Sidee heesuhu u daaweeyaan xanuunno badan

Fannaanka Kaynaan Cabdi

Xigashada Sawirka, social

    • Author, David Cox
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Laga bilaabo maskaxda ilaa wadnaha, waxa la ogaaday in ay heesuhu keenaan faa'iidooyin badan oo kala duwan oo u gaar ah dadka qaada, gaar ahaan marka si koox-koox ah loo jiibinayo. Dadka ayay isku soo dhawayn karaan, jidhkeennana waxay jidhka u diyaarin karaan in uu is difaaco cudurrada iyo xakamayntoodaba.

"Heesitaanku waa hawl maskaxeed, jidh ahaaneed, shucuur ahaaneed iyo mid bulsheed" ayuu yidhi Alex Street, oo ah cilmi-baadjhe ka tirsan Machadka Cilmi-baadhista Daawaynta Muusikada ee Cambridge, kana shaqeeya daraasadda sida muusikadu carruurta iyo dadka waaweyn in ay ka soo kabtaan dhaawacyada maskaxda.

Dhawaaqyo farxad leh

Heesitaanka waxa looga faa'iidaystaa in xuunnnada qaar lagu daaweeyo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Heestu sidoo kale waxay leedahay saameyn jidheed oo kale oo la cabbiri karo. Waxaa la ogaaday in ay hagaajiso garaaca wadnaha iyo cadaadiska dhiigga dadka. In heesaha loo qaado koox ahaan ayaa xitaa la ogaaday in ay kor u qaaddo difaaca jirkeena, si ka duwan kaliya dhagaysiga isla muusikada.

Marka laga eego dhinaca bayoolojiga, waxaa la rumeysan yahay in heesitaanku kiciso neerfaha vagus oo si toos ah ugu xidhan muruqyada codka iyo kuwa dhuunta ama hunguriga.

Heesiddu sidoo kale waxay firfircooni gelisaa shabakad ballaadhan oo neerfayaasha maskaxda ku yaal labada dhinac, taasoo keenta in waaxaha dhaqdhaqaaqa iyo shucuurta ay nafisaan. Waxa kale oo jirta in heesiddu ay lug ku yeelan karto eefsashada, waxay ka dhigan in ay qayb ka qaadato walbahaarka.

Isku imaatinka

Sida ay cilmi-baadhayaashu sheegayaan, heestu waa hawl maskaxeed, jidheed, shucuureed iyo mid bulsheed.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Laakiin dhammaan noocyada heesiddu ma aha kuwo leh faa'iido isku mid ah. In heesaha loo qaado si wada jir ah ayaa la ogaaday in ay caafimaadka maskaxda ka dhigto mid wanaagsan. Sidaa darteed, cilmi-baadhayaasha waxbarashada ayaa heesidda u isticmaalay sidii aalad lagu dhiirrigeliyo wada-shaqaynta, horumarinta luuqadda iyo xakameynta shucuurta carruurta.

Dhakhaatiirta ayaa sidoo kale heesidda u isticmaalaya sidii loo hagaajin lahaa tayada nolosha dadka qaba xaalado caafimaad oo kala duwan. Caalamka, cilmi-baarayaashu waxay ogaadeen saameynta heesaha sida wada jirka ah loo qaado in ay u roon tahay dadka ka soo kabanaya kansarka iyo istaroogga iyo kuwa qaba Parkinson-ka. Tusaale ahaan, heestu waxay ka caawisaa bukaanka qaba xaaladdan dambe in ay si fiican u hadlaan.

Neefsashada

Dadka ugu badan ee la ogaaday inay ka faa'iidaystaan heesiddu waa dadka qana xanuunka neefta oo muddo dheer ah, taasi oo uu ku hawllan yahay cilmi-baadhe Keir Philip, macallin caafimaad oo ku takhasusay cudurrada neefsashada ee Imperial College London. Philip wuxuu ka digayaa in heesitaanku aanay daaweyn karin cuduradan, laakiin waxay u adeegtaa hab guud oo wax ku ool ah oo kaabaya daawaynta caadiga ah.

Mid ka mid ah daraasaddiisa ugu muhiimsan waxay ku saabsanayd barnaamij neefsasho oo laga sameeyay waraysiyo uu la yeeshay hees-yaqaanno xirfad leh oo ka tirsan English National Opera, kaasi oo lagu tijaabiyay bukaannada qaba Covid-ka. Lix toddobaad gudaheed, natiijooyinka ayaa muujiyay in barnaamijku kor u qaaday tayada noloshooda islamarkaana fududeeyay qaar ka mid ah dhibaatooyinkooda xagga neefsashada.

Heesitaanku waxa uu u muuqdaa mid faa’iido u leh maskaxda iyo sidoo kale nidaamka neefsashada.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhinaca kale, heesitaanku ma aha mid gebi ahaanba md u roon dadka qaba xaalado caafimaad oo hore u jiray. Haddii koox ahaan loo heeso sida lagu arkay dhacdo weyn oo dhacday bilowgii faafidda Covid-19, waxa laga yaabaa in isu imaatinka dadka ay ka dhalan karto xa

Cilmi-baadhayaashu waxay qaabab la mid ah u isticmaaleen dadka ka soo kabanaya istaroogga, maaddaama ay kordhiso xidhiidhka u dhaxeeya laba qaybood ee maskaxda. Waxa sidoo kale la rumaysan yahay in heesuhu ay kor u qaadaan neerfaha maskaxda, taasi oo u oggolaanaysa in ay abuurto shabakado qaabeeya neerfayaasha cusub.

Alex Street wuxuu sheegay in dhammaan cilmi-baadhista muujinaysa saameynta xooggan ee heesuhu – ha ahaato mid kooxeed ama mid si gaar ah loo qaaday e– ay muujinayso sababta ay heestu u tahay qayb caalami ah oo ka mid ah nolosha aadanaha. Si kastaba ha ahaatee, mid ka mid ah walaacyadiisa ayaa ah in dadka oo waqtigooda intiisa badan ku qaata teknoolojiyadda halkii ay isku xidhnaan lahaayeen iyagoo wada heesaya ay dad yar oo keliya ka faa'iideysanayaan.

"Wax badan ayaan ogaanaynaa, gaar ahaan dib-u-soo-kabashada dhaawacyada maskaxda," ayuu yidhi. "Daraasadaha ayaa hadda soo baxaya kuwaasoo muujinaya in heesitaanku saamayn ku yeelan karo, xitaa dadka qaba dhaawacyada weyn. Waa macquul in aan si weyn uga faa'iidaysano, sababtoo ah heesitaanku mar walba waxaa uu door weyn ka ciyaaraa isku xidhka bulshooyinka."