Kali noolaanshuhu ma qaab nololeed cusub oo la higsanayaa "annagu ma nihin cidlo"

Kelinimo

Xigashada Sawirka, @lanasololife/@dramafreediaries/@devonandwillo

Published
Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo

Waa habeen Jimce ah. Gabar dhallinyaro ah ayaa, iyadoo daallan, dib ugu soo laabanaysa gurigeeda ka dib maalin shaqo. Waxay gashaa jikada oo si fiican loo nadiifiyey, waxay dejisaa bacdii raashinka, ka dibna waxay furtaa baakad biisa la qaboojiyey oo ay gelisaa foornada.

Inta xigta waa hawl-maalmeed habeenle ah oo deggan, kana dhow ka-fiirsasho sababta oo ah sida uu u caadi u yahay: waxay shiddaa shumac, daqiiqad yar ayay ka eegtaa daaqadda muuqaalka bannaanka ee barafku daboolay, waxay saxan ku riddaa salad hore loo diyaariyey oo ay la cunto biisada, dabadeedna waxay ku fariisataa fadhiga iyadoo cashadeeda ku cunaysa horta telefishanka.

Qoraalka la socda muuqaalka wuxuu leeyahay: "Aragtidaada (POV): waxaad tahay gabar aan carruur lahayn, aan lammaane lahayn, aan saaxiibbo lahayn, isla markaana kaligeed ku nool, sidaas darteed sidan ayaad u qaadataa habeenka Jimcaha."

Bartamaha muuqaalkaas oo TikTok laga daawaday in ka badan toddoba milyan oo jeer waxaa ku jirta Lana Isa, oo ah maamule iibka software-ka ah, kana tirsan dadka da'doodu ku jirto labaatameeyada, kuna nool magaalada Toronto.

Marka laga soo tago inay la wadaagto habeen kasta daryeelka ay nafteeda u samayso, waxay ku hoggaamisaa ku dhowaad 400,000 oo qof oo ku xiran TikTok iyo Instagram safarro ay habeenkii ugu baxdo inay cunto degdeg ah soo iibsato, waqtiyo ay buugaag ku akhrido iyadoo ku fadhida dhagax ku yaal hareeraha haro, iyo xitaa sheekadii ay habeen dhexe bannaanka uga xannibantay gurigeeda ka dib markii ay furihii weyday.

Isa waxay ka tirsan tahay qayb sii kordhaysa, inkastoo ay weli yar tahay, oo ka mid ah bulshada internetka, halkaas oo abuureyaal badan oo nuxur sameeyabadankoodna haween yihiin ay la wadaagaan nolol-maalmeedkooda iyagoo kaligood nool. Waxay iftiiminayaan hab-nololeed mudnaanta siinaya xasilloonida iyo kalinimada, taas oo si weyn uga duwan buuqa iyo xad-dhaafka inta badan lagu arko baraha bulshada.

Isa waxay sheegtay in muujinta qaybta ah inay "aanay lahayn saaxiibbo" aysan u ahayn hal-ku-dheg lagu soo jiito dareenka dadka, balse ay ahayd xaqiiqada ay ku noolayd dhowr sano.

Kali ayaan ahay, laakiin cidlo ma dareemayo

Kelinimo

Xigashada Sawirka, @lanasololife

Ka dib markii ay beddeshay dhowr dugsi sare, ay la kulantay go'doonkii xilligii cudurka Covid-19 intii ay jaamacadda dhiganaysay, isla markaana ay u guurtay dhinaca kale ee dalka ka dib jabkii jacaylkeedii ugu horreeyay, Isa waxay ku qasbanaatay inay la qabsato nolol ay kaligeed ku nooshahay iyadoo aan lahayn saaxiibbo dhow.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Dadku si badan ugama hadlaan inay saaxiibbo la' yihiin... Waxaan u malaynayaa in weli loo arko arrin laga xishoodo ama wax laga aamuso," ayay tiri.

Markii ay bilowday inay baraha bulshada kula wadaagto waayo-aragnimadeeda ku saabsan saaxiibbo la'aanta, dad badan ayaa la falgalay oo dareenkooda la wadaagay. Tiradii dadka ku xirnayd TikTok, oo markii hore ahayd qiyaastii 2,000, waxay siddeed bilood gudahood kor ugu kacday in ka badan 175,000 oo qof.

"Waxay ii ahayd arrin indhaha ii furtay inaan arko dad kale oo ku nool xaalad la mid ah tii aan ku jiray... waxayna i siisay dareen ah inaan markii ugu horreysay muddo dheer ka dib la xiriiri karo oo aan wax la wadaagi karo dad kale."

Dadkuna runtii way la falgaleen. Qaybta faallooyinka ee Isa waxaa buuxiyey dad ka sheekaynaya waayo-aragnimooyin la mid ah oo ku saabsan inay kaligood noolaayeen ama aanay lahayn saaxiibbo, iyagoo sheegay inay ku heleen raaxo iyo dejanaan inay dareemeen "in la arkay oo la fahmay."

Sida ay inta badan u dhacdo isbeddellada ka dhasha internetka, xiisihii hore si dhaqso ah ayuu isu beddelay dhaleeceyn. Isa iyo hal-abuurayaal kale oo la mid ah waxaa lagu naanaysay "saameeyayaasha kelinimada" ), iyadoo qaar ay ku tilmaameen inay metelaan koox cusub oo ka kooban haween murugo leh, kaligood ah, aan carruur lahayn, isla markaana wajahaya dhibaato nololeed.

Dad kale ayaa ku eedeeyay inay qurxinayaan ama soo jiidasho u yeelayaan go'doominta nafta, isla markaana ay dhiirrigelinayaan "jawi guul-darro deggan oo lagu qanacsan yahay iyagoo ka fogaada samaynta iyo ilaalinta xiriirrada bulsho.

Laakiin muuqaalladooda gaagaaban waxay sawirayaan hab-nololeed ay dad badan si fudud ula xiriiri karaan, inkastoo qaar aysan jeclayn inay taas qirtaan. Haweenkan waxay kaligood isu kaxeeyaan ballamo ay naftooda ugu raaxaynayaan, waxay si kedis ah ugu baxaan safarro waddooyin dhaadheer ah, waxayna xitaa ka gudbaan xishoodka iyo raaxo-darrada ka dhalata inay kaligood ka qayb galaan xafladaha.

"Jebinta fikirka ah in kelinimadu tahay wax laga xishoodo."

kelinimo

Xigashada Sawirka, @devonandwillo

Devon Noehring, oo sameeyso sheekooyin si waqti buuxda ah kana soo jeeda Phoenix, Arizona, isla markaana isku tilmaanta qof jecel kelinimada , waxay u aragtaa "wax niyad jab leh" in maalmaha fasaxa ah ee ay keligeed ku qaadato karinta iyo nasashada guriga iyada oo la joogta eeygeeda loo fasiray inay yihiin calaamad muujinaysa kalinimada haweenka.

"Taasi waa si buuxda lidka u ah ujeeddada fiidiyowyadeenna," ayay tiri. "Waxaan necbahay fikradda ah in qof keligiis jooga loola mid dhigo qof cidlo ah."

Inkasta oo Noehring, ay leedahay koox saaxiibo dhow ah, markii ay koraysay waxay mar walba dareemi jirtay "xishood" ku saabsan inay ahayd gabadh deggan oo la tacaalaysa welwelka bulshada. Ma ahayn ilaa ay internetka ku qiratay kalsooni darradeeda in ay ogaatay taageerayaal badan oo ah dad kale oo jecel kelinimada kuwaas oo la xiriiray caqabadaha ay la kulantay.

"Inaad keliday ahaato waa meesha aan ugu dareemo xorriyadda ugu badan, waana meesha aan si dhab ah naftayda ugu noqdo," ayay tiri. "Sidaas ayaan tamartayda dib ugu soo ceshadaa, waxaanan aad ugu faanaa inaan ahay qof isku filan oo aan waxyaabo kaligay sameyn karo… Waxaan u maleynayaa inay tahay wax mudan in la dabaaldego."

Qaar ka mid ah cilmi-baarayaasha caafimaadka ayaa ka shaqeynayay sidii loo "yareyn lahaa ceebta ku xeeran kalinimada" iyaga oo kala saaraya kalinimada daba-dheeraatay ee ay duruufuhu ku khasbaan qofka iyo dadka leh awoodda ay ku dooran karaan inay keligood noolaadaan ama waqti ku qaataan kelinimo.

"Qof walba mar uun ayuu dareemaa kalinimo, laakiin dadka qaarkood ma jecla inay qirtaan taas," ayay tiri Professor Melody Ding, oo ah cilmi-baare ku takhasusay cudurrada faafa (epidemiologist) kana baara xiriirka bulshada iyo kalinimada ee Jaamacadda Sydney. "Taasi waxay abuuri kartaa filasho khaldan oo ah in qofku mar walba ay tahay inuu ahaado mid bulsho ahaan faraxsan oo xiriirro badan leh."

"Waxaan doonaynaa inaan helno dad si an u xiriirno"

Xitaa marka ay mararka qaar dareemaan kalinimo, haweenkan waxay sheegayaan in kalinimadu aysan qeexin noloshooda, mana doonayaan inay si joogto ah u ahaadaan kuwo aan saaxiibo lahayn.

"Marna iskuma tilmaanno dad cidlo ah," ayay tiri SJ Hoadley, oo ka shaqeysa nadaafadda gudaha Boqortooyada Midowday (UK), isla markaana bilowday inay diiwaangeliso nolosheeda keligeed kadib markii ay daawatay fiidiyowyada Isa. "Waxaan u maleynayaa in mararka qaar saaxiibo la'aantaydu ay dadka igu hareeraysan uga dhib badan tahay sida ay aniga ii dhibayso."

Kadib markii ay ka tagtay xiriir xadgudub ahaa oo socday toddobo sano, waxay u guurtay meel cusub oo aysan cidna ka aqoon, waxaana ay la kulantay caqabad ah inay dib u dhisto nolosheeda. Inkasta oo markii hore ay la kulantay "naxdin," ugu dambayn waxay bilowday inay "ku raaxaysato oo ay soo dhoweyso madax-bannaanidaas" isla markaana "ay ku qanacdo oo ay ku raaxaysato la joogitaanka nafteeda."

Dr Anne Oeldorf-Hirsch oo ka tirsan Jaamacadda Connecticut, oo ku takhasustay sida aadanuhu bulsho uga sameystaan internetka, waxay sheegaysaa in nidaamka baraha bulshada ee si joogto ah nagu soo bandhiga nolol hammi leh iyo xaalad joogto ah oo ah FOMO (cabsida ah inaad wax ka maqnaato), kororka dadka saamaynta ku leh baraha bulshada ee ku nool nolol kelinimo ah uu dhiirrigelin u noqon karo kuwa isku arka qaab nololeedkaas.

"Waxaa jiray muddo dheer falcelin ka dhan ah fikradda ah in aan aragno nolosha qumman ee qof walba, qaybaha ugu quruxda badan oo keliya ee noloshooda," ayay tiri.

Oeldorf-Hirsch waxay aaminsan tahay in waxyaabaha ku saabsan kelinimada ay buuxinayaan baahi bulsho oo ay qabaan abuurayaasha nuxurkaas iyo dadka daawada, iyagoo siinaya "dheelitirnaan" ka dhan ah dhaqanka saameeyayaasha (influencers) ee aadka loo qurxiyey oo la buunbuuniyey.

"Waxaan u muuqannaa inaan u sii jeedno saameeyayaal ka run badan, oo ku nool noloshooda dhabta ah," ayay tiri. "Waxaan rabnaa inaan helno dad aan isku aragno oo aan isku fahamno."

Hoadley waxay aragtay tirada dadka raacsan oo mararka qaar kor u kacda tobannaan kun maalintii, halka fiidiyowyada Noehring ay malaayiin daawasho ka heleen kanaalladeeda kala duwan.

Xiriirradaas internetka ayaa Hoadley ku abuuray farxad ku aaddan mustaqbal ay ku heli karto "koox yar oo saaxiibo dumar ah." Noehring waxay rajaynaysaa in maalin uun ay qabanqaabiso kulan dhab ah oo ay la yeelato bulshadeeda internetka, halka Isa ay sheegtay in taageerada ay heshay ay siisay "dhiirrigelintii" ay u baahnayd si ay mar kale uga fikirto samaysashada saaxiibo.

"Waxaan u maleynayaa in dhammaan nuxurkaasi uu leeyahay fariintan: hel jidkaaga," ayay tiri Hoadley. "Ma aha inay noqoto hal qaab oo qof walba lagu qasbo, sida waxa baraha bulshada mar walba nalagu riixo."