Sidee ayay Mossad hawlgallada uga fulisaa gudaha Iiraan?

Sawirka calanka Israa’iil

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Maalmahii u dambeeyay, wararka warbaahinta Iiraan ee ku saabsan 'xidhiidhka tooska ah' ee u dhexeeya saraakiisha hay'adda sirdoonka Israa'iil ee Mossad iyo madaxda Iiraan ayaa noqday kuwo ka muuqda sii kordheysa oo ka badan tii hore.

Saraakiil sare oo ka tirsan dhinacyada sirdoonka, amniga, iyo siyaasadda Iiraan ayaa dhowr jeer muujiyay walaac ku saabsan baaxadda saamaynta Mossad ay ku leedahay dalka.

Si kastaba ha ahaatee, kaddib dagaalkii 12-ka maalmood socday ee bishii Juun ee sannadkii hore, doodaha bannaanyaalka ah ee ku saabsan 'Dayaca amni darro' ee gudaha Iiraan ayaa si daran u kordhay.

Ereyga 'Sanki Amni' waxaa loo adeegsadaa in lagu tilmaamo xaalad ay xog muhiim ah ka baxin karta heerarka ugu sarreeya ee go'aan qaadashada dawladeed, taas oo muujinaysa goldaloollo ama tabar-darro amni.

Ka sakow, dagaalkii 12-ka maalmood kaddib, dhinac kale oo la xidhiidha hawlgallada Mossad ayaa soo ifbaxay. Siyaasiyiin iyo saraakiil amni oo badan ayaa sheegay in dad isku sheegay in ay yihiin saraakiil Mossad ay taleefan kula soo xidhiidheen isla markaana u gaysteen hanjabaado.

Wasiirkii hore ee Shidaalka Iiraan, Javad Owji, ayaa dhowaan sheegay in bishii Februarry 2024, xilli qaraxyo isdaba joog ah ka dhaceen dhuumaha gaaska dalka, uu helay taleefan uu qof isku sheegay in uu yahay sarkaal Mossad ahi kula soo xidhiidhay.

Sawir

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sida uu sheegay Owji, qofka soo wacay wuxuu ula hadlay si deggan, isla markaana dhowr ilbidhiqsi gudahood ayay qaraxyo ka dhaceen saddex ka mid ah dhuumaha waaweyn ee gaaska dalka.

Owji wuxuu sheegay in qofkaasi uu intii ay wada hadlayeen weydiiyay su'aalo fudud sida "3+5 waa imisa?" iyo "4+5 waa imisa?". Markii uu ka jawaabay, ayaa loo sheegay in dhuumaha gaaska la qarxiyay. Daqiiqado yar kaddibna masuuliyiinta ay khusayso ayaa sidoo kale xaqiijiyay qaraxyada.

Qaar ka mid ah warbaahinta Iiraan ayaa hadallada Owji ku tilmaamay "wax lala yaabo."

Bogga wararka ee Tabnak ayaa daabacay hadalladiisa, isagoo qoray:

"Waxa ka welwel badan qoraalka sheekada waa qaabka loo sheegay. Waa sheeko aan si ula kac ahayn u muujinaysa awoodda cadowga halkii ay ka muujin lahayd awoodda qofka."

Tan iyo dagaalkii 12-ka maalmood socday sannadkii hore, warbaahinta rasmiga ah ee Iiraan waxay isku dayaysay in ay daawadayaasha u soo bandhigto sheeko muujinaysa awoodda Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Warbaahinta muxaafidka ah ee dawladda u dhow ayaa hadalka Javad Owji ku tilmaantay mid ka duwan hadalkii Cali Larijani ee ku saabsanaa xiriirka loo nisbeeyay Mossad, xilligii uu ahaa xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka.

Cali Larijani

Xigashada Sawirka, Getty Images

"Wicitaankii Mossad ee Cali Larijani"

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bishii June, 23-keddii 2025, wargeyska Maraykanka ee Washington Post ayaa, isagoo soo xiganaya saddex ilo oo arrinta xog ka hayay sheegay in saacado gudahood ka dib weerarradii Israa'iil ku qaaday Iiraan, wakiillo ka tirsan sirdoonka Israa'iil ay bilaabeen olole qarsoodi ah oo lagu cabsi gelinayo masuuliyiinta Iiraan.

Sida warbixintu sheegtay, waxay taleefan u direen taliyeyaal ciidan iyo masuuliyiin kale oo Iiraaniyiin ah, iyagoo uga digay in haddii ay sii wadaan taageerada dawladda, in la dili doono.

Washington Post waxay sheegtay in ujeeddada wicitaannadani ay ahayd in lagu abuuro kala qaybsanaan iyo xasillooni darro gudaha nidaamka dawladda, in lagu cabsi geliyo saraakiisha heerka labaad iyo saddexaad iyo in la adkeeyo magacaabista beddelka taliyeyaashii la dilay.

Intaas ka dib, Cali Larijani ayaa si kaftan iyo jees-jees leh u sheegay in uu qofkii soo wacay siiyay "jawaab u qalanta Netanyahu" si "uu waxoogaa ugu qanco."

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in midkoodna masuuliyiintii loo soo wacay aanu aqbalin dalabkii dadka soo wacay.

Cali Larijani wuxuu u arkayay wicitaannadan inay qayb ka ahaayeen qorshe Israa'iil ay ku doonaysay inay ku cabsi geliso masuuliyiinta Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Qiyaastii sagaal bilood kaddib, 16-kii March ee sannadkan, Cali Larijani waxaa lagu dilay weerar cirka ah oo Israa'iil fulisay.

