TOOS, Dowladda Qadar oo sheegtay in ay ka shaqeenayaan dib u bilaabista wada-hadalladii Iiraan iyo Mareykanka

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar, Majed Ansari ayaa Al Jazeera u sheegay in diblomaasiyiinta dalkiisa ah ay farriimo iyo aragtiyo u direyn Tehraan iyo Washington, labadii toddobaad ee la soo dhaafay.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Daraasad "xal waara" u heshay bidaarta

    Daraasad

    Xigashada Sawirka, get

    Qoraalka sawirka, Daraasad

    Burooyinka yaryar ee maqaarka dadka ayaa suurta gal ah in uu leeyahay fursad lagu daweyn karo bidaarta, sida lagasoo xigtay daraasad toddobaadkan lagu daabacay joornaalka Nature.

    Ku dhawaad toban sano, saynisyahano ka tirsan Jaamacadda California, Irvine waxay baranayeen burooyinka maqaarka si ay u fahmaan sababta ay ugasoo baxaan timaha dhaadheer. daraasadda cusub waxay muujineysaa in burooyinka noocan oo kale ah ay ka kooban yihiin unugyo gaar ah oo kor u qaada koritaanka timaha.

    “Waxaan timaha burooyinka ka dul baxa ka helnay tixraac,” ayuu yiri Maksim Plikus oo ah madaxa daraasadda isla markaana ah barfasoore ka ah jaamacadda California, Irvine kana dhiga samaysanka unugyada bayoolajiga.

    Dadku sida caadiga ah waxay lumiyaan inta u dhaxaysa 50 iyo 100 xabbo oo timo ah maalintii, ka dibna unugyada gunta tinta ayaa soo saara kuwo cusub. Laakiin shakhsiyaadka leh bidaarta ama ay hadda kusoo socoto - waxa ay dhakhaatiirtu u yaqaanaan ‘alopecia’ ama ‘alopecia androgenic’ oo ah unugyada asliga ah ayaa jiifa, sidaas darteed ayeysan timo cusub usoo baxeyn.

    Sida lagu helay Tijaabooyin loo adeegsaday jiir, Plikus iyo kooxdiisa cilmi-baaristu waxay muujiyeen in nooc ‘molecule ah’ oo loo yaqaan ‘osteopontin’, oo si gaar ah ugu badan burooyinka maqaarka ee timaha leh, uu kicin karo unugyada tarma ee timaha, kuwaas oo markii hore hurday.

  2. Hanjabaad adag oo hor leh oo ay soo saareen Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan

    Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), oo digniin soo saaray

    Xigashada Sawirka, NurPhoto

    Qoraalka sawirka, Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), oo digniin soo saaray

    Xuseen Mohebbi, oo ah afhayeenka Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), ayaa ka digay in haddii Maraykanku uu weerar cusub ku qaado Iran, Iran ay adeegsan doonto “hub cusub”, isla markaana iyadoo “beddelaysa juqraafi ahaan goobta dagaalka” ay weerari doonto meelo aan hore loo bartilmaameedsan.

    Wuxuu sheegay in haddii Maraykanku weeraro, Iran ay adeegsan doonto hub cusub oo “dunida ka yaabin doona.” Waxa uu sheegay in Iran ay soo saartay hub ayna horumarisay awooddiisa, balse hubkaas aan weli loo adeegsan marxaladda hadda ee dagaalka. Waxa uu hubkaas ku tilmaamay “hub istiraatiiji ah” oo la adeegsan doono “haddii loo baahdo,” isagoo sheegay in markaas “dunidu ay arki doonto waxa dhacaya.”

    Isagoo ka hadlayay beddelka juqraafi ahaan goobta dagaalka, afhayeenka IRGC wuxuu sidoo kale yiri: “Dagaalku hadda wuxuu noqday mid gobolka oo dhan ah, laakiin maadaama gobolku aad u ballaaran yahay, weli waxaa jira fursad uu dagaalkani juqraafi ahaan ugu sii fido.”

    Wuxuu sheegay in ciidamadu ay isu diyaarinayaan “dagaal muddo dheer soconaya.”

