25 sano ka hor siyaasiyiintii uu xiray Afewerki ee aan weli xaalkooda war laga haynin

Hanna Petros Solomon

Xigashada Sawirka, Hanna Petros Solomon

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Hanna Petros Solomon ayaa ilmeysay kaddib markii ay soo xusuusatay sida ay iyada iyo walaalaheed ku noqdeen agoon 25 sano ka hor markii aababood lagu xiray Eritrea iyadoo oo aan maxkamad la soo taagin. Waxaa kaddib la xiray hooyadeed. Wixii markaas ka dambeeyay wax war ah lagama helin, lamana oga halka ay ku dambeeyeen.

Markii ugu dambeysay ay aragto aabaheed waxay jirtay 10 sano, wuxuu bannaanka ugu baxay orad. Waxay tiri, "Garabkiisa waxaa saarnaa shukumaan, sida ciyaaryahan", "Subax kasta ayuu ordi jiray".

Waalidkeed waxay isku barteen dagaalkii xornimada ee Eritrea ku dooneysay in ay kaga go'do Itoobiya. Labadoodu waxay ku jireen dagaalka.

Aabbaheed, Petros Solomon, wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii sare ee dagaalka, waxayna dad badan u arkaan geesi qaran sababo la xiriira doorkiisii muhiimka ahaa.

Xornimada kaddib, wuxuu noqday wasiirka gaashaandhigga, dabadeed wasiirka arrimaha dibadda, wuxuuna madax ka ahaa wasaaradda kalluumaysiga markii dhibaatadu bilaabmeysay.

Bishii May sanadkii 2001-dii ayey isaga iyo 14 siyaasi oo kale saxiixeen warqad furan oo ku socotay madaxweyne Isaias Afewerki taas oo ugu baaqeysay in la hirgeliyo dastuur lana ansixiyo xornimada kaddib, waxayna sidoo kale dalbadeen doorashooyin qaran. Kooxdan bayaanka soo saartay waxaa loo bixiyay G-15.

Isaias, oo ahaa hoggaamiyihii jabahadda EPLF ee dagaal kula jirtay Itoobiya, si fiican uma arag dhaliishaas.

Hanna Petros Solomon

Xigashada Sawirka, Hanna Petros Solomon

Hanna ma ogeyn in aabaheed xilka laga qaaday, wuxuuna u baxay jimicsi. Goor arroor ah, 18-kii September ayey ciidamada ammaanka amar ka heleen madaxweynaha. waxayna isku diyaariyeen bannaanka guryaha 11 sarkaal oo sare oo ka tirsanaa dowladda, kuwaas oo ku noolaa caasimadda Asmara.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Petros waxaa qabtay ciidamada ammaanka isagoo guriga ka baxaya oo xiran dharkiisa jimicsiga.

Qoyskiisu lama socon waxa ku dhacay. Hanna iyo saddexdeeda walaalo waxay la joogeen ayeydood maadama hooyadood, Aster Yohannes, ay Mareykanka waxbarasho ugu maqneyd. Maalmo kaddib ayaa la ogaaday sida ay wax u dhaceen.

""Ardayda aan isku fasalka ahayn waxay ii sheegeen in aabbahay uu dalkiisa iibiyey.

"Markaas ayaan fahmay sida ay xaaladdu u daran tahay, iyo sida dadka loogu sawiray aabbahay iyo saaxiibbadiis oo u dagaallamay xornimada dalkooda. Aad bay ii dhaawacday".

Aster oo Mareykanka joogtay aad ayey uga naxday waxa dhacay. Waxay dowladda ka dalbatay in basabooro loo sameeyo caruurta, balse waa loo diiday, waxaana loo sheegay in ay dalka ku soo laabato.

Kaddib labo sano oo ay welwel ku joogtay, waxay dowaldda ka heshay ballanqaad, waxayna ku soo laabatay dalka.

Hanna iyo walaalaheed waxay aad u doonayeen in ay soo laabato balse way welwelsanaayeen.

"Waxaan taleefoonka ugu sheegay, "Ka waran hadii lagu xiro?"

"Waxay ku adkeysatay in aysan waxba dhaceyn iyadoo tiri, wax qaldan ma sameyn, waxaan u imaanayaa in aan carruurteyda korsado."

Hanna waxay markii dambe ogaatay in Isaias uu shaqsiyan u ballanqaaday Aster in aan waxba la yeeleyn. Qoyskeeda waxay ku sugeen garoonka diyaaradaha Asmara 11-kii Desembar 2003-dii, Aster kama soo bixin qeybta dadka soo dagayay.

