TOOS, Ciidamada dowladda iyo kuwa PSF oo ku dagaalamaya bariga magaalada Gaalkacyo

labada dhinac ayaa isu adeegsanaya hoobiyeyaal balse lama soo werin dagaal toos ah

Kooban

Tebin toos ah

  1. Yay hoos tagaan ciidamada PSF?

    labada dhinac ayaa dabayaaqada bishii hore sidoo kae dagaallamay

    Xigashada Sawirka, Social

    Qoraalka sawirka, labada dhinac ayaa dabayaaqada bishii hore sidoo kae dagaallamay

    Kadib iska hor imaad dabayaaqadii bishii Luulyo dhaxmaray ciidamada Puntland iyo ciidanka PSF, ayaa markaas, BBC du waxay xiriir la sameysay labada dhinac, iyada si ay isugu daydo in ay wax ka ogaato waxa uu salka ku hayo isku dhacaan cusub.

    Sarkaal ka tirsan ciidamada PSF, Cabdikhaaliq Awil, ahna xogahaya guud ee ciidankaan ayaa BBC-da uga waramay dagaalkaa.

    Mar la weydiiyay cidda ay PSF hoos tagto, Cabdikhaaliq Awil wuxuu sheegay in ciidanka uu hadda ka tirsan yahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dowladda federaalka.

    "PSF waa ciidan federaal ah oo hoos taga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed," ayuu u sheegay BBC.

    Hadalkan ayaa imanaya iyadoo Puntland ay hore ugu eedeysay dowladda federaalka inay ciidamo ka diiwaangelinayso gobollada Bari, Nugaal iyo Mudug.

    BBC ayaa sidoo kale weydiisay sida ay sharci ahaan uga hawlgeli karaan deegaanno ay maamusho Puntland, balse Awil wuxuu ku dooday "in dastuurka federaalka uu dowladda dhexe siinayo mas'uuliyadda ciidamada difaaca, halka dowlad-goboleedyaduna ay leeyihiin ciidamada booliiska".

    Markii BBC ay weydiisay in PSF ay ku lug lahayd diiwaangelintaas, Awil wuu beeniyay.

    "Shaqadayadu kuma salaysna diiwaangelin ciidan. Waxaan nahay ciidan loo aasaasay la dagaallanka argagixisada, mana wadno qorista ama diiwaangelinta ciidamo," ayuu yiri isaga oo la hadlayay BBC-da.

    Sida uu sheegaya Korneel Cabdiwaaxid Maxamuud Xasan oo ahaan jiray madaxii hore ee ciidammada Daraawiishta Puntland, PSF ayaa ka tirsanaan jirtay ciidan horey la isugu oran jiray PIS oo la aasaasay xilligii Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

    Ciidamadani markii hore waxay isugu jiri jireen milatari iyo sirdoon loogu talagalay la dagaallanka argagaixisada balse markii dambe waa la kala saaray, oo milatariga waxaa ku haray PSF, halka sirdoonkuna uu noqday mid ka baxsan.

    "Ujeeddada loo aasaasay wuxuu ahaa la dagaalanka argagixisada maadaama argagixisadu ay wakhtigaasi Sebteembar 2001-dii wixii ka dambeeyay ay argagixisadu soo xoogeysatay, taliskanna muhiim uu u ahaa Geeska Afrika, Mareykankuna ay aad u daneynayeen." ayuu yiri Korneel Cabdiwaaxid oo sharraxaya ujeeddada loo aasaasay ciidamadan.

    Wararka manta naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan bariga magaalada ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Puntland iyo ciidamada PSF.

    Labada ciidan ayaa isu adeegsanaya hub culus iyadoo inta badan ay ciidamada dowladda ay hub ku garaacayaan xarunta ciidanka ay dagaalamayaan ee PSF.

    Halkan ayaan idinkula socodsiin doonaa waxa ka soo kordha.

  2. Maxaa ka socda Bariga magaalada Gaalkacyo?

    ciidamada PSF

    Xigashada Sawirka, PSF

    Qoraalka sawirka, Ciidamada PSF

    Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan bariga magaalada ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Puntland iyo ciidamada PSF.

    Labada ciidan ayaa isu adeegsanaya hub culus iyadoo inta badan ay ciidamada dowladda ay hub ku garaacayaan xarunta ciidanka ay dagaalamayaan ee PSF.

    Weriye madax banaan oo halkaas ku sugan oo xogta na siiyay ayaa noo xaqiijiyay in ilaa hadda hal qof oo shacab ah uu ku dhintay dagaalka aan tooska ahayn ee u dhaxeeya labada dhinac halka labo qof oo kale oo shacab ay ay dhaawacyo soo gaareen.