    Digniinta afhayeenka IRGC ayaa timid kaddib markii Xarunta Dhexe ee Khatam al-Anbiya ay bayaan ku sheegtay in Maraykanku damacsan yahay inuu dib u bilaabo tallaabooyinkiisa isagoo helaya “iftiinka cagaaran” ee qaar ka mid ah dalalka gobolka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  3. Ciidamada Sudan oo ku dhawaaqday war weyn oo ku saabsan Itoobiya

    Ciidanka Sudan ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo istiraatiiji ah, oo masaafo dheer duuli karta, taas oo ay sheegeen inay leeyihiin ciidamada RSF, lagana soo diray gudaha dhulka Itoobiya.

    Dhacdadan ayaa ka dhacday gobolka Niilka Bulug ah, iyadoo ay ciidamada Sudan iyo xulafadoodu isla markaana horumar ka sameynayeen gobolka Waqooyiga Kordofaan, sida ay BBC-da Carabiga u sheegeen ilo militari.

    Ciidanka Suudaan ayaa sheegay in soo ridistii diyaaradda aan duuliyaha lahayn aysan sababin wax khasaare nafeed ah ama burbur hantiyeed. Tani waa drone-tii saddexaad ee noocan oo kale ah ee la soo sheego in lagu soo rido gobolkaas muddo 24 saacadood gudahood ah.

    Gobolka Waqooyiga Kordofaan, ilo militari ayaa BBC-da u sheegay in cutubyada hormuudka u ah ciidamada iyo kooxaha hubeysan ee xulafada la ah ay hadda ku dhow yihiin deegaannada istiraatiijiga ah ee Sodari, Al-Mazruub iyo Hamra Al-Sheekh.

    Ilaha ayaa filayay in ciidamadu ay dhowaan weerarro ku qaadaan deegaannadan, kaddib markii ay maalmihii u dambeeyay dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalooyin iyo deegaanno ku hareeraysan.

    Dhanka kale, Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar ay ciidamada dowladda ku qaadeen deegaanka Umm Qud, oo galbeed ka xiga Al-Ubayyid, caasimadda Waqooyiga Kordofaan. Waxay sidoo kale sheegeen inay ciidamada dowladda gaarsiiyeen khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo qalab militari.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  4. Labaatan iyo shan dal oo qofka baasaboor Soomaaliga wata uu Visa ku qaadanayo garoonkooda

    Wixii ka dambeeyay markii uu bishan January horaanteedii soo baxay liiska kala sarreynta baasaboorrada caalamka, waxay u muuqataa in ay sii badanayaan tirada dalalka soo dhaweynaya baasaboorka Soomaaliya, sida ay shaaciyeen hay’ado kala duwan oo u guul gala qiimeynta aqoonsiyada dal-ku-gal-ka.

    Hay’adaha Reach Immigration iyo Passport Index ayaa soo saaray liis ay isku waafaqsan yihiin oo ah ku sheegeen dalalka u fasaxaya qofka heysta baasaboorka Soomaaliya in uu kasoo dago garoonkooda.

    Waddamadaas oo gaaraya ilaa 25 ayaa qofka aqoonsiga Soomaaliya wata ka doonaya in uu visaha ama dal-ku-gal-ka ku qaato garoonka, marka uu diyaaradda kasoo dago ka dib.

    Dalalkan ayaa ka duwan kuwa ay Soomaalidu ku aadi karaan visa la’aanta ama aan wax oggolaansho ah looga baahneyn marka ay gudaha u galayaan.

    Liiska waddamada uu qofka aqoonsiga Soomaaliya ku safraya ka dagi karo garoonkooda diyaaradaha si uu uga dalbado visa waxaa uu u dhigan yahay sidan:

  5. Trump oo war cusub u sheegay wariye uu la hadlay iy hajabaad uu diray

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump

    Xigashada Sawirka, Bloomberg via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump

    Iran iyo Mareykanka ayaa Axaddii is-weydaarsaday hanjabaado cusub. Madaxweyne Donald Trump ayaa uga digay Iran in dhaqaalaheedu burburi doono ama hoggaankeeda meesha laga saari doono haddii aysan heshiis gaarin, halka militariga Iran uu sheegay inuu si adag uga jawaabi doono weerar kasta oo cusub.

    Khilaafkan ayaa muddo bilo ah u muuqday mid aan xal lahayn, iyadoo aanay jirin wax calaamad ah oo muujinaysa in labada dhinac ay diyaar u yihiin tanaasul. Dhanka kale, khilaafku wuxuu sii xumeeyay qalalaasaha tamarta ee caalamka, wuxuu dhaawac weyn gaarsiiyay qaybo badan oo ka mid ah dhaqaalaha Iran, wuxuuna sababay in xiisaddu ku fido meelo kale oo gobolka ah.

