Garsoore Cumar Cartan oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho kadib diidmadii Maraykanka

Garsoore Cumar Cartan ayaa saaka gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde si diiran ugu soo dhaweeyay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, wakiilo ka socday xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, garsoorayaal Soomaaliyeed, iyo qeybaha bulshada rayidka ah.
Sidoo kale waxaa garoonka ku sugnaa dhowr qof oo reer Muqdisho ah oo ku soo dhaweeyay Cartan markii uu soo degay.
Gelinka dambe ee maanta ayaa la filayaa in shacabka ku dhaqan caasimadda ay soo qaban qaabiyaan munaasabad ballaaran oo ka dhici doonta garoonka Muqdisho Stadium. Cumar Cartan ayaa lagu wadaa in uu ka soo qeyb galo xafladaasi oo uu daawado ciyaar rasmi ah oo u dhaxeysa Heegan iyo Dekadaha.
Soo laabashada Cartan ayaa timid kadib markii loo diiday inuu galo dalka Mareykanka, iyadoo Cartan loo doortay inuu dhex dhexaadiyo ciyaaraha Koobka Adduunka. Cartan ayaa weli ah garsooraha kaliya ee Soomaaliyeed ee taariikhda loo doortay in uu dhex dhexaadiyo Koobka Adduunka ee FIFA.

Xigashada Sawirka, Anadolu Ajansı
Xiriirka kubbada cagta Soomaaliya ayaa sheegay in aysan helin sharaxaad rasmi ah oo la xiriirta sababta Cartan loogu diiday galitaanka Maraykanka, ayna kala shaqaynayaan FIFA iyo masuuliyiinta xiriirka la leh arrintan si ay u fahmaan waxa sababta u ahaa dhacdada.
Afhayeenka FIFA ayaa sheegay ururka ''in aysan faragashan nidaamka socdaalka dalka martigaliyaha ah oo ay kamid tahay go'aanada fiisaha ayna kusoo wargaliyeen masuuliyiinta in xaalada Cartan aan wax laga beddeli karin wakhtigan la joogo''.
Cartan ayaan sidoo kale awoodin inuu dhexdhexaadiyo ciyaaraha ka dhacaya Mexico iyo Canada.
Madaxa garsoorayaasha ciyaata FIFA, Pierluigi Collina ayaa ka sameeyay xarun tababar Miami oo loogu talagalay ilaa 140 garsoore iyo kaaliyaal garsoore oo ka qayb galaya tartanka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Garsoorayaashan ayaa laga doonayaa inay ku nagaadaan goobta tababarka sababo la xiriira farsami iyo ammaan, sidaas darteed Cartann suurtagal uma aha inuu dhexdhexaadiyo ciyaaraha Mexico iyo Canada isaga oo aan lug soo dhigin Maraykanka.
Laanta difaaca xuduuda iyo kastamyada Maraykanka ayaa sheegtay iyaga oo aan soo qaadan magaciisa in muwaadin Soomaaliyeed oo tagay garoonka caalamiga ah ee Miami isaga oo ka yimid Istanbul, Sabtidii aan la oggolaan sabab la xiriirta arrimo baaritaan.
Laanta kama aysan bixin wax sharaxaad ah, laakiin garsooraha ayaa maray baaritaan siyaada ah kahor intaa aan loo diiday galitaanka Maraykanka. Maamulka Trump ayaa sannadkii ayno soo dhaafnay kusoo rogay xayiraad socdaalka ah ilaa 12 dal oo ay Soomaaliya kamid tahay.
Dad badan oo magac ku leh caalamka ayaa ka hadlay kiiska garsoore Cumar Cartan ee Maraykanku ugu diiday dalkiisa, iyaga oo aad u dhaliilay in garsooraha Sooaaliga laga hor istaago hammigiisii ahaa inuu markiisii ugu horaysay dhexdhexaadiyo ciyaar kamid ah kubbada cagta adduunka.
Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan ayaa loo magacaabay garsoorihii ugu wanaagsanaa Raga ee Afrika (CAF) 2025, waxaana uu haystay fiise sharci ah, sida ay warbaahintu sheegtay.











