Maxaa kugu dhacaya haddii aad qaadato qiyaas xad-dhaaf ah oo paracetamol ah?

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Ardaygu wuxuu la kulmay cillad ku timid xubno dhowr ah oo jirkiisa ka mid ah, waxaana lagu xiray qalabka neefsashada sahla si loo taageero noloshiisa.

Dhacdadu waxay dhacday bishii Maarso 2025, xilligaas oo Riley Lubas, oo 20 jir ahaa, uu ahaa arday sannadkiisii koowaad ee jaamacadda. Waqtigaas ayuu haleelay hargab daran.

Wuxuu qaatay laba dawo oo aan dhakhtar qorin, kuwaas oo labaduba ay ku jireen paracetamol.

Kadib xaaladdiisu aad ayey u sii xumaatay, waxaana lagu xiray qalabka taageera nolosha, iyadoo isbitaalka lagu hayay dhowr toddobaad. Nasiib wanaag, xaaladdiisu si lama filaan ah ayay u soo hagaagtay, waxaana uu mar kale billaabay in uu socdo oo hadlo.

Kulliyadda Boqortooyada ee Dhakhaatiirta Guud ee Wales waxay dadka kula talisaa in ay mar walba si taxaddar leh u akhriyaan calaamadda iyo tilmaamaha ku qoran dawada ka hor inta aysan qaadan. Sidoo kale, waxaa lagu talinayaa in lala tashado dhakhtar guud ka hor inta aan dawo la qaadan.

Riley wuxuu si wanaagsan ugu jirey noloshiisa jaamacadda, balse xilliga gu'ga ayuu ku dhacay hargab, taas oo uu isagu u arkayay arrin caadi ah oo aan ahayn wax weyn.

"Sannadka koowaad, arday badan ayaa inta badan qaada waxa loo yaqaan hargabka ardayda cusub ama hargab caadi ah. Sidaas darteed waxaan qaatay laba dawo."

"Waqtigaas ma aanan ogeyn in paracetamol uu ku jiray labada dawo."

Sida ay sheegtay NHS, qaadashada paracetamol ka badan qiyaasta lagu taliyey waxay sababi kartaa dhaawac halis ah oo soo gaara beerka iyo kelyaha.

Calaamadaha hore ee sumowga paracetamol waxaa ka mid noqon kara lallabbo, matag iyo xanuun caloosha ah.

Dhacdadan waxay muujinaysaa muhiimadda ay leedahay in si taxaddar leh loo hubiyo maaddooyinka ku jira dawooyinka kala duwan, gaar ahaan marka la qaadanayo wax ka badan hal dawo oo isku mar ah.

Laga bilaabo xanuunka caloosha ilaa qalabka neefsashada

Markii caloosha Riley ay bilowday in ay xanuunto, wuxuu go'aansaday inuu gargaar raadsado.

Waxaa lagu sameeyey baaritaan Isbitaalka Royal United Hospital ee Bath ee dalka Ingiriiska, halkaas oo lagu ogaadey in beerkiisu uusan si wanaagsan u shaqaynayn.

Markii waalidkiis, Chris iyo Kate Lubas, ay heleen war ku saabsan xaaladda caafimaad ee wiilkooda, waxay si degdeg ah ugu carareen halka uu joogay. Waxayna kula nool yihiin magaalada Newport ee koonfur-bari Wales.

Chris oo ah agaasime ka shaqeeya shirkad, wuxuu sheegay in markii hore dhakhaatiirtu ay ka shakiyeen in uu qabo cagaarshow.

"Dhowr saacadood kaddib, qiyaastii 1:30 habeenimo, waxaa i soo wacay shaqaalaha qaybta daryeelka bukaannada xaaladdoodu aadka u daran tahay (ICU) ee isbitaalka. Waxay yiraahdeen: 'Waa in aad si degdeg ah u timaaddaan.'"

"Waxa keliya ee ay xilligaas noo sheegi kareen waxay ahayd in ay sameynayeen wax kasta oo ay awoodaan si ay u badbaadiyaan," ayuu yiri.

Waalidiinta Riley waxaa loo sheegay in beerkiisu uu qarka u saaran yahay inuu shaqada gabbo.

Chris wuxuu indhihiisa ku arkayay xaaladda wiilkiisa oo sii xumaanaysa.

Xaaladdiisu waxay gaartay heer aad u daran, wuxuuna billaabay in uu wareero oo uu arko waxyaabo aan dhab ahaan jirin.

"Isla maalintaas, waxaa lagu suuxiyey illaa 6:00 fiidnimo. Waxaa lagu xiray qalabka taageerada nolosha, waxaana lagu sameeyay sifaynta dhiigga (dialysis). Xubno badan oo jirkiisa ka mid ah ayaa joojiyay shaqadii."

"Markaas ayay shaqaalaha isbitaalku markii ugu horreysay noo sheegeen sida ay xaaladdiisu u sii xumaatay," ayuu yiri.

Shaqaalaha isbitaalka ayaa sidoo kale ka walaacsanaa xaaladda dareeraha ku wareegsan maskaxda Riley. Sambabadiisa iyo kelyihiisuna waxay sidoo kale joojiyeen shaqadii.

Chris wuxuu yiri:

"Aad ayaan u argagaxnay. Ma fahmi karin sida ay wax walba sidaas ugu dhakhsaha badan u dhaceen."

Waqtigaas, xaaladda Riley aad ayay u sii xumaatay, waxaana loo wareejiyey King's College Hospital oo ku yaalla London, halkaas oo ay ku taallo qayb ICU ah oo si gaar ah loogu daweeyo bukaannada xaaladdoodu aadka u daran tahay.

Dhakhaatiirtu waxay waalidkiis weydiiyeen inta ay le'eg tahay qiyaasta paracetamol-ka uu qaatay.

