Sida go'aanka Iran u saameeyay shidaalka dunida

A person fills up their car with a petrol pump.

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Archie Mitchell
    • Role, Business reporter
  • Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Qiimaha shidaalka ayaa isbadak ku dhacay dunida oo dhan kadib markii Iran sheegtay in Marinka Hormuz uu si buuxda u furmayo ayna isticmaalayaan maraakiibta ganacsiga taa oo xasuusin u ah xabad joojinta.

Qiimaha fuustada shidaalka ceyriinka ah ee Brent ayaa hoos ugu dhacday 88 dollar foostadii, iyadoo horraantii jimcaha ay kor u dhaaftay $98.

Gacan-biyoodka Hormuz waa marin biyood ciriiri ah oo isku xira Gacanka iyo badda Carabta, kaas oo sida caadiga ah la mariyo shan meelood meel saliidda iyo gaasta dabiiciga ah ee adduunka.

"Dhammaan maraakiibta ganacsiga ee mara Marinka Hormuz waxaa lagu dhawaaqay inay si buuxda u furan yihiin inta ka harsan xabbad-joojinta," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Iran Abbas Araghchi.

Suuqyada caalamka ayaa sidoo kale ogeysiisyo shaaciyay, iyadoo tusmooyinka saamiyada Mareykanka ee ugu waaweyn ay kor u kaceen. Suuqa S&P 500 ayaa sare u kacday 0.8%, halka Nasdaq iyo Dow Jones Industrial Average (DJIA) ay labaduba kor u kaceen in ka badan 1%.

Saamiyada Yurub ayaa sidoo kale kor u kacay iyaga oo ka falcelinaya wararka. Tusmada Cac ee Paris iyo Dax ee Frankfurt labaduba waxay kordheen in ka badan 2%, halka London FTSE 100 uu kor u kacay 0.5%.

Marinka Hormuz ayaa si wax ku ool ah u xiray Iran tan iyo markii Maraykanka iyo Israa'iil ay weerarro millatari ka bilaabeen dalkaas dabayaaqadii bishii February.

Maraakiibta shidaalka ayaa awoodi waayay inay maraan, taasoo si weyn u yareysay xadiga saliida iyo gaaska laga heli karo suuqyada caalamka taasoo keentay in qiimihiisu sare u kaco.

Iskahorimaadka ka hor, Qiimaha Brent ee shidaalka ciiriinka ah waxa uu ahaa wax ka yar $70 foosto. Waxay kor u kacday $100 ka hor inta aysan gaarin meeshii ugu sarreysay oo ka badan $119 foosto bishii Maarso.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qiimaha Shidaalka oo sare u kacay ayaa wax ka badalay Shidaalka iyo Naaftada ee wadayaasha, sidoo kale waxaa ka dhashay walaac laga qabo Shidaalka Diyaaradaha, taasoo keentay cabsida laga qabo in Shirkadaha Duulimaadyada ay joojiyaan Duulimaadyada.

Xiritaanka marin biyoodka muhiimka ah ayaa sidoo kale jaray khad weyn oo maadooyinka bacrimintu ay mari jireen, oo ay isticmaali jireen beeralayda, taas oo sare u qaadaysa rajada laga qabo in qiimaha cuntada uu sare u kaco dagaalka ka dhashay.

Saddex meelood meel ka mid ah kiimikooyinka bacriminta muhiimka ah ee adduunka ayaa mara marin-biyoodka, qiimuhuna aad buu kor ugu kacay tan iyo markii uu dagaalku qarxay.

Si kastaba ha ahaatee, saacado ka hor hadalka Araghchi, kooxda wadayaasha ee RAC ayaa sheegtay in qiimaha batroolka iyo naaftada uu wax yar hoos u dhacay gudaha UK markii ugu horeysay tan iyo markii uu billowday dagaalka Mareykanka iyo Israa'iil ay kula jiraan Iran.

Qiimaha shidaalka ayaa bilaabay inuu fududaado Khamiista oo uu socday Jimcihii, ayay tidhi, in kasta oo ay weli aad uga qaalisan tahay buuxinta haanta marka loo eego bishii Febraayo.

Go'aanka Iran ay dib ugu furtay marin biyoodka Hormuz ayaa daba socday heshiis xabad joojin ah oo ay wada gaareen Israa'iil iyo Lubnaan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo dhoweeyay tallaabadaas, isagoo ku qoray Truth Social: "IRAN AYAA SHAACISAY IN CIIDAMADA IRAN ay si buuxda u fureen oo ay diyaar u tahay in si buuxda loo maro. Mahadsanid!"

Trump waxa uu intaa ku daray in Iran ay ogolaatay "in aanay mar dambe xirin marin biyoodka Hormuz...aana loo isticmaali doonin hub ka dhan ah caalamka".

Laakiin, qoraal daba socday, ayuu ku sheegay in xannibaadda badda ee Iran ay sii ahaan doonto "mid si buuxda u dhaqangal ah" illaa laga gaaro heshiis joogto ah oo lagu soo afjarayo dagaalka Mareykanka iyo Israa'iil ee dalkaas.

In kasta oo Iran ay ku dhawaaqday, haddana mid ka mid ah hawlwadeennada maraakiibta saliidda iyo gaaska ayaa BBC u sheegay "waxba isma beddelaan" isla markiiba.

"Ma dareemayno inaan u baahanahay inaan qaadno khataro aan loo baahnayn, habka shirkadeenana waa inaanan noqon doonin kuwa ugu horreeya ee mara marin-biyoodka", hawlwadeenka, oo aan rabin in magaciisa la sheego, ayaa yidhi.

Shirkad kale oo lagu magacaabo Stena Bulk, oo ka hawlgasha shidaalka gobolka, ayaa sheegtay inay si dhow ula soconayso horumarka.

"Badbaadada shaqaalaheenna iyo maraakiibteena ayaa maamula go'aan kasta oo marin ah, mana gudbi doono ilaa aan ku qanacno waa ammaan in la sameeyo," ayay shirkaddu ku dartay.