Muwaadiniinta u dhashay Kenya iyo Itoobiya oo noqday dhibbaneyaasha ugu badan ee ka shaqeeya dhaca internetka ee Aasiya

Hay'adda socdaalka adduunka IOM ayaa ka digeysaa xeryo lagu dhibaateeyo dadka kasoo jeeda Itoobiya iyo Kenya ee shaqooyinka dibadda raadinaya, kuwaas ku socdaalaya dalal badan oo Aasiya ah.
(IOM) ayaa sheegtay in shabakado tahriibiyeyaal ahi ay dabin u dhigaan dadka shaqo doonka ah, iyagoo kusoo xero galiya fursado shaqo oo been abuur ah. Marka ay gaaraanna, waxaa lagu hayaa xeryo si adag loo ilaaliyo, halkaas oo loogu adeegsado handadaad, garaacis iyo jirdil si loogu khasbo inay geystaan khiyaanooyin internetka ah.
Bayaan ay IOM soo saartay habeenkii ka horreeyey Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaallanka Ka Ganacsiga Dadka oo ku beegnayd Arbacada ayaa lagu sheegay in dadka Bariga Afrika ay yihiin kuwa ugu badan ee laga soo badbaadiyo xarumaha dadka lagu tahriibiyo ee ku yaalla Aasiya.
Hay'addu waxay xaaladdan ku tilmaantay nooc cusub oo soo baxaya oo ka mid ah ka ganacsiga dadka.
Dhibbanayaasha ayaa inta badan lagu soo jiitaa xayeysiisyo sheegaya in dibadda laga heli karo shaqooyin mushahar sare leh.
Laakiin marka ay gaaraan goobta loo waday, baasaboorradooda ayaa laga qaataa, waxaana lagu khasbaa inay ka qayb qaataan dhac dhanka internetka ah iyagoo si joogto ah loola socdo dhaqdhaqaaqooda.
Hay'adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dadka laga soo celiyey xeryahaas la garaacay, loo geystay xadgudubyo galmo, gaajo loo dilay, isla markaana lagu xiray qolal cidlo ah kadib markii ay diideen inay ka qayb qaataan falalka khiyaanada ah.
"Joogitaanka dadka Bariga Afrika ee xeryahan wuxuu muujinayaa in ka ganacsiga dadka ee shaqada khasabka ahi uusan mar dambe ahayn khatar fog," ayuu yiri Frantz Celestin, agaasimaha IOM ee Bariga Afrika, Geeska Afrika iyo Koonfurta Afrika.
"Kooxaha dambiyada abaabulan ayaa shaqo-doonka gobolkeenna ku khiyaamaynaya ballanqaadyo been ah oo sheegaya inay jiraan shaqooyin dibadda laga heli karo."
Sida ay sheegtay IOM, iyadoo shabakadaha ka ganacsiga dadka ay hawlahooda ku fidinayaan meel ka baxsan Aasiya, waxaa sii kordhaya tirada dadka laga qoranayo Afrika.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Intii u dhexeysay 2022 iyo 2025, hay'addu waxay taageertay in ka badan 3,500 qof oo ka kala socday 39 dal, kuwaas oo loo tahriibiyey shaqo khasab ah oo ka dhacaysay Koonfur-bari Aasiya. Dadkaas waxaa ka mid ahaa muwaadiniin ka kala yimid Itoobiya, Kenya, Indonesia, Hindiya, Sri Lanka iyo Bangladesh.
IOM ma shaacin tirada saxda ah ee Itoobiyaanka iyo Kenyan-ka ay arrintani saamaysay.
Sida uu sheegay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Daroogada iyo Dambiyada (UNODC), khiyaanooyinka internetka ee ka dhaca Bariga Aasiya, Koonfur-bari Aasiya, Australia iyo New Zealand ayaa sannadkii hore oo keliya soo saaray dakhli lagu qiyaasay $88 bilyan ilaa $114 bilyan.
Waxaa sidoo kale la rumaysan yahay in boqollaal kun oo shaqaale ah oo la tahriibiyey ay ku xayiran yihiin xarumahaas.
Xeryahan oo ku baahsan dalalka Koonfur-bari Aasiya sida Myanmar, Cambodia iyo Laos ayaa xarumo lagu fuliyo dhaca internet-ka oo sanad kasta soo saara balaayiin doollar.
Sida ay sheegtay IOM, dad badan oo lagu khasbo inay ka qayb qaataan khiyaanooyinka internetka ayaa si khaldan loogu aqoonsado dambiilayaal, sidaasna ay ku maraan maxkamadeyn iyo xukunno dambiyo aysan iyagu dooran.
Hay'addu waxay dawladaha ugu baaqday inay dadkaas u arkaan dhibbanayaal u baahan ilaalin iyo taageero, halkii laga dacweyn lahaa sidii inay yihiin dambiilayaal.
IOM waxay sidoo kale ku boorrisay dadka shaqooyinka dibadda raadinaya inay si taxaddar leh u hubiyaan dalabyada shaqo, kana digtoonaadaan dadka iyo meelaha ay shaqada la codsanayaan.














