Ninkii noolaa 555 maalmood isaga oo aan wadne lahayn

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jirka bini'aadamku wuxuu leeyahay awood cajiib ah oo uu ugu adkeysto xaaladaha adag, sida ay muujiyeen kiisas badan oo dad ah oo sii noolaaday inkastoo ay waayeen qaar ka mid ah xubnahooda.
Taariikhda caafimaadku waxay muujinaysaa in jirka caadiga ah ee bini'aadamku uu ka adkeysi badan yahay sidii aan u malaynaynay. Waxaa jira kiisas cajiib ah oo la diiwaan geliyay, sida nin Faransiis ah oo la ogaaday 2007 inuu nool yahay iyada oo ku dhawaad 90 boqolkiiba maskaxdiisa aysan shaqaynayn.
Ninka 44 jirka ah wuxuu ku noolaa nolol caadi ah markii dhakhaatiirtu ay ogaadeen inuu qabo xaalad daran oo loo yaqaan hydrocephalus, isaga oo unugyada maskaxda ay inta badan isku beddelaan dareere maskaxda dhexdeeda fadhiya.
Tani waa tusaale cajiib ah oo muujinaya awoodda jirka ee la qabsiga luminta unugyada. Unugyada maskaxda ee haray, ilaa xad, waxay la wareegi karaan shaqooyinka unugyada lumay, kiiskan, iyada oo loo marayo hab loo yaqaan neuroplasticity, awoodda maskaxda ee dib u habaynta nafteeda iyo beddelidda habka ay u shaqeyso.
Xaalad la mid ah ayaa sidoo kale ka dhici karta xubnaha lammaan, sida sambabada, kelyaha, ama xiniinyaha. Haddii mid ka mid ah la waayo, xubinta kale ayaa la wareegi karta shaqada labada xubnoodba.
Xaaladaha qaarkood, tignoolajiyada caafimaad ee cajiibka ah waxay ka caawisaa dadka inay sii noolaadaan ka dib markay lumiyaan xubnaha muhiimka ah ee jirka.
Tusaale ahaan, nin dhallinyaro Mareykan ah ayaa jeebka ku sitay wadne macmal ah oo shaqeynaya muddo 555 maalmood ah, ka dib markii wadnihiisa laga saaray laakiin ka hor inta uusan fursad u helin inuu helo qalliin wadnaha lagu tallaalayo uu sameeyo.
Waxa loogu yeero "kiisaska laabta maran", dhakhaatiirta qalliinka ayaa ka saara wadnaha iyo sambabada bukaanka, shaqooyinka xubnahaasna waxaa lagu beddelaa nidaam taageero nololeed oo loo yaqaan ECMO.
Waxaa sidoo kale jira tusaalooyin dad oolaa iyagoo aan lahayn qaybo badan oo jirka ka mid ah.

Xigashada Sawirka, Robin Boyden
Bukaanada qaar ee qaba kansarka caloosha waxay u baahan yihiin in laga saaro dhowr xubnood oo ka tirsan nidaamka dheefshiidka, kuwaas oo ay ku jiraan caloosha oo dhan, beeryarada, ganaca, xiidmaha yar, iyo xiidmaha waaweyn.
Xaaladahan, bukaanadu waxay ku noolaan karaan iyagoo isticmaalaya isku-darka daawooyinka beddela dheecaamada, cunto wax laga beddelay, iyo nafaqo xididka ah, oo ay weheliso sokor la farsameeyay si loogu beddelo sokorta uusan jirku soo saari karin.
Xubnaha kale ee gudaha ee qofku ku noolaan karo la'aantood waa xameetida, kaadi haysta, qanjirka thyroid-ka, iyo malawadka.
Ma cadda in ay jirto xad u gaar ah tirada xubnaha uu qofku ku noolaan karo isagoon lahayn markiiba, inkastoo luminta dhowr xubnood hal dhacdo ay horseedi karto dhimasho ka dhalata dhiig-bax xad-dhaaf ah, caabuq, ama dhaawac jireed oo daran.
























