Dil naxdin badan oo dumar lagula kacay oo cabsi iyo walwal abuuray

Xigashada Sawirka, Dineo Motapane
"Waxa aan sameyo ma garanayo," ayay tiri Nokwanda Matshikiza iyada oo ooyneysa, iyadoo ka fekereysa dilkii loo geystay gabadh ay habaryar u tahay Dineo Motapane. "Laakiin waa in wax laga qabtaa." ayey raacisay.
"Anaga, dhammaan dumarka kale. Immisa meyd oo kale ayaa la heli doonaa ka hor inta aan wax laga qaban?"
Nokwanda waxa ay BBC-da kula hadlaysay guriga qoyska oo u dhow magaalada ugu weyn Koonfur Afrika ee Johannesburg, laba maalmood uun ka dib markii qaraabadu ay aqoonsadeen meydka Dineo.
Hooyadan 38 jirka ah ee laba carruur ah dhashay ayaa markii ugu dambeysay la arkay iyadoo nool Axaddii. Meydkeeda oo la garaacay oo qayb ahaan la gubay ayaa markii dambe laga helay deegaan ku yaal gobolka Ekurhuleni.
Nokwanda ayaa ilinta iska masaxeysay iyadoo sharraxaysa sida qoyska ay u wajihi doonaan, mar uun, hawsha adag ee ah inay gabadha Dineo ay u sheegto geerideeda.
"Sidee baad u sharxi kartaa in waalidkaa si xun loo dilay, lagu tuuray beer, oo halkaas looga tagay, oo loo tuuray sidii qashin oo kale."
"Ma jirto wax nabad ah oo ka ka dhalan karta arintaas," ayay raacisay. "Waa wax aadan waligaa is waafajin karin, oo aadan waligaa ka gudbi karin."
Dhimashada Dineo toddobaadkan waxay timid iyadoo ay jiraan dhacdooyin isku mid ah oo ka dhacay Ekurhuleni - meydkeeda ayaa ka mid ahaa saddexdii qof ee halkaas laga helay toddobaadkan. Guud ahaan, sagaal meyd ah oo haween ah oo la dilay ayaa laga helay xaalado la mid ah gobolka tan iyo bishii Luulyo.
Dhibaatadu had iyo jeer way jirtay laakiin daahfurkan naxdinta leh ayaa mar kale dhaliyay qaylo dhaan qaran oo ku saabsan baaxadda rabshadaha ka dhanka ah haweenka ee dalka - oo ka mid ah heerarka ugu sarreeya ee rabshadaha ku salaysan jinsiga ee adduunka.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Themba Kekana sidoo kale waxa ay ku nooolyahay naxdin uu ka qaaday geerida qof ay jeclaayeen.
Walaashiis, Itumeleng, waxay ka mid ahayd kuwii ugu horreeyay ee lagu waayay Ekurhuleni.
Meydka gabadhan dukaanlaha ah ee 32 jirka ah ayaa la helay bishii Luulyo, 17 maalmood ka dib markii ugu dambeysay ee la arkay iyadoo nool. Meydkeeda si xun ayaa dhaawacyo loogu geystay , qayb ahaan waa la xiray oo waxa lagu tuuray buundo.
"Waxa aan aad uga xunnahay murugada," ayuu yiri Themba, isagoo indhahiisa ay ilemynayaan.
"Waxa aan fiirinayaa gabadha yar ee walaashay, indhahayguna waxa ka buuxsamay ilmo, waan ogahay inaysan jirin si aan xanuunkan uga qaadi karo.
"Qoysna wax kama qaban karaan waxa na soo food saaray."
Hal xarig oo keliya ayaa la sameeyay oo lala xiriiriyay dilalka - taasina waxay ahayd laba maalmood ka dib markii meydkii ugu horreeyay la helay 15-kii Luulyo.
Cid kale looma xirin ka dib dilkii Itumeleng ama Dineo ama lixdii kale ee dumarka Ekurhuleni.

