Wax ka ogow: Yaa gaara go'aannada dalka Iiraan?

Iiraan

Xigashada Sawirka, EPA

Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Su'aasha dul hoganaysa Tehran tan iyo bilowgii weerarradiidagaalka hadda Iran kula jirto Maraykanka iyo Israa'iil waa mid sahlan: Yaa talada haya?

Si rasmi ah, jawaabtu waa cadahay. Mojtaba Khamenei ayaa la wareegay xilka hoggaamiyaha sare kadib dilkii aabbihiis, Ali Khamenei, oo lagu dilay maalintii ugu horreysay ee dagaalka 28-kii Febraayo. Nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah, jagadaas waxaa loogu talagalay inay noqoto mid go'aan kama dambays ah leh. Hoggaamiyuhu wuxuu leeyahay erayga ugu dambeeya ku dhowaad wax kasta oo muhiim ah: dagaal, nabad, iyo jihada istiraatiijiga ah ee dowladdu qaadato.

Laakiin ficil ahaan, sawirku waa mid aad u humaag leh.

Donald Trump ayaa ku tilmaamay hoggaanka Iran mid "kala daadsan" wuxuuna sheegay in Maraykanku sugayo in Tehran ay soo bandhigto "soo jeedin mideysan".

Midnimadu xaqiiqdii waxay ku jirtay maskaxda hoggaamiyeyaasha Iran markii ay habeennimadii Khamiista farriin ugu direen dadka reer Iran taleefannadooda gacanta, iyagoo leh "ma jiro wax la yiraahdo wax adag ama dhexdhexaad gudaha Iran, waxaa jirtay hal Qaran iyo hal waddo oo qura."

Hoggaamiye aan muuqan

Mojtaba Khamenei fagaaraha laguma arkin tan iyo markii uu xilka la wareegay. Marka laga reebo dhowr bayaan oo qoraal ah, oo uu ku jiro mid uu ku adkeysanayo in Marinka Hormuz uu sii xirnaan doono, waxaa jira caddeymo toos ah oo aad u yar oo ku saabsan maamulkiisa maalin laha ah.

Mas'uuliyiinta Iran ayaa qirtay inuu ku dhaawacmay weeraradii ugu horreeyay, balse waxay bixiyeen faahfaahin kooban. Wargeyska The New York Times, oo soo xiganaya ilo wareedyo u dhashay Iran, ayaa toddobaadkan sheegay in laga yaabo inuu qabo dhaawacyo dhowr ah, oo ay ku jiraan kuwo wejiga ka soo gaaray oo ku adkeeyay inuu hadlo.

Maqnaanshahaas saameyn weyn ayay leedahay. Nidaamka siyaasadeed ee Iran, awooddu ma ahan mid ku kooban hay'adaha dowladda oo kaliya, ee sidoo kale waa mid ku xiran soo muuqashada iyo ficilka hoggaamiyaha.

Khamenei-gii geeriyooday ee aabbihii ahaa wuxuu ujeeddooyinkiisa ku gudbin jiray khudbado, muuqaallo si taxadar leh loo agaasimay, iyo dhex-dhexaadin muuqata oo uu u sameeyo garabyada iska soo horjeeda. Shaqadaas tilmaam-bixinta ah hadda inta badan waa mid maqan.

Natiijadu waxay noqotay firaaq dhanka fasiraadda ah. Qaar waxay ku doodayaan in kor u qaadista Mojtaba Khamenei ee xilli-dagaal aysan si fudud u siinin fursad uu awooddiisa ugu dhisato qaabka uu isagu rabo. Kuwo kale waxay farta ku fiiqayaan warbixinnada ku saabsan dhaawacyadiisa, iyagoo su'aal gelinaya inuu xitaa awood u leeyahay inuu si firfircoon u maamulo nidaamka.

Si kastaba ha ahaatee, qaadashada go'aannada waxay u muuqataa mid ka baahsan sidii ay ahaan jirtay dagaalka ka hor.

Wadooyinka diblomaasiyadeed waa furan yihiin, balse si aad u yar

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida ramsiga ah , diblamaasiyadda waxay u xilsaaran tahay dowladda. Wasiirka Arrimaha Dibadda, Abbas Araghchi, ayaa weli Tehran u metela wadahadallada lala leeyahay Maraykanka, isagoo hoos taga Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian.

Balse labadoodaba uma muuqdaan kuwo dejinaya istiraatiijiyadda, waxaana awooddooda sii wiiqaya xaqiiqada ah in wafdiga Iran uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka, Mohammad-Bagher Ghalibaf.

Doorka Araghchi wuxuu u muuqdaa mid fulin oo kaliya, halkii uu ka ahaan lahaa mid go'aan-qaadasho leh. Isbedbeddelkii degdegga ahaa ee ku yimid mowqifkiisa ku aaddan in Marinka Hormuz uu furnaa iyo inuu xirnaa, isagoo marka hore soo jeediyay in isu-socodkii dib u billowday, ka dibna si dhakhso ah uga laabtay waxay bixisay muuqaal naadir ah oo ku saabsan sida ay dhab ahaan u yar tahay awoodda ay dablumaasiyaddu ku leedahay go'aannada milatiga.

Dhankiisa, Pezeshkian wuxuu la safan yahay jihada guud ee nidaamka, balse si muuqata uma qaabeeyo. Isagoo loo arko shakhsi dhex-dhexaad ah, ilaa hadda wuxuu iska ilaalinayay inuu horumariyo qorshe isaga u gaar ah oo ka madax-bannaan nidaamka.