    Dhanka ciidamadana, ilaa shan askari ayaa dhaawacoodu la geeyay isbitaalka.

    Ilaa iyo hadda ma jiro dagaal toos ah oo dhex maray labada ciidan balse hubka ayay isu adeegsanayaan.

    Dhawaan ayay ahayd markii iska hor imaad dhaxmaray ciidamada Puntland iyo ciidanka PSF iyagoo eedo isku jeediyay.

    Magaalada Galkacyo waxaa maalmahaan ka taagnaa xiisad kadib markii halkaasi laga dareemay dhaqdhaqaaqyo iska horjeeda oo ku saabsan ciidamo sheegay in ay ka tirsan yihii nkuwa federaalka iyo kuwa Puntland.

    Dhaqaqaayadii ugu dambeyay ayaa abuuray in cabsi laga muujiyo in dagaal uu dhici karo, iyadoo Puntland ay halkaasi ciidamo badan oo dheeraad ah ku daabushay halka dowladda fedraalkana ay ku eedysay in hub iyo ciidamo ay halkaasi gaysay.

    Aqoonahanka iyo siyaasiinta ka soo jeeda Puntland ayaa walaac ka muujinaya xaaladda waxayna war-saxaafadeed ay soo saareen ku direen baaq ku aaddan in xaaladdu aaney gaarin gacan ka hadal iyo rabshad.

    Wixii ka soo kordha halkan ayaan idinkula socodsiin doonaa.

    Sidoo kale akhri:

  3. Wuu is dilay markii laga iibiyay dal-ku-gal been ah

    Wiilkan dhalinyarada ah ayaa dillaaliin waxa ay ka qaateen 500,000 oo oo lacagta Itoobiya ah, iyagoo u sameeyay fiise been abuur ah una diray dala Boqortooyada Sacuudiga iyagoo sii mariyay Garoonka Diyaaradaha ee Bole. Markii uu halkaas gaadhay ayay booliska Sacuudigu ogaadeen in fiisihiisu uu ahaa mid been abuur ah, waa la xidhay dabadeedna dib ayaa loogu soo celiyay Itoobiya.

    Lacagtii uu bixiyay way gubatay, shaqadiina wuu waayay, rajadiisiina way burburtay. Dhibaatadii soo gaadhay awgeed wuxuu gaadhay heer uu ka quusto noloshiisa.

    Dillaaliintu waxay si isdaba joog ah ugu qanciyeen oo ay ku yidhaahdeen, "Haddii aad tagto Sacuudiga oo aad shaqeyso, waxaad heli doontaa dakhli badan, waxaadna ka iibsan kartaa guri Itoobiya, sidoo kalena waxaad caawin kartaa qoyskaaga."

    Si loogu diyaariyo rukhsadda shaqada iyo fiisaha ayay ka dalbadeen in uu bixiyo 500,000 oo Birr.

    Qoyskiisu ma haysan lacagtaas, sidaas darteed waxay iibiyeen xoolihii ay lahaayeen si ay lacagta u uruuriyaan una siiyaan. Rajadoodu waxay ahayd in wiilkoodu Sacuudiga tago, mushahar wanaagsan helo, kaddibna uu hagaajiyo nolol-maalmeedka qoyskiisa.

    Wiilkan oo lagu magacaabo Margaa Rabbinaa ayaa sannadkii hore ka qalin-jabiyay cilmiga Xisaabaadka. Isagoo shaqo raadinaya ayuu gacanta u galay dillaaliinta, kuwaas oo u ballanqaaday rajo been ah.

    Mid ka mid ah ehelkiisa oo la yidhaahdo Beekan Baqqalaa ayaa sheegay in dillaaliintu si aysan uga shakin u yiraahdeen, "Waxaan nahay dad sharciyeysan, waxaan haysannaa oggolaansho dowladda," iyagoo xitaa u keenay foom ay sheegeen inuu ka yimid Wasaaradda Shaqada si uu u buuxiyo.

    "Waxaan ka shakinay arrintan, dad ayaanan weydiinnay. Dadku waxay nagu yidhaahdeen waa khiyaano ee iska daaya. Waan kala talinnay in aanu ku lug yeelan, laakiin nama uu dhegaysan," ayuu yidhi Beekan.

  4. Nin hubeysan oo lagu xiray meel u dhow garoonka golf-ka ee Trump ka hor booqashadiisa halkaas

    Garoonka golf-ka ee Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Garoonka golf-ka ee Trump

    “Nin hubeysan oo lagu xiray meel u dhow garoonka golf-ka ee Trump ka hor booqashada madaxweynaha.”

