Faa'idooyin caafimaad ayaa ku jira in aad gacmaha wasaq geliso

Gacmaha oo wasaq lala galo waxaa ku jira faa'idooyin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Gacmaheena oo aan wasakhayno, isla markaana taabanno cawska, ama geedaha, waxay faa'iidooyin badan u leeyihiin maqaarkeena iyo hab-dhiska difaaca jirka.

Maalin kasta waxaan socod dheer ku maraa beer gurigeyga u dhow. Waxaana arintaas aan ka dhigtay joogto ayey tiri Becca Warner oo ah qoraaga maqaalkan.

Waxaa jira noocyo badan oo geedo ah oo la daawado, gaar ahaan xilliga gu'ga marka ubaxyada udgoon ay afka kala furaan.

Si kasta oo kabaheygu dhoobo u yeeshan, inta badan waxaan soo laabtaa iyadoo gacmaheygu nadiif yihiin.

Cilmi-baaris ayaa muujineysa hadii aad gacmahaaga ku taabato geedaha iyo ciidda in taasi ay leedahay faa'idooyin.

Mira Grönroos oo ah khabiir cilmiga deegaanka, sidoo kalena cilmi-baare caafimaad ka ah Machadka Deegaanka Finland, ayaa dadka ka codsatay in ay gacmahooda ku xoqaan ciid muddo 20 ilbiriqsi ah, taas tijaabo aheyd.

Xitaa markii ay gacmahoodu biyaha tubada raaciyeen, waxay cilmi-baarayaashu ogaadeen in tirada iyo kala duwanaanshaha noolaha yaryar ee ku jiray maqaarkoodu uu kordhay.

Waxaa laga yaabaa in aysan marka hore u muuqan wax soo jiidasho leh in bakteeriyo badan ay maqaarkeena ku noolaato.

Marka noocyo badan oo noolayaal yaryar ahi ay wada noolaadaan, midba midka kale ayuu dheellitirayaa, waxayna naga ilaalinayaan bakteeriyada waxyeellada badan leh ee cudurrada keenta. 20 ilbiriqsi ma ahan wax badan.

Becca Warner waxay sheegtay in ay jeceshahay marka ay socoto in ay istaagto oo taabato jilifta geedka ama ay fariisato cawska. Sida ay sheegtay Grönroos, taabashada mudada dheer ayaa aad u wanaagsan.

Natiijooyinku waxay muujinayaan in taabashada joogtada ah ama soo noqnoqota ee dabeecadda iyo maqaarku ay si weyn u beddeli karaan waxa ka socda maqaarkeena iyo gudaha jirkeena.

Dhoobada oo lagu ciyaaro

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waa arin caadi ka ah in carruurtu gacmahoodu wasaqeysan yihiin xannaanada Aurinkolinna oo ku taal dalka Finland.

Ugu yaraan saacado ayey carruurtu ku cayaaraan meelo geedo leh. Duurka iyo geedaha ayey dhex ordaan, waxay fuulaan xargaha, waxayna dhistaan buuro ciid ah. Ugu dambeyn, carruurtaas madax ilaa majo ayey dhoobo ku yeeshaan.

Saynisyahannadu waxay hadda baarayaan sababta arrintani caafimaadkooda faa'iido ugu yeelan karto.

Aurinkolinna waxay ka mid tahay 43 xannaano oo ku yaal Finland kuwaas oo ka qayb qaadanaya mashruuca cilmi-baarista ee Vahvistu.

Intii u dhexaysay 2016 iyo 2017, Roslund waxay xannaanada keentay ciid laga soo qaaday meel kayn ah. Markaas kaddib waxay cabbirtay saameynta ay ku yeelatay maqaarka iyo caloosha ciyaalka kaddib markii ay ku dheeleen 28 maalmood. Sanad kaddib ayey isla tijaabadaas ku celisay.

Carruurtii ku ciyaartay ciidda waxay ka fiicnaadeen kuwii ku dheelay meelaha nadiifka ah.

Sida ay sheegtay Roslund, in la kordhiyo bakteeriyada kala duwan ee maqaarka, waxay gacan ka geysan kartaa ilaalinta noolayaasha yaryar, iyadoo ka hortagaysa in bakteeriyada cudurrada keenta ay noqoto tan ugu badan.

Maqaar caafimaad qaba waa jir caafimaad leh

Carruurtii ku ciyaartay ciidda waxay ka fiicnaadeen kuwii ku dheelay meelaha nadiifka ah.

Daryeelka wanaagsan ee maqaarkeena wuxuu leeyahay faa'iidooyin aad u qoto dheer. Caafimaadka maqaarku wuxuu saameyn ku yeelan karaa dhaqdhaqaaqa hormoonnada, cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga, iyo xitaa shaqada garashada.

Roslund waxay koox carruur ah u oggolaatay in ay ku ciyaaraan meel ciid ah oo lagu daray ciid leh noolayaal yaryar oo kala duwan ah, halka koox kale ay ku ciyaartay meel ciid u muuqatay oo la mid ah tii hore, laakiin leh noolayaal yaryar ah oo kala duwan.

Sida la filan karo, carruurtii ku ciyaartay ciidda hodanka ku ahayd noolayaasha yaryar wuxuu maqaarkooda yeeshay koror ku yimid noocyada bakteeriyada qaarkood.

Faa'iidooyinkan caafimaad kuma koobna carruurta oo kaliya.

Daraasad kale oo lagu sameeyay dad waa weyn ayaa lagu weydiiyay in ay khudaar ku beeraan gudaha xili jiilaal aheyd. Hal koox waxay isticmaaleen ciid ay ku jiraan noolaasha yar yar halka kooxda kalena ay isticmaaleen ciid muuqaal ahaan la mid ah balse ay ku yaryihiin noolayaasha yaryar.

Dadka isticmaalay ciidda leh noolayaasha yaryar waxaa kordhay bakteeriyada maqaarkooda iyo tirada waxybaaha dhiigga ku jira ee yareeya caabuqa. Kooxda kale isbeddel noocaas ah lagama helin.

"Magaalooyinku waa in loo dhisaa si u ogolaaneysa muwaadiiinta in ay xiriir la yeeshaan dabeecadda. Waxaa fiicnaan laheyd in xiriirkan uusan u baahan dadaal dheeri ah si dadka ay ugu xirmaan dabeecadda inta ay ku jiraan shaqooyinkooda ama iskuulka iyagoon gaarin go'aan gaar ah"

Seynisyahanada weli wax badan kama oga xiriirka saxda ee ka dhexeeya dabeecadda iyo hab-dhiska difaaca.

Natiijooyinka ilaa hadda la helay waxay muujinayaan in loo baahan yahay in loo dulqaato gacmaha wasakhaysan iyo roogagga dhoobada leh.