Xogta la daabacay ee ku saabsan wicitaannadan ayaa muujinaysa in dadka lagu tunsan yahay Mossad ay, ugu yaraan xaaladaha qaarkood, masuuliyiinta Iiraan gaadhsiiyeen farriin isku mid ah, iyagoo siiyay 12 saacadood oo ay dawladda uga go'aan ama dalka uga baxaan.

Iran

Xigashada Sawirka, Getty Images

"20" ilaa "laba kun": Hadallo is khilaafsan oo ku saabsan wicitaannada loo malaynayo Mossad

Maalmihii iyo toddobaadyadii ka dambeeyay dagaalkii 12-ka maalmood socday, Hay'adda Warbaahinta Qaranka ee Iiraan iyo warbaahinta kale ee dawladda taageerta ayaa si tartiib tartiib ah u soo bandhigay faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xidhiidhada la sheegay in Mossad la sameysay masuuliyiinta Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Marka laga reebo warbixintii Washington Post, oo sheegtay in in ka badan 20 masuul oo xilal muhiim ah hayay lala xidhiidhay, warbixinno dambe oo ay baahiyeen warbaahinta gudaha ayaa bixiyay faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dadka helay wicitaannadaas, kuwaas oo ay ku jireen taliyeyaal ciidan, masuuliyiin siyaasadeed iyo saraakiil amni.

Wargeyska muxaafidka ah ee Agah ayaa 1-dii July 2025 ku andacooday in iyadoo lagu salaynayo "xog lagu kalsoon yahay", Mossad ay maalmaihii ugu horreeyay ee dagaalka taleefanno, farriimo qarsoodi ah ama iimayllo ugu dirtay in ka badan laba kun oo masuul oo ka tirsan Jamhuuriyadda Islaamiga ah, taliyeyaal ciidan, agaasimayaal amni iyo shaqsiyaad saamayn leh.

Sida warbixintu sheegtay, ujeeddada hawlgalkani ma ahayn oo keliya cabsi gelinta dadka. Laakiin dadka soo wacayay waxay sidoo kale isku dayeen in ay masuuliyiinta sare ku qanciyaan in dhammaadka dawladda uu soo dhow yahay, isla markaana ku dhiirrigeliyaan in ay ka baxaan Tehran ama iska casilaan xilalkooda.

Iran Israel

Xigashada Sawirka, Getty Images

Mossad: Hay'ad sirdoon ilaa sheeko warbaahineed

Xitaa haddii dhinac la iska dhigo dilalka saynisyahannada nukliyeerka, oo uu ku jiro Mohsen Fakhrizadeh, iyo hawlgallada burburinta ee millitari iyo warshadeed ee lagu tuhunsan yahay Mossad, haddana wararka ku saabsan joogitaanka Israa'iil iyo hawlaheeda sirdoon ee gudaha Iiraan kuma koobna oo keliya "dagaalkii 12-ka maalmood socday" ama wicitaannadii taleefanka ee sannadihii u dambeeyay.

Muddo tobannaan sano ah, magaca Mossad wuxuu siyaabo kala duwan uga soo muuqanayay suugaanta siyaasadda iyo amniga ee Iiraan, oo ay ku jiraan warbixinno amni, xusuus-qorro, buugaag, iyo mararka qaarkood filimaan iyo riwaayado.

Dunida filimada iyo telefishinkaba, sannado badan waxaa jiray shaqooyin mala-awaal ah oo la xidhiidha Iiraan oo ay ku jireen magaca iyo doorka Mossad.

Marka laga soo tago filimada iyo taxanayaasha laga sameeyo Iiraan, tusaale caan ah waxaa ka mid ah taxanaha Israa'iil ee "Tehran", oo markii ugu horreysay la baahiyay sannadkii 2020.

Sheekada taxanahan waxay ku dhisan tahay mala-awaal ah in wakiillada Mossad ay awood u leeyihiin inay gudaha Iiraan ka sameeyaan hawlgallo iyo shabakado, fuliyaan howlgallo sirdoon, isla markaana gaadhaan meelaha xasaasiga ah ee amniga iyo militariga.

Hay'adaha sirdoonka badanaa waxay si qarsoodi ah u hayaan faahfaahinta hawlgalladooda dibadda, hase yeeshee mararka qaarkood waxay si ula kac ah u sii daayaan xog ama sheekooyin la xushay oo ku saabsan hawlgalladaas.

Marka dib loo eego wicitaannada taleefanka ee loo nisbeeyay Mossad ee lala yeeshay saraakiisha militariga iyo siyaasadda, iyo sida warbaahinta Iiraan uga warrantay, waxaa soo baxaya sawir muujinaya Mossad oo ah hay'ad sirdoon oo awood u leh inay si toos ah ula xidhiidho masuuliyiinta ugu sarreeya ee Iiraan isla markaana u hanjabto.

Qaar ka mid ah weerarradaas, waqtigooda saxda ah, heerka ay u beegsanaayeen bartilmaameedka, iyo sida dadka soo wacay ay u heleen lambarrada taleefannada iyo xogta gaarka ah ee masuuliyiinta, ayaa dhalisay su'aalo ballaadhan oo ku saabsan baaxadda ay gaadhsiisan tahay awoodda sirdoon ee Israa'iil.