Halkaas ayey rajadooda ku soo dhamaatay. "Waqti dheer ayaan sugeynay. Ugu dambeyn guriga ayaan isaga laabanay.

"Mareykanka ayaan taleefoon u diray, saaxiibadeed iyo qaraabada waxay noo sheegeen in ay diyaaradda soo raacday".

Sarkaal magaciisa aan la ogeyn ayaa garoonka diyaaradaha ka soo wacay qoyska kaas oo u sheegay in ay soo doontaan boorsooyinka Aster. Markaas ayey xaqiiqsadeen in ay dalka timid balse aysan guriga imaaneyn.

Dhammaan codsiyadii la xiriiray xogtooda lama dhageysan. Hanna ayeydeed waxaa la siiyay digniin ah in ay joojiso su'aalaha ay madaxda weydiineyso.

Qoyska waxay markii dambe maqleen in Aster lagu hayo xabsiga loo yaqaan Karshelli, ee ku yaalla bartamaha Asmara.

Waxaa la aaminsan yahay in Hanna aabaheed lagu hayo xabsi, isaga iyo dadkii kale ee la xiray 18 iyo 19 September 2001-dii. Waa xabsi meel fog ku yaal oo aad loo qariyo waxaana loo yaqaan Ela-Ero. Waxaa lagu eedeeyay khiyaano qaran, laakiin midkoodna weligiis maxkamad lama soo taagin, looma oggolaan in ay arkaan eheladoodana.

Dowladda Eritrea iyo safaaraddeeda UK kama aysan jawaabin codsiga BBC ee ku saabsan halka ay ku dambeeyeen maxaabiistu ama in ay nool yihiin iyo in kale.

Hanna si ay nolol fiican u hesho waxay dalka kaga baxday si dhuumaaleysi ah iyadoon haysan wax basaboor ah. Hadda waa 35 jir, waxay ku nooshahay Mareykanka, waana khabiir dhaawacyada nafsiga ka shaqeeya.

Hanna Petros Solomon

Xigashada Sawirka, Hanna Petros Solomon

Waxyaabaha ay xusuusato waxaa ka mid ah cuntooyinka ay hooyadeed u sameyn jirtay. Hanna waxay xusuusataa safaradii ay ku tagi jireen xeebta markii uu aabaheed ahaa wasiirka kalluumeysiga.

Ibrahim Sherifo labadiisa waalid oo ka tirsan xisbiga PFDJ waxay ka mid ahaayeen 15-ka la xiray 25 sano ka hor. Aad ayuu u xasuustaa wixii dhacay. 13 jir ayuu ahaa.

Hadda waa 38 jir, waxa uu masaafuris ugu nool yahay Netherlands halkaas oo magangalyo laga siiyay

Aabahiisa, Mahmoud Ahmed Sherifo, wuxuu ahaa wasiir iyo madaxweyne ku xigeen ka hor inta aan la xirin.

Sherifo and Aster family

Xigashada Sawirka, Sherifo and Aster family

Ibrahim wuxuu la joogay hooyadii Aster Fissehatsion guriga walaasheed markaas oo ciidamada ammaanka ay albaabka soo garaaceen goor aroor ah. Hooyadii oo dharkeedii jiifka xiran ayey kaxeysteen.

Isagoo taas ka welwelsan ayuu Ibrahim aaday gurigooda balse waxaa loo sheegay in aabihiis la kaxeystsay markii uu aaday saaladda Jimcaha.

Hanna iyo Ibrahim waxay sheegeen in aysan weligodo hilmaameyn saaxiibbadii iyo qaraabadii daryeelka siiyay oo garab istaagay intii ay korayeen iyagoo aan waalidkood la joogin, inkastoo dadkaasi ay khataro la kulmi kareen.

Kooxo u dooda xuquuqda aadanaha, oo ay ku jirto Qaramada Midoobay, waxay maxaabiista G-15 u arkaan maxaabiis loo xiray waxay aaminsan yihiin, waxayna muddo dheer ku baaqayeen in la sii daayo.

Madaxweyne Isaias, oo hadda 80 jir ah, weli ma uusan dhaqan gelin dastuurkii ugu horreeyay ee dalka kaas oo la ansixiyay 1997-dii, wuxuuna weli xukunka hayaa isaga oo aan waligiis qaban doorasho.