Wareeggii labaad ee wada-hadallada Maraykanka ee hakaday ee Islamabad wuxuu sii xoojinayaa aragtidan. Xitaa marka waddooyinka diblomaasiyadeed furan yihiin, nidaamku wuxuu u muuqdaa mid aan awoodin ama aan rabin inuu qaato go'aan rasmi ah.

Ciidan milatari oo ballaarinaya waajibaadkiisa

Xakamaynta Marin-biyoodka Hormuz waa isha ugu dhow ee Iran ay ku hesho awood ay ku cadaadiso dhinacyada kale. Laakiin go'aamada ku saabsan in la xiro marin-biyoodkaas waxay ku jiraan gacanta Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), oo uu hoggaamiyo Ahmad Vahidi, halkii ay ka ahaan lahayd kooxda diblomaasiyadda.

Taasina waxay awoodda dhabta ah gelinaysaa gacanta dad ka shaqeeya daaha gadaashiisa. Si ka duwan dhibaatooyinkii hore, , ma jiro hal shaqsi oo si cad loo tilmaami karo inuu si toos ah u hayo istiraatiijiyadda. Halkaa waxaa ka muuqata qaab kale: in ficillada la hormariyo, fariinmaha ib laga soo saaro, iyadoo xitaa aysan mar walba iswaafaqsanayn.

Ficil ahaan, waa IRGC, haddi ay ahaan lahayd dhaqangelinta xiritaanka Hormuz ama weerarada lala beegsanayo bartilmaameedyada ku yaalla Gacanka, kuwaas oo u muuqda inay dejiyaan xawaaraha xiisadda. Jawaabaha siyaasadeed iyo kuwa diblamaasiyadeed badanaa way ka dambeeyaan ficilladaas halkii ay hoggaamin lahaayeen.

Tani qasab maahan inay muujiso burbur ku yimid laamihii maamulka. Laakiin waxay soo jeedinaysaa in madax-bannaanida hawlgaleed ee IRGC ay sii ballaaratay, ugu yaraan si ku-meel-gaar ah, maadaama aysan jirin dhexdhexaadin siyaasadeed oo cad.

Ghalibaf oo horrey tallaabo u qaaday

Iiraan

Xigashada Sawirka, Reuters

Mohammad-Bagher Ghalibaf ayaa soo dhex galay madmadowgan jira.

Ghalibaf oo ah taliye hore oo ka tirsanaan jiray Ilaalada Kacanka, haddana ah Guddoomiyaha Baarlamaanka, ayey soo baxday inuu yahay mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu caansan xilligan la joogo.

Wuxuu isku daray wadahadallada, wuxuu la hadlay dadweynaha, mararka qaarkoodna wuxuu dagaalka ku sifeeyay qaab xaqiiqada ku dhow, halkii uu ka adeegsan lahaa hadallo ku dhisan caqiido ama fikir.

Gudaha baarlamaanka iyo guud ahaan shabakadaha muxaafidka ah, iska caabbinta ka dhanka ah wadahadallada ayaa weli ah mid xooggan.

Farriimaha xagjirka ah ayaa sii xoogaystay, iyadoo warbaahinta dowladda iyo ololayaasha dadweynuhu ay sii kordhinayaan in wadahadallada lagu tilmaamo calaamad muujinaysa daciifnimo marka loo eego cadowga dalka.

Sidaa darteed, booska Ghalibaf waa mid khatar ah, waa mid firfircoon balse aan si cad loo oggolaan. Wuxuu ku adkeysanayaa in ficilladiisu ay waafaqsan yihiin rabitaanka Mojtaba Khamenei, haddana waxaa jira caddeymo yar oo muuqda oo muujinaya isku-duubni toos ah oo ka dhaxeysa labadooda.

Nidaam ku tiirsan calaamadaha ka yimaada xagga sare, madmadowgaas ayaa sheegaya wax badan.

Sheegtay ama muujisay isku xirnaan

Marka la isku daro, isbeddelladan waxay tilmaamayaan nidaam shaqeynaya, balse aan si isku-dhafan oo hufan loo hagin.

Awoodda hoggaamiyaha sare way jirtaa, laakiin si muuqata looma adeegsanayo. Madaxweynaha wuxuu la safan yahay jihada guud, balse ma hoggaaminayo. Diblomaasiyaddu waa firfircoon tahay, laakiin ma ahan mid go'aan gaar ah leh. Milatarigu wuxuu hayaa furayaasha muhiimka ah ee awoodda, balse ma jiro hal naqshadeeye oo si cad loo aqoonsan karo. Shakhsiyaadka siyaasadda ayaa horey u soo tallaabsanaya, balse ma haystaan sharciyad aan lagu

Tani ma aha burbur. Jamhuuriyadda Islaamiga ah weli way jirtaa oo way taagan tahay. Laakiin waxay tilmaamaysaa arrin ka sii xeel-dheer, nidaam ku dhibban inuu awoodda uu haysto, tusaale ahaan awoodda uu ku xiri karo Marin-biyoodka Hormuz, u beddelo istiraatiijiyad cad xilli cadaadis xooggan uu jiro. Weli wuu ka hawlgeli karaa dhowr jiho, laakiin wuxuu ku dhibtoonayaa inuu si cad fariin ugu gudbiyo xarumihiisa awoodda gudaha.

Qaabka siyaasadeed ee Iran, calaamadaha iyo fariimaha ayaa ah waxa lagu ilaaliyo is-waafajinta.

Hadda, nidaamku wuu sii hayaa xariiqa, wuxuu ilaalinayaa xasilloonida, wuxuuna ka fogaanayaa burbur muuqda inkastoo cadaadis sii kordhayo. Laakiin si sii kordheysa, waxay dhalinaysaa su'aasha ah in is-waafajinta la adeegsanayo mise kaliya la sheeganayo.