Sida ay Xuutiyiinta ugu suurto gashay inay bah-dilaan Sacuudiga

Xigashada Sawirka, MOHAMMED HUWAIS / AFP VIA GETTY IMAGES
Horraantii bishii September, ololihii militari iyo dadaalladii diblomaasiyadeed iyo kuwa dhaqaale ee Sucuudigu tobannaanka sano soo waday ayaa si lama filaan ah u fashilmay.
Weerar kedis ah oo ay Xuutiyiintu soo qaadeen ayaa ku qasbay maleeshiyaadkii daacadda u ahaa dowladda rasmiga ah ee Yemen inay ka cararaan goobihii ay gacanta ku hayeen.
Kooxda Xuutiyiinta ee loo yaqaanno Ansaar Allah ayaa qabsatay xeebta galbeed ee Yemen ee Badda Cas ku taal, waxayna hadda u sii siqayaan dhanka marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ee Baab Al-Mandab, kaasoo ah laf-dhabarta dhoofinta shidaalka Sucuudiga.
Bishii February ee sannadkii hore, markii Mareykanku weeraray Iran oo Tehran ay xirtay marin-biyoodka Hormuz, Sucuudigu wuxuu beddel ahaan u isticmaalayay marin-biyoodka Baab Al-Mandab.
Xuutiyiintu markii ay Sucuudiga ku tilmaameen "cadawgayaga" ayna xayiraad saareen isku-socodka badda, ciidamadoodu waxay maalmo gudahood ku qabsadeen dhulal cusub.
Waxay xoojiyeen duqeymaha ay ku hayaan magaalooyinka Sucuudiga iyo xarumaha tamarta, iyagoo adeegsanaya gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn.
Dr. Aziz Alghashian oo ka tirsan Golaha Caalamiga ah ee Khaliijka ayaa tilmaamay in xaaladdan ay ka dhigan tahay in riyadii laga cabsanayay ay run noqotay.
"Xudunta dhaqaalaha Sucuudiga, oo ah waddada dhoofinta shidaalka, ayaa si xun loo hakiyay," ayuu BBC-da u sheegay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wuxuuna intaa ku daray, "Waxaa adag in laga fikiro xaalad ka sii xun tan."
Ka dib markii la xiray marin-biyoodka Hormuz, Sucuudigu wuxuu ku tiirsanaa dhuumaha shidaalka ee Bari-Galbeed si uu shidaalkiisa uga dhoofiyo dekedda Yanbu ee Badda Cas.
Xogta Ururka wadamada shidaalka dhoofiya ee OPEC waxay sheegaysaa in ku dhawaad 80% shidaalka ceeriin ee Sucuudiga loo iib geeyo suuqyada Aasiya.
Tani waxay Baab Al-Mandab ka dhigaysaa marin aad muhiim u ah.
Hase yeeshee labadii toddobaad ee la soo dhaafay Xuutiyiintu waxay la wareegeen magaalooyinka Mocha iyo Dhubab oo u dhow marin-biyoodka; waxayna gacanta ku dhigeen jasiiradda Perim oo ah qeyb muhiim ah oo ka mid ah marin-biyoodka.
Xuutiyiinta oo xaruntoodu tahay Sanca ayaa gacanta ku haya inta badan waqooyiga Yemen oo uu ku jiro xuduudda Sucuudiga.
Sannadkii 2015-kii dowladda Sucuudi Carabiya waxay bilowday isbahaysi caalami ah si loo soo celiyo dowladdii caalamku aqoonsanaa ee Yemen.
Isbahaysigan uu Sucuudigu hoggaaminayay ayaa qaaday kumanaan duqeyn cirka ah oo ay ku dhinteen kumanaan qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Arrintaasi waxay keentay in isbahaysiga si weyn loo dhaleeceeyo.

Xigashada Sawirka, MOHAMMED HAMOUD/GETTY IMAGES
Sanadkii 2021-kii, Madaxweynihii Mareykanka Joe Biden wuxuu joojiyay taageeradii uu Mareykanku siin jiray dagaalka Yemen, taageeradaas oo ay ku jirtay iibinta hubka.
Dagaalku wuxuu galaaftay nolosha in ka badan 150,000 oo qof, wuxuuna dhaliyay musiibo bani'aadamnimo oo sababtay in 4.8 milyan oo qof ay guryahooda ka barakacaan, halka in ka badan kala bar shacabka oo dhan oo ah 19.5 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar noocyo kala duwan leh.
Inkastoo ay jirtay xasillooni iska qaraabo ah tan iyo markii la gaaray heshiiskii 2022-kii, haddana weerarka cusub ee ay Xuutiyiintu hadda wadaan wuxuu muujinayaa sida ay u xoogeysteen awooddooda militari iyo abaabulkoodaba.