    Mas'uuliyiinta gobolka California ayaa xiray nin lagu arkay agagaarka garoonka golf-ka ee uu leeyahay Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, oo ku yaalla deegaanka Los Angeles, ka hor booqashada madaxweynaha ee halkaas loo lagu qabanayo casho lacag-ururin ah.

    Baarayaasha ayaa sheegay in Jeanine John Taele, oo 38 jir ah, laga helay bastoolad iyo rasaas sharci-darro ah, isagoo ku sugnaa Trump National Golf Course ee Rancho Palos Verdes.

    Sida ay sheegtay Waaxda Sheriff-ka ee Los Angeles, ninkan waxaa lagu arkay isagoo dhex socda garoonka golf-ka, sawirro iyo muuqaallo ka qaadaya, isla markaana u muuqday inuu la socdo qorshayaasha amniga ee goobta.

    Xiritaankiisu wuxuu dhacay galabnimadii Axadda. Madaxweyne Trump ayaa haatan booqasho ku jooga California si uu uga qayb galo casho lacag-ururin ah oo xisbiga Jamhuuriga ku qabanayo garoonka golf-ka maalinta Talaadada.

    War-saxaafadeed ay soo saartay Waaxda Sheriff-ka ayaa lagu sheegay, in Taele la xiray kadib markii saraakiil federaal ah oo dhar-shacab ah ay booliska deegaanka uga warbixiyeen qof ay ka shakiyeen abaare 3:30 galabnimo.

    Markii boolisku ay ninka la kulmeen, waxay ogaadeen in sidoo kale loo raadinayay dacwad la xiriirta dhac uu baarayay Booliska El Segundo, oo qiyaastii 25 kiiloomitir waqooyi ka xiga Rancho Palos Verdes.

    Markii la baaray, waxaa laga helay bakhaar rasaas qaadi kara oo16 xabbo oo ay ku jireen rasaasta hollow-point Gaarigiisa oo yaallay garoonka golf-ka waxaa laga helay bastoolad rasaas ku jirto iyo bakhaar kale oo rasaastaas ah.

    Rasaasta hollow-point waa nooc rasaas ah oo marka ay qof ku dhacdo fida oo balaarta, taasoo keenta dhaawac aad u daran oo gaara xubnaha muhiimka ah ee jirka. Gobolka California, oo leh qaar ka mid ah sharciyada hubka ugu adag ee Maraykanka, wuxuu mamnuucay qaybta rasaasta ee qaadi kara in ka badan 10 xabbo.

    Maalintii Isniinta, ciidamada FBI Joint Terrorism Task Force iyo Waaxda Dambiyada Waaweyn ee Sheriff-ka Los Angeles ayaa baaray guriga Taele ee magaalada Downey.

    Baaritaanku wali wuu socdaa, iyadoo ay gacan ka geysanayaan US Secret Service, waxaana saraakiishu sheegeen in eedeymo dheeraad ah la soo oogi karo.

    Si kastaba ha ahaatee, Waaxda Sheriff-ka waxay sheegtay in ilaa hadda aysan helin wax "halis la hubo" oo ku wajahan bulshada.

  5. CBS: Maraykanku wuxuu isticmaalay ku dhowaad dhammaan kaydkiisii gantaallada riddada dheer ee dagaalka Iiraan

    "Mareykanka hadda si xawaare ah uma weerari karo Iiraan"

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, "Mareykanka hadda si xawaare ah uma weerari karo Iiraan"

    Laba ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay warbaahinta CBS News oo bahwadaag la ah BBC-da ee Maraykanka, in Maraykanku uu ku dhowaaday inuu dhammeeyo ku dhowaad dhammaan kaydkiisii caalamiga ahaa ee gantaallada riddada dheer ee intii lagu jiray dagaalkii uu la galay Iiraan.

    Sida warbixintu sheegtay, Maraykanku wuxuu adeegsaday ku dhowaad dhammaan gantaalladiisa nooca Army Tactical Missile System (ATACMS) iyo Precision Strike Missiles (PrSM) intii lagu jiray hawlgalka Operation Epic Fury.

    Horaantii, Reuters ayaa sidoo kale werisay in Maraykanku uu howlgalkan u adeegsaday “ku dhowaad dhammaan” gantaalladiisa riddada dheer ee sare.