    Wariye ka tirsan Fox News ayaa sheegay in Trump, intii uu khadka telefoonka kula hadlayay, uu yiri hoggaamiyeyaasha Iran waa inay heshiis gaaraan, haddii kale dhaqaalahoodu wuu burburayaa ama waa la baabi’in doonaa.

    Si kastaba ha ahaatee, iyadoo la filayo in Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian uu toddobaadkan tago magaalada New York si uu uga qaybgalo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, Trump wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo, ayuu intaas ku daray wariyaha Fox News.

    Trump ayaa marar badan sameeyay hanjabaado aan faahfaahsanayn oo ku saabsan in dagaalka lagu ballaarin karo tallaabooyin milatari oo waaweyn. Dagaalkan ayaa billowday 28-kii Febraayo, markii Mareykanka iyo Israa’iil ay qaadeen duqeymo, balse ilaa hadda hanjabaadahaas ma uusan fulin.

    Horraantii, taliska dhexe ee militariga Iran ayaa sheegay in weerar kasta oo cusub uu horseedi doono aargoosi joogto ah oo lagu qaado saldhigyada iyo danaha Mareykanka, wuxuuna sheegay in xulafada Washington ee gobolka loo tixgelin doono dhinacyo ka tirsan dagaalka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  6. Waxyaabo badan oo ku saabsan Ruushka iyo layaabka ay lahaayeen doorashooyinka

    Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin

    Waxyaabo badan oo ku saabsan Ruushka.

    Laakiin natiijada doorashadan mid ka mid ah ma ahayn.

    Nidaam siyaasadeed oo si adag uu u maamulo Kremlin-ka, xisbiga talada haya, United Russia, ayaa si weyn loo filayay inuu sii wato gacan-ku-hayntiisa baarlamaanka.

    Wax isbeddel lama filaan ah ma dhicin. Wax layaab lehna ma jirin. Xisbi kale oo la tartamayayna uma soo dhowaan natiijada.

    Natiijooyinka hordhaca ah ayaa muujinaya in United Russia uu ku dhow yahay inuu sii haysto aqlabiyadda dastuuriga ah ee Duma, oo ah aqalka hoose ee baarlamaanka Ruushka.

    Arrintani waxay dhacday kadib in ka badan afar sano iyo bar oo dagaal ah oo Ruushku kula jiray Ukraine, dagaalkaas oo sababay khasaare aad u weyn oo dhanka dagaalka ah oo soo gaaray ciidamada Ruushka, dhibaatooyin dhaqaale, iyo sidoo kale shidaal-yaraan ka dhalatay weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay ku qaadeen xarumaha shidaalka ee Ruushka.

    Waxay u muuqataa in xisbiyada ka gudbay xadka 5 boqolkiiba oo galay Duma-da cusub ay yihiin isla xisbiyadii ku jiray baarlamaankii hore.

    Duma- waxay si buuxda u taageersanayd Kremlin-ka iyo waxa dowladda Ruushku ugu yeerto “hawlgalka milatari ee gaarka ah.”

  7. Wararkii ugu dembeyey ee marinka Hormuz ka dib warbixinta Maraykanka

    Marinka Hormuz ayaa muhim u ah sahayda shidaalka adduunka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Marinka Hormuz ayaa muhim u ah sahayda shidaalka adduunka

    Sida ay sheegayaan ilo la socda isu-socodka maraakiibta ee marinka Hormuz, tirada maraakiibta ganacsiga ee maraya marin-biyoodkan ayaa weli ah mid aad u hooseysa, halka CENTCOM iyo dowladda Mareykanka ay sheegeen in isu-socodka maraakiibta ee marinka uu kordhay maalmihii la soo dhaafay.

    Axaddii, website-ka Straits ayaa sheegay in 8 maraakiib oo ganacsi oo keliya ay mareen marinka Hormuz.

    Al Jazeera ayaa soo xigatay Ururka Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Midowday (UKMTO) oo sheegay in tirada maraakiibta maraysa marinka Hormuz ay tahay “mid aad uga yar” tirada uu Mareykanku shaaciyay.

