Coutinho oo heshiis cusub u saxiixay Liverpool

Xigashada Sawirka, Getty Images
Weeraryahanka Liverpool, Philippe Coutinho, ayaa saxiixay heshiis uu shan sano oo dheeraad ah kula sii joogi doono kooxda Liverpool, kaasoo uu todobaadkii ku qaadanayo lacag dhan £150,000.
Waxa uu noqonayaa laacibka ugu mushaarka badan naadigaasi.
24 jirkan u dhashay Brazil ayaa 2013-kii Liverpool uga soo biiray Inter Milan, asagoo markaa ay kula soo wareegtay £8.5 milyan. Heshiiska cussub ayaa u sahlaya in uu kooxdaasi sii joogo ilaa 2022-ka.
Coutinho ayaa 163 kulan oo uu u saftay Liverpool waxa uu u dhaliyay 34 gool.
"Waa naadi aan aad ugu mahadnaqayo, waana taasi sababta aan ugu faraxsanahay joogitaankiisa," ayuu Coutinho u sheegay barta internet-ka ee Liverpool.
Coutinho ayaa lala xiriirinayay dalab la sheegay in uu ugu yimid kooxda haysata horyaalka Spain ee Barcelona.
Laacibkan ayaa ka mid ah ciyaartooyda laf-dhabarka u ah kooxda ku dheesha garoonka Anfield.
Tababaraha Liverpool, Jurgen Klopp, ayaa rumaysan in heshiiskan uu muhiim u yahay kooxdiisa.












