'Adeegto' iyo xusuusihii kale ee labada rugcadaa ee saxaafadda ee geeriyooday; Boqorka Bartamaha iyo Xasan kaafi

Xigashada Sawirka, Social Media
Xalay waxaa weerar toorey ah lagu dilay Maxamed Aweys Muudeey oo ku magac dheeraa Boqorka Bartama, oo ka mid ahaa suxufiyiinta rug-cadaaga ah ee muddo dheer ka shaqaynayay saxaafadda.
Sida ay tabiyeen warbaahinta qaar nin Soomaali ah ayaa tooreey ku dhuftay, kadibna dhaawac ka soo gaaray tooreyda ayuu u geeriyooday.
Sida ay sheegeen dad goobjoogayala ah, Boqorka Bartamaha ayaa ku sugnaa goob deegaan u ah dadka qaxootiga ah ee magaalo ku taalla dalka Jarmalka, halkaas oo la sheegay in ay ka dhacday dhacdada lagu tooriyeeyay.
Booliska dalka Jarmalka ayaa xaiijiyay geerida suxufigaan, iyaga oo sheegay in muran dhexmaray isaga iyo nin 28 jir ah uu sababay falka gacan ka hadalka ah ee dhimashada keenay.
Waxay intaa raaciyeen Boolisku in ay gacanta ku dhigeen ninkii falka gaystay oo lagu qabtay isla goobta, iyada oo la qorsheeyay in la horgeeyo maxkamad.
Dhanka kale waxaa isna magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku geeriyooday suxufi Xasan Kaafi Qoyste oo isna ka mid ah rug-cadaaga mudada dheer ka shaqaynayay saxaafadda Soomaalida.
Waxaa la sheegay in uu Xasan kaafi u geeriyooday xanuun ku soo booday, balse lama faahfaahin nooca uu xanuunkan ahaa, iyo in muddo hayay iyo in kale.
Sanadihii u dambeeyay waxa uu u warami jiray warbaahinta VOA laanteeda afka Soomaaliga, oo uga soo warami jiray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Boqorka Bartamaha

Xigashada Sawirka, Social Media
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xasan Baydhabo oo ka mid ah shaqaalaha Tiyaatarka Qaranka tan iyo waqtigii dowladda kacaanka, ayaa sheegay in Boqorka Bartamaha ay is barteen 1974-tii iyaga oo ahaa arday dhiganaya Dugsiga Dhexe ee Bartamaha ee magaalada Muqdisho.
"Macalin ayuu noqday 1977-kii... isaga oo macalin ah ayaan kula noolaa gurigiisa", ayuu yiri Xasan Baydhabo oo dib u milicsanaya bilowgii aqoonta iyo saaxiibtanimadii kala dhaxaysay Boqorka.
"Markii dambe, 1972-dii ayuu wasaaradda warfaafinta ku soo biiray, wariyaha gaarka ah ee golaha murtidana noqday. Isku mar ayaan shaqada bilownay, tiyaatarkana waan ka wada shaqaynay", ayuu yiri Xasan Baydhabo.
Xasan ayaa ka mid ahaa dadkii ay isugu dhawaayeen suxufigaan ee ay rafiiq noqdeen sanado badan, iyaga oo ku noolaa Soomaaliya.
Maxamed Aways Muudeey ayaa markii dambe ka mid ahaa suxufiyiintii ka shaqeeyay warbaahinta maxalliga ee dalka, isaga oo barnaamijyo ka sii dayn jiray idaacadihii magaalada Muqdisho.
Boqorka Bartmaha ayaa waayihii dambe ku noolaa dalka dibadiisa, waxa uuna si gaar ah ugu boolaa waddanka Jarmalka oo ku tagay qaxootinimo.
Xasan iyo qoyska Boqorka waxay ka codsadeen dowladda Soomaalliya, in ay maydka Boqorka Bartamaha laga soo dajiyo magaalada Muqdisho, si loogu aaso dalkiisa.
Xasan Kaafi

