Sadio Mané oo maalgelinaya ganacsiga beeraha si uu u horumariyo tuuladiisa Bambali

Sadio Mané

Xigashada Sawirka, Senegalese Press Agency

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Sadio Mané oo Bambali ka tagay isagoo kubbad cagta iyo riyooyin waaweyn qalbigiisa ku sita, ayaa maanta dib ugu soo laabanaya tuuladiisa isaga oo wata himilo ka sii weyn: inuu gacan ka geysto wax ka beddelka mustaqbalka dhaqaale ee deegaankiisa hooyo.

Ka dib markii uu maalgeliyay masaajid, iskuul, isbitaal, xarun shidaal iyo kaabayaal kale oo loogu talagalay horumarinta nolosha dadka deegaanka, Sadio Mané ayaa hadda diiradda saaraya xal u helidda caqabad kale: abuurista fursado dhaqaale iyo shaqo oo deegaanka ah.

Ciyaaryahanka xulka Senegal ayaa qorsheynaya inuu 11.7 bilyan oo faran CFA ku maalgeliyo mashruuc ballaaran oo warshadayn iyo beeraha la xiriira, kaas oo diiradda saaraya farsamaynta cambaha.

Mashruucan kuma koobna oo keliya taageeridda bulshada uu ka soo jeedo, balse wuxuu sidoo kale doonayaa in dadka deegaanka loo abuuro fursado ay ku wax soo saaraan, ku shaqeystaan, isla markaana mustaqbalkooda ku dhistaan.

Bambali waxay ku taallaa koonfurta Senegal, gobolka Casamance Dhexe, waxaana ay qiyaastii 315 kiiloomitir u jirtaa caasimadda Dakar.

Deegaanka Bambali waxaa mara webiga Casamance, taas oo ka dhigaysa dhul leh biyo iyo carro ku habboon beeraha.

Sida deegaanno badan oo ku yaalla koonfurta Senegal, dadka Bambali waxay noloshooda inta badan ka helaan beeraha iyo kalluumeysiga. Waxa kale oo deegaanka uu caan ku yahay wax-soo-saarka cambaha, maadaama uu leeyahay dhul bacrin ah oo ku habboon beerashada miraha.

Sannad kasta, ka hor inta uusan bilaaban xilliga roobabka, tiro badan oo cambaha gudaha lagu beero ayaa ku qudhma beeraha iyo dhulka miyiga ah, sababo la xiriira in aanay jirin goobo ku filan oo lagu farsameeyo ama gaadiid loogu raro magaalooyinka kale ee ku yaalla bartamaha iyo waqooyiga dalka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sadio Mané ayaa tan indhihiisa ku arkayay tan iyo yaraantiisii. Beeraleyda oo sannado dadaal iyo shaqo badan geliyay beerahooda ayaa xilliga cambaha ku qasbanaada inay daawadaan dalaggooda oo dhulka ku dhacaya kuna qudhmaya, ama ay ku iibiyaan qiimo aad u hooseeya, maadaama aysan jirin awood ku filan oo lagu kaydiyo ama lagu farsameeyo cambaha.

Waxa Bambali ka maqnaa ma ahayn cambaha laftooda, balse waxa ka maqnaa habkii mirahaas qiimo dheeraad ah loogu samayn lahaa.

Taasi waa xal warshadeedka uu hadda ciyaaryahanku doonayo inuu keeno deegaankiisa, si cambaha looga sameeyo wax-soo-saar qiimo leh, loona abuuro fursado dhaqaale iyo shaqo oo dadka deegaanka ah.

Runtii, cambaha kasta oo aan mar dambe khasaarin, waxaa ka dhalan kara dakhli uu helo beeraley, mushahar uu qaato qof dhallinyaro ah, shaqo uu helo gaadiidle, ama dakhli ay hesho haweeney ka shaqaysa farsamaynta cambaha.

Mashruuca ayaa ka koobnaan doona beer dhan 500 hektar iyo xarumo lagu farsameeyo cambaha oo laga dhisayo gudaha aagga warshadaha beeraha. Mid ka mid ah xarumahaas ayaa si gaar ah ugu diiradda u saari doonta soo saarista subagga cambaha.

Tani waxay si weyn u kordhin kartaa dakhliga dadka deegaanka ee ku lug leh wax-soo-saarka cambaha.

Aminata Tope, oo ah ku-xigeenka agaasimaha shirkadda SM10 Agro, ayaa sheegtay in beerista lagu qorsheeyay qiyaastii 78,000 oo geed oo cambe ah, iyadoo la filayo in goosashada ugu horreysa la sameeyo saddex sano gudahood.

