Yay hoos tagaan ciidamada PSF?

Xigashada Sawirka, Social
Kadib iska hor imaad dabayaaqadii bishii Luulyo dhaxmaray ciidamada Puntland iyo ciidanka PSF, ayaa markaas, BBC du waxay xiriir la sameysay labada dhinac, iyada si ay isugu daydo in ay wax ka ogaato waxa uu salka ku hayo isku dhacaan cusub.
Sarkaal ka tirsan ciidamada PSF, Cabdikhaaliq Awil, ahna xogahaya guud ee ciidankaan ayaa BBC-da uga waramay dagaalkaa.
Mar la weydiiyay cidda ay PSF hoos tagto, Cabdikhaaliq Awil wuxuu sheegay in ciidanka uu hadda ka tirsan yahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dowladda federaalka.
"PSF waa ciidan federaal ah oo hoos taga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed," ayuu u sheegay BBC.
Hadalkan ayaa imanaya iyadoo Puntland ay hore ugu eedeysay dowladda federaalka inay ciidamo ka diiwaangelinayso gobollada Bari, Nugaal iyo Mudug.
BBC ayaa sidoo kale weydiisay sida ay sharci ahaan uga hawlgeli karaan deegaanno ay maamusho Puntland, balse Awil wuxuu ku dooday "in dastuurka federaalka uu dowladda dhexe siinayo mas'uuliyadda ciidamada difaaca, halka dowlad-goboleedyaduna ay leeyihiin ciidamada booliiska".
Markii BBC ay weydiisay in PSF ay ku lug lahayd diiwaangelintaas, Awil wuu beeniyay.
"Shaqadayadu kuma salaysna diiwaangelin ciidan. Waxaan nahay ciidan loo aasaasay la dagaallanka argagixisada, mana wadno qorista ama diiwaangelinta ciidamo," ayuu yiri isaga oo la hadlayay BBC-da.
Sida uu sheegaya Korneel Cabdiwaaxid Maxamuud Xasan oo ahaan jiray madaxii hore ee ciidammada Daraawiishta Puntland, PSF ayaa ka tirsanaan jirtay ciidan horey la isugu oran jiray PIS oo la aasaasay xilligii Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Ciidamadani markii hore waxay isugu jiri jireen milatari iyo sirdoon loogu talagalay la dagaallanka argagaixisada balse markii dambe waa la kala saaray, oo milatariga waxaa ku haray PSF, halka sirdoonkuna uu noqday mid ka baxsan.
"Ujeeddada loo aasaasay wuxuu ahaa la dagaalanka argagixisada maadaama argagixisadu ay wakhtigaasi Sebteembar 2001-dii wixii ka dambeeyay ay argagixisadu soo xoogeysatay, taliskanna muhiim uu u ahaa Geeska Afrika, Mareykankuna ay aad u daneynayeen." ayuu yiri Korneel Cabdiwaaxid oo sharraxaya ujeeddada loo aasaasay ciidamadan.
Wararka manta naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan bariga magaalada ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Puntland iyo ciidamada PSF.
Labada ciidan ayaa isu adeegsanaya hub culus iyadoo inta badan ay ciidamada dowladda ay hub ku garaacayaan xarunta ciidanka ay dagaalamayaan ee PSF.
Halkan ayaan idinkula socodsiin doonaa waxa ka soo kordha.






