Sidee bay tuugadani dharaar cad dhac ugu geysateen banki ku yaalla Yurub, ayagoo dad badanna qafaashay

Xigashada Sawirka, AFP
Dhowr nin oo hubeysan ayaa dharaar cad dhac u geystay bangi ku yaalla magaalada Napoli, iyagoo la haysteyaal ahaan u qafaashay 25 qof ka hor intaysan ku baxsannin god dhulka hoos mara.
Booliiska ayaa isku gadaamay laanta Bankiga Crédit Agricole oo ku taal koonfurta Talyaaniga wax yar ka dib markii uu dhacu bilaabmay duhurnimadii wakhtiga maxaliga ah (10:00 GMT).
Goob joogayaal ayaa ku warramaya in ay wada xaajood la galeen burcada ka hor inta aan la sii dayn la haystayaasha ka dib markii la haystay ku dhawaad labo saacadood oo dhac uu ka socday bankigaas.
Dab-damiska ayaa la arki karayay iyagoo daaqadda garaacaya oo dadka ka caawinaya inay ka soo baxaan gudaha, sida laga arkay muuqaallo lagu wadaagay baraha bulshada.
Qaar ka mid ah la haystayaasha ayaa si fudud u ruxay burburka muraayadaha, oo inta iska jafay dabadeed dibadda u soo baxay.
Laakiin qaar kale waxay u muuqdeen kuwo cabsi la gariirayey, ooyaya oo isku duubaya qaraabadooda. Lix qof oo shoog qaaday ayaa loo fidiyay gargaar caafimaad.
Mid ka mid ah oo ah nin ayaa mar dambe u sheegay barta wararka maxaliga ah ee Fanpage.it in tuugada ay qol ku xireen, inkastoo ay hubeysnaayeen haddana "ma aysan isticmaalin rabshado".
Ma jiro qof si xun u dhaawacmay. "Waad ku mahadsan tahay jawaabta degdegta ah...dhammaan la haystayaasha waa la sii daayay wax yar ka dib 13:30-kii, iyagoo aan dhaawacyo halis ah qabin," ayuu sarkaalka gobolka Michele di Bari ku yiri hadal uu soo saaray.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dadweyne aad u tiro badan oo isugu jiray dadweynihii goobtaas ku sugnaa, dadka deegaanka iyo shaqaalaha dab-damiska ayaa isugu soo baxay fagaaraha waxayna sugayeen wax horumar ah, iyadoo toban kun oo qof ay si toos ah ugala socdeen hawada goobta fal-dembiyeedku ka dhacay.
Xubno ka tirsan ciidamada gaarka ah ee booliska hubaysan ee carabinieri ayaa si degdeg ah looga soo duuliyay Tuscany.
Ilaa 40 askari oo boolis ah oo watay eeyaha wax uriya ayaa goobta tegey, halka kooxaha wax baara ay eegayeen wax raad ah oo ku saabsan faraha tuugada.
Dhawr saacadood ka dib ayay bangigii xoog ku galeen iyagoo daaqad ka jabiyay.
Dhawr xabbo iyo dhawaqa bam gacmeedyada ayaa laga maqlay tabinta tooska ah wax yar ka dib.
Laakin xiligaasi tuugada ayaa la sheegay in ay ku baxsadeen god dhulka hoostiisa ah,sida ay sheegtay warbaahinta gudaha. Waxaa loo malaynayay inay ku baxsadeen nidaamka bullaacadaha.
Fiidiyowga tooska ah ayaa markii dambe muujiyay tiro carabinieri iyo dab-damiyayaal ah oo eegaya meel god ah oo u dhow, iyada oo dadku ay sii wadeen inay soo buuxiyaan barxadda.
Fanpage.it ayaa ku warrantay in aan wali la qiyaasi karin qiimaha la dhacay sababtoo ah tuugadu waxay qaateen sanaadiiqda dhigaalka gaarka ah halkii ay ka qaadan lahaayeen lacag caddaan ah.












