Saddex qodob oo lagu dalbanayo dibad-baxyada ka dhana Trump ee ka socda Maraykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dibadbaxyo waaweyn oo ka dhan ah maamulka Donald Trump ayaa ka socda magaalooyin kala duwan oo ku yaalla United States, kuwaas oo calaamad u ah wareeggii saddexaad ee isu-soo-baxyada loo yaqaan "Maya Boqor," kuwaas oo horey u soo jiitay malaayiin qof.
Qabanqaabiyeyaasha ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan siyaasadaha uu dejiyay Trump, oo ay ka mid yihiin dagaalka Iran, fulinta adag ee sharciga socdaalka federaalka, iyo kororka qiimaha nolosha.
"Trump wuxuu doonayaa inuu nagu xukumo sidii kali-taliye. Laakiin tani waa Ameerika, awoodduna waxay ka timaadaa shacabka, ma aha boqorro doonaya ama maalqabeenno la safan," ayay yiraahdeen qabanqaabiyeyaashu.
Af-hayeen u hadlay Aqalka Cad wuxuu dibad-baxyadaas ku sheegay 'fadhiyo ay isaga daweynayaan dadka uu Trump dhibka ku hayo', wuxuuna xusay inaysan jirin cid kale oo dan ka leh marka laga reebo 'weriyayaasha lacagtaku qaata inay soo tabiyaan'.
Maalintii Sabtida, mudaaharaadyo ayaa la qorsheeyay inay ka dhacaan ku dhawaad magaalo kasta oo weyn oo ku taalla dalka Maraykanka, oo ay ku jiraan New York, Washington DC, iyo Los Angeles.
Isusoo-baxyo ayaa qabsaday waddooyinka bartamaha magaalada Washington DC galabnimadii oo dhan, iyadoo dad aad u tiro badan ay dhex marayeen caasimadda dalka. Dibad-baxayaasha ayaa safnaa jaranjarada dhismaha xusuusta Lincoln, iyagoo buux dhaafiyay fagaaraha National Mall.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida dhacdooyinkii hore ee dhaqdhaqaaqa "No Kings", dibad-baxayaashu waxay kor u hayeen sawir-gacmeedyo iyo matalaado loo ekaysiiyay Trump, Madaxweyne ku-xigeenka JD Vance iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamulka, iyagoo dalbanayay in xilka laga qaado lana xiro.
Kumaankun qof ayaa sidoo kale isugu soo baxay fagaaraha Times Square ee magaalada New York, iyagoo dhex lugeynaya xaafadda Midtown ee Manhattan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Booliska ayaa ku khasbanaaday inay xiraaan waddooyinka inta badan mashquulka ah si ay jidka ugu banneeyaan dadka aadka u badan. Bishii Oktoobar, waaxda booliska New York waxay sheegtay in ka badan 100,000 oo qof ay isugu soo baxeen dhammaan shanta degmo ee magaalada.
Isusoo-bixii u dambeeyay ee "No Kings" ee dhacay bishii Oktoobar ayaa soo jiitay dad tiradoodu u dhowdahay toddoba milyan oo qof dalka oo dhan. Dhawr gobol oo ka tirsan Maraykanka ayaa diyaariyay ciidanka Ilaalada Qarank, balse qabanqaabiyayaasha ayaa ku adkaystay in dibad-baxyadu ay yihiin kuwo nabdoon.
Tan iyo markii uu ku soo laabtay Aqalka Cad bishii Janaayo, Trump waxa uu ballaariyay baaxadda awoodda madaxweynenimo, isaga oo u adeegsanaya amarrada fulinta si uu u kala diro qaybo ka mid ah dawladda federaalka, wuxuuna ciidamada Ilaalada Qaranka geeyay magaalooyin ku yaalla Maraykanka inkasta oo ay diideen barasaabyada gobolladu.
Horaantii sanadkan, wakiillada socdaalka ee federaalka ayaa magaalada Minneapolis ku toogtay kuna dilay laba muwaadin oo u dhashay Maraykanka, kuwaas oo kala ahaa Alex Pretti iyo Renee Good, taas oo kicisay cadho iyo mudaaharaadyo heer qaran ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ugu baaqay saraakiisha ugu sarreeya ee fulinta sharciga ee maamulkiisa inay dacwad ku soo oogaan dadka uu u arko inay yihiin cadawgiisa siyaasadeed.
Madaxweynuhu wuxuu leeyahay ficilladiisu waa kuwo lagama maarmaan u ah dib-u-dhiska waddan dhibaataysan, wuxuuna iska fogeeyay eedaymaha sheegaya inuu u dhaqmayo sidii kaligii-taliye isagoo ku tilmaamay "waali". "Waxay iigu yeerayaan boqor. Anigu ma ihi boqor," ayuu ku yiri wareysi uu siiyay Fox News bishii Oktoobar.
Balse dadka dhaleeceeya ayaa ka digaya in qaar ka mid ah tallaabooyinka maamulkiisu ay yihiin kuwo ka dhan ah dastuurka, khatarna ku ah dimuqraadiyadda Maraykanka.
Dad aad u tiro badan ayaa isugu soo baxay magaalooyinka waaweyn iyo magaalooyinka yaryarba. Isusoo-baxyada "No Kings" ayaa ka bilaabanaya Boston, Massachusetts; Nashville, Tennessee; iyo Houston, Texas. Mudaaharaadyo kale oo ka dhici doona magaalooyinka waaweyn ayaa la filayaa inay bilowdaan inta lagu jiro maalinta.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waddooyinka waxaa sidoo kale safan dad ku nool magaalooyinka sida Shelbyville, Kentucky iyo Howell, Michigan, oo dadka deggani ay yihiin qiyaastii 10,000 oo qof oo kaliya. Dadka ayaa kor u hayay boorar ay kaga soo horjeedaan dagaalka ka socda Iiraan iyo hay'adda Socdaalka iyo Kastamka (ICE) ee ka dhex hawlgasha xaafadaha.













