Wuu is dilay markii laga iibiyay dal-ku-gal been ah

Margaa Rabbinaa

Xigashada Sawirka, Feesbuukii Margaa

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa dillaaliin waxa ay ka qaateen 500,000 oo oo lacagta Itoobiya ah, iyagoo u sameeyay fiise been abuur ah una diray dala Boqortooyada Sacuudiga iyagoo sii mariyay Garoonka Diyaaradaha ee Bole. Markii uu halkaas gaadhay ayay booliska Sacuudigu ogaadeen in fiisihiisu uu ahaa mid been abuur ah, waa la xidhay dabadeedna dib ayaa loogu soo celiyay Itoobiya.

Lacagtii uu bixiyay way gubatay, shaqadiina wuu waayay, rajadiisiina way burburtay. Dhibaatadii soo gaadhay awgeed wuxuu gaadhay heer uu ka quusto noloshiisa.

Dillaaliintu waxay si isdaba joog ah ugu qanciyeen oo ay ku yidhaahdeen, "Haddii aad tagto Sacuudiga oo aad shaqeyso, waxaad heli doontaa dakhli badan, waxaadna ka iibsan kartaa guri Itoobiya, sidoo kalena waxaad caawin kartaa qoyskaaga."

Si loogu diyaariyo rukhsadda shaqada iyo fiisaha ayay ka dalbadeen in uu bixiyo 500,000 oo Birr.

Qoyskiisu ma haysan lacagtaas, sidaas darteed waxay iibiyeen xoolihii ay lahaayeen si ay lacagta u uruuriyaan una siiyaan. Rajadoodu waxay ahayd in wiilkoodu Sacuudiga tago, mushahar wanaagsan helo, kaddibna uu hagaajiyo nolol-maalmeedka qoyskiisa.

Wiilkan oo lagu magacaabo Margaa Rabbinaa ayaa sannadkii hore ka qalin-jabiyay cilmiga Xisaabaadka. Isagoo shaqo raadinaya ayuu gacanta u galay dillaaliinta, kuwaas oo u ballanqaaday rajo been ah.

Mid ka mid ah ehelkiisa oo la yidhaahdo Beekan Baqqalaa ayaa sheegay in dillaaliintu si aysan uga shakin u yiraahdeen, "Waxaan nahay dad sharciyeysan, waxaan haysannaa oggolaansho dowladda," iyagoo xitaa u keenay foom ay sheegeen inuu ka yimid Wasaaradda Shaqada si uu u buuxiyo.

"Waxaan ka shakinay arrintan, dad ayaanan weydiinnay. Dadku waxay nagu yidhaahdeen waa khiyaano ee iska daaya. Waan kala talinnay in aanu ku lug yeelan, laakiin nama uu dhegaysan," ayuu yidhi Beekan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Markii dambe dillaaliintu waxay u sheegeen in waraaqihiisii iyo fiisihiisii ay soo dhammaadeen, waxay uga yeedheen Garoonka Diyaaradaha ee Bole. Markii uu tegay, shaqaalaha garoonka ayaa u sheegay in fiisaha uu watay uu yahay mid been abuur ah, sidaas darteedna way celiyeen.

Markii uu dillaaliinta weyddiiyay sababta ay sidaas ugu sameeyeen isagoo leh, "Waxaad naga iibiseen dhammaan hantidii qoyskayga. Hadda sideen u noolaan doonnaa?" waxay ugu jawaabeen in uu maalin kale yimaaddo si ay waraaqo kale u siiyaan.

Kaddib waxay siiyeen waraaqo kale, markaas ayuu mar kale tegay garoonka diyaaradaha, waxaana loo oggolaaday in uu dhoofo. Sidaas ayuu bishii May ee sannadkan ku gaadhay Sacuudiga.

Markii uu halkaas gaadhay ayuu shaqo bilaabay. Laba bilood kaddib, maalin isagoo shaqadii ka soo laabanaya ayaa booliska Sacuudigu sameeyeen baadhitaan. Markii ay hubiyeen baasaboorkiisa iyo fiisihiisa ayay ogaadeen in uu ahaa fiise been abuur ah.

Boolisku waxay ka xidheen gacmiha iyo lugaha, wayna garaaceen. Kaddib codsi ay sameeyeen qaar ka mid ah muwaadiniinta Itoobiya ee halkaas joogay ayaa loogu wareejiyay xabsi. Wuxuu watay oo keliya dharkii shaqada ee uu xidhnaa, mana haysan wax kale.

Beekan ayaa BBC u sheegay in Margaa uu xabsiga kala kulmay jirdil aad u daran. Wuxuu sheegay in maalintii hal mar oo keliya cunto la siin jiray, silsiladihii birta ahaa ee gacmaha iyo lugaha lagaga xidhayna ay dhaawaceen jidhkiisa ilaa ay lafaha gaadheen.