    Si kastaba ha ahaatee, maadaama saddexdii maalmood ee la soo dhaafay aan wax dhacdo ah laga soo sheegin marinka, taasi waxay xoogaa rajo ah ka abuurtay suuqyada shidaalka. Saliidda ceyriinka ah ee North Sea Brent, oo toddobaadkii hore gaartay 108 dollar halkii foosto, ayaa subaxnimadii Isniinta ku dhowayd 104 dollar halkii foosto.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  8. Xaggee ayay ku dambeeyeen saaxiibbadii halganka ee madaxweynaha Eritrea uu 25 sano xabsiga ku hayay? Muxuuse ahaa dalabkoodu?

    Tan iyo markii Eritrea ay noqotay dal madax-bannaan, madaxweynaha dalka, Isaias Afwerki, ayaa xukunka hayay. Saraakiil sare oo si rasmi ah uga dalbaday inuu sameeyo isbeddello siyaasadeed ayuu xabsiga dhigay, waxaana hadda laga joogaa 25 sano tan iyo markii la waayay meel ay ku sugan yihiin.

    Saraakiisha loo yaqaan Kooxda 15-ka (G15) waxay xilal sare ka soo qabteen halgankii xornimada Eritrea iyo wixii ka dambeeyay. Kadib markii ay si cad u dalbadeen in isbeddel siyaasadeed lagu sameeyo dalka, waxaa la xiray 8-dii Sebtembar 2001, tan iyo markaasna lama oga halka ay ku sugan yihiin.

    Saraakiishan oo xilal sare ka hayay halgankii xornimada iyo dowladdii Eritrea ayaa warqad furan oo si rasmi ah loo faafiyay ku dalbaday in Madaxweyne Isaias Afwerki uu qabto doorashooyin, isla markaana dalka lagu maamulo dastuur.

    15-ka sarkaal ee warqadda ku dalbaday in madaxweynuhu isbeddel sameeyo, 11 ka mid ah ayaa ciidamada ammaanka Eritrea isla markiiba xireen. Afarta kale, oo kala ah Mesfin Hagos, Haile Menkerios iyo Mohammed Berhan, lama qaban, waxayna ku nool yihiin qurbaha.

    Saraakiishii la xiray ayaa maanta laga joogaa 25 sano iyaga oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin, maxkamad la horgeyn, ama aan la ogeysiin halka ay ku sugan yihiin.

  9. Koox loo haysto dil madaxweyne dal oo loo qaaday Maraykanka iyo sababta halkaas loo geynayo

    Dilka ayaa dhacay sanadkii 2021-kii

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dilka ayaa dhacay sanadkii 2021-kii

    Sideed iyo toban qof ayaa diyaarad looga soo qaaday Haiti, waxaana loo qaaday gobolka Florida ee dalka Mareykanka si halkaas loogu maxkamadeeyo, iyadoo lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen dilkii madaxweynihii Haiti, Jovenel Moïse, oo dhacay shan sano ka hor.

    Moïse ayaa lagu toogtay gurigiisa oo ku yaalla caasimadda Port-au-Prince bishii Luulyo 2021, waxaana la sheegay in dilka ay fuliyeen koox u badan calooshood-u-shaqeystayaal u dhashay Colombia.

    Baaritaanno hore oo ay Haiti ka sameysay dilka ayaa hakad galay, sababo la xiriira awoodda baahsan ee kooxaha burcadda ah iyo sharci-darrada ka jirta dalka.

    Xeer-ilaaliyaha Mareykanka ee Koonfurta Florida, Jason Reding Quiñones, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ku sheegay in soo-celinta dadka loo haysto ay tahay “wejiga weyn ee xiga ee dadaalkeenna ku aaddan in isla-xisaabtan laga sameeyo” dilka madaxweynaha.

    “Shan sano kadib, weli waxaan eedeysanayaal horgeynaynaa maxkamadaha Mareykanka, mana aanan dhammaan,” ayuu Quiñones ku yiri qoraal uu soo dhigay X.

    Wuxuu sheegay in ilaa hadda 30 qof lagu soo oogay dacwado la xiriira dilka.

    Xeer-ilaaliyeyaasha Mareykanka ayaa ku doodaya in qorsheynta iyo maalgelinta dilka Moïse laga abaabulay gobolka Florida, iyo sidoo kale Jamhuuriyadda Dominican iyo Haiti lafteeda.