Xigashada Sawirka, Kekana famil
Wasiirka Horumarinta Bulshada Nokuzola Sisisi Tolashe oo ku dhawaaqay tallaabadan bishii Nofeembar ee lasoo dhaafay ayaa sheegtay in arrinta oo loola dhaqmo sidii masiibo qaran ay ka caawin doonto dowladda inay wax ka qabato dhibaatada.
Waxay daba socotay toddobaadyo dibadbaxyo ay dhacayeen, taas oo ku dhammaatay socod "Haweenka oo la xiro" iyadoo Koonfur Afrika ay martigelinayso shir madaxeedka G20.
Toddobaadkan waxaa la arkay baaqyo badan oo ku saabsan in wax walba ay sii socdaan.
Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in tallaabadii ugu horreysay ee muhiimka ahayd ee loo qaaday ilaalinta haweenka Koonfur Afrika ay ahayd in dilka dumarka loo aqoonsado dambi gaar ah.
"Maalin kasta oo dilka dumarka aan loo aqoonsan dambi waxay guuldarro ku tahay in la ugaarsado kuwa bartilmaameedsanaya dilalka haweenka," ayay tiri agaasimaha Amnesty ee dalka Shenilla Mohamed oo hadal ay soo saartay ku tiri. "Waa waqtigii wax lag qaban lahaa : Dilka Dumarka."
"Dilka haweenka waa dambi ku salaysan jinsiga. Waa dilka haweeneyda sababtoo ah waa haween"
Amnesty waxay sheegtay in dilka dumarka loo aqoonsaday dambi gaar ah oo ka dhaca 33 waddan, oo ay ku jiraan Gabon iyo Morocco oo ku yaal Afrika.
Waxay ku doodaysaa in isbeddelkaas laga sameeyo Koonfur Afrika uu gacan ka geysan karo diirad saarista baaxadda arrinta.
"Waxay ku qasbi doontaa dowladda inay la kulanto guuldarradooda ah inay ka ilaaliso haweenka iyo gabdhaha rabshadaha," ayey tiri uu yiri Shenilla Mohamed. "oo intaas ku dartay ma hagaajin kartid wax aadan la socon."
Inta badan Reer Koonfur Afrika waxa ay isku raacsanyihiin in wax badan la qabto.
Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa toddobaadkan ballanqaaday in la qaadi doono "wax kasta oo suurta gal ah" oo ku saabsan oo baaritaanka dambiyada ka dhacay Ekurhuleni, isagoo intaasi raaciyay: "Qaran ahaan, waa inaan u istaagnaa xuquuqda, badbaadada iyo sharafta haweenka iyo gabdhaha."

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Lebogang Ramofoko, oo u dooda arrimaha jinsiga iyo caddaaladda bulshada, ayaa sheegtay in heerarka rabshadaha ka dhanka ah haweenka ee dalka ay calaamad u yihiin dhibaato aad uga weyn - oo ah tixgelin la'aan bani'aadamnimada.
"Meeydka dumarka madow waxaa loola dhaqmay sidii mid la iska tuuri karo dalkan muddo dheer, laga soo bilaabo gumeysiga ilaa midabtakoorka," ayay u sheegtay BBC-da, iyadoo ka hadlaysa nidaamka sharciyeed ee cunsuriyadda oo jiray ilaa 1994.
"Waxa aan aragnay ee ku dhacaya haweenka in aan marqaati ka noqonno waxa ay marqaati ku tahay rabshadaha laga dhaxlay nidaamyadaas oo aan waligood wax laga qaban dhaawacyadooda.
"Tani macnaheedu maaha in ragga madow ay yihiin kuwo rabshado wata, laakiin nidaamyada rabshadaha lsoo dhacayey tobanaan sano, taariikh ahaan dumarka madow waxay ahaayeen dadkii rabshadahaas lagu qaadi jiray - wareeggaas lama jabin."
Degmada Kempton Park, oo ah degmo ka tirsan Ekurhuleni halkaas oo shan ka mid ah sagaalkii meyd ee dhawaa laga helay, Lumka Maqhubela waxay qayb ka tahay kooxda Girl2Woman Foundation oo qabatay dibadbaxyo lagu wacyigelinayo dambiyada.
"Waannu murugaysannahay, waan cabsanaynaa," ayay tiri. "Haddii booliisku aysan na ilaalin karin dawladdu waa inay soo faragelisaa oo ay wax qabataa.
"Waa iska caddahay in aanan ammaan haysan, booliisku nooma sheegi karaan in aan feejignaan badan yeelano. Waa inay sameeyaan wax badan si ay bulshooyinkeenna u helaan ammaan- maxaa kale oo nalaga filayaa inaan sameyno? Meelna ammaan kuma hasyano, guryaheenna kuma haysano, waddooyinka kuma haysano, waa inay joogsataa."
"Waxa aan dareemayaa raaxo la'aan," ayay tiri Thulisile Sibande, oo 32 jir ah. "Marka aan dukaan tago, waa inaan hareeraha fiiriyaa. Waan naxay oo waan baqayaa. Aad baan u baqayaa, waa wax laga naxo."
"Maalin walba way qosli jirtay, waxayna la qosli jirtay qof walba," wey xasuusataa "Hadda waan ka walwalsanahay.
"Waxaa an garanayaa caruur badan, gabdho, kuwaas oo ii sheegay inay ka baqayaan inay keligood tagaan dukaanka. Ma jirto wax badbaado ah, xitaa aniga. Waxaa an ahay qod d'a ah, laakiin badbaado ma jirto.
"Koonfur Afrika," Lerato Mzizi, oo 20 jir ayaa tiri "haweenku wax ammaan kuama haystaan ."














