Maxay tahay sababta Uganda ay xiriirka militari ugu jirtay dowladda Turkiga?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciidamada Uganda ayaa sheegay inay hakiyeen iskaashigii milateri ee kala dhexeeyay Turkiga, kadib markii la dalbaday in Ankara ay soo wareejiso qoraa siyaasadeed oo caan ah, kaas oo si adag u dhaliila Madaxweyne Yoweri Museveni.
"Ciidamada Difaaca Dadweynaha Uganda (UPDF) ayaa si degdeg ah u hakiyay dhammaan wixii iskaashi dhanka difaaca iyo milatariga ah ee kala dhexeeyay Jamhuuriyadda Turkiga," ayuu yiri afhayeenka ciidamada Chris Magezi oo soo saaray bayaan uu ku daabacay bartiisa X.
Sida ay tabisay wakaaladda wararka ee AFP, taliyaha ciidanka waddanka Uganda Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka madaxweyne Museveni oo si weyn loogu arko inuu yahay ninka bedeli doona aabihiis, ayaa si isdaba joog ah waxay isugu dhaceen mas'uuliyiinta Turkiga waxaana uu salka ku hayay isku dhaco Uganda oo isku dayaysa in Fred Lumbuye oo nin dhaliila dowladda Uganda oo ku nool Turkiga loo soo gacan geliyo iyaga.
Falanqeeyaha siyaasadda ayaa wajahaya 15 dacwadood oo dambi ah, oo ay ku jiraan kicin rabshado, faafinta macluumaad been abuur ah iyo si xun u isticmaalka kombiyuutarka.
Jimcihii, kumanaan reer Uganda ah oo xiriir la leh Ururka Waddaniga ah ee Uganda, oo ah koox cadaadis bulsho iyo siyaasadeed oo xiriir la leh Muhoozi, ayaa dibadbax ka dhigay bannaanka safaaradda Turkiga ee caasimadda Kampala, sida ay tabisay AFP.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, ayuu Kainerugaba ku yiri: "Waxaan u mahadcelinayaa dadweynaha wadaniyiinta ah ee PLU, kuwaas oo shalay dhigay bannaanbax ka dhacay Safaaradda Turkiga. Waxay caddeeyeen inay leeyihiin geesinimo. Turkidu waxay aqbali doonaan dhammaan dalabaadkayaga. Haddii ay sidaas yeeli waayaanna, ku noolaashaha Uganda waxay ku noqon doontaa mid aan suurtagal ahayn."
Waxa uu sidoo kale ku hanjabay in la xiri doono qof kasta oo u qareema Turkiga gudaha Uganda.
"Tallaabadani waxay sii ahaan doontaa mid dhaqangal ah ilaa laga xallinayo arrimaha taagan ee ku saabsan difaaca wadajirka ah iyo iskaashiga milateri ee u dhexeeya labada dal," ayuu raaciyay hadalkiisa afhayeenka ciidmada Uganda, Magezi, isagoon bixin faahfaahin dheeraad ah.
Sida ay daabacday wakaaladda wararka AP, Fred Lumbuye oo dhaliila xukuumadda talada haysa ee Uganda ayaa muddo sanado ah ku noolaa dalka Turkiga, balse xaaladdiisa sharci ee waddankaas ayaa ah mid aan caddayn.
Qoraalladiisa ku saabsan siyaasadda Uganda ayaa waxaa daawada kumanaan qof, taas oo siinaysa madal iyo saameyn gaar ah oo aysan haysan dadka dalka gudihiisa ku dhaliila dowladda.
Xiriirka Difaac ee ka dhaxeeyay labada dal
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Uganda iyo Turkiga waxay lahaayeen xiriir dhow oo difaaca muddo ku dhow toban sano.
Bishii Juun 2016 waxay saxiixeen heshiis iskaashi oo ka dhexeeya warshadaha-difaaca, kaas oo lagu sii xijiyay heshiis kale oo tababar militari ah oo dhacay sannadkii 2022.
Meelaha iskaashiga waxaa ka mid ah tababarka militariga, qalabka hubka iyo sahanka, is-waydarsiga tignoolajiyada iyo iskaashiga ka dhanka ah argagixisada iyo amniga.
Militarigu ma bixin faahfaahin ku saabsan arrimaha taagan ee ka dambeeya joojinta, laakiin sida ay bahisay AFP waxay imaaneysaa arrintani kadib hanjabaado ah in Uganda ay joojinayso qandaraas lagu dhisayo tareen SGR ah oo ay ku baxayso $3 bilyan oo doolarka maraykanka ah ee kaa oo ay Uganda horay ula gashay shirkadda Turkiga ee Yapi Merkezi, iyo sidoo kale hanjabaad kale oo ah in muwaadiniinta Turkiga laga saarayo dalka Uganda.
Warbaahinta Turkiga ayaa bishii Juun sheegtay in Muhoozi Kainerugaba uu joojiyay qandaraaska "isagoo xoojinaya falal iyo hadallo cadowtinimo ah oo lala beegsaday Türkiga".













