iyo Wigan Athletic, wuxuuna sidoo kale ka soo ciyaaray horyaallada heerka hoose (non-league).

"Waa wiil dhalinyaro ah oo leh taariikh ciyaareed iyo barbaarin heer sare ah oo ku saabsan ciyaartan," ayuu u sheegay BBC Sport tababaraha Jersey Bulls, Elliot Powell.

"Laakiin sida 99.9% dadka ku jira dugsiyada tababarka kooxaha, waa inay ka fikiraan nolosha ka dambaysa kubadda cagta mar uun haddii aysan si buuxda ugu guulaysan inay noqdaan ciyaartoy xirfadlayaal ah isku-daygii ugu horreeyay" ayuu yiri.

"Wuxuu Jersey u arkaa fursad uu ku beddelo deegaanka, dib uu diiradda ugu saaro kubadda cagta, oo uu mar kale ku raaxaysto ciyaarta; maadaama uu soo maray dhowr sano oo uu u kala guurayay kooxo kala duwan, kuwaas oo isugu jiray kuwo xirfadlayaal ah iyo kuwo heerka hoose ah" ayuu sii raaciyey.

"Waa fursad uu Jaamac ku bilaabi karo bog cusub, isagoo halkan ka shaqeysanaya isla markaana horumarinaya xirfadihiisa ka baxsan kubadda cagta, iyadoo isla markaasna la rajeynayo inuu Jersey Bulls u adeegsado madal uu dib ugu soo nooleeyo xirfaddiisa ciyaareed" ayuu yiri.

Ku biirista Mohamed ayaa timid xilli kooxda jasiiraddaas ka dhisan ay wajahayso isbeddel dhanka ciyaartoyda ah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Difaaca mudada dheer kooxda u ciyaarayay ee Luke Campbell iyo khadka dhexe ee khibradda leh ee Adam Trotter ayaa kooxda ka tagay xagaagii, sidoo kalena waxaa baxay ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Rai Dos Santos.

Waa ciyaaryahankii labaad ee heer caalami ah oo ku soo biira kooxda jasiiradda, iyadoo horey uu ugu soo laabtay kooxda ciyaaryahanka garabka ee Sami Henia-Kamau, kaas oo dib ugu soo laabtay jasiiradda ka dib markii uu waqtiyo la soo qaatay kooxaha Swansea City iyo Hull City, isla markaana uu u saftay xulka qaranka Kenya.

Powell wuxuu rajeynayaa in Mohamed uu buuxiyo booskii uu banneeyay Trotter, kaas oo ahaa laf dhabarta kooxda jasiiradda ee gaartay heerka 'play-offs'-ka xilli ciyaareedkii ugu horreeyay ee ay ka ciyaarayeen heerka siddeedaad ee kubadda cagta Ingiriiska.

"Wuxuu leeyahay khibrad aad u wanaagsan isagoo jira 19 sano oo kaliya, haddana wuxuu wataa firfircoonida iyo tamarta dhalinyarada, taas oo aan u arko inay aad muhiim noogu tahay maadaama aan u gudbayno xilli ciyaareed kale oo adag, annagoo u baahan tamar iyo firfircooni cusub" ayuu yiri.

"Marka aad ayaan ugu faraxsanahay inaan helno, waxaanan aaminsanahay inuu wax badan ku soo kordhin doono khadkeena dhexe.

"Waa ciyaaryahan khadka dhexe ka dheela oo xooggan, dadaal badan oo aan ka baqanayn loolanka; wuxuu halkaas u joogi doonaa inuu carqaladeeyo ciyaarta kooxda ka soo horjeedda oo uu nagu hoggaamiyo weerarka. Waxaan filayaa inay taageerayaashu aad u jeclaan doonaan qaab ciyaareedkiisa sababtoo ah waa ciyaaryahan firfircoon oo aan dib u gurasho lahayn, waana waxa aan hadda ugu baahanahay khadka dhexe ee garoonka".