    CBS ayaa hore u sheegtay in kaydka Maraykanka ee gantaallada difaaca hawada iyo gantaallada riddada dheer uu si weyn u yaraaday, arrintaas oo caqabad gudaha ah ku noqotay dowladda.

    Warbixintu waxay intaas ku dartay in Maraykanku uusan sii wadi karin isticmaalka hubkan xawligii lagu dhammeeyay kaydka bilowgii dagaalka Iiraan.

    Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in kaydka gantaalladan uu xaddidan yahay, hase yeeshee walaaca ugu weyn uu yahay tirada gantaallada difaaca ee Patriot iyo THAAD, kuwaas oo lagu isticmaalayo xawaare ka sarreeya awoodda warshadaha difaaca Maraykanka ay ku soo saari karaan.

    Afhayeenka ugu sareeya ee Wasaaradda Difaaca Maraykanka, Sean Parnell, ayaa CBS u sheegay sidatan:

    “Ciidanka Maraykanku waa ciidanka ugu awoodda badan dunida, wuxuuna haystaa wax kasta oo uu ugu baahan yahay inuu fuliyo waajibaadkiisa wakhti kasta iyo goob kasta oo uu madaxweynuhu go’aansado. Waxaan fulinnay hawlgallo badan oo guulaystay, annagoo isla markaana hubinayna in ciidanka Maraykanku haysto awood ku filan oo uu ku difaaco shacabka iyo danaha qaranka.”

    Wasiirka Difaaca Maraykanka, Pete Hegseth, ayaa hore u diiday walaaca laga qabo yaraanshaha kaydka hubka Maraykanka. Wareysi uu siiyay CBS 14-kii Luulyo ayuu ku yiri:

    “Waa war been abuur ah oo ay warbaahintu rabto inay faafiso. Xaqiiqadu waxay tahay in kaydkayagu uu wanaagsan yahay, isla markaana uu sii xoogaysanayo.”

    Warbixintan ayaa soo baxaysa xilli isticmaalka ballaaran ee gantaallada difaaca iyo hubka saxnaanta sare leh ee dagaalladii ugu dambeeyay uu sare u qaaday doodaha ka socda Washington ee ku saabsan awoodda wax-soo-saarka warshadaha difaaca Maraykanka iyo diyaar-garowgiisa haddii uu wajaho dagaal muddo dheer socda.

    Sidoo kale akhriso

  6. Maxaa ka jira inuu khilaaf soo kala dhex galay madaxda Iiraan?

    Madaxweynaha Iiraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Iiraan

    Madaxweynaha Iran, Massoud Pezeshkian, ayaa sheegay inaanu jirin wax khilaaf ama is-afgaranwaa ah oo u dhexeeya isaga iyo hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka, Mojtaba Khamenei, isagoo beeniyay wararka sheegaya in xiriirkoodu xumaaday.

    Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay inuusan wax qorshe ah u haynin inuu iska casilo xilkiisa.

    Pezeshkian ayaa yiri: "Ma iscasilayo, waan adkaysanayaa."

    Waxa uu intaas ku daray in dad qaarkood ay isku dayayaan inay khilaaf ka dhex abuuraan hoggaanka dalka, iyagoo faafinaya warar sheegaya in hoggaamiyaha diimeed ee dalka uu hal arrin ka hadlayo, halka dowladda ay arrin kale sheegayso.

    Tan iyo markii Mojtaba Khamenei uu la wareegay hoggaanka Iran kadib geeridii aabbihii oo ku dhintay dagaal, waxaa jiray warar aan si rasmi ah loo xaqiijin oo sheegayay in Pezeshkian laga yaabo inuu iska casilo xilkiisa.

    Dhanka kale, waxaa weli jira kala aragti duwanaansho u dhexeeya Iran iyo Mareykanka oo ku saabsan arrinta wada-hadallada labada dal.

    Iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sii wado sheegashada in Mareykanku wada-hadal kula jiro Iran, mas'uuliyiinta Tehran ayaa arrintaas beeniyay, iyagoo sheegay in xilligan aysan jirin wax wada-hadal ah oo socda.

    Sidoo kale akhriso

  7. Xiisad hor leh oo ka dhex qaraxday Iiraan iyo Ukraine

    Xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Ukraine oo labaduba caan ku ah awoodda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa sare u kacday, gaar ahaan markii Ukraine ay bartilmaameedsatay markab Iriaan leedahay oo ku sugnaa Badda Caspian.

    Maxsin Rasaayi oo ah la-taliye millitari oo u dhow hoggaamiyaha Iiraan ayaa sheegay in Tehran ay qorsheynaysay in ay weerarto saddex goobood oo ku yaalla Ukraine.