Xigashada Sawirka, Social Media
Komishaneer Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka tirsan Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, isla markaana ahaa Saxafi ay Isla soo shaqeeyeen Xasan Kaafi ayaa yiri "Wuxuu ahaa Xasan Kaafi Weriye hal-abuur leh oo raad ku reebay Saxaafadda Soomaaliyeed
Geerida weriye Xasan Kaafi Cabdiraxmaan Sheekh Isxaaq (Qoyste) si gaar ah ayay ii taabatay. Xasan wuxuu ka mid ahaa weriyayaashii aan ugu tagay Raadiyo Muqdisho markii aan ku biirayay mihnadda saxaafadda 1995, kuwaas oo igu soo dhaweeyay saxaafadda iyo shaqada raadiyaha. Sidaas darteed, aqoontayada iyo wada-shaqaynteennu waxay dib ugu laabanaysaa bilowgii xirfaddayda warbaahinta.
Waxaan ka wada shaqaynay Raadiyo Muqdisho intii u dhexeysay 1995–1999, xilli adag oo saxaafadda Soomaaliyeed lagu shaqaynayey duruufo aad u qallafsan. Xasan wuxuu ahaa weriye hal-abuur badan, cod iyo hab-tebineed u gaar ah leh, isla markaana si wanaagsan u yaqaanay sida dhegeystaha loo soo jiito".
Waxyaabaha sida weyn loogu xusuusto waxaa ka mid ahaa sheekadii caanka baxday ee "Adeegto", oo uu soo jeedin jiray, aadna loo dhegeysan jiray xilligaas.
Waxa kale oo uu soo jeedin jiray barnaamijkii maalinlaha ahaa ee Bandhigga Raadiyaha.
"Aniga iyo Xasan waxaannu barnaamijkaas ku kala qornayn laba maalmood oo toddobaadka ka mid ah. Wada-shaqayntaas dhow waxay ii saamaxday inaan si wanaagsan u barto kartidiisa, hal-abuurkiisa iyo sida uu ugu heellanaa mihnadda saxaafadda", ayuu BBC-da u sheegay Farxaan Maxamed Jimcaale.
"Xasan waxaan ku xusuusan doonaa saaxiib, weriye karti badan iyo mid ka mid ah dadkii igu soo dhaweeyay mihnadda aan nolosheyda inteeda badan ku soo qaatay" ayuu yiri, isaga oo raaciyay, "Wuxuu ka mid ahaa jiilkii saxafiyiinta Soomaaliyeed ee shaqada warbaahinta soo waday xilliyo aad u adag".
Dadka ka tacsiyeey
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa ka tacsiyeeyay geerida labada suxufi ee isku waqtiga dhacday, isaga oo bahda warbaahinta iyo qoysaskoodaba la wadaagay murugada.
DHanka kale wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cabdifitaax Qaasim ayaa isna ka tacsiyey geerida ku timid labada suxufi.
Waxa u uku daabacay boggiisa Facebook: "Marxuum wariye Maxamed Aweys Muudey wuxuu ahaa weriye ruugcadaa ah oo muddo dheer ka tirsanaa Warbaahinta Qaranka isagoo ka soo shaqeeyay xilligii ka horreeyay burburkii dalka iyo sanadihii xigay, kana mid ahaa haldoorka saxaafadda Soomaaliyeed.Waxaan Alle SWT uga baryayaa Marxuum Maxamed Aweys Muudey inuu naxariistiisa ku gallado, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo".
Dhanka kale waxa uu u xusay in Xasan kaafi uu ahaa, "wariye ruugcadaa oo mudo dheer ka soo shaqeynaayay warbaahinta dalka gaar ahaan Idaacadii Horn-Afrik, isagoo sanadihii dambe ka shaqeynaayay Idaacadda laanta afka Soomaaliga ah ee VOA".















