Fiidiyow muujinaya markii kumanaan qaxooti ah oo Afrika ka yimid ay jabsadeen xudduudda Spain

Qoraalka Muuqaalka,
Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Kumanaan muhaajiriin ah ayaa gaaray deegaanka Ceuta ee Waqooyiga Afrika ee Spain oo ka yimid Morocco toddobaadkii la soo dhaafay, sida uu sheegay hoggaamiyaha gobolka.

Juan Jesus Vivas ayaa sheegay in tas-hiilaadka ay sii yaraanayaan sababtoo ah tirada badan ee dadka soo galaya.

Wuxuu ku boorriyay dowladda Spain inay soo farageliso. Sida laga soo xigtay Reuters, Wasiirka Arrimaha Gudaha Spain Fernando Grande-Marlaska ayaa la filayaa inuu booqdo deegaankaas Jimcaha.

Muuqaal fiidiyow ah ayaa muujinaya muhaajiriin isticmaalaya saxiimadaha la buufin karo iyo aaladaha kale ee sabbeynta si ay u gaaraan Ceuta Khamiistii, halka kuwa kalena ay ka baxsadeen albaab ku yaal xayndaabka xadka.

Ceuta oo ku taal xeebta waqooyi ee Morocco, waxay ka go'an tahay dhulweynaha Spain oo uu kala qaybiyo Gacanka Gibraltar waxayna muddo dheer ahayd meel ay ka qalaan galo muhaajiriinta isku dayaya inay gaaraan Yurub.

Horraantii bishan, Maxkamadda Sare ee dalkaasi ayaa xukuntay inaan si toos ah dib loogu celin karin Morocco muhaajiriinta lagu qabto iyagoo isku dayaya inay badda ku gaaraan Ceuta ama Melilla, iyada oo aan la marin habraaca sharciga ee saxda ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Spain ayaa sheegtay inay aaminsan tahay in shabakadaha ka ganacsada dadka ay ka faa'iidaysanayaan go'aankaas si ay "ugu dhiirrigeliyaan muhaajiriinta aan haysan dukumeentiyada sharciyeynta, gaar ahaan dhallinyarada, inay qaadaan jidkan."

Wasaaraddu waxay sheegtay in Spain iyo Morocco ay iska kaashadaan dhammaan arrimahaas, oo ay ku jirto arrinta muhaajirnimada.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Labada dalba waxay ku heshiiyeen inay xoojiyaan dadaallada lagu xallinayo dhibaatadan, oo ay ku jirto in sida ugu dhakhsaha badan dalka Morocco loogu wareejiyo dhammaan dadka sida sharci darrada ah ku gala Ceuta.

Waxaa jira sheegashooyin kala duwan oo ku saabsan tirada muhaajiriinta ka imaanaya Morocco; warbixinnada qaarkood ayaa sheegaya inay tiradoodu gaarayso boqolaal, halka kuwa kalena ay ku qiyaasayaan inay yihiin kumanaan.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, warbaahinta Spain ayaa ku qiyaastay in inta u dhaxaysa 2,000 ilaa 3,000 oo qof ay soo galeen magaalada Ceuta maalintii Khamiista. Si kastaba ha ahaatee, booliiska gaarka ah ee Spain (Guardia Civil) ayaan xaqiijin tiradan.

Dhanka kale, idaacadda iyo telefishinka qaranka Spain ee RTVE ayaa soo werisay in "boqolaal" qof ay soo galeen aaggaas maalintii oo dhan.

Sida ay ku sheegtay warbixinteeda, in ka badan 1,500 oo qof, oo u badnaa dhalinyaro u dhashay Morocco, ayaa soo gaaray Ceuta labadii toddobaad ee la soo dhaafay.

Sida ay baahisay RTVE, madaxa maamulka Ceuta, Juan Vivas, ayaa sheegay in meydadka 60 qof laga soo saaray badda bilooyinkii ugu dambeeyay.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sida ay sheegtay Reuters, wuxuu sidoo kale sheegay mas'uulkaas in gobolku uu wajahayo xaalad bini'aadanimo iyo mid amni, isagoo ka digay in xarumaha lagu qaabilo carruurta aanay la socon waalidkood ay qaabilayaan dad aad uga badan awoodda ay xamili karaan.

Tiradan sii kordhaysa ayaa la barbar dhigayaa xaaladdii dhacday bishii Maajo ee 2021-kii, markaas oo qiyaastii 8,000 oo qof ay ku soo galeen Ceuta muddo kooban gudaheed, taasoo keentay xiisad diblomaasiyadeed oo u dhaxaysay Spain iyo Morocco.

Dhulalka Spain ee Ceuta iyo Melilla, oo ku yaalla Waqooyiga Afrika, ayaa ah xadka dhulka kaliya ee kala qaybiya Midowga Yurub iyo Afrika.

Sanadihii ugu dambeeyay, Spain ayaa xoojisay ilaalada, waxayna hagaajisay xayndaabyada xadka, isla markaana waxay horumarisay xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leedahay Morocco si loo xoojiyo amniga dhulalkan. Inkastoo ay taasi jirto, dadku waxay weli isku dayayaan inay ka gudbaan xadka.

Dhanka kale, Talyaanigu wuxuu ku baaqay in Spain laga joojiyo aagga Schengen. Ra'iisul wasaare Giorgia Meloni ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin inay qaadaan tillaabooyin aan caadi ahayn oo lagu ilaalinayo xuduudaha iyo muwaadiniinta.

Qoraal uu soo dhigay X, ayuu ku sheegay in sawirrada ka soo baxaya Ceuta ay yihiin "naxdin" oo ay muujinayaan in "tahriibka sharci darrada ah ee aan la xakameyn uu khatar dhab ah ku yahay ammaanka xuduudaha Yurub".