Kadib waxay awoodeen in ay ogaadaan labada dawo ee Riley qaatay. Halkaas ayay ku fahmeen waxa dhab ahaan ku dhacay.

Chris wuxuu yiri:

"Ma jirin xal toos ah oo arrintan lagu daaweyn karo. Laakiin ugu yaraan waxaan ogaanay sababta."

Waxa Riley sheegay intii uu soo kabanayey

Hadda Riley si buuxda ayuu uga soo kabtay dhacdadii, wuxuuna ka shaqeeyaa Baar ama goob lagu sharaabo.

Kadib shilkii caafimaad ee ku dhacay wiilkooda, waalidka Riley waxay lug ku mareen masaafo dheer si ay bulshada ugu wacyigeliyaan khatarta ka dhalan karta qaadashada xad-dhaafka ah ee paracetamol-ka.

Socodka oo dhererkiisu ahaa 50 kiiloomitir, kana dhacay dhulka Gower Peninsula, waxaa sidoo kale lacag loogu ururiyay qaybta daryeelka bukaannada xaaladdoodu aadka u daran tahay (ICU) ee King's College Hospital.

"Waa wax naxdin leh in xaaladdu si sidaas u dhakhso badan u sii xumaato," ayuu yiri Riley.

"Hore ayaan u xanuunsanaa. Sidaas darteed markii calooshu i xanuuntay, waxaan u malaynayay inay tahay caabuq caloosha ah."

"Ma aanan garanayn in xanuunkaasi dhab ahaantii la xiriirey beerkeyga."

"Aad ayaan ugu mahadcelinayaa in ugu dambayn aan awoodey in aan soo kabsado oo aan noloshayda dib ugu soo laabto," ayuu yiri.

Waxa khubaRradu ka yiraahdeen paracetamol

Sida ku cad xogtii ugu dambeysay ee Xafiiska Tirakoobka Qaranka (Office for National Statistics), sannadkii 2024 waxaa Wales laga diiwaangeliyay 27 dhimasho oo sababta shahaadooyinka dhimashada lagu xusay paracetamol.

Royal College of General Practitioners (RCGP) waa hay'ad ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta guud.

Dr. Will McIntosh oo ah madaxweynaha RCGP Wales, islamarkaana ah dhakhtar guud, ayaa sheegay in dadka da'da yar ay si kama' ah ugu qaataan paracetamol si xad-dhaaf ah, taas oo ah arrin badanaa aan dhicin.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu intaas ku daray in haddii qofku si kama' ah isku mar u qaato labo dawo oo labaduba ay ku jiraan paracetamol, ay jiri karto khatar.

McIntosh wuxuu sheegay in cadaadiska shaqada iyo waxbarashadu uu gaar ahaan dhalinyarada ku riixo in ay isticmaalaan dawooyin laga iibsan karo farmashiyaha iyada oo aan dhakhtar qorin.

"Gaar ahaan marka ay jiraan cudurrada fayraska, xitaa haddii aysan ahayn kuwo halis ah, waxaa aad muhiim u ah in la helo nasasho ku filan," ayuu yiri.

McIntosh wuxuu sheegay in mararka qaarkood muhiimadda nasashada la iska indho tiro iyadoo qofku doonayo inuu si degdeg ah u soo kabsado.

"Cudurro badan oo noocan ah, jirku wuxuu u baahan yahay in uu nasto oo uu waqti siiyo cudurka. Intaas waxaa dheer, waxaa la qaadan karaa dawooyin aan dhakhtar qorin."

Wuxuu sheegay in farmashiyeyaasha bulshada ay aad uga taxaddaraan iibinta dawooyin tiro badan. Sababtaas awgeed, ayuu yiri, inta badan waxaa jira xad lagu saleeyo tirada paracetamol-ka qofka loo iibin karo.

Waxa kale oo uu sheegay in dhakhaatiirta guud ay hadda si weyn uga warqabaan khataraha ay qaadashada xad-dhaafka ah ee paracetamol-ku u keeni karto bukaannada waayeelka ah.

Wuxuu sheegay in khatartu si gaar ah u sii kordhi karto dadka waayeelka ah ee miisaankoodu hooseeyo.

"Marka xaaladaha noocan ahi dhacaan, calaamaduhu waxay noqon karaan kuwo aad u daran, khatartuna aad ayey u sarreyn kartaa," ayuu yiri.

"Sidaas darteed, waxaan doonaynaa in tirada xaaladaha noocan ahi ay noqoto mid aad u yar," ayuu yiri.

Wuxuu dadka kula taliyay in ay si taxaddar leh u akhriyaan qoraalka iyo tilmaamaha ku qoran dawooyinka ka hor inta aysan qaadan.

Waxyaabaha maskaxda lagu hayo marka la qaadanayo paracetamol

Sida ay sheegtay Hay'adda Caafimaadka Qaranka ee UK (NHS):

Qiyaasta ugu badan ee paracetamol-ka qof weyn qaadan karo waa 8 kaniini oo midkiiba yahay 500 mg muddo 24 saacadood ah.

Dawooyinka magacyada ganacsi leh ayaa sidoo kale laga yaabaa in ay ku jiraan paracetamol, sidaas darteed mar walba si taxaddar leh u akhri qoraalka iyo tilmaamaha ku yaalla baakadka dawada.

Ha isticmaalin paracetamol in ka badan saddex maalmood oo isku xigta adigoon la tashan dhakhtar.

Inta aad qaadanayso paracetamol, ha qaadan dawooyin kale oo iyaguna ay ku jirto paracetamol. Tan waxaa ka mid ah dawooyin badan oo loo isticmaalo daaweynta hargabka iyo ifilada.