Laba toddobaad kaddib ayaa loo qaaday garoonka diyaaradaha, waxaana dib loogu soo celiyay Itoobiya. Wuxuu ku soo laabtay isaga oo aan haysan wax hanti ah, xitaa taleefankiisii gacanta iyo dhar kale midna ma uu haysan. Wuxuu ku soo noqday oo keliya dharkii shaqada ee uu xidhnaa.

Ninkaasi waxa uu sheegay in Margaa uu hal habeen ku hoyday Garoonka Diyaaradaha ee Bole, halkaas oo uu taleefan ka amaahday qof kale si uu farriin gaaban ugu diro mid ka mid ah ehelkiisa.

Qaraabadiisa ayaa ugu tagay Garoonka Diyaaradaha ee Bole, halkaasna ayayna ka heleen. Wuxuu maalmo kooban la joogay qoyskiisa oo deggenaa xaafadda Kondominiyamka Koyyee Fajee ee magaalada Addis Ababa, kaddibna wuxuu u sheegay in uu u socdaalayo deegaankii uu ku dhashay si uu ula kulmo waalidkiis.

Waxa uu ka soo jeedaa gobolka Horroo Guduruu ee Wallaggaa ee deegaanka Oromada.

Beekan ayaa sheegay in intii uu ku sii jeeday guriga aabbihii uu meel la yidhaahdo Haroo Aagaa ku cabbay sun, taas oo sababtay in uu dhimashiisa. "Ma aanu gaadhin guriga aabbihii, meel u dhow buu joogay. Dadkii deegaanka joogay markiiba ma aanay aqoonsan, maaddaama aanu wadan wax dukumenti aqoonsi ah," ayuu yidhi.

Maaddaama uu weli neefsanayay, dadka deegaanka ayaa u qaaday cisbitaalka magaalada Saqalaa. Halkaas ayaa lagu ogaaday in xaaladdiisu aad u liidato, waxaana si degdeg ah loogu sii qaaday gaadiidka bukaan-la-roorka ah ee Isbitaalka Shaanbuu.

Hase yeeshee, isla maalintaas ayuu geeriyooday.

Beekan ayaa BBC u sheegay in aabbihii oo rajeynayay in wiilkiisu shaqo helo oo nolosha qoyska wax ka beddelo, uu galay murugo aad u weyn kaddib geerida wiilkiisa iyo luminta hantidii qoysku ururiyay.

Beekan wuxuu sheegay in shaqo la'aanta dalka ka jirta iyo khiyaanada ay sameeyaan dillaaliintu ay sabab u yihiin in dad badan ay dhibbane u noqdaan.

Wuxuu sheegay in shabakadaha dillaaliintu ay ka jiraan Addis Ababa ilaa gobollada dalka. "Waxay dadka u sheegaan in haddii lacagta Itoobiya loo beddelo lacagta Sacuudiga ay noqonayso lacag aad u badan. Waxay xitaa ku yidhaahdaan, 'Dhakhaatiirta dalkani intaas ma helaan,' si ay dadka ugu qanciyaan," ayuu yidhi.

Wuxuu intaas ku daray in lacagta dadka laga qaato ay suuragal noqon lahayd in dalka gudaheeda lagu bilaabo ganacsi ama shaqo wanaagsan, halkii lagu bixin lahaa dillaaliin.

Kumannaan Itoobiyaan ah ayaa sannad kasta si sharci darro ah uga gudba Jabuuti iyo Yemen si ay u gaaraan Sacuudiga. Qaar badan ayaa ku dhinta saxaraha intii ay safarka ku jireen.

Marka ay xadka Yemen uga sii gudbayaan Sacuudiga, dadka wax tahriibiya ayaa mararka qaar ku qanciya in ay qaadaan geedo maandooriye ah iyagoo u ballanqaadaya lacag badan. Dad badan ayaa sidaas lagu qabtaa, waxaana lagu xidhaa xabsiyada Sacuudiga.

Waxaa sidoo kale xabsiyada ku jira muwaadiniin Itoobiyaan, Suudaaniyiin iyo Baakistaaniyiin ah oo lagu xukumay dil.

Sannadkan oo keliya, ku dhowaad 20 muwaadin oo Itoobiyaan ah ayay Sacuudigu ku xukumeen dil.

Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay waddo dadaallo diblomaasiyadeed si loo cafiyo ama loo sii daayo muwaadiniintaas.

Ururrada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dhankooda sheegay in Itoobiyaanka lagu xukumay dil aanay helin gargaar sharci oo ku filan, isla markaana aanay helin turjubaano ama qareenno si buuxda u difaaca xuquuqdooda.

Ururradani waxay sidoo kale ugu baaqeen dawladda Sacuudigu in ay ixtiraamto xaqa nolosha muwaadiniinta, ayna ka fogaato adeegsiga ciqaabta dilka, gaar ahaan kiisaska aan ku lug lahayn dambiyo aad u culus.