Sida ay sheegtay, warshaddu marka ay si buuxda u shaqayso waxay awood u yeelan doontaa inay soo saarto 10,500 tan oo cambe ah sanadkii.

Cambaha waxaa halkaas lagu farsamayn doonaa si looga sameeyo dheecaan cambe, subag cambe iyo cambe la qalajiyey.

Théodore Monteil, oo ah injineer iyo agaasime ku-xigeen ka tirsan kooxda Confluence, ayaa sheegay in mashruucu ku dhisan yahay saldhig sharci oo adag, kaas oo la diyaariyay kaddib daraasado farsamo oo dhowr ah oo lagu sameeyay deegaanka iyo suuqa cambaha.

Waxyaabihii uu u qabtay Tuuladiisa

Sadio Mané ayaa dabaaldegaya ka dib markii uu dhaliyay goolkii ugu horreeyay ee Senegal ciyaartii Koobka Adduunka ee FIFA 2018 (Group H) ee ka dhacday Ruushka, taas oo ay la ciyaarayeen Japan, garoonka Ekaterinburg Arena, 24-kii Juun.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sadio Mané wuxuu ku dhashay 10-kii Abriil 1992 magaalada Bambali, oo ku dhow Sédhiou, Senegal. Tan iyo yaraantiisii wuxuu aad u jeclaa kubadda cagta, isaga oo ku daydayay weeraryahankii reer Brazil ee Ronaldinho iyo ciyaaryahankii Senegal ee laba jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon d'Or, El Hadji Diouf.

Hase yeeshee, jacaylkiisa kubadda cagta waxaa hortaagnaa caqabad weyn. Aabbihii oo ahaa imaamka Bambali ayaa diidanaa inuu kubadda ciyaaro.

Si uu u xaqiijiyo riyadiisa, Mané wuxuu isagoo 15 jir ah ka cararay tuulada.

"Tuulada ayaan ka baxay oo waxaan aaday Dakar, iyadoo aan cidina ogayn. Toddobaad kaddib, markii meel kasta la iga raadinayay, waxay ogaadeen inaan caasimadda joogo, waxayna igu soo celiyeen tuulada," ayuu saxaafadda u sheegay.

Dadaal iyo go'aan adag kadib, wuxuu ugu dambeyn ku qanciyay qoyskiisa inay u oggolaadaan inuu magaalada tago si uu fursad uga raadsado kubadda cagta.

Wuxuu u guuray Mbour, halkaas oo nasiib u yeeshay in ay ogaato kooxda Génération Foot. Taasi waxay noqotay bilowgii xirfad kubadeed oo heer caalami ah, taas oo ku hoggaamisay garoomada Yurub iyo dalal badan oo dunida ah.

Intii uu ku jiray xirfaddiisa kubadda cagta, Sadio Mané wuxuu mar walba qayb ka mid ah dhaqaalihiisa la wadaagay bulshada uu ka soo jeedo.

Sanadkii 2018, wuxuu tuuladiisa siiyay lacag dhan 234,000 oo Yuuro, oo u dhiganta in ka badan 153 milyan oo faran CFA, si loogu dhiso dugsi sare oo leh 17 fasal.

Tallaabadaas ayuu kaga jawaabay baahi muddo dheer ka jirtay deegaanka, maadaama carruur badan ay waxbarashada ka tagi jireen marka ay dhammaystaan dugsiga dhexe, sababo la xiriira macallimiin iyo xarumo waxbarasho oo aan ku filnayn deegaannada kale.

Sanadkii 2021, Sadio Mané wuxuu maalgeliyay dhismaha masaajid, isbitaal u adeega 34 tuulo oo deris ah, xafiis boosto iyo xarun shidaal.

Tan iyo markii uu bilaabay xirfaddiisa kubadda cagta, wuxuu sidoo kale qoys kasta oo ku nool Bambali siinayay 70 Yuuro bishii.

Bishii Juun 2022, isaga oo doonaya inuu dhiirrigeliyo waxbarashada iyo heerka sare, wuxuu ardaydii ugu fiicnayd dugsiga sare ee tuuladiisa siiyay 400 Yuuro.

Xilli uu weli u ciyaarayay kooxda Liverpool ee Ingiriiska, Sadio Mané wuxuu sidoo kale dhalinyarada Bambali ugu deeqay 300 funaanadood oo kooxda Liverpool ah.