    Tehran sidoo kale waxay ka cadhootay taageerada ay Ukraine siiso dalalka gobolka si ay isaga difaacaan weerarrada drones-ka Iiraan.

    Iiraan waxay ku andacoonaysaa in Ukraine ay sidoo kale ku sugneyd Ciraaq, iyadoo lagu eedeynayo in ay ku lug lahayd falal arbushaad ah.

    Dhanka kale, Kyiv ayaa sannado badan ka cadhaysnayd taageerada millitari ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay siiso Ruushka.

  8. Iiraan iyo Cummaan oo wadahadal wax-ku-ool ah yeeshay

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Ismaaciil Baqaa’i, ayaa sheegay in wadahadallo “wanaagsan” lala yeeshay Cummaan oo ku saabsan arrinta marin-biyoodka Hormuz.

    Bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay in wadaxaajoodyada Iiraan iyo Cummaan ee ku saabsan marin-biyoodka Hormuz ay ahaayeen kuwo wax-ku-ool ah oo dhinacyada farsamada iyo siyaasadda.

    Wuxuu sheegay in wadahadallada u dhexeeya Iiraan iyo Cummaan ee arrintan ku saabsan ay weli socdaan.

    Ismaaciil Baqaa’i wuxuu intaa ku daray in ujeeddada ugu weyn ee wadaxaajoodyadani ay tahay “in la go’aamiyo waddooyin ammaan ah oo ay maraakiibtu dib ugu soo laabtaan.”

  9. Israa'iil iyo Lubnaan oo uu wadahadal uga bilowday Rome

    Lubnaan

    Xigashada Sawirka, National News Agency of Lebanon

    Lubnaan iyo Israa’iil ayaa Salaasadii magaalada Rome ku yeeshay wareeg cusub oo wadahadallo ah oo uu dhexdhexaadinayo Maraykanka, iyadoo Lubnaan ay doonayso in ciidammada Israa’iil si tartiib tartiib ah uga baxaan koonfurta dalka.

    Kolonyooyin siday wafdiyada labada dal ayaa saaka gaadhay safaaradda Maraykanka ee caasimadda Talyaaniga, halkaas oo wadahadalladu ay qorshaysan yihiin inay sii socdaan ilaa Khamiista.

    “Maraykanku wuxuu weli ka go’an yahay in uu si buuxda u taageero labada dawladood iyagoo raacaya hannaan horseedaya amni waara oo labada dal ah, in meesha laga saaro khataraha amni ee Israa’iil, isla markaana dib loo soo celiya awoodda dawladda Lubnaan ee dhammaan gobollada koonfureed,” ayuu afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Tommy Pigott ku qoray barta X.

    Intii lagu jiray wadahadalladii Washington bishii Juun, Israa’iil iyo Lubnaan waxay ku heshiiyeen qaab-dhismeed heshiis oo ay ku jiri doonaan hub ka dhigista Xisbullah, bixitaanka tartiib tartiibka ah ee ciidamada Israa’iil ee koonfurta Lubnaan, iyo in ciidamada Lubnaan la geeyo gobolkaas, iyadoo hannaankaasi uu ka bilaaban doono deegaanno tijaabo ah oo loo yaqaan “pilot zones.”

  10. Soomaaliya iyo Baaksitaan oo kala saxeexday heshiis difaac

    Heshiiska Soomaaliya iyo Pakistan

    Xigashada Sawirka, Wasaaradda Gaashaandhigga

    Waddamda Pakistan iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada difaaca iyo amniga, isla markaana lagu horumarinayo awoodaha millitariga.

    War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiiskan is-afgaradka ah lagu saxiixay magaalada Islamabad, maalintii Talaadada.

    Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Difaaca Pakistan, Khawaja Asif, ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiiskaasi.

  11. Shidaalka adduunyada oo hoos u dhac sameeyay iyo sababta

    Qiimaha shidaalka ayaa maanta sii hoos u dhacay, kaddib markii saraakiil Mareykan ah ay muujiyeen rajo ah in heshiis lala gaadho Iiraan oo lagu furayo marin-biyoodka Hormuz uu “aad u dhow yahay”.

    Qiimaha hal foosto oo shidaalka caydhiin ayaa hoos u dhacay in ka badan 4% maanta, isaga oo ka degay heerka 80 Doollar.

    Toddobaadkii hore, markii ay sii xoogeysatay suurtagalnimada in Mareykanku weeraro kaabayaasha tamarta ee Iiraan, qiimaha shidaalku wuxuu gaadhay in ka badan 93 Doollar halkii foosto.