    Maadaama nidaamka garsoorka Haiti uu ku jiro xaalad aad u liidata, mas’uuliyadda ayaa ku dhacday xeer-ilaaliyeyaasha Mareykanka inay dadka xiran keenaan Florida, si halkaas loogu qaado dacwadaha.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  10. Wadanka uu u dhashay qof ay ICE ku toogatay gobolka Texas oo la oggaaday

    Dibadbaxayaal ayaa isugu soo baxay magaalada Austin ee gobolka Texas

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dibadbaxayaal ayaa isugu soo baxay magaalada Austin ee gobolka Texas

    Dibadbaxayaal ayaa isugu soo baxay magaalada Austin ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka, halkaas oo mas’uuliyiinta deegaanka ay sheegeen in sarkaal ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Dhaqangelinta Kastamka Mareykanka (ICE) uu nin toogtay oo dhaawacay.

    Wilber Rafael Garces Perez, oo 28 jir ah, ayaa laga toogtay qaybta jirkiisa inta u dhaxaysa caloosha iyo laabta, waxaana loo qaaday isbitaal. Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa sheegay inuu xaaladdiisu halis tahay balse deggan tahay.

    Warbaahinta Mareykanka ee CBS ayaa sheegtay inuu yahay muwaadin Venezuelan ah oo si sharci-darro ah dalka ugu noolaa, isla markaana ay jirto amar dalka looga masaafurinayo.

    Tan iyo markii Madaxweyne Trump uu dib ugu soo laabtay xukunka sannadkii 2025, waxaa dhacay in ka badan 40 dhacdo oo toogasho ah oo ay ku lug lahaayeen saraakiisha ICE, kuwaas oo sababay dhimashada 11 qof.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  11. War deg deg ah, Maraykanka oo muwaadiniinta uga digaya in ay u safraan Iiraan

    U.S. Virtual Embassy Iran

    Xigashada Sawirka, U.S. Virtual Embassy Iran

    Digniin ka soo baxday Mareegta online-ka ah ee Safaaradda Mareykanka ee Iraan, ayaa Axaddii, 20-ka Sebtembar, soo saartay digniin degdeg ah oo ay ugu sheegtay muwaadiniinta Mareykanka, in aysan u safri karin Iiraan sabab kasta oo jirta, iyadaoo lagu yiri qoraalka “Sababo la xiriira xiisadaha weli ka jira Bariga Dhexe, xaaladda amni ayaa weli cakiran, waxaana suuragal ah in xiisaddu si lama filaan isku beddesho".

    Waxaa intaas la raaciyey qoraalka "Muwaadiniinta Mareykanka ee hadda ku sugan Bariga Dhexe waa inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, una diyaar garoobaan suuragalnimada in duullimaadyada la joojiyo, hawada la xiro iyo in safarradu hakad galaan".

    Digniinta ayaa lagu soo gabagabeeyay: “Sabab kasta ha ahaatee, ha u safrin Iran. Muwaadiniinta Mareykanka waa inay si degdeg ah uga baxaan Iraan.”

    Intii lagu jiray sannadkii la soo dhaafay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa digniino la mid ah u soo saartay muwaadiniinteeda ku sugan Galbeedka Aasiya iyo dalalka ku lugta leh dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iran, iyadoo Mareykanka uga digtay inay dib uga fiirsadaan safarrada ay ku tagayaan gobolka, isla markaana ay qaataan tallaabooyinka taxaddarka ee lagama maarmaanka ah.

    Akhriso Sheekooyin kale

  12. War deg deg ah, Trump oo sheegay in la joogo marxaladdii go'aanka, iyada oo Iiraan ay ka digeyso in lagu soo qaado weerarro cusub

    Trump oo sheegay in la joogo marxaladdii go'aanka, iyo Iiraan oo ka digeysa in lagu soo qaado weerarro cusub

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Donald Trump ayaa warbaahinta Fox News u sheegay inuu ku jiro “marxalad go’aan qaadasho”, isagoo tilmaamay in waqtiyada soo aadam ay dhici doonaan arrimo “aad u waaweyn” oo la xiriira Iran.

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo Madaxweynaha Iraan Masoud Pezeshkian, wuxuuna ka digay in haddii heshiis la gaari waayo, Iraan ay wajahi doonto burbur dhaqaale ama burbur baahsan.

    Axaddii ayey ahayd markii Iiraan ay sheegtay in ay heshay warar sheegaya in Maraykanka uu qorsheenayo weerarro ka dhan Iiraan, kuwaas oo ay waddamo Carab ah garab ku siinayaan, inkasta ooo aysan Iiraan magacaabin waddamadaasi.

    Akhriso Sheekooyin kale

  13. SUBAX WANAAGSAN

    Maalin kale iyo tebin cusub soo dhawaada