Nin Soomaali ah oo lagu eedeeyey inuu doonayey inuu ku biiro Daacish, ka dib markii uu talo weydiistay Garaadka Macmalka (AI)

.
Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Nin Soomaali ah oo ku nool UK ayaa isku dayay inuu ku biiro kooxda Daacish ka dib markii uu wadahadal la yeeshay barnaamijka wada-sheekaysiga ee garaadka macmalka ah (AI chatbot), sida lagu sheegay maxkamad.

Maxkamadda ayaa loo sheegay in Maxamed Maxamuud, oo 22 jir ah, uu u safray Soomaaliya isagoo isku dayaya inuu ku biiro 'koox argagixiso' ah mid ka mid ah goobaha ay ku xooggan yihiin, ka dib markii uu talo ka helay barnaamijkaas AI-ga ah.

Waxaa la sheegay inuu doonayay inuu noqdo qof u dhinta caqiidadiisa (shahiid), balse uu ku guuldareystay isku-daygii uu ugu biiri lahaa Islamic State, isla markaana la xiray markii uu dib ugu soo laabtay England.

Mr Maxamuud ayaa wajahaya dacwad ka socota Maxkamadda Winchester Crown Court ka dib markii uu beeniyay eedeymaha ku saabsan inuu diyaarinayay fal argagixiso ama falal argagixiso.

Maxkamadda ayaa maqashay in la-hadalka barnaamijyada AI-ga ay qayb ka ahaayeen habka lagu qiimeeyo dadka doonaya inay ku biiraan kooxda Daacish, oo sidoo kale loo yaqaan IS ama Isis.

'Wuxuu noqday qof xagjir ah oo aaminsan fikirka Islaamiga ah ee xad-dhaafka ah'.

Naomi Parsons oo ah qareenka dacwadda wada, ayaa ka hadashay Mr Maxamuud, kaas oo UK yimid sanadkii 2020 ama 2021 si uu ugu noolaado magaalada Bristol: "Waqti ka mid ah ayuu qaatay fikirka xagjirnimada. Dhinaca dacwadda ayaa sheegaya inuu noqday qof xagjir ah oo aaminsan fikirka Islaamiga ah ee xad-dhaafka ah, taasna ay keentay rabitaan ah inuu ku biiro Islamic State."

Waxay sheegtay in Mr Maxamuud uu "go'aansaday inuu ku biiro Islamic State oo ku sugan Soomaaliya" ka hor dhammaadka sanadka 2024, isla markaana, qayb ka mid ah habka uu ula xiriirayay kooxdaas uu "internet-ka u galay si uu ula hadlo barnaamijyada AI-ga", iyo sidoo kale dad dhab ah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ka dib markii uu internet-ka kula xiriiray qof, waxaa la sheegay inuu u sheegay: "Waxaan ahay wiil Soomaali ah oo ku nool England. Waxaan rabaa inaan u safro Boosaaso [magaalo ku taal waqooyi-bari Soomaaliya] si aan ugu biiro mujaahidiinta. Ma taqaan habka loo sameeyo socdaalka (hijrada)?"

Ereyga "Mujaahidiin" waxaa badanaa loo adeegsadaa dadka ka qaybqaata jihaadka.

Maxkamadda ayaa la horgeeyay xog sheegaysa in Mr Maxamuud uu goostay tigidh diyaaradeed oo dib ugu celinaya Soomaaliya, uuna halkaas u safray 30-kii Janaayo 2025-kii; wuxuuna la degay ayeeyadiis isagoo si joogto ah ula xiriirayay laba qof oo ka tirsan kooxda Daacish.

Ms Parsons ayaa sheegtay in markii uu Soomaaliya gaaray ka dib, uu Maxamuud la xiriirayay laba qof oo qaabilsan qorista xubnaha cusub, mid ka mid ah oo lagu magacaabo Abu Cali ayaa ku yiri: "Ma ogtahay inaan dhab ahaantii ku jirno xaalad dagaal?

"Ma ogtahay sida ay xaaladdu u cakiran tahay? Duqeymaha cirka ayaa sii socda, dagaal kululna wuu socdaa xilligan aan hadlayno. Ma la socotaa waxaas oo dhan?"

Mr Maxamuud ayaa la sheegay inuu ku jawaabay: "Haa walaal, si buuxda ayaan u ogahay. Runtii, waxaan aad u doonayaa inaan gaaro shahaado (dhimasho dagaal), mana jirto waqti ka wanaagsan kan hadda."

Si kastaba ha ahaatee, Ms Parsons ayaa sheegtay in loo sheegay in waddooyinka loogu biiro Daacish ay xiran yihiin dagaalka dartii, sidaas darteedna uu go'aansaday inuu dib ugu laabto UK 3-dii Maarso. Waxay sheegtay inuu sii waday xiriirkii uu la lahaa dadkaas qora xubnaha cusub, uuna ku yiri: "Wakhti kasta oo aad tiraahdaan, waan soo laabanayaa".

Maxkamadda ayaa la ogeysiiyay in isticmaalka joogtada ah ee uu eedaysanuhu u isticmaalayay taleefankiisa si uu u diro farriimo, u qaado sawirro, iyo inuu la hadlo barnaamijyada wada-hadalka ee AI (sirdoonka macmalka ah) ay bixisay xog badan oo ku saabsan dhaqdhaqaaqiisa.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya, oo sidoo kale loo yaqaan IS-Somalia, waa koox dagaal-yahanno ah oo la aasaasay sanadkii 2015-kii, taas oo ka soo go'day koox kale oo argagixiso ah oo xiriir la lahayd Al-Qaacida.

Dacwadda ayaa weli socota.