Dr. Elizabeth Kendall oo ka tirsan Jaamacadda Cambridge ayaa BBC-da u sheegtay, "Waxa aan maanta aragno ma aha oo kaliya dhaqdhaqaaq khibrad leh oo nidaamsan, balse waa mid sidoo kale adeegsanaya tignoolajiyad casri ah oo ku shaqeysa sirdoonka macmalka ah, si ay farriimo u gudbiyaan iyo si ay u aqoonsadaan bartilmaameedyada."
Sucuudiga iyo Mareykanka ayaa Iran ku eedeeyay inay Xuutiyiinta siisay hub ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, gantaallada Cruise-ka iyo kuwa ridada dheer, taas oo ah jebinta cunaqabateynta hubka ee ay Qaramada Midoobay saartay.
Iran dhinaceeda waxay beenisay inay hub siiso Xuutiyiinta, waxayna sheegtay in taageerada ay siiso ay tahay mid siyaasadeed oo kaliya.
Si kastaba, sida uu sheegay Machadka Talyaaniga ee Daraasaadka Siyaasadda Caalamiga ah, Iran waxay ka caawisay fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen inay dhistaan warshado u suurtagelinaya inay iyagu soo saaraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Xarunta Mareykanka ee La-dagaallanka Argagixisada ee ku taal Akadeemiyadda Milatariga ee West Point ayaa sheegtay in Xuutiyiintu ay taageero iyo talooyin ciidan ka heleen Xisbullah ee Lubnaan.
Xuutiyiintu laftigoodu waxay diidaan in loo arko inay fulinayaan ajandaha Iran.
Faria Al-Muslimi oo ka tirsan Machadka Chatham House ee Arrimaha Caalamiga ayaa sheegay in markii ay Xuutiyiintu gaareen marin-biyoodka Baab Al-Mandab, ay taasi xoojisay mowqifka ay Tehran ku leedahay gobolka.
"Waxay Iran hadda ka haysataa awood ka badan sidii hore wadahadalladii ay Mareykanka la lahayd," ayay tiri.
Hase yeeshee Kendall ayaa BBC News u sheegtay, "Xitaa haddii aysan jirin taageerada Iran, waxaan filayaa in Xuutiyiintu ay sii wadi doonaan waxa ay hadda sameynayaan. Waxay leeyihiin dhiirigelin iyo ujeeddooyin u gaar ah. Xilligan, dhiirigelintoodu waxay u muuqataa inay ku saabsan tahay lacag, awood, saameyn iyo ugu dambeyn aqoonsi siyaasadeed."
"Xuutiyiintu ma gaari karaan heerkan ay hadda joogaan haddii aysan jirin hubka, tababarka iyo xogta ay ka helaan Iran, hase yeeshee ma cadda in Iran ay si toos ah u amarto oo u maamusho Xuutiyiinta."
Hase yeeshee Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka J.D. Vance ayaa ku dhawaaqay in Washington ay si toos ah ula hadashay Xuutiyiinta wixii ku saabsan dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Yemen. Mareykanka ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay kooxdaas oo la wareegtay jasiiradda Perim, isla markaana uu si dhow ula socdo arrintaas.
Faallada uu Vance bixiyay ayaa timid kadib markii Trump uu sheegay in Xuutiyiintu ay sheegeen inaysan dooneyn in Washington ay farageliso arrimaha Yemen, isla markaana aysan dooneyn wax iska-hor-imaad militari ah oo lala galo Mareykanka.
Toddobaad ka hor, Taliyaha Taliska Dhexe ee Mareykanka Adam Brad Cooper ayaa u safray Sucuudi Carabiya, halkaas oo uu kula kulmay Amiir Maxamed Bin Salmaan.
CNN oo soo xiganaysa ilo wareedyo ayaa sheegtay in Salmaan uu laba jeer la hadlay Trump oo uu ka codsaday inay u oggolaadaan weerar militari oo ka dhan ah Xuutiyiinta, balse codsigiisa lama aqbalin.
Alghashian wuxuu BBC News u sheegay, "Tani waa arrin qalbi-jab ku ah Sucuudiga oo xiriir amni oo wanaagsan la leh Mareykanka," wuxuuna intaa ku daray, "Sucuudigu waxay garawsanayaan inaysan ku tiirsanaan karin Mareykanka oo keliya."
Riyadh waxay si adag u sheegaysaa inay xaq u leedahay inay ilaaliso madax-bannaanideeda, muwaadiniinteeda iyo danaha Sucuudiga.
Waxay sidoo kale sheegaysaa in Xuutiyiintu ay Sucuudi Carabiya ku eedeeyeen inay fulisay duqeymo badan oo cirka ah oo lagu qaaday bartilmaameedyo badan oo ku yaalla Yemen maalmihii la soo dhaafay.
