Hanjabaad adag oo hor leh oo ay soo saareen Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan

Xigashada Sawirka, NurPhoto
Xuseen Mohebbi, oo ah afhayeenka Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), ayaa ka digay in haddii Maraykanku uu weerar cusub ku qaado Iran, Iran ay adeegsan doonto “hub cusub”, isla markaana iyadoo “beddelaysa juqraafi ahaan goobta dagaalka” ay weerari doonto meelo aan hore loo bartilmaameedsan.
Wuxuu sheegay in haddii Maraykanku weeraro, Iran ay adeegsan doonto hub cusub oo “dunida ka yaabin doona.” Waxa uu sheegay in Iran ay soo saartay hub ayna horumarisay awooddiisa, balse hubkaas aan weli loo adeegsan marxaladda hadda ee dagaalka. Waxa uu hubkaas ku tilmaamay “hub istiraatiiji ah” oo la adeegsan doono “haddii loo baahdo,” isagoo sheegay in markaas “dunidu ay arki doonto waxa dhacaya.”
Isagoo ka hadlayay beddelka juqraafi ahaan goobta dagaalka, afhayeenka IRGC wuxuu sidoo kale yiri: “Dagaalku hadda wuxuu noqday mid gobolka oo dhan ah, laakiin maadaama gobolku aad u ballaaran yahay, weli waxaa jira fursad uu dagaalkani juqraafi ahaan ugu sii fido.”
Wuxuu sheegay in ciidamadu ay isu diyaarinayaan “dagaal muddo dheer soconaya.”
Digniinta afhayeenka IRGC ayaa timid kaddib markii Xarunta Dhexe ee Khatam al-Anbiya ay bayaan ku sheegtay in Maraykanku damacsan yahay inuu dib u bilaabo tallaabooyinkiisa isagoo helaya “iftiinka cagaaran” ee qaar ka mid ah dalalka gobolka.
Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:







