Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee Yemen ee ay Iran taageerto ayaa sheegay inay fuliyeen weerarro ay adeegsanayaan diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ballistic ah oo lagu qaaday caasimadda Sacuudiga ee Riyadh, iyo sidoo kale xarumaha tamarta ee ku yaalla xeebta Badda Cas ee dalkaas
Tebin toos ah
Lix qodob oo ay tahay in aad sameyso si aad lacag u kaydsato adiga oo mushaar yar qaata
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Sida lacag loo kaydsado adigoo qaata mushaar yar
Tiro badan oo dadka shaqeeya ah, dunida waxay qaataan mushaar, iyaga oo ka cowda yaraanta mushaarka iyo inuusan ku filnayn noloshooda.
Dadka qaar waxay ku qasbanaadaan inay qaateen dayn si ay nolol macquul ah ugu noolaadaan, iyaguna waxay ku qasbanaadaan muddo dheer inay qaameysnaydaan.
Sida ay sheegaan inta badan dadka dhibaatadan ay hasato, muddo dheer ayay ku qaadataa inay daymahaas gudaan, taas oo galisa nolol walwal leh, dhaqaalaha soo galana ay ku bixinayaan daynta. Hadaba qaar kamid ah dadka ka faalooda dhaqaalaha ayaa sheegay inay hayaan talooyin laga yaabo inay caawiyaan dadkaas, kuwaas oo ay ku samaysan karaan qorshe ay ku koriyaan dhaqaalahooda.
Guddoomiyaha Barlamaanka Iiraan oo war hor leh shaaciyey
Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa xaqiijiyay in Iran ay farriimo
iyo shuruudo u dirtay Maraykanka iyadoo adeegsanaysa dhexdhexaadiyayaal.
Khudbad uu ka jeediyay baarlamaanka Iran, afhayeenka
baarlamaanka ayaa sheegay in qaar ay “ka hadlaan dagaal, balse aysan lahayn
aragti cad ama hannaan lagu soo afjaro dagaalka si go’aan leh. Aragtidan, oo
diidaysa nooc kasta oo is-dhexgal iyo diblomaasiyadeed ah, iyadoo aan la
qiimeyn fursadaha jira, waxay dhab ahaan dalka u horseedaysaa daal iyo dagaal
aan dhammaanayn.”
“Waa inaan dagaallannaa, isla markaana aan wadaxaajood
sameynaa,” ayuu yiri.
Qaliibaaf wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in
“farriimaha la gudbiyay iyo shuruudaheenna lagu sharxay dhinaca kale si cad,
iyadoo loo marayo dhexdhexaadiyayaal.”
Wuxuu sheegay in ilaa laga buuxiyo shuruudaha hordhaca ah ee
Iran, “aysan jiri doonin fursad dib loogu laabto xaaladdii hore ee
wadaxaajoodka ama dib loo furo Marin-biyoodka Hormuz.”
Shalay, Mohsen Rezaei, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga
Qaranka Iran, ayaa sheegay in Tehran ay shuruudaheeda wadaxaajoodka u gudbisay
Maraykanka iyadoo adeegsanaysa dhexdhexaadiyayaal ka socda Qatar iyo Pakistan,
ayna hadda “sugayso jawaabta Madaxweyne Trump.”
Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar xooggan oo Ukraine ku qaaday Ruushka
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Qiiq iyo dab ka holcaya goob lagu sifeeyo shidaalka oo ku taal Moscow
Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, lix kalena way ku
dhaawacmeen weerar “baaxad weyn” oo habeenimo oo ay diyaaradaha aan duuliyaha
lahayn ee Ukraine ku qaadeen gobolka Moscow, sida uu sheegay guddoomiyaha
gobolka, Andrei Vorobyev.
Vorobyev wuxuu sheegay in 249 diyaaradood oo aan duuliye
lahayn la soo riday, wuxuuna sidoo kale sheegay in dab ka kacay dhowr guri oo
la deggan yahay. Bakhaar ku yaalla deegaanka ayaa sidoo kale dab qabsaday.
Magaalada Moscow, warshad sifaysa shidaalka ayaa waxyeello soo gaartay, waxaana
laba garoon diyaaradeed lagu soo rogay xayiraado duulimaad.
Horaantii, sarkaal Ukraine ah ayaa sheegay in toddoba qof,
oo ay ku jiraan laba carruur ah, lagu dilay weerarro ay Ruushku Sabtidii ka
geysteen gobollada Kyiv iyo Sumy.
Ruushka iyo Ukraine ayaa dhawaan kordhiyay weerarradooda,
iyagoo bartilmaameedsanaya xarumaha tamarta iyo gaadiidka, iyo sidoo kale
xarumaha waaweyn ee saadka.
Qoraal uu Axaddii ku daabacay Telegram, Vorobyev wuxuu
sheegay in haweeney 44 jir ah lagu dilay Sofyino kaddib markii diyaarad aan
duuliye lahayn ay ku dhacday dhisme saddex dabaq ah oo la deggan yahay. Wuxuu
sheegay in shan qof oo kale, oo ay ku jiraan laba carruur ah, ay ku
dhaawacmeen.
Degmada Orekhovo-Zuyevo, nin waayeel ah ayaa dhintay kaddib
markii guri gaar loo leeyahay ay diyaarad aan duuliye lahayn ku dhacday, sida
uu sheegay guddoomiyaha gobolka.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa la sheegay inay
muujinayaan qaraxyo ka dhacay gobolka Moscow habeenkii iyo bakhaar
gubanaya. Muuqaalladaas BBC si madax-bannaan uma xaqiijin.
Dhanka kale, duqa magaalada Moscow, Sergei Sobyanin, ayaa
sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn ay ku dhacday dhisme ku dhow mid ka mid
ah waddooyinka waaweyn ee caasimadda, isla markaana qayb ka mid ah warshad
sifaysa shidaalka ay waxyeello soo gaartay.
Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijisay in Xuutiyiinta Yemen ay
isku dayeen inay Riyadh, caasimadda dalka, ku bartilmaameedsadaan gantaal
ballistic ah.
Tani waa weerarkii ugu horreeyay ee lagu qaado Riyadh tan
iyo markii ay sii xooggaysatay xiisada.
Horey, Xuutiyiintu waxay iyagoo adeegsanaya gantaallo iyo
diyaarado aan duuliye lahayn ku bartilmaameedsadeen goobo “xasaasi” ah oo ku
yaalla Riyadh, caasimadda Sacuudiga.
Sacuudi Carabiya waxay sheegtay in gantaalkii lagu soo riday
Riyadh “la qabtay oo la burburiyay.”
Wakaaladda Associated Press ayaa sheegtay in qaar ka mid ah
dadka deggan Riyadh ay maqleen qarax, kaddibna ay arkeen qiiq madow ooka kacaya
meel u dhow garoonka diyaaradaha.
AFP-na waxay sheegtay in laba qarax oo xooggan laga maqlay
Riyadh Sabtidii, iyadoo wariyayaasheeduna ay arkeen haan shidaal oo ay leedahay
shirkadda shidaalka ee Saudi Aramco, oo ku dhow garoonka diyaaradaha, oo dab
qabsaday.
Khilaafka u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Xuutiyiinta ayaa
galay marxalad cusub. Xuutiyiintu waxay gacanta ku hayaan qayb weyn oo ka mid
ah Yemen, waxaana dhowaan ay qabsadeen magaalooyin xeebeedyo ku dhow Marinka
Bab al-Mandab iyo jasiiradihiisa.
Maraykanka ayaa Sabtidii ka digay in colaadda u dhexeysa
Sacuudi Carabiya iyo Xuutiyiinta oo ay Iran taageerto ay “si degdeg ah u sii
xoogaysan karto.”
Socdaalka: Imisa waddan ayaa baasaboorka Soomaaliga lagu tegi karaa Fiisa la'aan?
Xigashada Sawirka, Dowladda Soomaaliya
Qoraalka sawirka, Baasaboorka Soomaaliya
Waddamada adduunka ayaa isugu faana awoodda baasaboorrada oo ah inta dal ee qofka wata uu ku tegi karo si sahlan.
Japan iyo Singapore ayaa sanadkan isku heysta kaalinta koowaad, marka la eego qiimaha baasaboorkooda.
Baasaboorka Soomaaliya ayaa sanadkan kaalinta 106-aad kasoo galay liiska caalamka. Haddaba waa kuwee dalalka uu qofka Soomaaliga ah gali karo isagoo aan u baahneyn Visa lasii qaato?
Guud ahaan 33 waddan ayaa lagu gali karaa baasaboor Soomaaliga, oo ka horreeya baasaboorrada Yemen, Pakistan, Suuriya Ciraaq iyo Afghanistan.
Hase ahaatee dalalkaas dhammaantood ma wada aha kuwo uu qofka Soomaaliga ah ee baasaboorka Soomaaliga ah wata ku geli kato Visa la'aan.
Iiraan oo shaacisay war cusub oo la xiriira wafti tagaya Tehran
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran Ismaaciil Bagaei,
ayaa ku dhawaaqay in wasiirka arrimaha gudaha Pakistan, Mohsen Naqvi, uu Axadda
u safri doono Tehran.
Wuxuu sheegay in booqashadu ay noqon doonto kulan diiradda
saaraya xiriirka labada dal iyo heshiisyadii hore ee labada dhinac. Waxa kale
oo uu sheegay inuusan ka warqabin farriin ama soo-jeedin gaar ah oo ka timid
Maraykanka oo la qorsheeyay in loo gudbiyo dhinaca Iran inta lagu guda jiro
booqashada.
Hase yeeshee, kulankan ayaa dhacaya xilli Tehran ay shuruudo
ku xirtay dib-u-bilaabidda wadaxaajoodyada ay la yeelanayso Washington, iyadoo
colaadaha ay weli socdaan, xiisadaha gobolka na ay sii kordhayaan.
Mohsen Rezaei, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran,
ayaa Al Jazeera u sheegay in Tehran ay shuruudaheeda ku aaddan wadaxaajoodyada
u gudbisay Maraykanka iyada oo adeegsanaysa dhexdhexaadiyayaal ka socda Qatar
iyo Pakistan, ayna hadda “sugayso jawaabta Madaxweyne Trump.”
Wararkii ugu dembeeyey ee aad u baahan tahay inaad ogaato
·Sida ay sheegayaan
warbixinnadu, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo gaabiyay fasaxiisii
dhammaadka toddobaadka ee xarunta madaxtooyada ee Camp David, wuxuuna si hore
ah ugu laabtay Aqalka Cad.
·Safaarado dhowr ah oo
Maraykanku ku leeyahay Galbeedka Aasiya ayaa soo saaray digniino amni oo degdeg
ah, iyagoo muwaadiniintooda ugu baaqay inay raacaan tilmaamaha amniga, isla
markaana sheegay in duullimaadyada gobolka ay u badan tahay in la baajiyo.
·Wasiirka Arrimaha Dibadda
ee Turkiga Hakan Fidan ayaa sheegay in Turkiga, oo ay weheliyaan dalal kale, uu
ka shaqeynayo soo-jeedinno cusub oo looga gol leeyahay in Maraykanka iyo Iran
loo soo dhaweeyo heshiis lagu soo afjarayo dagaalka.
·Esmail Baghaei, afhayeenka
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, ayaa ku dhawaaqay in Wasiirka Arrimaha
Gudaha ee Pakistan Mohsen Naqvi uu Axadda (berri) u safri doono Tehran.
·Wasiirka Arrimaha Dibadda
ee Turkiga Hakan Fidan ayaa habeenkii Sabtida sheegay in Sacuudigu laga yaabo
inuu u baahdo kaalmo milatari sababo la xiriira weerarrada joogtada ah ee
fallaagada Xuutiyiinta Yemen, isla markaana Turkigu arrimahan ku qiimeyn doono
qaabka Heshiiska Difaaca ee Maka.
·Xuutiyiinta Yemen ayaa
sheegay inay weerareen qaar ka mid ah xarumaha “xasaasiga ah” ee Riyadh, iyo
sidoo kale xarun Aramco leedahay oo ku taalla Yanbu, xeebta Badda Cas.
Trump oo soo gaabiyey fasaxiisii kuna laabtay Aqalka Cad iyo wararkii ugu dembeey ee Bari Dhexe
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ka digtay in
xiisaddu ka sii dari karto Bariga Dhexe, waxayna kula talisay dadka Maraykanka
ah ee ku sugan gobolka inay u diyaar garoobaan baajinta duullimaadyada ee dhici
karta, halka dadka ka baxsan gobolka ay “dib uga fiirsadaan” u safridda
halkaas.
Sida ay sheegayaan warbixinnada Maraykanka, Trump ayaa
Sabtidii fiidkii hore soo gaabiyay fasaxiisii dhammaadka toddobaadka ee Camp
David, wuxuuna ku laabtay Aqalka Cad, iyadoo loo qorsheeyay inuu halkaas joogo
ilaa habeenka Axadda.
Aqalka Cad ma uusan sheegin sababta uu u soo laabtay maalin
buuxda ka hor dhammaadka fasaxa, go’aankaasna wuxuu ku soo beegmay xilli
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay digniino amni u diraysay dadka Maraykanka ah ee
ku kala sugan dalalka Bariga Dhexe.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa digniin ay soo saartay
subaxnimada Axadda ku sheegtay in xaaladda amni ee Bariga Dhexe ay weli tahay mid
cakiran, iyadoo ka digtay suurtagalnimada in xiisad lama filaan ah ay si degdeg
ah u sii korodho.
Wasaaraddu waxay dadka Maraykanka ah ee ku sugan gobolka ugu
baaqday inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan oo ay u diyaar garoobaan baajinta
duullimaadyada ee dhici karta, xiritaanka hawada iyo carqalado ku yimaada
safarrada.
Xuutiyiinta oo sheegay inay weerar loo adeegsaday gantaallo blastic ku qaadeen caasimada Sacuudiga
Xuutiyiinta ee Yemen ee ay Iran taageerto ayaa sheegay inay
fuliyeen weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ballistic ah oo
lagu qaaday caasimadda Sacuudiga ee Riyadh, iyo sidoo kale xarumaha tamarta ee
ku yaalla xeebta Badda Cas ee dalkaas.
Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay inay qabteen oo
burburiyeen gantaal ballistic ah oo lagu soo tuuray Riyadh, iyagoo aan xaqiijin
weerarro kale ama wax khasaare ah oo nafeed.
Qiiq madow ah ayaa la arkayay isagoo ka kacaya haamaha
shidaalka ee ku dhow garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee caasimadda Sacuudiga,
halkaas oo duullimaadyadu si ku-meel-gaar ah u hakadeen Sabtidii.
Digniinaha weerarrada cirka ayaa caasimadda ka yeeray markii
ugu horreysay tan iyo markii Xuutiyiinta ay Iran taageerto ay kordhiyeen
weerarrada ay ku hayaan Sacuudiga bishii Luulyo.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa dadka
Mareykanka ah ee ku sugan Bariga Dhexe ugu baaqday inay “feejignaadaan oo ay
diyaar u ahaadaan baajinta duullimaadyada iyo carqalado kale oo safarka ah oo
dhici kara.”
“Xuutiyiinta ay Iran taageerto waxay dagaal ka dhan ah
Sacuudiga ku lug yeesheen, oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha rayidka.
Colaaddan milatari waxay awood u leedahay inay si degdeg ah u sii xoogaysato,”
ayay ku sheegtay bayaan.
Waxay intaas ku dartay in dadka Mareykanka ah ay “si dhab ah
dib ugu fiirsadaan safarrada ay ku tagayaan ama ku sii marayaan gobolka.”
Difaaca cirka ayaa sidoo kale joojiyay “isku-dayo
cadawtinimo oo lagu bartilmaameedsanayay rayidka” magaalooyinka Bish, Taif,
Farasan iyo Yanbu, sida uu bayaan ku sheegay afhayeen rasmi ah oo ka tirsan
isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo.
Saxafiyiinta loo diiday in ay galaan Aqalka Cad ka dib markii Trump uu ka mamnuucay
Wariyeyaasha warbaahinta Politico, CNN iyo MS NOW ayaa loo
diiday inay galaan Aqalka Cad ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald
Trump uu ku dhawaaqay inuu mamnuucayo warbaahintaas .
Wariye ka tirsan MS NOW iyo sawir qaade ayaa isku dayay inay
galaan Aqalka Cad subaxnimadii Sabtida, laakiin kaararkooda ma shaqeeyn kadibna,
sarkaal ayaa kala wareegay, sida ay sheegtay warbaahintu.
CNN iyo Politico labaduba waxay sidoo kale sheegeen
subaxnimadii Sabtida in weriyeyaashooda loo diiday inay galaan oo la qabtay
kaararka ay ku qoran yihiin.
Trump ayaa Jimcihii sheegay inuu ka mamnuucayo saddexda
warbaahin ee ugu waaweyn Mareykanka inay galaan Aqalka Cad, isagoo ku eedeeyay in ay ka
qoreen "warar been abuur ah " maamulkiisa.
Dadka u dooda xorriyadda saxaafadda ayaa tallaabadaas ku
tilmaamay mid aan dastuuri ahayn.
"Sarkaalku wuxuu iga codsaday inaan ku wareejiyo kaarkeyga.
Wuxuu yiri waa la hakiyay," ayay tiri weriye Akayla Gardner oo ka tirsan
MS NOW. "Waxa aan weydiiyay sababta aanan u awoodin inaan gudaha galo.
Wuxuu yiri waa mid iga sarreysa."
Gardner waxay raacisay in iyadoo kaararka saaxiibadeeda lag dhigay kuwa aan sahqeyneyn,
soo saare MS NOW ah ayaa wali awooday inuu su shaqeeyo kaarkiisa si uu ugalo,
inkastoo aan la siinin sharraxaad ku saabsan sababta kaarka soo saaraha uu weli
u shaqeynayo.
Wariye ka tirsan CNN Betsy Klein ayaa sheegtay in wakiil ka
tirsan ciidanka Secret Service ah uu u sheegay inkaarkeeda howlgab laga dhigay.
Subaxnimadii Sabtida dambe, Politico waxay sheegtay in
weriye Cheyenne Haslett loo diiday inay gasho iyo in ilaalda Secret Service ay kala laabatay kaarkeedii
Saddexda warbaahin ayaa ka hadlay go'aankaas, iyagoo ku
eedeeyay Trump inuu ku xadgudbay xuquuqdooda dastuuriga ah ee xorriyadda
hadalka iyo xorriyadda saxaafadda..
Dab weyn oo ka kacay hoteelk ku yaal meel xeebta ah
Xigashada Sawirka, Dave Hennessy
la rumeysan yahay in si ula kac ah loo sameeyay, sida ay
booliisku sheegeen.
Tiro dhan 26 gaarioo dab-damis ah ayaa loo diray Hoteelka
Grand Burstin ee Folkestone abbaare 01:05 BST, sida ay sheegtay Hay'adda
Dab-damiska iyo Samatabbixinta Kent.
Booliiska Kent ayaa sheegay in dabka loola dhaqmay sidii mid
laga shakisan yahay ayna codsanayaan ciddii
in ay wixii xog ah soo gudbiyaan ciddii markhaatiyaal ah.
"Baaritaanno ku saabsan duruufaha ayaa socda,"
ayay booliisku sheegeen.
Warbixin cusub oo lasoo saaray 15:00 subaxnimo, waaxda
dab-damiska ayaa sheegtay in sagaal dab-damis ay ku hareen goobta "iyagoo hoos u
dhigaya meelaha uu weli dabku ku harsan yahay ".
Maareeyaha saldhigga Lawrence Pater ayaa sheegay in dabka
"oo aad u daran" uu shaki ka muujiyay qaabka dhismaha, isla markaana
ay talo ka raadinayaan kormeerayaasha.
Golaha Deegaanka Folkestone & Hythe ayaa xarun samafal
ka sameeyay Beerta Ciyaaraha ee Three Hills, dadka deegaankana waxaa lagula
taliyay inay ka fogaadaan aagga dabka ka kacay oo ay xiraan daaqadaha iyo
albaabada.
Adeegga Ambalaaska ee Koonfur Bari ee Xeebta ayaa sheegay
inay hubiyeen tiro dad ah oo goobta joogay, hal qofna waxaa loo qaaday isbitaal
isagoo qaba dhaawacyo fudud.
Khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in Mareykanka uu dambiyo dagaal ka geystay Iiraan
Xigashada Sawirka, WANA via Reuters
Qoraalka sawirka, Ugu yaraan 156 qof, oo ay ku jiraan 120 carruur ah, ayaa ku dhintay duqeyn bishii Febraayo ka dhacday dugsiga hoose dhexe ee Minab.
Khubarada xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa
sheegaya in ay jiraan sababo macquul ah oo lagu rumaysan karo in Mareykanku uu
dambiyo dagaal ka geystay laba weerar oo ka dhacay Iiraan oo ay ku dhinteen ugu
yaraan 177 qof oo rayid ah.
Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay'adda Caalamiga ah ee
Xaqiiqada Raadinta ee Madaxa-bannaan ee Iiraan, oo dibadda laga soo xigtay,
ayaa sheegtay in gantaalladii bishii Febraayo lagu qaaday dugsi hoose oo ku
yaal Minab iyo xarun isboorti oo ku taal Lamerd ay ahaayeen weerarro aan kala
sooc lahayn oo sababay dhimasho rayid ah iyo burbur soo gaaray kaabayaasha
dhaqaalaha rayidka.
Mareykanka ayaa horey u beeniyay in uu weeraray Lamerd,
wuxuuna sheegay in uu baarayo waxa ka dhacay Minab. Sarkaal ka tirsan Waaxda
Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in Mareykanku uusan kalsooni ku qabin
natiijooyinka ku jira warbixinta.
Khubaradu waxay sidoo kale ogaadeen in mas'uuliyiinta Iiraan
ay geysteen dambiyo ka dhan ah aadanaha intii lagu jiray olole ka dhan ah
dibadbaxyo ballaaran oo ka dhan ah dowladda bishii Janaayo.
Waxay sheegeen in dilalka ay geysteen ciidamada amniga ay u
dhaceen "heer aad u sarreeya oo aan hore loo arag" dhammaan 31-ka
gobol.
Iiraan weli kama aysan hadlin natiijooyinka la helay,
laakiin waxay hore u diiday eedeymo ku saabsan xadgudubyo nidaamsan oo ka dhan
ah xuquuqda aadanaha.
Nato oo soo dhaweysay heshiiska Greenland iyadoo Trump uu sheegay heshiisku uu Mareykanka siin doono 'xakameyn amni oo joogto ah
Xigashada Sawirka, get
Qoraalka sawirka, Dadka Greenland ayaa ka mudaaharaaday hamiga Trump ee dhulka ku yaal caasimadda dalka, Nuuk, horraantii sanadkan.
Mareykanka iyo Denmark ayaa ku dhawaaqay heshiis ku saabsan
amniga Greenland, iyagoo xal u helay khilaaf diblomaasiyadeed oo ka dhashay
hanjabaaddii Madaxweyne Donald Trump ee ahayd inuu xoog ku qabsan doono.
Hoggaamiyeyaasha Denmark iyo Greenland ayaa soo dhaweeyay
heshiiska lagu xoojinayo amniga, kaas oo ay sheegeen in la filayo in la saxiixo
toddobaadka soo socda, laakiin ma aysan soo bandhigin waxa ku jira heshiiska.
Heshiiskan ayaa yimid ka dib bilo hanjabaado ah oo uu Trump
u jeediyay oo ahaa inuu "la wareego" Greenland sababo la xiriira
walaacyada amniga qaranka, isagoo ku tilmaamay goob istaraatiijiyadeed oo ku
taal ujeeddooyinka difaaca iyo hodantinimada macdanta.
Qoraal heshiiska ah lama soo saarin. Trump wuxuu sheegay in
heshiisku uu "lacag la'aan ugu yimid Mareykanka" uuna siin doono
awood "ay ku sameyso waxa lagama maarmaanka ah" si ay "u sugaan
una difaacaan amniga Greenland", ayuu ku sheegay qoraal uu ku qoray Truth Social.
Wuxuu sheegay in uu ku jiro sharci ah in cadowga Mareykanka
uusan joogi karin Greenland ama "uusan maalgelin xasaasi ah ku sameyn
karin Greenland, iyada oo aan la helin oggolaansho qoraal ah oo cad".
Afhayeen u hadlay Nato ayaa sheegay in isbahaysiga
milatarigu uu soo dhaweeyay heshiiska, kaas oo "ka caawin doona
horumarinta amniga, xasilloonida iyo iskaashiga gobolkan muhiimka ah".
Ra'iisul Wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa sheegtay
inay "ku faraxsan tahay in ay jirto rajo wanaagsan" oo ku saabsan
saddexda dhinac, kaas oo la filayay in lagu saxiixo Golaha Guud ee Qaramada
Midoobay toddobaadka soo socda.
Isku dhexyaac xooggan oo laga soo tabinayo garoonka diyaaradaha ee Riyad
Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa soo warisay "carqalad
ballaaran" oo ka dhacday Garoonka Diyaaradaha ee King Khalid ee magaalada
Riyad, caasimadda Sacuudi Carabiya, oo ay ku jiraan baajinta duulimaadyada iyo
dib u dhaca.
Warbixintan ayaa la sii daayay ka dib markii dadka deegaanka
ay arkeen qiiq iyo olol meel u dhow garoonka diyaaradaha.
Cilladu waxay dhacday ka dib markii maamulka
Sacuudigu uu digniin cirka ah soo saaray habeennimadii.
In kasta oo digniino dhowr ah loo soo saaray Riyad ka dib markii uu bilowday dagaalkii Mareykanka iyo Israa'iil ee
Iiraan, kuwani waxay ahaayeen digniinihii ugu horreeyay tan iyo markii uu sii
xoogeystay xiisadda Xuutiyiinta.
Xuutiyiinta, oo maamula meelaha ugu dadka badan Yemen iyo
inta badan waqooyiga dalka, ayaa dhawaan xoojiyay weerarradooda Sacuudi
Carabiya, iyagoo bartilmaameedsanaya maraakiibta Sacuudiga ee Badda Cas.
Weerarradan waxay abuureen khataro cusub oo ku wajahan
sahayda saliidda adduunka waxayna halis geliyeen wadada kale ee Badda Cas ee
kale ee loo dhoofiyo saliidda Khaliijka.
Tani waa halka gaadiidka maraya Marinka Hormuz uu weli xiran
yahay.
AFP: Haan shidaal ayaa dab qabsaday meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Riyad.
Waxaa dab ka kacay haan shidaal oo ay leedahay shirkadda Saudi Aramco, taas oo ku taal meel u dhow Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Riyad, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.
Sida lagu sheegay warbixinta, dhacdadan ayaa timid ka dib markii dadka deegaanka magaalada ay sheegeen inay maqleen dhawaq qarax ah.
Sawirro la soo saaray ayaa lagu arkay shaqaalaha dab-damiska oo isku dayaya inay damiyaan haan shidaal oo gubanaysa, taas oo ay ku dheggan tahay calaamadda shirkadda Aramco.
Qaac ka talluumaya meel u dhaw garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Riyad
Xigashada Sawirka, Reuters
Wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xiganaysa goobjooge,
ayaa sheegtay in olol iyo qiiq madow badan lagu arkay meel u dhow Garoonka
Diyaaradaha ee King Khalid ee caasimadda Sacuudiga, Riyadh.
Dowladda Sacuudiga kama aysan jawaabin codsi ku saabsan
arrintan, sida ay ku warantay Reuters.
Waxaan hore u soo sheegnay in Ururka Difaaca Madaniga ah ee
Sacuudiga uu ku dhawaaqay in la bilaabay digniin hore iyo digniin degdeg ah oo
ka dhacday Riyad, ka dibna uu ku dhawaaqay joojinta digniinta.
Tani waxay ahayd digniintii ugu horreysay ee ka dhacda
caasimadda Sacuudiga tan iyo markii uu sii xoogeystay khilaafka u dhexeeya
dalka iyo Xuutiyiinta Yemen.
Dadka reer Koonfur Kuuriya oo ka banaanbaxay dalabka Trump ee ah in askar wadan kooda ah loo diro marinka Hormuz
Xigashada Sawirka, EPA
Kooxo ka tirsan bulshada rayidka ah ee Koonfurta Kuuriya ayaa maanta isugu soo baxay meel u dhow safaaradda Mareykanka ee Seoul, iyagoo ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah cadaadiska uu Donald Trump ku hayo dowladda dalkaas si ay ciidamo ugu dirto marin-biyoodka Hormuz.
Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya, Lee Jae-myung, ayaa horay u sheegay in dalkiisu uusan diri doonin ciidamo horseedi kara dagaal.
"Ma jiri doonto wax ka qaybqaadasho ama faragelin ku saabsan dagaalka," ayuu ku yiri shir jaraa'id oo uu shalay qabtay.
Zelensky oo uga mahadceliyay Trump tallaabo uu qaaday
Waxaan horay u soo sheegnay in Donald Trump uu saxiixay sharci cunaqabatayn ballaaran saaraya Ruushka, isla markaana kordhinaya cunaqabataynta saaran Iiraan. Hadda, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha Mareykanka saxiixa sharcigaas.
Sharcigan waxaa si wadajir ah u diyaariyay Senator-ka Jamhuuriga ah Lindsey Graham, kaas oo geeriyooday horraantii xagaagan. Mr. Graham ayaa booqday dalka Ukraine ka hor inta uusan geeriyoon.
"Habka ugu wanaagsan ee lagu xusi karo xusuusta Lindsay waa in si buuxda oo degdeg ah loo dhaqangeliyo qodobrada sharcigan," ayuu Mr. Zelensky ku qoray baraha bulshada ee X.
Iiraan oo toogasho ku fulisay nin 'lagu xumay in uu ahaa basaas Israa'iil'
Xigashada Sawirka, Mizan
Hay'adda garsoorka ee Iran ayaa ku dhawaaqday inay toogatay muwaadin u dhashay dalkaasi, kaas oo lagu xukumay dil ka dib markii lagu helay
eedeymo la xiriira basaasnimo uu u sameynayay Israa'iil.
Wakaaladda Wararka Mizan, oo hoos tagta hay'adda
garsoorka, ayaa sheegtay in shakhsigaas magaciisa la oran jiray Hossein Pedran,
isla markaana uu "hay'adda Mossad siiyay xog ku saabsan goobo milatari oo
xasaasi ah oo ku yaalla gobolka Isfahan."
Mizan waxay tiri: "Iyadoo la eegayo qalab laga helay
Hossein Pedran iyo qirashadiisa, waxaa la soo saaray eedeymo ay ka mid yihiin
basaasnimo iyo la-shaqeyn sirdoon oo loo sameynayay maamulka Siiyooniistaha
(Israel), billaabidda iskaashi sirdoon oo lala sameynayay dowladda Mareykanka
ee cadowga ah — iyadoo la gudbiyay codsi iskaashi iyo rabitaan lagu muujinayay
in loo shaqeeyo hay'adda sirdoonka Mareykanka — iyo eedeymo kale oo dhowr
ah."
Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Wakaaladda Wararka
ee Mizan, xukunkii dilka ahaa ee lagu riday Hossein Pedran ayaa la fuliyay ka
dib markii ay ansixisay Maxkamadda Sare.
Trump ayaa ku dhawaaqay 'mamnuucitaan' lagu soo rogay saddex hay'adood oo warbaahineed, oo ay ku jirto CNN.
Xigashada Sawirka, cnn
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu
si rasmi ah uga mamnuucayo Aqalka Cad warbaahinta kala ah CNN, MS Now, iyo
Politico.
Madaxweyne Trump ayaa bayaan uu Jimcihii ku daabacay baraha bulshada ee Truth Social in warbaahintan ay "si joogto
ah u daabacaan ama u baahiyaan sheekooyin aan sal iyo raad lahayn iyo warar
been abuur ah" oo ku saabsan maamulkiisa, inkastoo uusan bixin wax
tusaalooyin ah.
Trump ayaa markii dambe tallaabadan ku tilmaamay
"mamnuucid aad u fudud," balse ma uusan caddeyn sida loo dhaqan-gelin
doono amarkan ama in weriyeyaasha hay'adahaas laga hor-istaagi doono inay
galaan Aqalka Cad. Weriyeyaasha CNN iyo Politico ayaa weli ku sugnaa Aqalka Cad
wax yar uun ka dib markii lagu dhawaaqay go'aanka.
Hay'adda wararka ee Mareykanka ee CNN ayaa tallaabadan la
filayo ku tilmaantay "weerar sharci-darro ah" oo lagu qaaday
xorriyadda saxaafadda oo uu damaanad-qaaday Dastuurka Mareykanka, iyadoo
sheegtay inaysan dowladdu xaq u lahayn inay carqaladeyso shaqadeeda
war-tabinta.
Politico ayaa iyaduna sheegtay inay si adag u difaaci doonto
xuquuqdeeda dastuuriga ah. Si kastaba ha ahaatee, MS Now (oo hore loo oran
jiray MSNBC) ayaa diidday inay arrintan ka hadasho.