Afhayeenka Xuutiyiinta Maxamed Cabdulsalaam ayaa sheegay in ololahoodii ugu dambeeyay uusan halis gelinayn maraakiibta caalamiga ah.
Wuxuu sheegay in isla marka Sucuudigu qaado xayiraadda uu saaray Yemen iyo weerarka uu ku hayo dalku uu joojiyo, ololuhu isla markiiba istaagi doono.
"Dhaqdhaqaaqa maraakiibta caalamiga ah iyo ganacsiga ka socda Badda Cas iyo Baab Al-Mandab waa mid sii socda, iyadoo amnigiisa iyo nidaamkiisaba la ilaalinayo," ayuu hadalkiisa ku sii daray.
Kendall waxay BBC-da u sheegtay, "Xuutiyiintu aad bay uga taxadaraan fariimaha ay dirayaan, sababtoo ah ma doonayaan inay ku casuumaan ol'ole militari oo caalami ah oo si wadajir ah loo soo abaabulay. Waqtigan xaadirka ah, waxay ololahooda intooda badan ku wajahan yihiin Sucuudi Carabiya."

Xigashada Sawirka, HOUTHI MEDIA CENTER VIA GETTY IMAGES
Mareykanka iyo Israa'iil intii uu socday dagaalkii ay la galeen Tehran, Sucuudi Carabiya waxay ahayd bartilmaameedka gantaallada Iran iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Xitaa kadib heshiiskii xabbad-joojinta, mas'uuliyiinta Sucuudiga ayaa sheegay in weerarradu ay sii socdeen oo ay ka imaanayeen maleeshiyaad taageersan Iran oo ka howlgala dhulka Ciraaq iyo Xuutiyiinta.
Sebtembar 1-dii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee laga soo tuuray koonfurta Ciraaq ayaa weeraray dhuumaha shidaalka ceeriin ee Bari-Galbeed, kadibna Wasaaradda Tamarta ee Sucuudiga ayaa si ku-meel-gaar ah u joojisay shaqadiisa.
Sucuudi Carabiya ayaa hadda gashay xaalad aad u adag.
Marka laga soo qaatay waayo-aragnimadii colaaddii 2015 ilaa 2022, waxaa la dhihi karaa tallaabada militari ee ka dhanka ah Xuutiyiinta ma dammaanad qaadayso guul.
Tani waxay sababi kartaa khataro waaweyn, gaar ahaan maadaama la rumeysan yahay in Xuutiyiintu ay leeyihiin awood dhanka gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drone-ka ah oo horumarsan, inkastoo ay u baahan yihiin taageero gobol iyo mid caalami ah oo aan hadda la heli karin.
Al-Muslimi wuxuu BBC-da u sheegay, "Juqraafiga Yemen, qaab-dhismeedka bulshada, helitaanka hubka oo si baahsan u furan, daciifnimada hay'adaha dowladda iyo la'aanta xulafo xooggan oo maxalli ah, waxay ka dhigayaan wax kasta oo ol'ole militari ah oo Sucuudi Carabiya ama cid kale ay ka fuliso Yemen mid aad u adag, ama aan macquul ahayn."
Laakiin haddii aan laga jawaabin, waxay Sucuudi Carabiya ka dhigi kartaa mid u nugul cadaadis ama weeraro mustaqbalka ah oo uga yimaada maleeshiyaadka iyo jilayaasha gobolka.
Al-Ghashian wuxuu BBC-da u sheegay, "Sucuudigu wuxuu u muuqdaa mid hawlo badan isku mar hayaan, halkii uu ka ahaan lahaa mid go'doonsan."
"Waxaan nahay qayb ka mid ah gobol ay dhibaatooyin badan isku mar ka jiraan. Waxaa jira dabab dhinacyo kala duwan ka holcaya, aad bayna u adag tahay in dhammaantood hal mar la maareeyo."
Diblomaasiyadda Sucuudiga waxay diiradda saaraysaa sidii loo heli lahaa taageero caalami ah si loo xakameeyo khatarta ay Xuutiyiintu ka abuureen Badda Cas, oo ah mid ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan adduunka.
Xilli uu Sucuudigu ka codsanayo quwadaha caalamka inay la shaqeeyaan, dagaalyahannada Ansaaru Allah waxay sii wadaan xoojinta awoodooda albaabka laga galo Badda Cas.
Riyadh, waxaa sii kordheysa cabsida laga qabo in dib-u-dhaca tallaabada maanta la qaadi lahaa uu berri ka dhigo mid aan suurtagal ahayn.


























